Jawaab ku aadan maqaalkii “ Federaalka iyo
walaalaha galgaduud “ Siciid
Himilo Shariifka@yahoo.com
I I D H
E H
|
|
Tan iyo markii shirka kooxaha soomaalida uga
socda Mpegathi lagaga dhawaaqay in
soomaaliya aay qaadanayso nadaamka federaalka ee dowladnimo ayaa waxaa socday
muran iyo doodo ku saabsan nadaamkaas iyadoo dadku labo u kala jabeen qolo
aamisan in nadaamkaan la ansixiyay yahay mid aayo iyo agab ugu fadhiya umada
soomaaliyeed isla markaasna fure u ah daawada dhibka iyo mashaqada xalkeedu
dheeraaday,halka kuwa kalana aay arkaan in nadaamkaan lasoo bandhigay uu
hulaaban yahay dhaliilo aay khatartoodu galaafan karto qaranimada iyo midnimada
soomaaliya, qolo walbana waxay qalabka warbaahinta ku soo bandhigtay
afkaarteeda iyo waxay ku xoojin karto oo cadaymo ah.
Waxaa waqtigu uu saamaxay inaan akhriyo
doodahaas qaar ka mid ah oo aay ka mid ahayd midii sida weyn loo shaaciyay ee
uu daah rogay qoraaga caanka iyo suugaan yahan soomaaliyeed
Axmed Faarax
cali(idaajaa), iyo jawaab uu siiyay nin aanan aqoonin oo la yiraahdo
Maxamed Cadoow, labada qoraalba waxay u muuqdeen kuwo abaaraya doodaas isla markaana
xoojinaya aragtida raga qoray .
Waxaanse dhawaan indhahayga ku dhacay maqaal
cinwaankiisu ahaa “Federalka
iyo walaalaha Galgaduud “ waxaan is iri doodii
baa soo kululaatay oo malaha nin kale ayaa wadaanta u radinayee bal eeg isna
waxuu ku daro iyo meesha uu xoojiyo, nasiib darase inkastoo aan qoraalkaas si
fiican u dhuuxey waxaa ii soo baxday in qoraagu uu ka weecday dooda ku saabsan
federaalka isla markaana maqaalkiisu uusan sinaba u ahayn mid wax nuxur ah
kusoo kordhinaya doodaas taagan.
Markaan akhriyay qoraalkaas waxaa ii soo
baxday waxyaabo dhinac marsan xaqiiqooyinka cilmiga ah iyo kuwa waaqica ahba oo
qorahu isagoo aan u meel dayin uu isku dayay inuu si sahlan ugu raro(load)
miskaxda akhristaha, waxyaabahaas oo maqaalku u badnaa waxaan kasoo qaatay qeyb
aan is iri waxay bidhaamin kartaa midaas waa kuwaan iyagoo kooban:
Qorahu markuu sifaynay federaalka waxuu ku
fashilmay inuu si cilmi ah u qeexo ereygaan , waxaana ka hoos baxday in
federalism-ku uusan ahayn wax Mpegathi
lagu curiyay ee uu yahay nidaam qadiim ah oo heer sare kaga jira falsafada
siyaasadeed iyo dowladnimada ee dunidaan aan ku noolnahay lagama dhaqmo.
Dhamaan qaamuusyada siyaasada iyo
Encyclopaedia-duba waxay ku qeexaan federalka macnayaal isku dhoowdhoow tusaale
ahaan Encyclopaedia Britannica waxuu ku qeexayaa federalism-ka sidaan “"a
system of government that includes a national government and at least one level
of subnational governments, and that
enables each level to make some significant decisions independent of the
others."
“waa nadaam dowladnimo oo kulansanaya dowlad
qaran iyo ugu yaraan hal heer too dowlado hooseedyo, kaasoo u suuragaliya
labada heer dowladeedba inuu qaadan karo go,aano la taaban karo oo ka
madaxbanaan kan kale”
qeexid kale waxay oranaysaa sidaan:“If a
political system is established by compact and has at/least two ‘arenas,’
‘planes,’ ‘spheres,’ ‘tiers’ or ‘levels’ of government, each endowed with
independent legitimacy and a constitutionally guaranteed place in the overall
system, and possessing its own set of institutions, powers, and
responsibilities, it is deemed to be federal”
“ hadii nidaamka siyaasadeed uu ka kooban
yahay laba heer oo dowladnimo mid walbana uu haysto madaxbanaani sharci ah iyo
manaako qaanuuni ah oo ku leeyahay haykalka guud, iyo isagoo la gaar ah
heyadihiisa ,awoodihiisa, iyo masuuliyaadkiisa,nadaamkaasi waxuu u dhigmaa mid
federal ah”
Ma ahan macnahaygu inaan ku dheeraado macnaha
iyo sharaxida nadaamkan ama inaan xoojiyo dooda labada dhinac ee isku haya in
wadanka Soomaaliya lagu soo dabaalo iyo inkale, waxaase aan aad ula yaabay
qaabka fudud ee khayaaliga ah ee qoraha maqaalku isku dayay inuu noogu tilmaamo
federaalka isagoo qorey “in badanka dadka Somaliyeed markay eraygaan maqlaan
aay qiiroodaan sidii iyagoo guugaabo ama gabay wadani ah dhegaysanaya” dadka
soomaaliyeed in badan oo ka mid ah eregyga qaabkaas macaan ee qoruhu sawirayo
umaba dhuuxsana macnaha ereyga.
Federalka waxaa qaatay wadamo badan dunida ah
dowlada Maraykanka ayaa lagu tilmaamaa “ the world's foremost constitutionally
based federal republic” dowlada ugu
horeysa ee haysata nidaam jamhuuriyadeed federal ah , ayaa waxaa la xusaa inuu
soo maray marxalado kala duwan iyo isbedalo waawayn oo lagu qiyaaso ilaa 4
marxaladood mudo boqol sano ka badan, waxaana taariikhda federalka maraykanku
aay soo martay doodo dhaadheer iyo xarig-jiid ku saabsanaa qeexiga
federalka,qaabka uu noqonayo ,dhaqan galintiisa taasoo aakhrikii kusoo
biyo-shubatay qaabka maanta uu u dhisan yahay qaaab-dhismeedka dowlada
maraykanku.
Hadaynu usoo noqono qaarada africa ee aan ku
naalo qudhigeeda federal-ka waa la inooga horeeyay waxuuna soo maray marxalado
taariikhi ah, shaxankaan aan ka eegno bal tijaabooyinkaas federaalka ee Africa
xornimadii qaarada ka dib iyo cimriyadii aay
Jireen federalkaas la qaatayba.
Federal
System |
Longevity of Federal System |
Cameroon |
1962-1972 |
Congo (Zaire) |
1960-1965 |
Ethiopia |
1952-1962, since November
1991 |
Kenya |
1963-1965 |
Nigeria |
1960-present |
Senegal/Soudan |
July-August 1960 |
South Africa |
1994-present |
Sudan |
1972-1983 |
Tanzania |
1964-present |
Uganda |
1962-1966 |
Waxaa halkaas ka muuqata in wadamo badan oo
african ahi aay ku fashilmeen nadaamkaas sababo kala duwan awgeed.
Waxaan wax lagu qoslo ah sharaxaada
“federeeshinka raashinka ee saaxibkeen u isticmaalay bal inuu kaga raarido
macnaha federaalka dadka degan “labadii magaalo madax ee hore”!! waa siduu
hadalka u dhigaye.
Waxuu qorahu sheegay in cid walba oo kasoo
horjeeda federalka ama masabita Itoobiya uu taageersan yahay nimanka uu qorahu
maqaalkiisa sida weyn ugu weerarayo,ma garanayo sida uu u gaaray go,aankaan
duuduuban, waxaa jira dad badan oo aaminsan in nidaam federaal dalku qaato
hadana ka biyo diidsan qaabka loogu qeexay dastuurka cusub iyo mugdi ku
dahaaran aayaha federaalkaasi waxa uu noqon doono ma waxuu noqon doonaa sida
kuwii wadamo african ah qaateen oo aan waxba laga dhaxlin,cimrigooduna soo
degdegay , siina shidey colaadihii isir ee dhulalkaas ka aloosnaa,ma waxuu u
gogol xaarayaa kala furfurida jiritaanka midnimada dalka somalia. Mise waxuu
noqon doonaa mid lagu baraaro oo hanaqaad noqda.
Mida labaad ee uu yiri “ama masabita dowlada
Itoobiya” waxaa jira dad badan oo labadaas nin aan maalin dab siyaasadeed ku
qabsan una arka inay labadoda iyo kuwo badan oo la mid ahi aay yihiin kuwa
masuulka ka ah hagardaamooyinka loo gaysanayo shacabka soomaaliyeed , hadana
qaba in Itoobiya aan marnaba lagu aamini karin aayo-katalin soomaaliyeed waana
badida dadka soomaliyeed baan oran karaa marka laga reebo siyaasiyiin gaar ah
iyo taageerayaashoda oo isbahaysi siyaasadeed iyo meleteri kula jira maamulka
addis-ababa, kuwaasoo iyaga qudhigoodu aaysan ka daahnayn xaqiiqada xiriirka
Itobiya iyo somalia balse aay u noqotay irida kaliya ee uga furan dunida iyo
awr-kukaci.
Qiirada qorahu u qabo shirka megabati awgiis
ayuu waxu isku dayayaa inuu tartan aan xaq ahayn uu la galiyo shirkii Carta
dhinacyo dhowr ah isagoo mid walba si xun ugu hoobtay inuu ka fogaado runta iyo
xaqiiqada isla markaana muujiyay inuu yahay nin xag-jira oo diyaar u ah inuu
sacabka saaro qorax dharaareed, tusaale ahaan waxuu ku doodayaa sidaan “Dadkii
ugu badnaa oo shirkaas iska xaadiriyey waxay ahaayeen danyar horay Jibuuti ugu
noolaa, oo markii ay ogaadeen in uu furmay shir laga helayo cunto iyo jiif
bilaash ahi isku qoray in ay yihiin ergooyin laga soo xulay gobollada
Soomaaliya. Runtii waxaa la oran karaa faa’iidada keli ah oo Carta laga helay
waxay ahayd in soomaali baahani ay ka heleen cunto ay ku noolaadeen halkii sano
oo uu shirkaasi socdey.”!!!.
Waa wax qof kasta oo somali ah aragtiduu doono oo siyaasadeed haka qabo
shirkii carta iyo waxtarkiisiiye aan marayn in shirka aay wadeen qaxooti ku
sugnaa Djabouti.
Waxuu sii wadayaa isagoo leh “Run ahaantii dadkii isugu tegey shirkaas waa
uu ku yaraa qof haysta shahaadada Ph.D (doctor of philosophy), oo wax tacliin
heerkaas ah leh waxaa ka joogey qof ama labo uu Maxamed Daahir Afrax ka mid
yahay”!!!. waxaay u muuqataa in qorahu aqoonyahankii soomaliyeed ee shirkaas
isugu tegay uu ka yaqaanay kaliya Maxed Daahir Afrax-ama qaraabo ha ahaadeen
ama degaan ha wadaageene- sidaas darteedna uu ku dhisay fikirikiisa, waxaa la
wada ogsoon yahay in shirkii carta ka hor shir talo-bixinta ah oo lagu
martiqaaday aqoon-yahano soomaaliyeed oo kor ku dhaafay 70-ruux kuwaasoo isugu
jiray dad sita dhamaan shahaadoyinka sarsare ee laamaha cilmiga oo dhan,
tusaale cad waxaan usoo qaadan karnaa dadka caanka ee soomaalidu wada
taqaano,ee shirkaas sida weyn ugu soo caan baxay, si aan u burino sheekada
qaawan ee cid ph.D sidata afrax kaliyaa ka joogay ragaan la wada yaqaano
Dr.Cali Khaliif galaydh(Ph.D, Syracuse University, Syracuse, N.Y),Dr. Ismaaciil
Buubaa,Dr.Maxed Cabdi Gaandi,Dr.Sakariye Xaaji maxamuud, iyo rag kale oo aan
tiro lagu soo koobi karin kuwaanse waxaanse usoo qaadanay waa dadka sida aadka
loo yaqaano oo aan laba sagaaro ku murmayn inay haystaan shahaadadaas ph.D-da
qaarkoodna aayba mudo ahaayeen professoro wax ka dhiga jaamacado ilaa hadana
yihiin macalimiin jaamacado magac leh oo ku yaala dunida horumartay.
Qoruhu waxuu si isdaba-joog ah u liidayaa garaadka dadweynaha soomaaliyeed
oo uu ku tilmaamayo marar badan dad aan waxba kala sooci karin isagoo ku
celcelinaya “shacabka masaakiinta ah,..shacab aan xog-ogaal ahayn..umada waxaa
miskaxda uga buuxa oo laga dhaadhiciyay aragtiyo liita oo been ah…” cuqdadaan
khaldan ee qorahu ka qabo dadka soomaaliyeed waxaan u gartay midka ku
dheeri-galiyay inuu isaguna waxuu doono oo aan sal-hayn is dhaho ku shubto
garaadka dadka soomaaliyeed mar haduu qabo inay yihiin kuwa aan waxba kala
sooci karin.
Waxaa la yaab leh in qorahu uu isku haysto nin ka faaloon kara dhamaan
qeybaha cilmiyada jira, waayo waxaad arkaysaa laga bilaabo siyaasad,diin ilaa
suugaan intaba inuu isku dhabar-jabinayo inuu akhristaha u tuso inuu heer-sare
ka gaaray ,isagoo isla markaana aan soo bandhigin wax muujinaya aqoontiisa
haday noqoto mid jaamacadeed iyo haday noqon lahayd mid gaar ahaaneed taasoo
aan midna ka muuqan qoraalkiisa, waxaase suuragal ah inuu leeyaha aqoon cilmi
dhagood ah oo aan ka dhicin mida jaamacadaha!!.
Waxaa iska cad in ujeedada kaliya ee qorahu aay tahay inuu qiimo-dilo
dhamaan cidii ka qeyb gashay shirkii carta ha noqdeen aqoon-yahan,culimo,ama
suugaan yahan isagoo meeshii uu si cilmiyeysan u burhaamin lahaa dhaliilihii
shirkaasu lahaa iyo waxii kasoo baxayba-kuwaasoo farabadan-sida aay yeeleen rag
badan oo ka faalooda arimaha siyaasada soomaaliya,ayuu waxuu qaaday wado qarax
ah isagoo ku andacooday inaan cid aqoon leh ama culimo ah ama suugaan taqaanaba
aysanba joogin shirkaas!!, waxaa ugu daran ee uu ku riiqday waa tan
suugaanta,marka la iska daayo arimaha kale,shirkii Carta waxaa marag ma doonto
ahayd dhinaca suugaanta inuu aad usoo jiitay dhalinyaro soomaaliyed iyo
dadweyne kaleba oo aan iyagu siyaasada danayn laakiin usoo joogsaday suugaantii
ka siraadnayd shirkaas. dhinaca kale waxuu sheegayaa in shirkaan Megabati aay
joogaan aqoon yahan dhab ah( kuwaasoo uu ku sheegay in tiro badan oo ka mid ah
aay haystaan shahaadada ph.D shahaadadaan ayaad moodaa in qoruhu uu ka aaminsan
yahay wax mucjiso ah!!),siyaasiin hore oo caan ah iyo hogaamiyayaasha kooxaha
waaweyn iyo kuwa yaryarba taasoo aanan inkireyn inay dhab tahay laakiin waxaan
qoraha xusuusin lahaa in tiro-badan too kamid ah ka qeyb galayaasha shirka
Kenya aay goob-joog ka ahaayeen shirkii Carta laftigiisa.
Waxaan guud ahaan qoraalku ku qoran yahay luqo aad u tayo-xun, haday noqon
lahayd dhinaca agaasinka iyo haday noqon lahayd dhinaca axshaxa labadaba,
iyadoo uu qoraalka ka buuxaan waxyaalo badan oo tumaati ku ah anshaxa saxaafada
wanaagsan islamarkaana xad-gudub ku ah xeerarka dood-wadaaga isagoo tusaale
ahaan isticmaalayaa maahmaahyo aan lagu aqoon isticmaalkooda dadka akhyaarta
ahi, iska dhaaf nin sheegaya inuu diinta wax ka yaqaane. “ Naagtii wacal rintay …” waa ka xumahay inaanan dhamaystiri karin.!!.
Qoraagu waxuu muujiyay ixtiraam-darada uu u hayo culimo la oran karo waa
hormuudka culimada soomaliyeed isagoo u quuri waayay inuu magacooda ka
hormariyo “Sheekh”,culimadaasu waa Sh.Nuur Cali caloow-Naxariistii jano Alle
hasiiye, iyo Sh.Shariif cabdi Nuur-Cimrigiisa alle ha dheereeyee-,waxuuna taas
ka door biday qorahu inuu ugu yeero “Ninka la dhaho shariif cabdi Nuur”,waxaa
iyaduna naxdin leh inuu markuu soo hadal qaaday Sh.Nuur Cali Colow uusan u
raxmad weydiin Ilaahay sida aay tahay caadada dadka soomaaliyeed ama muslimkaba
marka la magac-dhabo uun aakhiraadka.waxaanse meel danbe oo qoraalkiisa ah soo
jiidasho leh in markuu soo hadal qaado maxed Ibraahim Cigaal alle ha u
naxariistee qorahu uusan hilmaamayn ducada raxmada weydiinta,taasoo uu u quuri
waayay Sh.Nuur Cali caloow!! Timir lafbaa ku jirta.
Taasu waxay muujinaysaa in qorahu uu colaad gaar ah u hayo guud ahaan
culimadaas kuwooda dhintay iyo kuwooda noolba.
Qoraagu waxuu sidoo kale weerar qaawan ku qaadayaa luqada carabiga oo uu ku
tilmaamayo luqo ajnabi, oo aan wax faaiido ah u lahayn umada soomaaliyeed
taasoo muujinaysa meesha fog ee uu ka joogo diinta waayo carabigu waa luqada
diinta islaamka kusoo degtay taasaana ugu filan sharaf iyo haybad, waana wax
walba qof walba oo muslim ah uu jecel yahay inuu barto. waxaa duruufuhu igu
khasbeen inaan sanado ku noolaado wadamo islaam ah oo aan carabiga luqadooda
ahayn waxaan aad ula yaabay sida aay u jecel yihiin inay bartaan ama luqadooda
rasmiga ah aay ka dhigtaan luqada carabiga ah, adigoo arkaya Jaamacadaha
maadiga ah ee English-ka lagu dhigto inay luqada labaad (second language) ka
dhiganayaan luqada carabiga.
Meel danbe oo ka mid ah qoraalka waxuuba isku rogayaa qabqale dagaal isagoo
hanjabaado iyo goodi galaya isla markaana uga digaya kuwa diidan afkaarihiisa
in guluf colaadeed cagta lagu marin doono, islamarkaana maxkamad lala tiigsan
doono, waxuuna ku faanayaa ciidamo mahiigaan ah iyo saraakiil dhamac ah oo
dowlada soo guuxaysaa aay u diyaarsatay inay kula tacaasho kuwa hadalka ka
keenay afkaarihisa isla markaana ka shakisan dowlada daacada ah ee
Itoobiya!!,waxaasoo dhami waxay muujinayaan caqliyada jabhadnimo ee qoraaga
taasoo ka fog dood-wanaaga iyo isqancinta dadka afkaaraha ku kala duwan.
Gebagabadii qofkii doonaa fikrad ama qabqable waa caashiqi karaa laakiin
waxaa gef ah inuu qofina gashado shaati uusan lahayn,iska markaana isku qaato
inuu dadka oo dhan marin habaabin karo.waxaan kula talin lahaa website-yada
somalida gaar ahaan kuwa waxoogaaga kalsoonida ah loo hayo weli inay ka
feejignaadaan soo qorida fikradaha aan waxba kordhinayn.
Qoraha waxaan isaga ku oran lahaa weedhii caanka noqotay ee laga soo xigtay
madaxweynihii hore ee U.S.A, President Abraham Lincoln, 1865
“ It is true that you may fool all of the
people some of the time; you can even fool some of the people all of the time;
but you can’t fool all of the people all of the time.”
“waa hubaal inaad siri kartid,khaldi kartid dadka oo dhan xili gaar ah,waxaa
kale too dhici karta inaad siri kartid dad gaar ah xili walba laakiin ma siri
karta dadkatoo dhan xili walba”
Siciid Himilo Shariifka@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 18, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|