Hordhac
Sida inta badan sommalida ku nool wadanka Sweden ay
ogsoon yihiin, waxaa 14-ka bisha september ee sanadkan 2003-da loo coddeyn
doonaa in lacagta kroonka ee wadankan laga isticmaalo lagu bedelo lacagta EURO.
Lacagtaas oo laga isticmaalo inta badan wadamada midowga yurub kolkii laga
reebo Sweden, Danmark iyo Ingiriiska. Haddaba codbixintaas waxaa looga arkaa
guud ahaan wadanka Sweden mid aad muhiim u ah. Dadka ku dhaqan wadankana waxay
u kala qaybsameen laba qaybood, oo kala ah kuwo doonaya in lacagtaas EURO-da la
qaato iyo kuwo doonaya in kroonka la sii haysto. Qolo welibana waxaa ay
cuskanayaan qoddobo iyo xaqiiqooyin taageerayo mowqifkooda. Haddaba maadaama ay
saameyn ku yeelan doonto arintaasi cid walba oo Sweden ku nool waxaan door
bidey inaan maqaalkan kaga faaloodo qodobadda ugu muhiimsan ee ay labada dhinac
isku hayaan.
Waxaan kaloo jeclahay inaan xuso in laga yaabo fahamka
qadobada aan ka hadli doono qaarkood iney ku adkaato qofkii aan cilmiga
dhaqaalaha aad u aqoon. Waxaanse isku dayayaa inaan sida ugu sahlan u sharaxo
si dadku ay u wada fahmaan.
Maxaa laysku mari la`yahay?
Guud ahaan kolkii laga doodayo dhibta iyo dheefta ay
keeni karto ku biirista lacagta Euro-ga, waxaa ay dooda badankeedu ku saleysan
tahay laba dhinac. Kuwaasoo kala ah dhinaca siyaasada ( political
argumentations) iyo dhinaca dhaqaalaha ( Economical argumentations).
Kolkii laga hadlaayo dhinaca siyaasada, labada
qayboodba ( waa kuwa diidan lacagta euro-da iyo kuwa kaleba è ) waa isku
raacsan yihiin in ay faaìido badan leedahay in yurub laga mid ahaado, lagana
qaybqaato dhisitaanka mustaqbalka yurub. Balse meesha laysku mari la`yahay waa
dhinaca dhaqaalaha. Suàasha maalin walba taagan waxaa weeye: Lacagta Euro-da oo
laga dhigo lacagta wadanka laga isticmaalo ma keeni kartaa faaìdo dhaqaale?
Arintaasi waxaa ay ka dhex dhalisay doodo aad u kulul
dhamaan xisbiyada wadanka iyo dadweynaha caadiga ahba. Qodobkaas dooda
dhaqaalaha ayey faaladu u badnaan doontaa.
Doorka Bangiga dhexe ee Sweden
Qodobka ugu weyn ee ay cuskadaan, dadka aadka u diidan
in lagu biiro wadamada isticmaala lacagta Euro-da, waxaa weeyaan kaalinta uu
yeelan doono bangiga dhexe ee Sweden. Bangigaas oo maanta ah mid u madaxbanan
inuu dhaqdhaqaaqa lacagaha si xor ah uga qayb qaadto. Taas oo macnaheedu yahay
inuu caddadka lacagta wadanka ku dhex jirta marna kordhin karo marna dhimi karo.
Dadka diidan lacagta Euro-da waxaa ay leeyihiin:
Hadii aan ku biiro lacagta Euroda awood ma lahaan doono
bangiga dhexe ee Sweden. Taasoo dhalineysa in doorkii uu bangiga dhexe ka
qaadan jirey ilaalinta iyo korjoogiska dhaqaalaha ay dhunto. Maxaa yeelay waxaa
howshaas la wareegi doonaa bangiga dhexe ee yurub, kaasoo masuul ka noqon doona
la socoshada dhaqdhaqaaqa lacagta Euro-da.
Sida uu bangiga dhexe ee Sweden uga qayb qaato hawsha
dhaqaalaha
Sida aan kor ku xusnayba howsha ugu weyn ee bangiga
dhexe qabtaa waxaa weeye isagoo aad ula socda wareega lacagta wadanka iyo kuwa
qalaadba. Waxaa uu masuul ka yahay waxa ay dhaqaale yahanadu ugu yeeraan:(
Monetary policy) ama siyaasada ku wajahan wareeega lacagaha. Bangigu wuxuu
eegaa oo dersaa hadba sida xaalada dhaqaale ee wadanku yahay,taas ayaana
saldhig u ah hadba goàankii uu gaari lahaa.
Tusaale ahaan haddii lagu jiro dhaqaale xumo ama hoos u
dhac dhaqaale, wuxuu bangigu ka shaqeeyaa sidii uu dhaqaaluhu mar labaad kor
ugu soo kici lahaa. Waxaana jira xirfado kala duwan oo uu adeegsado.
Xirfadahaas waxaa ka mid ah inuu dhimo lacagaha dulsaarka ah ee la saaro kolkii
lacag la deynsanayo. Taasi waxay dhalisaa in bangiyada yar-yar , shirkadaha iyo
dadweynuhuba ay bilaabaan iney deynsadaan lacag, maadaama dulsaarkii la dhimay.
Lacagahaas la deysadey waxay gelayaan wareega dhaqaalaha, taasoo mustaqbalka
keeneysa in dhaqaaluhu fiicnaado. Maxaa yeelay shirkadii lacagihii ay
deynsadeen waxay ku sameynayaan maal gelin, waxay qorayaan shaqaale cusub,
kuwaasoo iyana bixin doona canshuur. Lacagtii u soo harteyna waxay ku
isticmaali doonaan howl maalmeedkooda kale.Dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee caynkaas ah
wuxuu kordhin karaa waxsoosaarka guud ee wadanka. Taasi waxa ay ahayd doorka
bangiga kolkii dhaqaaluhu xun yahay. Haddaba kolkii dhaqaaluhu fiican yahayna
wuxuu bangigu sameeyaa cagsiga arinta aan kor kaga soo hadalay, si uu u xanibo
in uu sicir barar yimaado. Xaalada dhaqaaale kolka ay fiican tahay oo laga baqo
in sicir barar dhaco waxa uu bangigu kordhiyaa lacagta dulsaarka ah si
dhaqdhaqaaqa dhaqaaluhu u yaraado.
Haddaba qodobkan kaalinta bangiga dhexe ee dhumeysa
hadii Sweden ay ku biirto lacagta Euro-da waa mid xaqiiq ah. Maxaa yeelay
siyaasada xaga lacagaha waxaa la wareegi doona bangiga dhexe ee yurub. Bangiga
yurubna ma eegi doono sida dhaqaalaha wadan kastaa yahay balse wuxuu fiirin
doonaa celceliska dhaqaalaha wadamada ku bahoobey lacagtan Euro-da. Si kastaba
ha ahaatee ,kolkii labada dhinac ee arintan ku biirista lacagta Eugo-da dood
laysku wajahey, waa ay qirteen qolooyinka u ololeeya qaadashada lacagta Euro-da
in kaalintii bangiga dhexe uu lahaa ay meesha ka baxayso. Balse waxaa ay ku
doodeen in doorkii bangiga dhexe ee xaga dhaqaalaha ay buuxin doonto Dowlada
iyo barlamaanku. Waxana la adeegsan doonaa aalada kale ee la yiraahdo: ( fiscal
policy) ama siyaasada cashuuraha iyo waxii la hal maala. Sida ay arintaasi u
shaqeyso waxaan kaga hadli doonaa qaybta labaad ee maqaalkan, hadii alaha
awdooda lihi uu raali ka noqdo.
Qoraalkii
hore ee C/Risaaq Maxamed....GUJI
Mahadsanidin
C/risaaq Maxamed Xuseen
University of Gävle -Sweden
habdirisak@hotmail.com