Somalia iyo Habka Federaalka
Axdiga dalka Somalia loogu dhoobdhoobay Kenya Ka
BEEN SHEEGAYA Ummadda Soomaaliyeed kaas oo Halis ku ah JIRITAANKEEDA,
MIDNIMADEEDA iyo DIINTEEDA.
Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}
SSH_Kuwait@hotmail.com
I I D H
E H
|
|
Haddii aynu u fiirsano dalaka habka Federaalka
ku dhaqma ee adduunka maanta ka jira waxaynu arkaynaa inay yihiin:
1- Dal qayb ka mid ahi dalka intiisa kale xoog
ku qabsatay ka dibna si ay u xalaalaysato qabsashadaas dhuleed madaxana u yare
buuxiso dadkii ay xoogga ku qabsatay adeegsata erayaada "Federal" ama "United"
ama "States" ama Union". Dalalka noocaas ah waxa ka mid ah Jamhuuriyadda "Federaalka"
ah ee Ethiopia, "United" "States" of America iyo Midowgii Soofiyeti ee hore ee
burburay oo magaciisu ahaa "Union" of Soviet Socialist Republics.
2- Dad kala af iyo dhaqan iyo/ama diinba ah oo
ku heshiiyey inay Maamul mideeya oo ay danahooda ku fushadaan samaysataan
iyagoo xor ah oo aan cidina khasbin. Kuwaas waxa ka mid ah dalka Switzerland.
3- Dad kala af iyo dhaqan iyo diinba ah oo
gumaysi ku jiray oo markay xornimadoodii qaateen u arkay habka Federaalka kan
keliya ee isku hayn kara waayo wax kale oo ka dhexeeya oo isku hayn kara ayaan
jirin. Dalalkaas waxa ka mid ah Nigeria
4- Dad isku af iyo dhaqan iyo diinba ah oo
kala firidhsanaa iyadoo qaybahooda midba Boqor yari haystay ka dibna Halyeyaal
u soo baxeen oo mideeyeen markaasna doortay inay ku dhaqmaan habka Federaalka
iyada oo aan cidina ku khasbin Dastoorka ay ku dhaqmayaana u yeerin. Dalalkaas
waxa ka mid ah Germany.
Dalalka aynu kor ku soo sheegnay {iyo kuwa
aynaan sheegin ee Federaalka hadda ahba}kuma jiro dal markiisii hore Dawlad
keliya ahaa oo Maamul Dhexe lahaa "Central Government".Sida la wado Somalia
waxay noqonaysaa dalkii ugu horeeyey ee midnimadiisa tuura oo qaada wadadii
waaxyihiisa lagu jarjari lahaa.
Burburkii ku yimid Midowgii Soofiyeti wuxuu
tusaale u yahay in Federaal kasta oo xoog ku yimaadaa burbur ku dambaynayo
iyadoo burburkaas ay sababayaan arrimo dhaqaale, kuwo gobanimo doonba iyo
faragelin shisheeye.Burburkaas oo kale ayaa hadda foodda ku soo haya
Ethiopia.Dalka Mareekanka burburkaasi waa ka fogyahay sababta oo ah dadkii asal
ahaan dalka lahaa waa wax la tirtiray iyo wax yar oo hadhay oo aan awood lahayn.
Isla markaas dalka Mexico oo gobollo dhowr ah laga qaadayna awood uu hadda
kusoo ceshado ma laha.Midda iyaduna muddo ka badbaadinaysa dalka mareekanka
burburka waxa weeye isaga oo ah dal aan cidi lahayn hadda asal ahaan oo loo soo
wada haajiray sidaas awgeedna cid xuriyad iyo dal laga qaaday u dagaalamaysaa
aanay jirin.
Ilaa maalintii uu xornimada qaatay dalka
Nigeria dhibaato bulsho iyo dhaqaale kama bixin waxana u sabab ah kala
duwanaanta dhaqan iyo diineed iyo kala hodonaanta dhuleed. Lixdameeyadii
Gobolka Biafra oo Batroolka ku hodon ah ayaa doonay inuu dalka intiisa kale ka
goosto.Dagaalkii sokeeye ee gobolkaas iyo dalka intiisa kale ka dhex dhacay
dhowr sano ayuu socday.Sidoo kale dagaalo sokeeye oo kooban oo diin ku salaysan
iyaa markasta ka dhaca dalkaas.
Axdiga dalka Somalia loogu dhoobdhoobay Kenya
waxa hadalka lagu bilaabay yahay:
"Annagoo ah Dadka Jamhuuriyadda Soomaaliya
waxaanu isla gaarnay inaanu dhisno Dawlad Federal ku Meel Gaar ah.....".
Qoraalkaasi waa sharci darro waayo waxa sidaas la odhan karaa marka RUN ahaan
Dadka Soomaaliyeed go'aansado inuu Dastoor sidaas ah yeesho una codeeyo
Barlamaan uu doortayna ansixiyo.Federaalkan dusha laga keenayaa Soomaalida
wuxuu ahaa inuu bulshada ka yimaado haday doonayso inay nidaamkaas qaadato.Sida
hadda wax loo wadaa waxa weeye: "Soomaliyey adigu garanweyday dantaada iyo
nidaamka ku anfaca markaas annagaa nidaamkii ku dhiqi lahaa kuu dejineyna".
Taasi maba xuma haddii dadka sidaas lihi yihiin kuwo niyadda ku haya danta
Soomaalida. Haddaba cidi ma rumaysan kartaa in Ethiopia iyo qab qablayaasha
dagaalka ee u adeegaa maskaxda ku hayaan danta Soomaalida?
Intaas waxa raaca iyadoo Axdigaas ay ku jiraan
qodobo:
- 1-Ka BEEN SHEEGAYA Ummadda Soomaaliyeed,
- 2-Ku KHASBAYA waxaan lagala tashan dannaa u
ahayn,
- 3-Dhayalsanaya GARASHADA Ummadda
Soomaaliyeed,
- 4-Halis ku ah JIRITAANKEEDA, MIDNIMADEEDA
iyo DIINTEEDA.
Haddaynu qodobadaas mid mid u qaadano waxa:
1-Bilowgaba Axdiga Kenya lagu sheegay in
Ummadda Soomaaliyeed "AQOONSAN"tahay: "Kala duwanaanshaha dalka dhinacyada
dhaqanka iyo beelaha..." Dhammaad. Waxa Soomali iyo adduunka oo dhammi ogyahay
in Ummadda Soomaaliyeed oo dhammi meel kasta oo ay degto isku ISIR, DIIN iyo
DHAQAN tahay.Taasi waa BEENTA u weyn ee Axdiga Kenya lagu xusay Soomaalina la
rabo in la marsiiyo lagana dhaadhiciyo inay kala DHAQAN iyo kala QOWMIYAD tahay.
2-Axdiga Kenya waxa diyaariyey dad qalaad oo u
badan cadowga Ummaadda Soomaaliyeed waxana ogolaaday dagaal oogayaashii Somalia
halkay taallo dhigay waana kuwaas kuwa u dooray nidaamka federaalka kuna
KHASBAYA ku dhaqankiisa.Dadka hadda ka doodaya Axdigaas waxa afkooda laga hayaa
oo T.Vga shirkaas u gaarka ah qaarkood ka sheegay in amarka la siiyey uu yahay
inay ka doodaan oo keliya habka qoraalka iyo qurxintiisa ee aanay qodobada
asaasiga ah wax ka bedeli karin.Qodobada aan la bedeli karin waxa kamid ah
FEDERAALKA.
3-Qodobka 19aad faqradihiisa 4 iyo 5 waxay
sheegayaan in haddii Xukuumadda Kenya lagu soo dhisaa ay muddo 2 sano iyo badh
ah hirgelin waydo nidaamka Federaalka ay markaas Xukuumaddaasi dhacayso ka
dibna la dhisi doono Xukuumad nidaamkaas ku hirgelisa muddo sannad ah. Lama
sheegin waxa dhacaya haddii Xukuumaddaas dambe mudadaas sannadka ku hirgelin
weydo nidaamka. Waxa halkaas ka cad in ay KHASAB tahay in nidaamkaas la
hirgeliyo ama Xukuumaddu ha hirgeliso ama ha hirgelin kari waydee.
Waxa kale oo halkaas laga garankaraa in
GARASHADA Ummadda Soomaaliyeed la dhayalsaday waayo waxa loo muujinayaa inay
iyadu dooratay habka Federaalka halka runtu tahay in LOO DOORAY.
Haddii labadaas Xukuumadood midina hirgelin
kari waydo nidaamka miyaan micnuhu ahayn inaan Ummadda Soomaaliyeed rabin
nidaamkaas. Haddii iyadoo arrintu sidaas tahay lagu KHASBO nidaamkaas miyaan
markaas halkaas laga garanayn in nidaamkan Federaalka ah cid aan Soomaalida
ahayni rabto.Ciddaas weeye cidda Federaalka dani ugu jirtaa.
4-Kala qaybinta Af Soomaaligii ka sokow {Maay
iyo Maxaad Tiri}waxa Axdiga Kenya Af Ingiriisiga Somalia uga dhigay luqad RASMI
ah. Adduunka lama arag dal luqo qoran leh oo misana luqo kale ka dhigta luqo
rasmi ah.Taas waxa ka sii daran iyada oo Qodobka 89faqradiisa 19aad digayso
sidatan: "Qoraalka af Ingriiska ee Axdiga ayaa ah midka rasmiga ah". Taas
micnaheedo waxa weeye "qoraalka af Soomaligu {Maay iyo Maxaad Tiriba"} ma aha
qoraal rasmi ah. Taas micnaheedu waxa weeye "xubin kasta oo Barlamaanka ka mid
ahi waa inay af Ingriiska taqaan si ay Axdiga {iyo Dastoorka} u fasiri karto
waayo Barlamaanku waa Hay'adda sharciyada Qaranka dejisa oo fasirta. Talaabada
taas ku xigtaa waxay noqonaysaa in af Ingriiska iyo af Talyaaniga {oo qaar
dagaal oogayaasha ka mid ahi ka dib ku soo dareen} ay noqdaan muddo ka dib
luqadaha 1aad iyo 2aad oo bedelaan af Soomaaliga {Maay iyo Maxaad Tiri} iyo
Carabiga.
Iyada oo loo hadoodilayo hog la rabo in
Islaamnimada Ummadda lagu rido waxa qodobka 10aad ku qoran: "Islaamka ayaa ah
diinta Soomaaliya". Meel kasta oo kale waxa la xusaa Jamhuuridda Soomaaliyeed
halkaas maahee.Waxa laga garan karaa waxa la hadoodilayo qodobada ay ka mid
yihiin 23{1}, 28{2}iyo 38{9}sababta oo ah waxa qodobadaasi ka hadlayaan iyo
Diinta Islaamku waa iska hor imanayaan.
Qaybta ka hadlaysa "Awoodaha Dawlad
Goboleedyada" waxay Gobolada siinaysaa awoodda gacan ku haynta Waxbarashada.
Waxa markaas imanaya in gobol kasti manhajkiisa waxbarasho yeesho. Arrintaasi
waxay quwadaha shisheeye u sahlaysaa inay farageliyaan waxbarashada dalka
gobolkastana heshiisyo waxbarasho oo gooni ah la galaan iyadoo koodii doonayaa
wiiqi karo barashada diinta Islaamka manhajyo uu watana soo gelin kara taasoo
uu u ogolyahay qodobka 38{9}ee kor ku xusan.
Waxa Axdiga Kenya ka mid ah lifaaq oranaya
sidatan:"Xukuumadda Federaalka ee ku meel gaarka ah waxay si deg deg ah WADA
XAAJOOD ula geli doontaa gobolada waqooyi galbeed ee Soomaaliya". Waxa
isweydiin leh, mar haddii midnimada Somalia MUQADAS tahay sida Axdiga Kenya
sheegayo, maxaa keenay in qayb dalka ka mid ah lala xaajoodo.
Maxaa inta shirka loo fadhiyo oo cidda isu
xilsaartay faraha kula jirto goboladaas loola xaajoonwaayey? Haddii Xukuumadda
iyo goboladaasi is af garan waayaan muqadasnimadii maxay ku dambaynaysaa?
Miyaan halkaas laga garankarin in shisheeyaha iyo dagaal oogayaashu aanay
muqadasnimadaas daacad ka ahayn?
Soomaalidu iyadaa is baday in cadowgeeda
gudaha iyo kan debeddo isukaashado iyada iyo adduunweynahana ka dhaadhicyo inuu
dawlad usoo dhisayo.Dawladda keliya ee cadowgaasi u soo dhisi karaa waa mid
dagaalkii sokeeye dib u bilaabaysa haddii Soomaalidu caqli ay ku kala badbaado
la iman weydo.
Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}
SSH_Kuwait@hotmail.com
QORAALADII HORE EE TABATIIG
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|