Camalka
Wanaagsan
Sharmaarke c/risaaq cilmi,
Qaahira
shsugulle@hotmail.com
Rasuulkeenii suubanaa wuxuu yiri n.n.k.h (haduu
dhinto bini'aadamku waxaa go'aya camalkiisa sadex mooyee:- sadaqo u soconeysa,
cilmi lagu intifaaco iyo ubad wanaagsan oo u duceeynaya waalidka)
Xadiiskan waxa uu ina xasuusinayaa camalo
wanaagsan oo lasameeyo sawaabkooduna uu gaarayo Meyka.
Bani'adamku marka uu noolyahay waxaa uu
awoodaa in uu sameeyo camalo kheyr sida tukashada
Salada, sako bivinta, xajka marka, waxa san
farida iyo reebida waxa xun.
Insaanku waxa uu leeyahay xoolo, saaxiibo iyo
xigto marka u dhinto waxaa ka wareega
Xoolaha, meeydka ehelkiisu waxay uqaadaan qabriga waana ka soo laabtaan.
Waxaa keliya ee meeydka kuharaa waa
camaalkiisa, qabrigu waa beer beeraha janada kamid ah ama god godadka naarta
kamid ah.
Waxaan ku tilmaami karnaa shaqsi leh sadex
saaxiib mid waa ku qaali midka labaadna waa dhexdhexaad kan sadexaadna waa mid
ka fog qofkaas isaga ah.
Qofku marka uu dhinto wuxuu ka tagaa
saaxiibkii qaaliga ahaa aadna uu u jeclaa waa xoolaha ee ogoow.
Waxaa xoolihisa dhaxlaya caruurtiisa iyo
ehelkiisa. Saaxiibka labaad waa ehelkaaga waxay ku geeynayaan qabriga.
Saaxiibkii sadexaad ee kaa fogaa waa camalkaaga isagaa qabriga kula gelaya,
haduu wanagsan yahay iyo haduu xunyahayba, hadaba waxaa leeyna kadoonayaa in
aad aakhiro ushaqeeysano maadaama aynaan dunida ku negaaneeyn waxaynu ku nahay
safar (geedi).
Waa in aynu ku dadaalnaa sameeynta waxyaabaha
wanagsan, markeeynu dhimano ayeey ina anfacayan, sida barida cilmiga dhisida
masaajidyada, korinta agoonta, daabacaada kutubta iyo tarbiyeeynta ama
rabeeynta ilamaha si ay inoo ku soo duceeyaan markaynu dhimano.
Gabagabadii intaad doonto nooloow waad dhiman,
cidaad donto jecloow waad kategin, waxaad donto samee waa lagaa abaalmarin.
Sharmaarke c/risaaq cilmi, qaahira
shsugulle@hotmail.com
|
Quraan
|
Siiro
|
Saxaabo
|
Salaat
| Zakaat
|
Halal
|
Hajj
|
isxisaabi
|
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|