C/risaaq &Cabdi Samater...Dhaxal-doon miyaa?
Miicaad M. |
marasheeg@hotmail.com
Dhowaan waxaa iska soo daba-dhacaya maqaalo,
baroor-diiq, iyo qaylo-dhaan ay qoreen C/risaaq X. Xuseen (ahaan jiray Safiirka
UN/USA ee taliskii macangaga ahaa M. Siyaad Barre, ka horna mar noqday Wasiirka
1aad ee dawladdii dimoqraadiga ahayd ee Aadan Cadde) iyo Cabdi Ismaaciil
Samater oo ah Bare jaamacadeed, ee USA.
Waxaa isweydiin mudan maxay tahay nuxurka
qoraaladooda iyo qaylo-dhaankooda aan ka ahayn Ethiopia ayaa qaybsanaysa
waddanka...Waxay kaloo kusoo celceliyeen inaan shirka loo dhamayn oo ay ka
maqanyihiin Isimada (traditional leaders), 'kuwaas oo ah kuwa matala
shacabka soomaaliyeed'...Waxaa la yaab ah maanta in qof waxkala garanaya uu
bannaanka lasoo istaago, dad dhalasho u helay jago (dhaxal) baa shacab matala?
Taas hadday run tahay soo sidoo kale ma ahan ayaduna run in soomalidu kala
mudantahay jagooyinka ileyn magacyadu waa kala mudanyihiin e?
Malaha Safiirkii hore ee Xukuumadii Siyaad
Barre iyo macallinka ku raagay qurbaha waxaa isaga khaldan maamulka casriga ah
iyo midka ay aflaanta ka daawadeen ee Shaka Zulu, wakhtigay garaadsadeena
malaha dhulkooda sidaas ayaa looga talin jiray!...
Ka sokow labada qore ciilka ay u qabaan inay
mar uun wax noqdaan, waxaad moodaa inay la jecelyihiin waddanka burbur, iyo soo
kabasho la'aan, sababtoo ah qoraaladooda waxaad ka dhadhansanaysaa nacayb fog,
iyo colaad joogta ah....
Cabdi Ismaciil xitaa wuxuu quuri waayey inuu
yiraahdo xoogaa iftiin ah ayaa ka jira W/Galbeed, asagoo caddaynaya inuu kasoo
horjeedo gooni-goosiga 'Somaliland'...
Waxaa aad u soo baxay labadan nin waxa ay
yihiin iyo jabka ay la maaganaan lahaayeen soomaaliya, horey waan u aragnay
midwalba nacaybkiisa, xumayntiisa, iyo xad-gudubka ay u geysteen ummadda
soomaaliyeed.
Cabdi Ismaaciil Samater wuxuu ahaa kii ku
cambaareeyey soomaalida inay Al-Itaxaad u diraan lacag USA oo aan aqoon waxa ay
yihiin Al-Itaxaad, wuxuu kaloo ahaa shaqsiga sida tooska u weeraray Xawilaada
lacagaha dadka dhibaataysan loo diro, qoraaladiisa oo dhan wuxuu kusoo daabacay
Star-tribune ka Minneapolis...
Ma is-oran kartaa shaqsigaas baa jecel
soomaali, jecel nabadeeda, jecel horumarkeeda?
C/risaaq X. Xuseen asaga waan ognahay
xumaatadiisa heerka ay gaarsiisantahay, laga soo bilaabo dadka ku dhashay
deegaanka Ethiopia haysato oo u diido dhalashada, Qaraxii Captain Saadiq,
dilkii Cabdirashiid, bixintii dhulka Kenya haysato, iyo burburintii xukunkii
dimoqraadiga, asagoo Taliskii macangaga ahaa u noqday Safiirka u qabta howlaha
ugu muhiimsan...
Labadan nin waxa kaliya ee ay ka simanyihiin
waa xaasidnimo fog, ma garankarno waxa gaarsiiyey heerkaas, waan la
soconaa dhibaatooyinka shaqsiyan usoo gaaray laakiinse qofwalba oo soomaali ah
dhibaato waa gaartay...
Odey dhaxal jago ku helay, inuusan cid matalin
waan wada ognahay ee uu yaqaan kaliya cidda jeebkiisa buuxisa, mise waxaa
istiraahdeen soomaalida Gaalo ayaa go'aan u gaaraysee ka dhaadhiciya arimahaas?
Soomaaliya jago lagu helo dhaxal way ka
dhamaatay, horumarka ummadduna wuxuu ku dhisanyahay inay qadariyaan kartida
shaqsiga iyo awooda, koley waxaan isleeyahay qabriyadiina waxaad ka gadateen MN
ee fadlan ummadda ha wareerinina!
Miicaad M. |
marasheeg@hotmail.com
QORAALADII HORE EE MEECAAD M.
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|