SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 Qoys Reer Ciraaq ah oo Wiil ay Dhaleen ugu Magac daray "George Bush"

Magaca buuxa ee wiilka loo bixiyey waa: George Bush Abdul Kader Faris Abed El-Hussein


Lix Bilood Jir Reer Ciraaq ah oo Aabihiis iyo Hooyadiis ay ugu magac dareen Madaxweynaha Maraykanka.

Wararka ugu badan ee Jaraa'idka iyo TV-yada Caalamku ay ka hadlayeen ila xalay waxaa ugu weyna qoys reer Ciraaq ah oo wiil u dhashay lix toddobaad ka hor ugu magac dareen madaxweynaha Maraykanka George Bush.

Aabaha iyo hooyada wiilkaas ayaa sheegay in ay wiilkooda ugu magac dareen George Bush maadaama uu ka xoreeyey Saddaam, waa sida ay warka u yiraahdeene. Waxayna shegeen haddii ay laba wiil oo mataano ah dhali lahaayeen in ay u bixin lahaayeen George Bush & Tony Blair.

Wiilkan yar Aabihiis waxaa la yiraahdaa Abdul Kader Faris, waana  41-jir, hooyadiisna magaceedu waa Nadia Jergis Mohammed, oo ah 34-jir.

Wiilkan yar waxa uu Baqdaad ku dhashay July 11, 2003, Magaca loo bixiyey oo buuxa waa George Bush Abdul Kader Faris Abed El-Hussein. Markii uu dhashay waxaa miisaankiisu wuxuu ahaa 3.5 kilograms.

Wiilkaas labada walaalihiis ah ee ka weyn waxaa magacooda la yiraahdaa  Omar  iyo Ali, kuwaas oo warbaahintu ku tilmaantay magacyo dhaqameed.

Tarjuamdii: SomaliTalk.com | Aug 29, 2003 

 Halkan ka akhri: BABY BUSH IN BAGHDAD

Sawirka: FoxTV

Sharci Cusub oo Lagu Soo Rogey Canada Passport
"Lama Ogola Dhoola Cadaynta", waase la ogol yahay Khimaarka.. Guji..

MA OGTAHAY IN WARARKA SOOMAALIDA EE INGIRIISKA KU QORAY AAD MARKASTA KA HELI KARTIDID MEESHA AY BOGGA HORE SOMALITALK KAGA QORAN TAHAY: LATEST NEWS FROM SOMALIA .


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD