Shalay oo taariikh-du ahayd August 26, waxaa ku soo baxay
safxada hore ee Somalitalk warqad uu qorey nin magaciisa ku sheegey
Ismail A.
Hassan (Khaliil) warqadaan oo sida uu sheegtey uu kaga jawaabayo qoraal aan
anigu diyaariyey oo cinwaankiisu ahaa Maxaad Ku Garan Kartaa Doqonka?.
Hadaba halku-dhaga soomaaliyeed ayaa oranayey gar nimaan
aqooni indhuhuu ka ridaa qofku hadduu galo faalleeyo wax uusan aqoon u lahayn
waa wasakhaynayaa ninkaani asagoo aan aqoon u lahayn uu ugu kuurgali karo waxa
aan ka hadlayey ayuu xukun dusha ka saarey.
Hadalkiisa meesha ugu dambeysa wuxuu ku yiri qofku hadduusan
waxa uu qorayo aqoon u lahayn waa inuu baaritaan sameeyaa haddii kale arrinta
waa ku galgalanayaa.
Waa sax hadalkaani laakiin waxaa lamida hadduusan aqoon u
lahayn inuusan kajawaabin dabagal ku samayn qoraallada ay qoreen dadka waxa ay
sheegayaan aqoonta u leh, ereyadaan uu hadalkiisa ku gunaanadey qoraagu isagaa
dhafoorka iskaga dhuftey taasina waxay kaaga caddaan toontaa jawaabtaan soo
socota oo ku habboon inay qofkaan oo kale xadkiisa ku joojiso.
Intaanan jawaabteyda bilaabin waxaan qoraaga waydiinayaa
su’aalahaan halka maqaal ah oo aad hore ugu qortey Somalitalk.com oo wata
cinwaankaan GUULDARADA DAWLADDA KMG AH IYO DOORKII C/QAASIM wuxuu ahaa dhambaal
ah nooca loo yaqaan fadhi ku dirir oo aad gacmahaaga ku dhooqaysey siyaasadda
soomalida maanta ee ceeryoon adigoo waliba garab kaga soo horjeeda marka maxaa
ku galiyey arrimaha diinta iyo qoraalada ka hadlaya cilmiga barashada insaanka?.
Tankale adigoo qoraalkaaga ku yiri sidan “INKASTOONAN AHAYN
DHAQTAR CABEECADAHA BAI’AADANKA, (bani aadanka) HAB DHAQANKOODA IYO HEERKA
GARAADKOODA WAX KA BARTEY” oo aad isku caddeysey inaadan aqoon u lahayn
cilmigaan maxaa hadana lugta kuu galiyey? Miyaadan ogayn qoraalkaaga marka la
qaymeeyo (falsify test) inuu soo baxayo nooca loo yaqaan mutanaaqid
iska-horjeede (contradictory)?. Waxaa la yiri xan ninkaan ka dhawrsan
hadalkiisa hore kiisa dambuu beeniyaa.
Marka aad sheegtey in akhyaar badan oo qoraalladooda
internet-ka lagu faafiyo inaysan macno ku fadhiyin ama u qalmin in waqti lagu
lumiyo haddey taasi jirto maxaad kaga saari kartaa qoraalkaaga fadhi-ku dirirka
ah (Argumentative) ee aad kagasoo horjeedo garabada qabiilka mid kamida? Mise
arrintu waa halkii laga yiri seef khaa’in gacantiis gashaa hadba dhanbey wax u
goysaa.
Haddaan marka usoo jeesado jawaabta qoraalkaaga waxaan
khaladaadkaaga kusoo koobayaa labo arrimood.
Tan koowaad inaad igu eedeysey inaan fara-gashadey abuurista
alle.
Tan labaad inaad fahmi waydey nooca qaraalkeygu ahaa oo
markaa aad dusha kaga dhacdey naafada (mental and physical disables).
Arrinta koowaad wuxuu qoraagu yiri qof kastoo wax garad ahi
waxa uu dareemi karayaa in qoraalka ninkaasi uu gef wayn ku yahay abuurista
eebbe.
Hadaba halkaan qoraaga waxaa ka keeney wuxuusan wali kala
baran farqiga u dhexeeya macluumaad bixin iyo xukun saarid.
Macluumaad bixin waxaa laga wadaa in laga warbixiyo xaqiiqada
shayga laga hadlayo iyo jaangooyadiisa oo la caddeeyo laftiisa iyo ludiisaba.
Xukun saarid waxaa laga wadaa in shaygaas xukun lakor saaro
sida in la ammaano ama in la caayo sida in khayr lagu tilmaamo ama shar lagu
tilmaamo sida in xumaan lagu sheego ama wanaag lagu sheego.
Qaacidada islaamiga ah ee wayn waxay oraneysaa (al xukmu cala
shay farcun can tasawurihi) xukunka shayga la kor saaraa wuxuu ka dhashaa
baarista macluumaadkiisa, marka waa labo kala duwan macluumaad bixin iyo xukun
saarid.
Macluumaad bixinta diinta alle nagama xaaraan-tinimayn in
uunka alle laga sheekeeyo sifooyinkooda muuqaaladooda ama dhibkooda iyo
dheeftooda sidoo kale in macluumaadkaas laga faa’iideyso lagana fahmo qudrada
iyo awooda allaha abuurey.
Macluumaadkaan iyo fiirfiirintooda diinta alle aad ayey noogu
dhiiri galisey hadaba qoraaga waxaan leeyahay haddaad wali taas iska moog tahay
fiiri aayadahaan soo socda.
Suurat yuunus aayada (100-101) waxaa allah nabigiisa amrayaa
“Waxaad ku dhahdaa (kuwa ku beeninaya) fiiriya waxa ku dhexjira samaawaadka iyo
dhulka(aragti fakar xambaarsan) maxayse katarayaan mucjisaadka iyo digniinuhu
duul aan rumaynayn.
Suuratun-naxli aayada (47-48) Allah wuxuu yiri “miyeysan
fiirinayn (dadku) waxa allah abuurey oo shay ah (dhamaantood)
Suuratul-acraaf aayada (184-185) allah waxa uu yiri “miyeysan
fiirinayn mulkiyadaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa allah abuurey oo shay ah (makhluuqoo
dhan).
Waxaad halkaan ka ogaatey in quraanku nagu dhiiri galinayo
inaan shay walba oo abuurka alle kamida fiirino oo ka cibro qaadano makhluuqa
alle oo badiica ah dhamaantiis si aan soo kala reebid lahayn, dhamaan uunka oo
dhamina waa u qalmaa in aayadahaan daliilkooda lamarsiiyo quraanka sidaan oo
kale u hadlayaana aad ayuu u badan yahay.
Waxaan ku leeyahay doqomadu waxay kamid yihiin abuurka alle
ee badiica ah sida sharka iyo khayr-kuba uga mid yihiin adiga iyo cidkasta oo
kalena kama saari karto.
Sidaa darteed waxaa nalaga doonayaan inaan fiirfiirino
abuurista alle ee ku saabsan doqomada.
Nabiga alle salatullahi wasalaamuhu calayhi wuxuu yiri “ku
fakara makhluuqa alle oo haku fakarina allah daatadiisa (tafakaruu fii
makhluuqaati laahi walaa tafakaruu fillaahi).
Xadiith-kaan waxaa soo saarey imaamul xaakim iyo culumo kale
oo badan albaani wuxuu ku saxiixiyey kitaabkiisa caanka ee silsiladda saxiixa
loo yaqaan iyo saxiixul jaamic as-saqiir.
Waxaan ka faa’iidaysanaynaa macnihiii aadayaha oo kale.
Arrina labaad oo xukun saarista ah qoraalkeyga haba yaraatee
kuma aanan sheegin, in qoraalkaygu ahaa macluumaad bixinna waxaad ka ogaatey
afeefteyda markaan iri “tan koowaad qoraalkaan kaliya waa kawaramid tilmaamahan
sida loo arkey” hadaba xaggee ku jirtaa meesha aan xukunka ku saarey doqomada?
Miyaadan noqonnayn dadka marka ladhoho waxaani waa cad yihiin
mooda in layiri waa madow yihiin? Oo hadalku labo shubka ugu dhoco.
Haddaan xukun kor saari lahaa garbaad u lahaan lahayd inaad
tiraahdo abuurista alle ayuu fara gashanayaa.
Xujada kale oo aan ku hordhigayo oo aadan wali ogaanin waxa
ay tahay miyaadan ogayn astaamahaan aan anigu soo qorey oo ku saabsan doqomada
inay yihiin waxaan kasoo qaatey kitaabaha qaarka mida culumada islaamka kuwa
ugu waawayn?
Haddaad taas iska moog tahay akhri kitaabahaan soo socda.
1- Akhbaarul xumqaa wal mactuuhiin (wararka doqomada iyo
dadka dhiman) kitaabkaan waxaa ku yaal dhamaan astaamihii aan sheegay kuligood,
kuligood waxaan kasoo qaatey kitaabkaas waxaa iska leh imaamka wayn oo loo
yaqaan Al-imaam ibnul jowzi.
2- Al-mustadraf fii kuli fanin mustadraf (Kan koobay fanni
kasta oo layaableh) Waxaa iska leh kitaakaan imaan wayn oo noolaa casriyadii
dhexe waxaa ku yaal waraaqo badan oo uu kaga hadlayo macluumaadkaan.
3- Kitaabka loo yaqaan Cajaaibul axyaa (mucjizaadka noolaha)
waxaa leh imaam wayn waxaa ku yaal sifaadka dadka oo dhan.
4- Kitaabaha uu leeyahay imaamka wayn ee Al-jaaxith waxaa uu
leeyahay kitaabo badan oo kaga waramayo sifaadka dadka doqomaduna ay kamid
yihiin.
5- Silsiladda Axlaa daraaif wanawaadir waxaa kamida kitaab
loo yaqaan Al-xumqaa wal muqafaliin oo aan isagana hayo sifaadka aan sheegey
kuligood waa ku yaaliin waxaa iska leh nin dictoor ah oo loo yaqaan Dr. Ameelii
yacquub.
Sidoo kale waxaan kuu hayaa hadalada koox dhan oo saxaaba ah
ay ku hadleen sifaadkaan qaarkood sida.
Mucaawiya ibnu abiii sufyaan ninbaa canaantey markaasuu ku
yiri waxaa markhaati noogu filan doqonnimadaada iyo caqli xumadaada garkaaga
dhererkiisa aan arko.
Axnaf ibnu qays wuxuu yiri. Haddaad aragto ninka asagoo madax
wayn ku xukun caqli xumo xattaa hadduu rabo hanoqdo Ummaya ibnu cabdi shamsi (umaya
waa nin caqli badnaa) .
Sidoo kale waxaan hayaa hadalada Al-imaamu shaafici iyo
Maxamed ibnu siiriin taabiciga wayn.
Sidoo kale akhri buuga MAHURAAN bogaggiisa 120-121 wuxuu ku
soo ururiyey murtida soomaaliyeed uu ku saabsan astaamaha doqonka, buuga waxaa
leh qoraaga soomaaliyeed ee caanka ah Abdulkadir F. Bootaan.
Marka khaladka aad moodey inaan galey ogow cidda khaldani
inay adiga tahay ee waxa aan sheegey intaasoo culuma ah iyo qaar kaloo badan ay
hore u yiraahdeen laakiin aadan wali ogaannin.
Waxaan ku waydiiyey hadaba xaggee ay ku jirtaa fara galinta
abuurista eebbe haddaanse iraahdo tusaale ahaan.
Bakhaylku waa dadka hantida ku adag waxaa lagu gartaa markii
wax lawaydiiyo ayuu isku naxaa garasho iyo garaacasho midna malahan.
Xishoodku wuxuu iska saraan yahay cabsi iyo kajoogid inuu
qofku shayga kacabsado kadibna kajoogo waxaa lagu gartaa xumaanta kuma
dhiirrado qofka xishoodka lihi.
Fulaynimadu waa sifooyinka dadka qaarkiis waxaa lagu gartaa
marka ladagaallamo ayuu cararaa.
Hadalkaan oo kale ma waxaad u haysataa fara galin lagu
sameeyey abuurista alle? Mise waxaadan kala fahmin macluumaad bixin iyo xukun
saarid.
Tankale cudurdaar keyga waa maxay principles-ka aasaasiyaadka
aad ku diiddey kasoo saar qoraalkeyga meesha aan ku jabiyey qaanuunka aan hore
u dajiyey.
Haddii aad soo saari waydo waxaad noqoysaa nooca qoraayaasha
ah oo aad sheegtey inay xargaha goosteen ayagoo aan waxba ogayn ama kan loo
yaqaan iska xukume daliil laawe.
Markaad tiri qofkastoo akhriya wuxuu dareemi karaa!!!
Dareenku waa qaloocnaan karaa sidoo kale wuxuu noqon karaa mid caadifadeed
marka marnaba xujo ma noqon karo dareenka iyo ismoodsiiska midna xujo ma galo
halkaan waxaa laga garan karaa oo iska muuqata inaadan wali fahmin qawaacidda
wax lagu naqdiyo lagu diido marka cid dambe dareenkaaga ha u daliishan.
Arrinta labaad oo aan khaladaadkaaga ku soo koobayo waxa
weeye fahan la’aantaada aadan fahmin qoraalkeyga nooca uu ahaa oo markaa aad ku
galgalatey naafada.
Waxay tanna lamid tahay halkii uu ninka carbeed ka yiri (aquulu
zaydan wayasmacu camran wayaktubu khaalidan) Waxaan leeyahay war zayd qor wuxuu
maqlayaa camar wuxuuna qorayaa khaalid, waxa ishaadu qabatey iyo waxa
maskaxdaada ku jirey ayaa kala duwanaa gacantaaduna malaha wax kale oo sadexaad
ayey qortey.
Sidaa daraadeed nooca qoraalkeygu ma ahayn sababo iyo
musababaadkooda amase dhacdooyin iyo wixii ka dhashey (cause and effect)
qoraalkeygu wuxuu ahaa macluumaad bixin sharax (definition).
Sidaa darteed waxaan ka hadley wuxuu ahaa dhaqanka
doqonnimada iyo calaamadaheeda maxaa dusha kaaga ridey sababa? Sababaha maba
aanan ka hadline.
Marka saaxiib sabaha keena dhaqanka doqonnimada waxay noqon
karaan ku dhalasho qofku ku dhasho (mentally and physically disable)
dhimanaansho xagga jirka ama maskaxda ah waxay kaloo noqon karaan qof caadi ah
wax uu ku dhaqmo.
Xaggee aan ku diidey dhimanaanshaha ku dhalashada ah ee xaga
maskaxda ama jirka xaggeese aan ku diiday in qof caadi ah uu sidaan yeeli karo?
Qoraalkayga laynka ugu dambeeya waxaan ku iri “sidaa darteed
waligaa ha u caroon waa qof dhiman” Hadalkaan miyaadan arag malaha waa kaa hoos
baxay.
Cinwaaka ah CALAAMAAD GUUD OO DOQONNIMO waxaan hoostiisa ku
iri “calaamadahaan waa calaamado doqon laakiin dadka caadiga ahna ku badan”
hadalkaan miyeysan ku caddayn in qof loo dhamays tirey qofnimadiisa ay
calaamadahaan ka muuqan karaan?.
Marka waxaan ka hadlayaa waa dhaqanka loo yaqaan doqonnimada
ee waadan fahmin sababaha keeni karana waxba kama aanan taaban.
Markaad tiri qofka aan sharaftiisa ama tan qoyskiisa dhawrin
amase aan waajibaadka allah gudan maxay tahay doqonnimada u dhiman? Of course U
are right hadalkaan waa sax laakiin marka aan soo qorey qofka aan xishoon ama
faajir ka ah ama isla wayn ama kibirka badan ama khaainka ah noocyahaan
miyaadan u aqoon kuwa waajibaadkii allah gudan waayey soo kuma aanan darin
sifaadka doqomada?
Marka wixii anigu aan sheegey ayaad dooneysaa dadka inaad si
kale ugu muujiso sidii nin asagu soo ikhtiraacay.
Waa mushkilo wayn qofku inuu jawaab ka bixiyo wax uusan wali
fahmin hore ayey culumadu u dheheen (fahmu su’aali nisful jawaab) fahanka
su’aashu waa jawaabta barkeed waaba kuligeed sababtoo ah qofkaan waxba fahmin
muxuu ka jawaabayaa.
Waxaan kusoo gabagabeynayaa shucuubta hore u marey way
caawiyaan dadka liita laakiin macluumaadka ku saabsan dhimanaanshaha ma
qariyaan ee waa ka faa’iideystaan sidaa darteed waxaa lagu daraa tirada dadka
dhiman ama da’doodu heerkii shaqada dhaaftey oo badata masiibooyin dabiiciga ah
ee shucuubta ku habsata (natural disasters) taasoo in badan oo dalalka hore u
maray maanta la ciirsan yihiin.
Malaha waad ogtahay arrintaan sidaa darteed don’t be foolish
magaaladaan Minneapolis ee aan joogo waxaan marwalba aragnaa filimo ka
sheekeynaya doqomada ama comeediyaan ama si kale ha noqdaan.
Ugu dambeytii haddaan kula kaftamo ragbaa waxay dheheen
malaha Ismail sifaadkii ayaa ku batayoo markaasuu caro isla madax marey waa
kaftan ka raalli noqo.
By Abdirizak Musanaf.