SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Ma wixii Xunba Xaawaa Leh: "Qaraxii Bombay waxa ka Danbeeyay Muslimiin" warbaahinta India

Abdiaziz Ahmed Mousa.
abdiaziz2@hotmail.com
India

March 1993 Ayey Ahayd Markii Laba Bomb Oo Argagax galiyay Magaalada Bombay laga Dareemay Gabi Ahaanba Daafaha Magaaladaasi. Sidoo kale qaraxyadan Shalay Dhacay ayaa Ahaa Qaraxii labaad Ee Sidaa u Xoog Badanaa Ee Soo wajaha Magaaladda Ganacsi Ee Bombay Ee Dalka India.

49 qof ayaa Dhintay 178 ayaa iyana Dhaawacmay ka Dib Markii lala Beegsaday laba Qarax Meel loo Dalxiis Tago oo ku taal Magaalada Bombay oo la yidhaa Gateway of india oo u Dhow Hotel-ka Caanka ah Ee Taj Mumbai iyo Suuq Ganacsi Ee la yidhaa Zaveri Bazaar Halkaas oo uu u Dhow yahay Mumbai Devi-Tample .

Ku xigeen-ka Raysal wasaaraha Hindiya Lala Kirishna Advani oo Shir Jaraa'id Qabtay Daqiiqado Qaraxyadaa ka Dib ayaa Markiiba Amar ku Bixiya in la Baadho Gabi ahaanba Xarumaha Urur-ka Dhaqdhaqaaq Ardayda Muslimiinta India Ee la Yidhaa marka la Soo Gaabiyo (SIMI).

Hogaamiyaha Xisbiga Hinduga ah Ee Magaalada Bombay Uu Saldhigiisu yahay Mr Bal Thakery oo looga Bartay in uu Eeda Dusha ka Saaro wax waloo qarax iyadoon baadhitaan lagu sameyn Muslimiinta ayaa Yidhi waxa ka Danbeeya Qaraxan Ururka Dhaqdhaaq Ardayda Muslimka ah Ee Dalka India (SIMI) iyo Kooxda Reer Kashmir Ee Lashkar-e-Toiba Ee marka la Soo Gaabiyo loogu yeedho (LET).

Warbaahinta India ayaa iyana mar kaliya Qaraxan ka Dhacay india ku tilmaamay in laga yaabo in ay Qaraxan ka Danbeeyaan Urur-ka Dhaqdhaqaaq Ardayda Muslimiinta India (SIMI)

Shalay ayaa Dad Badan oo Reer India ahi Sugayeen Go,aan ka Soo baxaya Maxkamad ku Taal Gobolka UP Gaar ahaan Magaaladda Lucknow . Go,aankaas oo Khuseeya Arrimaha Misjid-ka Babari Misjid,

Abdiaziz Ahmed Mousa.
abdiaziz2@hotmail.com

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD