SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY
Wiil Soomaaliyeed oo Caan Ka ah Norway

WQ.  Mahad Turbashaash.

KAAH

Libaan Abdulqadir waxa uu ku dhashay magaalada Mugadisho 1970kii.

Waxaanu uu ku soo barbaaaray magaaladaas.

Libaan Abdulqadir waa wiil dhalinyara ah oo aad u xiiseeya nooc kasta o sport- ah.

Liiban Abdulqadir waa wiil aad caan uga ah wadamada Skandnevianka gaar ahaan wadanka Norway.

Aqristoow lama yaabin Sportiga uu ciyaaro Liibaan ee waxaan layaabay nooca uu ciyaaro ama uu xiiseeyo.

Waxa laga yaabaa in dadka qaar marka ay aqristaan ama ay daawadaan ayanan rumaysan wiilkaas dhalinyarada ah nooca sportiga ee uu ciyaaro.

Waxa jirtay in baryahanba uu Tv Norway laga daawaday isaga oo ciyaaraya cayaaraha barafka lagu ordo, ama koraya buuraha ugu dhaadheer ee ku yaala dalka Norway.

Aqristoow, waxaan hadaba dhawaan waraysi ugu tagay Libaan si uu noogu sharxo waxa ku kalifay cayaarahaas barafka iyo meesha uu hiigsanayo mustaqbalkiisa cayaarahaas.(Waraysigina sidan ayuu u dhacay)

Turbashaash:Saxiib Liban bal noo yara taabo taariikhdaadii hore?

Libaan: Mahadsanid Mahad, Waxbarashadaydii waxaan ku soo qaatay dugsiga sare ee xisaabaadka iyo ganacsiga(Mugadisho 1989)

Turbashaash: Noocyada sportiga eed hore u jeclayd maxaa ka mid ahaa?

Libaan: waxaan aad u xiisayn jiray orodada iyo kubada cagta, gaar ahaan orodada dhaadheer oo mar walba aan saxiibaday ka dheerayn jiray, anigoo sii nastayna ay iman jireen garoonkii.

Turbashaash:Maxaa kugu kalifay cayaarahan barafka?


Libaan Abdulqadir

Libaan: Runtii cayaraha barafka lagu ciyaaro waa cayaaro aad u xiisa badan, oo waxay ka adag yihiin cayaaraha kale , maxaa yeelay qaboow aad u adag ayaad ku dhex ordaysaa, waxaan kaloo ku hamin jiray bal in aan mar uun aduunka cidhifkiis waqooyi ilaa koonfur ku soo wareego, taa ayaa igu kaliftay in aan barto cayaaraha la ciyaaro waqtiga qaboobaha.

Turbashaash? Sideey dadka Somaliyeed ee Norway dagani kuu arkaan?

Libaan: Runii markii hore aad ayay iila yaabanaayeen, oo waxay igu xaman jireen , bal kani muxuu iska cadibayaa, waxay isiin jireen talooyin yar yar oo niyad jab ah, sida meel gaarimaysida maad iska joogtid, ma in aad is jajabisaad doonaysaa i.w.m.

Aduunkan wax adag ma jiro, qofkii dadaalaa wax walba wuu ka bixi karaa, meel walbana wuu gaari karaa.

Tyrbashaash: Maxaad jeceshahay mustaqbalka in aan samayso?

Libaan: Insha-alla, waxaan jecelahay in aan ka qayb galo winter-olmpic gameka 2006ka ee lagu qabanayo dalka Italia. Waxaan kaloo jeclahay in aan koro buurta ugu dheer Africa, in aan noqdo ninkii ugu horeeyay ee African ah ee lug ku taga koonfur ilaa waqooyiga dunida, waxaan kaloo jecelahay in aan taariikhda dunida meel fiican ka gaara aniga oo masalaya dhamaan dadka afsomaliga ku hadla. Waxaan kaloo jecelahay in aan tusaale fiican u noqdo dhalinyarada Somaliyeed ee dagan qurbaha.

Turbashaash: Yaad jeceshahay in aad lakulanto gaar ahaan dadka caanka ah?

Libaan: waxaan aad u xiiseeyaa dadka waxa wanaagsan sameeya ee dunidan magaca kuleh, waxaan jecelahay in aan mar uun la kulmo, Mr Mohamed.A.Clay, Mandeela, Gru Harleim, Moamar Qadafi,Dahir Riyale Kahin, iyo dhamaan inta nabada jecel gaar ahan kuwa isku daya meesha ay ka taliyaan in ay nabadi ku hareersato.

Turbashaash: Ilaa hada halkee meelood ayaad soo martay?

Libaan: waxaan markii hore soo maray school trenning ah oo lagu dhigto dhamaan waxyaalaha barafka quseeya haday noqon lahayd xag caafimaad iyo jirkaba, waxaanan schoolkaa ku jira sanad, markii aan dhameeyayna waxaan socdaal lug ah ku tagay dalka Ruushka, Finland, Sweden iyo waqooyiga Norway(Svalbard) Waxaanu seexan jirnay barafka dhexdiisa iyada oo u qaboogu marayo -40, halkaas oon habeeno farabadan ku dhaxnay.

Turbashaash: maxaad kaloo ku daraysaa hadaladaada?

Libaan: waad mahadsantahay Mahad, Waxaan ku darayaa, waxaan manta ku faraxsanahay in ay Somailida ku nool dalka Norway ay garwaaqsadeen daalkayga kuna faraxsan yihiin guushaash.

Waxaan farayaa dhalinyarada Somaliyeed marnaba ha is dhigan oo ha oran ma qaban kartid- waxaas, ogow wax walba waad qaban kartaa dadaal uun baa kaa xiga.

Waxaan kaloo jecelahay in aan mustaqbalka soo maro dhamaan wadamada afsomaliga ku hadla sida, Somaliya haday nabadi ka dhacdo Somaliland, Jabuut,Itopia,Kenya,Ugandha iyo South-Afri

Turbashaash:Mahadsanid Libaan.

Libaan: Adaamudan saxiib Mahad.

By Mahad Turbashaash.

Email turbashaash@hotmail.com 

Liban- email libanabdi115@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 1, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD