Cudurdaar Ha Bixiyo Qoraaga: "Soomaali-nimadu
Maxay Maanta laqiimo tahay Maanta"
Waxaan hadalkaan ku daba-joogaa qoraal uu
qorey ninka isku magacaabey Cabdullahi Gulled Ali oo cinwaankiisu yahay (Soomaali-nimadu
Maxay Maanta laqiimo tahay Maanta) oo uu kaga hadlayey fikradiisa ku aaddan
habka qoraaga soomaalidu maanta wax u qoraan.
Ugu horeyntiiba waxaa ii muuqatey inaysan
cinwaanka amase tetalka iyo nuxurka qoraalku islahaynba.
Waxaan hadaba aad ula yaabey marka qoraagu si
xilkasnimo-xumo ka muuqato uu ugu soo darey goobaha fadhi ku dirirka markuu
tirinayey masaajida alle lagu caabudo!!!.
Hadalkiisa fiiri (A: Dagaal xagga saxaafada
ah, oo xoogiisa looga gol leeyahay in aqrintiisa lala yimaado goobaha fadhi ku
dirirka loo yaqaan, oo ay baryahan dambe masaajidadu ku soo darsameen.)
Arrintaan ayaa runtii igu kaliftey inaan
qoraalkiisa faalladaan ku lifaaqo sidoo kale qoraagu wuxuu tilmaamey nin
masaajid soo galey oo markaa qabiil soomaaliyeed lagu najaaseeynayey oo
islamarkiiba muslimiintii meesha joogey si munaafaqnimo ku jirto ay qabiilkii u
amaaneen ayagoo ninkaan soo galey u beenguuraya.
Fiiri hadalkiisa (Tusaale ahaan: Waxaa hada ka
hor dhacday meel masaajid ah ayaa laga hadal hayey qabiil kamid ah qabaailada
soomaalida, iyada oo weliba lagu sigatay in diintaba laga saaro marka la
fiirsho waxyaabaha xumaanta ah ee qabiilkaa laga soo uruurshay. Inyar kadib
ayaa waxaa yimid nin u dhasahy qabiilkii la caayayey oo lagag baqay in uu
maqlayey hadalkii meesha laga lahaa. Raga hadalheyntaa waday ayaa u badnaa kuwo
u dhexeeya da’aada 50 iyo wixii ka sareeya. Waxaa isla markiiba bilowday in
qabiilkii la caayayey laga sheekeeyo wax alaale iyo wixii wanaag ahaa oo la
heli karo in laga sheego., si loo shaki baxsho ninkii yimid ee lagaga cabsi
qabay in uu wax uun ka maqlay hadaladii reerkiisa lagu najaaseeyey ee hore.)
Hadaba qaraaga waxaan usoo jeedinayaa inuu
hadalkaan oo runtii meelka dhac wayn ku ah masaajida iyo diinta iyo muslimiinta
ku tukanaysa intaba inuu cudurdaar ka bixiyo sida ugu dhaqsaha badan.
Masaajidu waxay khaas u yihiin cibaadada alle
waa meel nadiif ah oo marnaba aan ku lug lahayn muranka ku dhisan qabyaalada
iyo fadhi ku dirirka iyo waxyaabaha lamidka ah.
Run ahaantii aad ayaan ula yaabbanahay waana
nasiib darro wayn in qoraagu halka tusaale oo uu qoraalkiisa ku soo qaatey uu
masaajida kadhigey halka ay badan yihiin meelo kale oo badan oo fadhi ku
dirirka tusaale u ah taasoo macnayaal badan samaynaysa.
Majiraan masaajid qabiilka lagaga sheekeeyo,
majiraan masaajid qabiilooyinka qaarkood lagala col yahay, majiraan masaajid uu
ka aloosan yahay mindi mindi ku taaga wadooyinka ka jiraa, masaajidu waa goobo
ummadda u siman, waxay caan ku yihiin dhexdhexaad-nimadooda hasa ahaatee ninkii
isagu masaajida la cola wuxuu jecel yahay inuu ceebo badan ku lifaaqo oo
bulshada ku dhoho waxaasaa masaajida lagu hayaa.
Waxaan ogsoonnahay dadku masaajida waa wada
galaa ninwalibana wuxuu ahaa ayuu la galaa marka nina madiidi karo in lagu
dambaabi karo laakiin waxaa qoraaga laga rabey inuu danbigaan dadka siiyo ee
uusan masaajidka saarin haduu arkey dad masjidka ku danbaabaya waxay ahayd inuu
qoraalkiisa ku waaniyo ee uusan marnaba masjidka fadhi ku dirir ku magacaabin
si uusan masaajida xurmadooda wayn meel ugaga dhicin.
Qoraaga waxaan kaloo xasuusin lahaa in
qoraalka soomaalidu intaas uu sheegey kaliya uusan ku koobnayn laakiin ninbase
waa waxa uu akhriyo sidaa daraadeed waxaa jira qoraalo badan oo ka hadlaya
Taariikhda, Suugaanta, Arrimaha Diinta, Deegaanka, Horumarinta, Waxbarashada,
Caafimaadka, iyo dhamaan dhinacyada nolosha oo dhan intaasoo dhana shabakada
internet-ka waxaa laga heli karaa website-yo u furan marka kuma koobna sadexda
uu qoraagu sheegay laakiin malaha waa sidaan sheegey ninwaliba waa waxa uu
akhristo.
Waxaa kaloo jira qoraallo ay diyaariyaan dad
wax inay saxaan doonaya laakiin wax qariba amase cid aysan u danlahayn maaga
illayn hadalkoodu ma miisaannee waxaa kaloo jira qoraallo lagaga soo horjeedo
diinta anigu hadda oran mayo cabdullahi qoraalkiisaanaa kamida laakiin noocyada
qoraayaasha soomaalidu maanta wax u qoraan waa badan yihiin kumana koobna
sadexda uu Cabdullahi sheegey
Hadallada lamida kan uu qoraagu sheegey in
masaajidka qabiil lagu hayey waxay in badan kasoo fulaan dad aan ayagu
masaajida tagin jecelna inay ummadda marin habaabiyaan laakiin waxaa jirta
sifudud oo loo caddayn karo illayn beeni raad malehe illayn beeni duug malehe.
Ugu danbayntii waxaan markale Cabdulaahi usoo
jeedinayaa inuu qoraalkiisa cudurdaar ka bixiyo annagoo ku hadlayna codka
masaajida inuu noo caddeeyo kanoqoshadiisa khaladaadka qoraalkaas ku jirey
Waana Mahadsan tihiin By Abdirisaaq Musanaf
You can feedback to
Musanaf@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2003
»
SOOMAALI-NIMADU
MAXAY LA QIIMA TAHAY MAANTA? [A.Gulleed]
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|