SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Yaa u maqan Deegaanka K. Mudug, Yaase laga sugayaa iney wax u qabtaan!!!

Abdullahi S Ali
Email ashire@sympatico.ca 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

BismiLaahi Al-raxmaani Al-raxiimi Ilaahey(sw) ayaa mahad iska leh, dabadeena Nabigeena suuban(csw)Ayaa salaam iyo naxiisba dushiisa ahaatey.

Baraarujin & Talo soo jeedin ku socota Bahda Beesha Konfur Mudug oo idil:

Walaalayaal, waxaan wada ogsoonahay markii aan taariikhda dib ugu laabano in Deegaanka ay bahdu ku abtirsato oo ah Konfur Mudug ay waligoodba iska dulumsanaayeen laga soo bilaabo tan iyo Isticmaarkii qarbiga ahaa wax loo qabtey haba yaraatee ma jirto, markii xuriyada la heley oo leyslahaa kheyrkii ayaa bilowday waxaa qabsaday xukunkii dawladii Civil ka aheyd oo qabiilka ku dhisnayd ayaduna deegaanka konfur mudug iney sii baab’iso mooyee waxba uma qabanin balse wax alah waxii ku xirna nolosha aadamaha oo dhan waxaa laga dhisay dhanka waqooyiga Galkacyo ha noqoto xaga wax- barashada, xaga caafimaadka, xaga amniga, iyo xaafiisyaha dowlada oo dhan, xataa afar kursi oo ay lahayd magaalada Galkacyo ayaa inta labo kursi laga gooyey baa tuulada Jariiban la geystay si xuquuqda dadka konfur Galkacyo loo duudsiiyo cid wax ka qabatayna arinkaas ma jirto ayadoo ay bahdu leedahay jariiban magaaloyin ka waaweyn oo kana dad badan oo wax kuraas ah la hayn.

Intaasi ka dib waxaa xukunkii la wareegey dawladii ciidamada aheyd ayadoo leyslahaa waxbaa isbadali doona ayey waxey noqotay Kud ka guur oo Qanje u guur oo marxalad tii hore mid ka sii xun ayey la kulmeen dadkii iyo deegaankiiba, arintu waa iska sii socotey oo taariikhdu hadba meel ayey binu-aadanka ku fureysaa taas ka dib ayaa waxaa bilowday kacdoonkii lagu tuurayay xukuumadii milatariga ahayd iyo dulumkeedii, markii laga takhalusay milatarigii oo shacabkasta uu gacanta ku dhigay deegaankii uu xaqa u lahaa ayaa qofkasta waxaa ku soo dhacday maankiisa maantay ayaan xor ahaye aan deegaankeyga wax-u qabto oo dulmigii iyo dulgii aan ka baxo.

Intaas ka dib 13 kii sano ee dawlad la’aantu jirtey dagaalka sokeeyena socdey bal wax loo qabto iskaba daaye marxaladihii hore meel ka sii xun ayey istaagtey oo waaba la iloobey dhulkii oo deegaan kele oo aanan shaqo ku laheyn ayaa xoogeenii iyo dadkeenii iyo duunyadeeneeba galiney deegaankeeniina waxaan ka dhigney Jasiirad aan cidnaba laheyn, taasina waxey na tustay in dadkii aan dariska aheyn deegaankoodii iyo dadkoodiiba ay horumar lixaad leh gaarsiiyaan kuwa kalena(konfur Galkacyo) ay noqdaan meel sunta iyo qashinka lagu shubo waxaana u sabab ah xalku inuu sidaas noqdo dadkii deegaanka konfur mudug u dhashay dibada iyo gudahaba ha ku noolaadeen.

Intaas burburku socday dadka deegaanka konfur mudug u dhashay wax ay u qabteen deegaankoodii iyo dadkoodiiba majirto ilaa dad yar oo wadaado ah mooyee oo ayagu intii ay bahdu dagaalkii sokeeye u jidbeysaneyd ayey waxey aruuriyeen agoontii iyo haweeneydii carmalka aheyd iyo dhaciifkii oo dhan ayay waxey u sameeyeen xarumo xanaano iyo kuwo wax-barashaba wax muuqdana waa qabteen kooxdaasi Ilaaheyna ajar iyo xasanaad ha ka siiyo camalkaas ay qabteen.

Waxaa kale oo wada ognahay labada maamul oo maantay Somalia ka jira oo kala ah Somaliland & Puntland iney sameeyeen dadkii u kala dhashay labadaas deegaan oo dibad iyo gudaba iskaashadey kuna kal shiray labada magaalo oo kala ah Boorame & Garoowe miraha ka soo baxeyna waad u jeedaan, marka waxaa is weydiin leh; dadkii deegaanka K. Mudug u dhashay xagee ka baxeen??, miyasan dhiig iyo damiir lahayn oo u jeedin dhibka haysta dadkooda??, maxeyse walaalah kale oo wax qabsaday ugu dayan la’yihiin oo wax-u- qaban la’yihiin??, mase waxey sugayaan Malaa’ig xag Alle ka timid intey u soo dagto iney wax –u-qabato?? Taasina waa habeenkii xalay tagay ee hurdada ka kaca.

Intaas markii aan hordhicii taariikhda ka dhigo ayaa waxaan walaalahey u soo gudbin lahaa talooyinkaan soo socda in bal waxii laga qaadankaro laga qaato:

In marka hore dhamaanteen aan Ilaahey xagiisa u laabano, Kitaabkiisa iyo Sunnadda Nabigiisa(csw) aan nooleyno Shareecadana aan ka dhigano manhaj iyo distuur anagoo aanan cid kale ku raaligalineynin Alle mooyee.

In aan dib-u-soo nooleyno midnimada beesha ayna minimadu noqoto shey muqadas ah si loo horumariyo Deegaanka iyo dadkaba.

In dadka dibada ku nool Beesha ee waxgaradka ah & kuwa aqoonta leh ay ku laabtaan Deegaankii si ay ummadooda wax ugu qabtaan.

In dadka dibada dagan ee Beesha oo dhaqaalaha haysta lagu dhiirigaliyo in ay deegaankooda maalgashadaan intey dhul kale aysan lahayn gashan lahaayeen.

In qofkii mutadawacnimo u aadaya dhulkii si uu wax ugu soo qabto Walaalihiis lagu dhiirigaliyo gacana lagu siiyo.

In la helo Jamaacooyin isbaheysta oo dibada ku nool oo si wadajir ah Deegaan uga sameysta Deegaanka K. Mudug arinkaasna waa in laysku goobaabiyaa.

In aan Dawlad imaandoonta & hay’ad shisheeye midnaba wax lagu sugine aan anagu u istaagno sidii aan wax ugu qaban lahayn deegaanka burburey waana awoodnaa arinkaas in aan fulino hadii aan dacadnahay.

In la sameeyo Majlis sare ee Shuuro ah oo dibad iyo gudaba leh oo xaliya wax allah waxii khilaaf ah oo soo dhexgala Beesha arimaheeda oo dhan, majliskaas oo leh Odoyaal, Culumaa’udiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, iyo wixii la mid ah.

In kor loo qaado wacyiga dadka deegaanka ku nool oo dhan ; xaga siyaasada, xaga caafimaadka , xaga wax barashada, xaga wax qabadka, iyo xaga nolosha aadamaha oo dhan, seminaro joogta ahna la siiyo oo dad dibada looga keeno.

In lagu dhiiri galiyo walaalaha gudaha mudug ku nool iney ka madax banaanaadaan dadka dibadooda ku nool oo huuhaa mooye aan wax kale ugu oolin waxii ay qabsanayaana ay iskood u qabsadaan ayagoo xor ah.

In maamulka hada ka jira K. Mudug la dhiiri galiyo lana xoojiyo waxii qaladaad ahna laga saxo oo uu noqdo mid ka madax banana loolanka siyaasadeed ee hada ka jira Bahda dhexdeeda si ay wax ula qaybsadaan maamulka kale ee puntland.

In hadii la rabo bash bash iyo barwaaqo la gaarsiiyo Deegaanka aan anaga dhexdeena isku tanaasulno, isku sabarno,iscafino, isku dulqaadano,isna xaqdhowrno, xadgudubkana aan isk ilaalino, iyo waxii la mid ah.



Dhamaanteen xaqa Alaha natuso.
Wa bilaahi Al-tawfiiq.
Waxaa diyaariyay; Abdullahi S Ali
Email ashire@sympatico.ca  ama soh114@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD