Guddiga Dhallinyarada Soomaaliyeed ee
TALAWADAAG BAAQ: BADBAADINTA DHULKA
HOOYO
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
KU: Dhallinyarada Soomaaliyeed
Walaalayaal waxaan rajaynayaa in aad ka wada dheregsan
tihiin xaaladda uu maanta wadankeenu marayo. Waxaad wada ogtihiin dhibaatada
haysata maatada soomaaliyeed ee ku dayacan adduunka daafihiisa haday noqon
lahayd kuwa maalin walba ku dhimana saxaraha woqooyiga Afrika ayagoo u sii
qaxaya Yurub; haday noqon lahayd boqollaalka qoys ee naftu baday inay ka
tuugsadaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Yemen; haday noqon lahayd gabdheheena
ku silicsan xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya ee askarta Keenyaatigu iska
faraxumeeyaan; ama haday noqon lahayd kumanaanka qoys ee ubadkoodii ula soo
cararay wadamada reer galbeedka aanse maanta ubadkoodii gacanta ku hayn. Kuwaas
waxaa ka sii daran oo aad ogtihiin dhibaatada haysata shacbiga soomaaliyeed ee
dalka gudihiisa jooga: amaan la’aanta, daryeel la’aanta, dilka, dhaca, iyo
baadda.
Dhibkaas 13-sano ayuu shacbigeenu kusoo jiray. Saddex
iyo tobankaas sano ee qabqablayaasha dagaalku (warlords) dadka silcinayeen lama
arag cid ka gilgilata dhibka oo ummadda dariiqa saxda ah tusta, taasina waa tan
dhalisay quusashada iyo dulliga maanta ka muuqata umaddeena. Nasiib darradeena
dadkii waxgaradka ahaa waxay noqdeen wax dalka ka qaxay iyo wax albaabkooda
hoosta kasoo xirtay oo indhaha ma xirtay dhibaatada dadka iyo dalka haysata.
Waxaa soo haray dhallinyaradii oo qaarna iska raacay warlords-kii markay nafta
u yaabeen qaarna wadankaba iskaga carareen iyo shacabkii caamada ahaa oo noqday
xoolo xaraysan oo ay ku gorgortamaan warlords-ku. Maadaama cid kale aysan
muuqanba shacabku 13 kaas sano wuxuu sugayey bal in ay qabqablayaashu mar
heshiiyaan oo nabad iyo dawlad ay dhisaan.
Laakiin waxaa cadaatay in rajadii shacabku ka qabeen
qabqablayaasha ay noqotay hal bacaad lagu lisay maxaa yeelay iska daa inay
heshiiyaan oo dawlad dhisaane sanadba sanadka ka danbeeya tirada qabqablayaashu
waa sii badanaysay, way sii kala fogaanayeen, kii dhintana mid ka daran baa
dhaxlayey.
Hadaba Maxaan Samaynaa? Dani ma noogu jirtaa inaanan
waxba samayn ee sideena iska ahaano oo iska sugno “inta dawladi dhalanayso”? Ma
xalbaa in qof walba yiraahdo anigu eheladayda Suuriya ayaan geysanayaa ama
Kenya ayaan keenayaa oo sponsor ayaan u xaraynayaa? Dhibaatadeenu ma ku
dhamaanaysaa inaan anagoo dhami qoxooti noqono? Dalkeenuse dhibka ma ka baxayaa
haddii aanan dhibka wejihin ee aan dhibka ka cararno? Waase yaabe yaan ka
sugaynaa inuu dhibkeena xaliyo oo dawlad noo dhiso?
Hadaba Soomaaliyeey ma dhulkaa dhan oo tegey baan ninna
dhagax u tuureyn.
Anagoo ah WALAALAHA TALAWADAAG waxaan nahay guddi ka
kooban dhallinyaro soomaaliyeed oo isku fikir ah oo ah arday wax ka barata
jaamacadaha dalka maraykanka. Maadaama ay na danqinayso dhibaatada dalkeena iyo
dadkeena haysata aananna arag wax raja ah oo la dhawro ayaan waxaan istusnay
inay qalad tahay in dhibaatada dalka dhegaha laga furaysto oo la ismaahsiiyo.
Waxaan aaminsannahay in loo baahan yahay in qof walba oo soomaali ihi uu u soo
jeesto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada soomaaliya.
Anagu hadaan nahay dhallinyarada ku jirta guddiga kadib
baaritaan iyo daraasaad badan oo aan ku samaynay xaaladda soomaaliya waxaa
noosoo baxday sababaha dhibaatada dheeraatay inay yihiin:
soomaalida oo cid khalad ah xilsaaratay oo wax ka
sugaysay 13-kii sano ee lasoo dhaafay.
Nimankii dalka burburiyey dhulkii iyo baddiina iibsaday, dadkiina waxay
laayaan iyo waxay aag xaraystaan oo ku gorgortamaan ka dhigay ayaan sugaynay
inay dawlad noo dhisaan oo nabad noo keenaan. Taasi ma waanay la mid ahayn
ari dhurwaa ama waraabe ka cararay oo layiri waraabihii ayaa arigii loo
dirayaa oo isagaa keenaya!
Dadka ay ahayd inay ummadda xal u raadiyaan oo ka
seexday arrinta oon xilkoodii kasoo bixin.
13-kii sano cidina iskuma dayin inay dalka badbaadiso marka laga reebo
ruwaayado ay dhawrkii sanoba mar dhigayeen qabqablayaashu. Tani kalsooni
dheeraad ah ayay siisay qabqablayaasha.
Shacabka oo uu ku dhacay jahwareer iyo quusasho.
Shacabka miskiinka ah waxaa magacooda ku hadla warlords-ka, cid kale oo
dhibaatadooda ka hadasha ama warlords-ka kaga hiilisa marna may arag.
Gacan shisheeye oo meesha ku jirta.
Itoobiya fursad aanay weligeed helin ayay heshay si fiican ayayna uga
faa’iidaysatay. Qabqablayaasha sarkhaamiinta ah ee soomaaliya waxay Itoobiya
u noqdeen aalad ay ku maamusho soomaaliya. Waxaan wada ognahay in aysan
qabqablayaashu wax siyaasad ah oo ay iyagu leeyihiin aysan jirin. Waxay
kaliya oo u baahan yihiin hub ay isbaarooyinkooda ku ilaashadaan iyo qaad ay
siiyaan kuwa u shaqeeya, labadabana waxaa siiya Itoobiya oo kor ka maamusha.
Hadaba waxaan ugu baaqaynaa shacbiga soomaaliyeed in
dib loogu noqdo arrinta dib u noolaynta.soomaaliya maadaama aan cidina inoo
maqnayn ceelna inoo qodnayn. Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyarada inay qaadaan
masuuliyadda badbaadada dalka una diyaar garoobaan halgan dib loogu soo celiyo
qaranimadii soomaaliya. Maadaama ay bahal noqdeen qabqablayaasha dagaalku,
Itoobiyana ay ka go’an tahay in aan soomaaliya weligeed nabadi ka dhicin waxaa
lagama maarmaan ah in halgan adag oo naf iyo maalba loo huro la galo si dalka
loo badbaadiyo.
Waqtigan aan joogno waxaa dalka Kenya ka socda shir
wadamada deriska ah(IGAD) u qabteen qabqabyaasha soomaaliyeed. Anagoo jeclaan
lahayn in ay wuxuun ka soo baxaan shirkaas hadana astaamaha ka muuqda waxaad
moodaa in uusan ka gedisnayn shirarkii ka horeeyey. Haddii ay shirka wax kasoo
bixi waayaan waxaan ugu baaqaynaa dhallinyarada soomaaliyeed in la sameeyo
hogaan siyaasadeed oo midaysan oo shacbiga abaabula una halgama sidii dalka
loosoo celin lahaa. Annagu haddaan nahay guddiga Dhallinyarada Talawadaag
waxaan sii wadi doonnaa baaritankayaga iyo daraasaadkayaga sidii loo dhisi
lahaa urur siyaasad saliim ah leh oo awood u yeelan kara inuu dalka badbaadiyo.
Haddii ay wax ku heshiin waayaan hogaaamiyayaasha Nairobi ku shiraya waxaan
qorsheyneynaa inaan shirweyne u qabano dhallinyarada soomaaliyeed sidii ururka
dhidibada loogu aasi lahaa.
Aad baan u qadarinaynaa figradaha dadweynaha gaar
ahaanna figradaha dhallinyarada soomaaliyeed. Wixii talo, tusaale, ama aragti
ah fadlan nagala soo xiriir:
Guddiga2003@yahoo.com
.
Wabillaahi Towfiiq
C/Raxmaan Garad- Gudoomiye ku xigeenka Guddiga
QORAALADII HORE EE DR. SACIID
-dhammad-
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003
Afeef: Sawirada madaxweynayaasha waa sawiro
hore.
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|