"Beesha Caalamku waa in ay joojiso Deeqaha ay siiso shirka
Nabada Soomaalida ee kenya dibna u Eegto Gudiga Farsamada IGAD Sida ay Wax u
Wadaan."
sidaas waxaa lagu sheegay shir jaraa'id oo Nairobi lagu qabtay August 9
Shir maanta (Augu 9) lagu qabtay magaalda
nairobi oo ay ka soo qayba galeen ururada bulshada rayidka ah,ugaasyo, qaar ka
mid ah soomaalida qurbaha oo u yimid shirka,aqoonyahano ergada shirka qaarkood
,wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada kmg ah ayaa lagu sheegay in
beesha caalamku ay dib u eegid ku samayso deeqaha ay ku bixiso shirka nabdaynta
Soomaalida ee ka socda Kenya.
Qaybahan oo iskood isku abaabulay waxay
sheegeen in shirkan aan loo dhamayn isla markaana uu yahay mid sababaya colaad
hor leh oo soomaalida dhexmarta mar hadiii aan lagu wadin wadadii saxda
ahayd.Axdigana uu yahy mid aanay Soomalidu shaqo ku lahayn,iygoo intaasi ku
daray in la joojiyo dooda Axiga ee haatan ka socota shirka.
Ugaas ciise ugaas cabdulle oo ka hadlayay
shirkaasi ayaa sheegay in ugaasyada kaalintoodii aanay helin isla markaana uu
shirku yahay mid hal dhinac u janjeera sida uu sheegay ugaasku,waxaa kale oo
halkaasi ka hadlay ururada bulshada rayidka iyagoo sheegay in talooyinkoodi
layska indha tiray shirkana ay ka maqan yihiin qaybo muhim ah.
Sidoo kale waxaa maanta warsaxaafadeed kasoo
saaray magaalada Nairobi muuse suudi yalaxow isagoo ku cadeeyay in uu ka baxay
shirka.kuna tilmaamay mid aan guul laga gaaraynin,soomaaliduna u dhamayn,muuse
ayaa intaasi ku daray in gudiga farsamadu ay dhinac u janjeeraaan Axdigana uu
yahay mid dhaawacaya midnimada ummada soomaaliyeed.isagoo ugu baaqay beesha
caalamka in ay joojiyaan deeqaha maadaama aanay ku bixin ayuu yiri muuse
meelihii loogu talagalay.
Dhinaca kale warsaxaafdeed laga soo saaray
safaarada mareykanka ee Nairobi ayaa sheegaya in aanay aqoonsi siin doonin wax
walba oo shirka ka soo baxa ilaa ay u dhamaanayaan dhinacayada uu dagaalku ka
dhexeeyo.
Muran badan ayaa ka taagan dooda Axdiga iyadoo
laysku haysto Qododbka 19aad maqradiisa 2aad oo ku xusan in ismamul Goboledyada
iyo Dowlada gobaleedyada la xoojiyo taasi oo ay ku gacan sayreen kooxda
G8ka,ilaa haddana aanay usoo xaadirin shirka.
Dad badan ayaa is weydiinaya halka uu ku
dambayn doono aayaha dambe ee ummada soomaaliyeed iyadoo cadawyo badana uu
dalku baylah u yahay,waa wax laga xumaado in kuwa ergada ah qaar ka mid ah
sheegeen in aysan isku diin iyo dhaqanba ahayn soomaalidu iyadoo ay ka tahay
federal jecayl.beesha caalamkana uga raadsanaya kaalmo.
Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com
somalitalk/Nairobi.
Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|