Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
Liibaan Al-khaliif
alkhaliif@hotmail.com
Akhristow ha la yaabin su’aashan wax ku oolka
ah. Waxan rejeynayaa inaad ku qanci doontid jawaabta su’aashan ka dib
geba-gebada qoraalkan.
Muddoba hoggaamiyayaasha iyo indheergaratada
Soomaaliyeed waxay badanaa farta ku fiiqayeen dawladda iyo maammulka Sinawi ee
dalka Itoobiya, khaasatan marka laga hadlayo dhibaatooyinka sii daba dheeraaday
ee ummadda Soomaaliyeed. Sida caadiga ah shirar lagu dhexdhexaadinayey kooxaha
Soomaalida ayaa la qabanayey illaa iyo burburkii dawalddii Maxamed Siyaad.
Shirarkaas oo illaa 14 gaadhaya ayaa haba yaraatee wax natiijo wax ku ool ihi
ka soo bixin marnaba. Wax kasta oo lagu soo heshiiyo shirarkaa dib ayay u laba
kacleeyaan layskuna khilaafaa. Iyada oo ay maalinba maalinta ka dambaysa ka sii
darayso xaaladda Dalka Soomaaliya ayaa waxa muran ma doonto noqotay in Dawladda
Madaxweyne Sinawi ay ku caddaatay falalka mujrimnimada ah ee ay u geyteen dalka
iyo dadka Soomaaliyeed. Tanoo aan ahayn mid aan la filayn waayo cadowga kowaad
ee Soomaaliya waa Itoobiya.
Haddaynu taariikhda dib u yara milicsanno,
colaad guun ah ayaa u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya muddoo haatan ku
dhow-dhow 1000 sano ama, toban qarni. Ka soo bilow dagaalladii dhexmaray Axmed
Guray iyo Reer Najaash, illaa iyo dagaalkii 77-kii ee lagu hoobtay.
Haddaba iyada oo aan arxan saasa laga eegayn
Amxaarada ayaa hadda waxa arrinta sii kharribtay Soomaalida lafteedii oo qaarna
isu dhiibeen Amxaarada kuwa kalena naxariis ka dhawrayaan iyaga oo si
diciifnimo ku jirta ugu halaanhala nacabka mici gabaarka ah ee aan rabin calan
Soomaaliyeed iyo qarannimo ay hantaan dadkeennu.
Sifooyinka beryahan dame Soomaalida lagu
bartay waa iyagoo had iyo jeer adduun weynaha ugu dacwooda “Itoobiya ayaa
baabi’isay Soomaaliya.” Waayehee Itoobiya maxay kaloo samayn lahayd? Miyaanay
ahayn Itoobiya cadowgeenna? Anigu kolley yaabay!!
Waxa kale oo xasuus mudan in aan tixraacno
sida Soomaalida ay Itoobiya arrimeheeda gudaha lug ugu yeelatay. Ka dib
inqilaabkii lagu guul darraystay ee 1978-kii, jabhaddii la magac baxday
SSDF ayaa u
gashay Amxaarada iyada oo markaa ulajeeddadu ahayd inay garab iyo gaashaan ka
hesho Xabashida si ay xukunka uga ridaan keligii taliyihii Maxamed Siyaad. Tani
waxay aad uga farxisay Itoobiya mammulkii markaa ka talinayey ee Mingeste
Mariam oo markaa dhaawicii dagaalkii 77 la il darrayd. Waxay dawladda Itoobiya
isticmaashay hab ku dhisan “lafa maroodi iyaguun baa laysku jebshaa.”
Dagaallo ba’an ayaa dhex maray dawladdii Siyaad Barre iyo ciidammadii SSDF-ta.
Inkastoo dagaallo badani dheceen haddana marnaba kuma ay guulaysan inay qabsato
SSDF gobolada dhexe oo markaa taageero ahaan ugu dhowaa.
Muddo ka dib bilowgii siddeetanaadkii waxa
asaasantay jabhaddii
SNM oo si la
mida ugu qayla dhaansatay Itoobiya. Mingiste wuxu damcay inuu mideeyaa SNM iyo
SSDF laakiin arrintaa waxa ka biya diidey hoggaamiyayaashii SNM. SSDF waxa loo
badiyaa in hadafkeedu ahaa inay maammulka xoog ku muquunsadaan, taasoo Itoobiya
nayaayiro u ahayd. SNM qorsheheeda ayaase kala macaanaadeey Itoobiya kaasoo
ahaa in dalka Soomaaliya la kala goyn doono. Fikradda SNM ayay Itoobiya aad ugu
riyaaqday waxayna billowday in SSDF laga takhaluso ka dib markii
hoggaamiyeheedii C/lahi Yusuf jeelka loo taxaabay.
Ammintaa
wixii ka bilowdey Itoobiya culays badan baa ka degey maaddaaba ay ku
riyoonaysay Soomaali Republic oo burbura. Waxa SNM weerar ku qabsadeen Hargeysa
iyo Burco, waase laga saaray khasaare aad u badan ka dib. Wixii ka dambeeyey
1988-kii dagaalladii Waqooyiga ka dhacay, waxa haddana abuurmay jabhadihii SPM
oo Cumar Jees hoggaaminayey iyo USA oo Cali Wardhiigley guddoomiyeheeda ahaa.
Iyada oo markaa dawladdii millateriga ahayd noqotay mid taag darraysay ayaa
1990 ay USC iyo SPM isa sii raaciyeen intii ka hadhay xukuumadda. Wax yar ka
dib dagaallo ayaa Koonfurta ka dillaacay salka ku haya qabiil. Haddaba iyada oo
SNM ay ahayd mid la jebiyey kuna sugnayd xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa
waxa u suuro gashay inay dalka dib ugu soo laabtaan. Tanoo dhalisay inay ku
dhawaaqaan goosasho 18-kii may ee 1991-kii. Iyada oo isla markaa ay Eretariya
ka goosatay Itoobiya lana Ictiraafay, ayaa saraakiihsha SNM riyadooda isku
tusaaleeyeen inay ka faa’iidaysan karaan dagaallada ahliga ee Koonfurta
Soomaaliya ka socday halkii ay walaalohood dhexdhexaadin lahaayeen.
Addunweynaha maammulkan iskii isu magcaabay marna aqoonsi kama helin, waxana
shir kasta halhays u noqotay “midnimada Soomaaliya waa mid muqaddas ah.”
Si ka sata ha ahaatee, illaa maantadan aynu joogno oo ku siman 13 sano weli
dawlad Soomaaliyeed oo dhammaystiran lama hayo.
Sida
cinwaanka ku cad, waxan carrabka ku dhuftay in Maammulka Somaliland gacansaar
la leeyehay Dawladda Itoobiya. Tani waxay noqotay markhaati ma doonto sida ku
cad kuwa badan oo ka mida Jariidadaha iyo Boggagga Internet-ka Somaliland iyo
Wargeyska Addisababa Times. Sheekadii ugu yaabka badnayd oo aan akhristaayaalow
iyadoo sawir ah idin ku hagi doono, ayaa ahayd mid ku saabsanayd booqashadii uu
bishan August horraanteedii Daahir Riyaale Kaahin (President self-declared
Somaliland) uu kula kulmay Madaxweyne Sinaawi. Waxa naxdin iigu fillayd qoraal
ku yiil bog kamid ah bogga Somaliland, oo xagga hore ay ka muuqdeen gacan madow
iyo gacan cad oo isa salaamaya iyo laba calan oo aan sinaba loo kala garanayn.
Eeg sawirkan hoose:
"There
is a strong link of freindship between Somaliland and Ethiopia." (mid kamid
ah wargeysyada somaliland)
Horta sow hubaal may noqon in sirta ugu weyn ee Itoobiya inay tahay Somaliland?
Muran ma geli karo in si weyn ay Xabashidu gacan u siinayso maammulka
Somaliland. Naxdin ugu filan qof kasta oo Soomaaliya markuu arko sawirradan
dullinnimadu ka muuqato.
Waxa la oran karaa xidhiidhka Hargeysa iyo
Addisababa ka dhexeeya kan Maraykanku ku eedeeyo Al-qaaciida iya Siiriya.
HON. Prime Minister of Ethiopia Meles Zenewi.(mid kamid ah wargeysyada
somaliland)
HON. President of Somaliland Dahir Rayaale Kaahin .(mid kamid ah wargeysyada
somaliland)
Waxan aad ula yaabay sababta ku kalliftay
masuuliyiinta Hargeysa inay gacanta u hoorsadaan cadowga ugu weyn ee ummada
Soomaaliyeed. Allaylehe arrintu waa “baadida ninbaa kula daydaya, daalla kaa
badane, aan doonahayn inaad heshana daa’in abidkaaye, dadkuna moodi duul wada
dhashaan wax u dahsoonayne, dillaal iyo mallaal wuxuba waa carabta deynteede,”
ereyadani waxay ka mid ayaayeen gabayga caanka ah ee uu tiriyey Abwaan Qamaan
Bulxan.
Waxan qormadayda ku soo geba-gebaynayaa
wakhtigan Soomalida nooleey yaanay iskaga kaa khaldamin runta iyo dhalanteedku.
Hadday ku tahay mid hore iyo mid dambeba, ninkii galliimaystay cadow isaguna
waa cadaw kale uun. Waxba yaanay ina qaadin caaddifadda qabiilku, ilaah baa iga
sarreeyee mugdi ayaad Soomaaliyeey gudaysaan. Waxan kale oo aan idin oran lahaa
nikii isagu caana maalayow oo deriskiisuna liitaanoow wallee waxbaa kuu laabane
hurdada ka kac intaan laguugu iman meesha.
Waxa soo diyaariyey qormadan:
Liibaan Al-khaliif
alkhaliif@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|