Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?
Axmed F. Cali “Idaajaa”
A. Hordhac:
Qaybtii 2d ee qarnigii 20d
taariikhda casriga ah ee soomaalida dhacdooyinka lagu xusuusan doono, burburka
dawladda markii laga reebo, malahayga waxaa ugu weyn dagaalkii gobannimo-doonka
ee 1977-1978kii. Wuxuu ahaa dagaal uu dalku Itoobiya la galay, kuna xiriirsanaa
himiladii ummadda ee ahayd in meel qura la isugu keeno soomaalidii 5ta qaybood
loo kala googgooyey ee Geeska Afrika uu shisheeyuhu inba meel ku gumeysto. Sida
la og yahay, qaybahaas laba ka mid ah ayaa 1960kii xoroobey, dabadeedna calan
qura hoostiisa ku midoobey, lana baxay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidaas darteed,
xilligii la joogoba, hoggaanka dalka madaxdii qabatay waxay ummaddu ka filaysey
saddexda maqan (Soomaali-galbeed, NFD & Jabbuuti) in Jamhuuriyadda lagu soo
daro, si ay himiladii caanka ahayd ee soomaali-weyn u rumowdo.
Laga soo bilaabo bilihii ugu
horreeyey sannadihii 1900 iyo lixdannadii, dawladda soomaalidu waxay aad ugu
dedaashey sidii ay qaybahaasi gobannimadooda uga qaadan lahaayeen dawladaha
Itoobiya, Faransiiska iyo Keenya. Mabda’a aayo-ka-tashiga, diblomaasiyad iyo
dhexdhexaadin caalami ahba markii wax garawshiinyo ah lagu soo hoyn waayey ayaa
waxaa abuurmay jabhado hubaysan oo gobannimo-u-dirir ah. Waxay ahaayeen
dhammaantood jabhado ay Jamhuuriyaddu si buuxda u taageeri jirtey; xagga hubka,
xagga dhaqaalaha, xagga dacaayadda iyo xagga diblomaasiyadda dirkaba.
Taageeradaas ayaa markii dambe dawladda soomaaliyeed waxay geyeysiisay in laba
jeer si toos ah ay dagaal foodda isku daraan iyada iyo Itoobiya:1964kii iyo
1977-'78kii.
Labada midka dambe oo ahaa,
inta la xusuusan yahay, dagaal gudaha Afrika ka dhaca kii ugu khasaaraha badnaa,
soomaalida ayaa bilihii horeba ku gaadhey guulo degdeg ah. Xagga tabobbarka iyo
xagga niyaddaba, ciidammadii soomaalida ayaa kuwii Itoobiya kaga horreeyey,
taas ayaana suuraggelisay guutooyinkii faraha badnaa ee Addis Ababa in si fudud
cagta loo mariyo, lagana eryo dhammaan dhulkii Soomaali-galbeed ee ay qaarba
mar qabsatay dhammaadkii qarnigii 19d ilaa 1954kii.
In kastoo kooxo dhalliilo u
doondoonayaa ay dhowaanahan soo baxeen, haddana, xagga Soomaaliya wuxuu ka ahaa
dagaal xaq ah oo, dadweyne iyo dawladba, aan loo kala harin, niyadna loo wada
galay.
B. Gogoldhig taariikheed:
Dagaalkii qaboobaa ayaa weli
dunida ka aloosan. Laba awoodood oo waaweyn ayaa ifka ka jira, kuna loollamaaya.
Midi waa hantigoosad (capitalist bloc), waxaana hoggaanka u haya Maraykan.
Waxaa ku talo ah amaba ka amar-qaata Yurubta Galbeed, Jabbaan iyo qarammo
yaryar oo adduunka meelo ka mid ah ku kala yaal. Awoodda kale waa bahda
hantiwadaagga ama dalalkii shuuciga loo yiqiin (communist bloc). Iyagana
Midowgii Soofiyeeti amaba Ruushanka ayaa calanka u sida, waxaana ku jaal ah
Yurubta bari, Shiinaha, Aasiyada Koofur-bari dalal ku yaal, Bariga Dhexe iyo
Afrika qarammo ka tirsan. Tartanka labadaas awoodood waa joogto. Mid waliba
wuxuu u xusul-duubayaa mabda’a uu isagu aamminsan yahay sidii uu adduunka uga
hirgeli lahaa, ummadaha ku dhaqanina ay u wada qaadan lahaayeen! Dawlado yaryar
oo dunida saddexaad ku abtirsada ayaa sannad walba labadaas dhinac ku kala
biiri jirey. Danta qarankooda ha u arkeen ama tooda qof ahaaneed ha u arkeene,
madaxda dalalkaas ayaa badanaa go’aanka caynkaas ah qaadan jirtey; iyada oo
dadweynuhu aanu taladaas wax weyn ku lahaan jirin.
Sannadkii 1969kii ciidammadu
markii taladii Soomaaliya ay xukuumaddii rayadka ahayd kala wareegeen waxay
muddo gaaban ka dib dalkii ku sidkeen bahda hantiwadaagga. Xiriir aad u dhow
ayaa wuxuu dhex-maray maamulkii Kacaanka iyo Midowgii Soofiyeeti; xiriirkaas oo
ay soomaalidu si weyn uga faa’idday, gaar ahaan xagga warshadeynta dalka iyo
dhismaha ciidankii qaranka ee Xoogga Dalka loo yiqiin. Taas ayaana inoo
fasiraysa awoodda ay Soomaaliya ku muquunisay gaasaskii Itoobiya ee muddada
dheer dhan walba laga soo dhisaayey, boqortooyo fil weynina ay lahayd!
Kol dambe sida soomaalida u
caddaatay, Ruushanku wuxuu ciidammada soomaalida ugu tabcaayey inay noqdaan
awood kayd ah oo ay bahda hantiwadaaggu isku hallayn karto, laguna fuliyo hadba
danaha caalamiga ah ee ay bahdaasi yeelato. Hase ahaatee, mabda’aasi si wacan
ugama dhaadhicin madaxdii soomaaliyeed ee iyagu dhismaha ciidanka uga jeeday
inuu ahaado cudud qaran oo lagu fuliyo himiladii afartannadii qarnigii
20d lagu ballamay; himiladii ahayd midaynta iyo gobeynta Soomaali-weyn.
* * *
Sannadkii 1974kii ayaa Geeska
Afrika waxaa ka dhacday dhacdo layaab leh oo cid walba lama-filaan ku noqotay.
Boqor Xayle Selaase-kii-Id oo 40 sano muddo ku dhow Itoobiya ka talinaayey ayaa
lagu kacay. Wuxuu ahaa, markii madaxda gobolkaas la eego, ninkii ugu dhowaa
Maraykanka iyo, guud ahaan, Reer-galbeedka. Waxaa sannadkaas boqorka soo food-saaray
‘kacaan dadweyne’ oo mar qura oodda soo jabsaday, lana maarayn waayey.
Shaqaalihii, ardadii dugsiyada, kuwii jaamacadda, beerreydii; cid walba ayaa ka
qayb-gashay. Goor dambe ayaa waxaa Kacaankaas dhexda kaga soo dhacay saraakiil
ciidammada ka tirsan. Qaskii iyo qalalaasihii ayay ka faa’idaysteen, dabadeedna
guushii dadweynaha ayay si fudud u af-duubeen, una sheegteen!
Laakiinse, isla markiiba,
iyaga qudhoodii ayaa xukunkii isku qabsaday, si ba’anna isugu laayey. Ugu
dambaystiina, waxaa goobtii u adkaaday Gaashaanle Sare Mengistu Xayle Maryam oo
isna ku dhawaaqay habka hantiwadaagga inay Itoobiya qaadatay, isuna
rogtey Jamhuuriyad bahda shuuciga ku talo iyo tolba ah!
Isla markiiba, Midowgii
Soofiyeeti ama Ruushankii soomaalida xiriirka dhow la lahaa wuxuu istusay inuu
Itoobiyana ku darsado, marba haddii ay hantiwadaag noqotay. Malaha, riyo ahaan,
waxaa ugu muuqday Geeska Afrika oo idil oo calankii casaa uu ka
dul-babbanaayo, isaguna uu ka taliyo. Sababtaas awgeed ayuu uga soo hor-jeestay
dagaalkii 1977kii ee ay soomaalidu qaadday. Nasiibdarro, madaxdii Moosko inna
ma tixgelin, taariikh ahaan, waxa la isku haysto runtooda iyo dareenka
dadweynaha soomaalida toona.
Dhinaca kale, maamul mabda’a
shuuciyadda rumaysani in kastoo uu Addis Ababa ka dhisan yahay, haddana
Maraykanku weli Itoobiya kama samrin. Sababo istaraatiiji ah awgood (kuwo
diineed oran mayno, si aan argaggixiso naloogu malayn!), ma uu rabin Soomaaliya
inay gobolka u adkaato. Sidaas darteed, dirirtii Geeska Afrika ee xilligaas
waxaynu ku tilmaami karaynaa inay ka mid ahayd arrimo aad u tiro yar oo labada
awoodood ay isku aragti ka noqdeen muddo 30 sano ka badan intii ay dagaalka
qabow isaga soo horjeedeen! Labaduba Itoobiya ayay dhinaca saareen, una
hiiliyeen, Soomaaliyana waxay af buuxa ugu sheegeen, shuruud la’aan, inay
ciidankeeda dalka Itoobiya ugala baxdo.
Aragtidaas iyada ah waxay
soomaalidu u qaadatay gardarro aan geed loogu soo gabban iyo eex qaawan.
Dardarteedii xagga dagaalkase waxba kama beddalin. Halkeedii ayay ol’olihii
xoraynta Soomaali-galbeed ka sii wadday, ciidammadii qarankuna Jigjiga ayay
galbeed iyo waqooyiba u dhaafeen! Saa waxaa aad u dhaawacmay iskaashigii bahda
hantiwadaagga iyo Soomaaliya, gaar ahaan xiriirkii diblomaasiga ahaa markii ay
Muqdisho u goysey dalka Kuubba iyo Yamanta Koofureed (Cadan) oo iyagu si
caddaan ah ciidammadii Itoobiya ula soo saftay, dagaalkana goor hore iyo goor
dambeba kula jirey. Waxaa xigtey bishii Nofembar 1977kii Soomaaliya inay goysey
xiriirkii iskaashiga ciidammada ee iyada iyo Ruushanka ka dhexeeyey, ka dib
markii uu dalkaasi si bareer ah uga qayb-qaatay hawlgalladii Soomaaliya ka
dhanka ahaa ee ay Itoobiya waddey. Dabadeedna, maroodigii baa inta umlay
go’aansaday in guutooyinka soomaalida xoog lagu muquuniyo, laguna celiyo,
markoodii hore, xeryihii ay ka soo duuleen. Sidaas bayna noqotay!
Waxaa xigey niyadjab heer
qaran ah iyo jamhuuriyaddii oo is-aragtay iyada oo ban cidla’ ah taagan, buur
weyn oo ay ku tiirsataana aanay u ogog lahayn!
* * *
Dhaqankii siyaasadeed ee
xilligu siduu ahaa, Soomaaliya oo ay Ruushankii kala boodeeni waxay isku
hallaynaysey Maraykanka oo, sidaan soo sheegnay, dagaalkii qaboobaa uu
labadooda ka dhex-aloosnaa. Laga soo bilaabo dabayaaqadii 1900 iyo
toddobaatannadii ayay farriimaha uur-baarashada ahi isu socdeen. Wax qummanse
laguma soo hoyn. Toos iyo gurracba, ergadii Muqdisho laga diraaba gacmo maran
iyo madax-salaax keliya ayay maamulka Washington mar walba kala soo noqonaysey.
Taakulada dhaqaale ee aadka
loogu baahnaa ka sokow, ujeeddada weyn ee dawladda soomaalidu waxay ahayd
ciidankeeda dagaalkii dhowaa ku naafoobey inay Maraykanka hub iyo tabobbarba
uga hesho. Waxaase kol walba loo sheegi jirey, si ay taageeradaas u hesho, bal
horta inay ka hadho sheegashada ama u-ol’olaynta madaxbannaanida gobollada
Soomaali-galbeed iyo Nfd, taasna ay go’aan qoraal ah ka soo saarto! Waxaa lagu
war-geliyey, shardigaas haddii ay fuliso, welibana ay baabbi’iso hannaankii
dhaqaale ee habka hantiwaagga ku dhismay in lagu kaalmayn doono sidii ay ku
dhisan lahayd ciidan kooban oo daafaca soohdimaha uun ku filan!
Qodobkii furfurka dhaqaalaha
si taxaddar badan ayay dawladdu u yeeshay, waxayna wadahadallo aan la mahadin
la bilawday Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Lacagta. Arrinta
gobollada soomaalida ee la gumeysto waxay iyadana kaga jawaabtey inay tahay
dadka gobolladaas deggan arrin u taal, sidaas darteedna aanay iyadu awood
qaanuuni ah u haysan inay ka hadho ama ay cid saddexaad kala xaajooto.
Waxay ahayd dood maan-gal noqon karta, asii aan laga yeelin!
* * *
In kastoo beer-dulucsiga
Maraykanka ay diblomaasiyadda soomaalidu aad isugu dhabar-jebisay, haddana
waxba uguma qabsoomin. Waxaaba jirtey siyaasad cusub oo dagaalkii 1977kii ka
dib maamulka Washington lagula taliyey, ahna inaan xodxodashada Muqdisho dheg
loo dhigin, isla markaasna aan faraha laga qaadin, si aanay mar kale ugu
guryo-noqon xerada shuuciyadda. Hay’adaha siyaasadaha istaraatiijiyadda lagala
tashado sida Golaha Daraasadaha Istaraatiijiyadda Caalamiga (Center for
International & Strategic Studies), Guddi-hoosaadka Afrika u qaybsan ee ka
tirsan Aqalka Baarlamaanka Federaalka iyo, weliba, aqoonyahannada sheegta inay
arrimaha Geeska Afrika ku xeel dheer yihiin ayaa si fudud ugu guuleystey
maamulka Maraykanka inay ka dhaadhiciyaan marna soomaalida inaan loo oggolaan
ciidan dambe oo xoog leh inay yeelato. Taladaasna waxay ku sababeeyeen inay
halis ku tahay ammaanka iyo xasilloonida Itoobiya iyo Keenya oo ay dhul ku
sheeganayso, iyada oo Maraykanka iyo Reer-galbeedka kaleba ay labadaas dal ku
leeyihiin dano ka waaweyn kuwa ay Soomaaliya ku leeyihiin amaba ay, timaaddada,
ku yeelan karaan. Waxay go’aansadeen in saaxiibnimo loo muujiyo oo bahda
hantiwadaagga laga soo fogeeyo, isla markaasna sidii cadow loo manjo-xaabiyo!
Siyaasaddaas waxba iskama
beddalin xataa wixii ka dambeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee bartamihii
1982kii madaxweyne M. S. Barre uu ku tegey Aqalka Cad, uuna ku qaabbilay
madaxweyne Ronald Reagan. Waxaadba mooddaa in looga sii daray markii xagga
koboca dhaqaalaha uu Maraykanku dalka si walba ugala dagaallamay.
Si malaha aan ciidanka Xoogga
Dalku dib dambe ugu dhismin, waxaa la hor-joogsadey si walba oo ay lacag adagi
khasnadda dawladda ku soo geli karto. Waxaa laga bilaabay wixii yaraa ee
Hay’adda Kaalmada Maraykanku (USAID) ay bixin jirtey. Bankiga Dhexe oo ay ahayd
in lagu shubo ayay ka weeciyeen oo intay saraakiisha safaaraddu maamuleen u
qaybiyeen ganacsatada kuwii ay gacansaarka lahaayeen ama ay ogaayeen xukuumadda
dhisan inay la col ahaayeen! Waxay is-hortaageen mashruucii biyo-xireenka
Baardheere oo, koronto dalka oo idil gaadha ka sokow, ay soomaalidu
saboolnimada kaga bixi kari lahayd. Qaybtii ku soo aaddey markuu diidey ayuu
dawladihii iyo hay’adihii kale ee caalamiga ahaana uu Maraykanku ku guubaabiyey
inay wacad-furaan oo wixii ay ku ballan-qaadeen ka noqdaan. Curyaaminta
ganacsigii wax-dhoofinta dibedda ee dalkuba uu ku dhaqnaa ayay haddana u soo
dhigteen markii ay Sacuudiga ku guubaabiyeen inay joojiyaan xoolaha nool ee ay
soomaalida ka gataan; taas oo fushay xukuumadda Riyaad markii ay ku andacootey
noolka soomaalidu inuu buko. Tallaabooyinkaas manjo-xaabinta ahi waxay keeneen
dhaqaalihii inuu si degdeg ah dhulka u galo, shilinkii soomaaliyeedna uu noqdo
wax aan waxba ku toorrayn!
* * *
Intaas oo luggooyo ah kuma ay
ekaane, bartamihii iyo dabayaaqadii 1900 iyo siddeetannadii Maraykanka iyo
wixii ku talo ahaaba waxaa ka dhaadhacday xukuumadda madaxweyne M. S. Barre
inta ay dhisan tahay ammaanka Itoobiya iyo Keenya inuusan sinaba u sugnaan
karin. Sidaas daraaddeed ayaa siyaasadihii hore ee curyaaminta waxaa lagu
biiriyey kuwo kale oo ka sii ba’an. Si xukuumaddaas dhegaha adagi
ay meesha uga baxdo ayaa xarumaha Reer-galbeedka qaarkood waxaa lagu go’aamiyey
in la dhiirriggeliyo mucaaradka dawladda: kiisa hubaysan ee saldhigyada iyo
hubkaba ay Itoobiya siiso iyo kiisa dalka gudihiisa ku suganba. In kastoo ay
ogaayeen kooxahaas mucaaradka ahi inaysan lahayn qorshe siyaasadeed oo ay isku
diiddan yihiin ama ay ku midaysan yihiin, haddana xoogaggii taageerayey taas
dan kama ay lahayn. Xoogaggaas oo uu Maraykanku ugu horreeyey waxa ay isla
meel-dhigeen tii dhisnayd inay dhacdo, halkeedana ay soo gasho dawlad dhego
fudud oo taag daran; dawlad ka kooban maamullo dhawr ah oo qabiil-qabiil ku
dhisan; dawlad iska illowda himiladii soomaali-weyn, sidaasna ay
derisyadeedu kaga nabad-galaan!
Nasiibdarro, haddii ay
ogaayeen iyo haddii kaleba, qorshahaas qaybtiisa ugu weyn waxaa bilawga 1900
iyo siddeetannadii ilaa Jannaayo 1991kii lagu fuliyey gacmaha soomaalidii
mucaaradka sheegan jirtey; soomaalidii garan kari weydey wuxuun qorshe ah intay
ku midowdo inay taliskii jirey iska riddo, isla markaasna ay qarannimadeeda
bedbaadsato!
C. Dhammaystirka qorshaha qaran-jabka ummadda:
Halkani ma aha halkii lagaga
doodi lahaa guuldarrada soomaalida iyo dawladdeedii ku dhacday iyo dhinacyadii
ay eersatay mid waliba hawlgalkii uu wax kaga dumiyey. Maxaa yeelay, marka hore
waa arrin waayeelka soomaalidu ay u soo wada joogeen oo uu xilligeedii dhowaa.
Marka labaadna, waa arrin ka ballaaran wax maqaal qura lagaga bogan karo,
faahfaahinteeduna waxay u taal taariikhda iyo qoreyaasha timaaddada. Sidaas
darteed, waxaa ila habboon inaan istusno shisheeyaha nacabka ahi, galbashadii
dawladda ka dib, qorshaha uu dejiyey iyo dedaalka uu u galay, welina uu ugu
jiro hor-joogsiga dhismaha qaran xoog leh oo Soomaaliya mar kale ka hirgala.
Fulinta qorshahaas tallaabooyinka loo adeegsaday waxaa ka mid ah kuwa soo socda:
i. Niyad-jebin heer qaran ah:
Bilawgii 1991kii ilaa maantadatan, arrimaha Soomaaliya ma ahayn wax gacnaha
soomaalida ku jira. Mid fog iyo mid deris ahba, shisheeyaha ayay u xalaaloodey.
Iyaga ayaa tobanka faroodba ku qasaya, iyaga oo taakulo ka helaya kooxo qabka
qarannimo uu gabaabsi ku yahay. Qarammada Midoobey iyo hay’adaha kale ee
calamiga ah, dalkuna uu xubin ka ahaa mararkii yaraa ee ay isku dayeen inay
guuldarrada wax ka qabtaan, kuma ay guuleysan. Kol walba oo uu xal muuqdoba,
waxaa isku gudbaayey, mid fog iyo mid deris ahba, shisheeyaha ku hawllan sidii
dhammaystirka qorsha qaran-jabka soomaalidu uu ku dhaboobi lahaa.
Dawladnimadii oo weli dhaqan
ayaa qabiil-qabiil la isugu diray. Gobol-gobol ayaa loo kala fogeeyey. Hub iyo
miino waddooyinka lagu aaso ayaa loo qaybiyey. Muddo dheer haddii ay isu tiqiin
ummad si walba isugu mid ah, waxaa laga dhaadhiciyey inaan arrintu sidaas ahayn
oo tol waliba uu tolka kale ka gaar yahay, waxbana aanu la wadaagin. Waxaa loo
sheegay, niyaddana loogu ridey inay dhulka kala leedahay oo kiisa u goonnida ah
uu tol waliba leeyahay. Himilooyinkii taariikhiga ahaa ee ay lahayd ayaa la
nacsiiyey markiii uu shisheeyuhu maanka ugu ridey erayada soomaali-weyn
iyo midnimo inay yihiin fikrado aan xilligan ku habboonayn iyo hadaaq
aan afka la soo marin karin!
Yar iyo weynba, qabkii ayaa
laga diley. Markay aragtay tayada ‘hoggaamiyaha’ hor-boodaaya iyo
daacad-darradiisa ayay quus la kala jeesatay. Dabadeedna, derisyadeedii ayaa la
weynaadey, iyadiina waa isla yaraatay! Magaalada Beledxaawo oo ciidammada
Itoobiya ay markaas ka talinayeen (welina way ka taliyaane!) ayaan joogey
sannadkii 1998kii. Waxaan ku arkay rag soomaali u dhashay oo boolis
ahaan ay ciidammadaasi degaanka uga qorteen; kuwaas oo si walba ugu dedaalaya
inay af-amxaari ku hadlaan oo sida askarta xabashida dharka u xirtaan,
welibana sidooda u socdaan! Markaas baan xusuustay qoraagii muslinka ahaa ee
cilmiga bulshada asaasay, lana oran jirey ‘Ibn-Khalduun’; kaas oo qarniyadii
hore, qoraal ahaan, inoogu soo gudbiyey
ciddii laga adkaadaa in ay kor ugu eegto kolba
ciddii ka adkaatay ee ay dhaqan ahaanna u tiigsato.
Soomaalida maanta waxaa la
gaarsiiyey inay isu qaadato inay tahay ummad si walba u jabtay oo, si ay u
noolaato, u-adeegidda shisheeyaha ku qasban. Waxaad mooddaa inay halmaantay
maahmaahdeedii ahayd: “Rag waa kii kufa, haddana kaca!”;
ii. Fikradda
qabiil-wax-ku-qaybsiga: Shakigaas
la kala geliyey markii uu laabteeda ku gaamuray ayuu shisheeyuhu ugu warramay,
iyaduna ka rumaysatay inuu ka kaalmaynayo dawladdii ka burburtay sidii ay ku
soo ceshan lahayd. Markaas baa koox-koox loo kala soocay. Sidii ay yihiin dad
wax la garanaayo isku haya ayaa inba dhinac loo bixiyey, dabadeedna loo kala
dab-qaaday! Qolo-qolo inta loo kala fariisiyey ayaa waxaa afka loogu tiray ba’a
soomaalidu inuu ka dhashay tolalka qaarkood oo qaarkii kale wax ka bursaday.
Taas oo huf iyo been ah!
Qarannimo u soo noqota si
looga sii durkiyo ayaa la gelinsiiyey sida ay ku heshiin karto oo keliyihi inay
tahay maamulka dhismi doona oo qabiil-wax-ku-qaybsi ku dhisnaada. Madaxa
ayaa loo ruxay, la ismana weyddiin dunida meel qaran casri ahi ka jiro oo habka
caynkaas ah lagu maamulo. La isma haybin inay jirto meel qofka qoladiisa lagu
tixgeliyo ee aan kartidiisa iyo aqoontiisa lagu tixgelin.
Gobannimada markii loo
halgamaayey ma qabiil-qabiil baa loogu hawl-galay? Boqollaalkii dagaalyahan ee
Sayid Maxamad uu jahaadka u ururiyey ma qabiil-qabiil buu ku keenay? SYL (Leego)
iyo SNL oo ahaa labadii urur-siyaasadeed ee calanka soo hooyey, ma waxay
lahaayeen taageereyaal tolalka soomaalida laga soo xulay oo tiro isle’eg
xisbiyadaas ku soo galay? Madaxweynaha, wasiirka iyo danjiraha qabiilka lagu
soo xulay, dhexdhexaad ma noqon karaan? Ninka uu qabiilkiisu soo magacaabay ma
wax buu dhibay haddii uu tolka oo qura daacad u noqdo, dadweynaha kalena irdaha
ka xirto oo xafiiska uu kolba joogo ay qoladiisu gaar isaga yeelato?
Jawaabaha su’aalahaasi haddii
ay ‘maya’ wada yihiin, maxaa runta la isaga indho-tirayaa? Haddii aynu rabno in
aynu dhisanno dawlad magaca ‘dawladnimo’ mudan, maxaynu ‘qabiil-wax-ku-qaybsiga’
waqti ugu luminnaa? Haddiise aan kartiyi tixgelin lahayn, sidee buu
qaran casri ahi ku dhismi karaa? Maxaynu qorshaha ba’an ee shisheeyaha ugu
nugul nahay, aqoonyahannada soomaalidana u jikaarraa ee aynu dhegaha uga
furaysannaa?;
iii. Dawlad Federaal ah:
Dhawr-iyo-tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa soomaalida loo qabanaayey
shirar tiro badan oo wada madhalays noqday. Waxay ahaayeen shirar aan
qorshahoodii hore laga talo-gelin, mar walbana waxaa la hor-dhigaayey ajende
aanay waxba ka diyaarin. Kolka laga reebo kii Carta (Jabbuuti) ee sannadkii
2000 la qabtay waxay dhammaan wada ahaayeen shirar uu shisheeyuhu abaabulkooda
lahaa oo, dagaal-ooge falan mooyee, waxgaradka iyo aqoonyahanka soomaaliyeed uu
dibedda ka joogey.
Waxaa shirarkaas kolba lagu
soo ban-dhigaayey fikrado ku saabsan hannaanka lagu wadi doono dawladda iyo
xukuumadda Soomaaliya ka dhismi doona. Mar walba fikradahaas cidda soo ban-dhigtaa
waa shisheeyaha madasha iska leh. Ma aha wax ka soo maaxday maskaxda ergooyinka
soomaalida ee, badanaa, ay dagaal-oogeyaashu hoggaamiyaan. Marnaba ma aha
fikrado ka soo baxay talooyin ay ku guuleen, isna dhaafsadeen waxgaradka
soomaalida ee kulammada ‘dib-u-heshiinta’ ku magacaaban kolkii debin la joogoba
mar lagu maaweeliyo. Sidaas darteed, waa wax la iska garan karo inaysan noqon
karin kuwo ay dani ugu jirto midnimada ummadda ama dib-u-dhiska qarannimadeeda
wax ugu filan.
Fikradahaas iyaga ah waxaa ka
mid ah tii ahayd madaxbannaani goboleed (regional autonomy) oo markii
ugu horreysey sannadkii 1993kii soomaalida carrabka loogu tiray. Waxay ku
beegnayd bishii Maarso markii Addis Ababa lagu qabtay shirkii ay Itoobiya
qabaa’ilka soomaalida ku kulmisay; iyada oo mid walba summad looga dhigay
jabhad erayga ‘soomaali’ uu magaceeda ka dhex-muuqdo. Sidii naloo sheegi
jirey, ujeeddadu waxay ahayd, iyada oo ay dawladdu mid tahay, xukuumadda
dhexena ay awoodda sare leedahay in, haddana, 18ka gobol uu mid waliba u
madax-bannaanaado dhismaha maamul-goboleedkiisa sida Dawladaha Hoose iyo
hirgelinta siyaasadaha horumarinta bulshadiisa. Guud ahaan, qabqableyaashii
dagaalka iyo ergooyinkii shirkaas ka qayb-galay oo fikradduba ay ku cusbayd way
soo dhoweeyeen; iyaga oo u qaatay dulucdu inay tahay qabiil walba oo loo
oggolaaday inuu iskiis isu maamulo, isaga oo xukuumadda dhexe ka
madax-bannaanan!
Hal sano ka dib, iyada oo aan
fikraddaas meelna lagu tijaabin, dhisme-dawladeedna aan cidi isku hawlin ayaa
fikrad hor leh soomaalida lagu soo dhex-tuuray. Malaha, waxa uu shisheeyuhu u
qaatay madaxbannaani goboleed inaysan ku fillayn kala-dilka ummadda iyo
dhammaystirka qaran-jabkeeda. Warfidiye Soomaali-Ingiriis ah oo London deggan,
arrimaha soomaalidana aad ula socdaa siduu ku warramay, 1994kii ayaa dawladda
Itoobiya iyo David Shin oo ahaa danjirihii Maraykanka Addis u fadhiyi jirey
waxay ku heshiiyeen in, haddiiba ay mustaqbalka wax dhisato, ay Soomaaliya
noqoto Jamhuuriyad Federaal ah. Laga soo bilaabo maalintaas, shir walba
oo soomaalida la isugu keeno waxaa la soo hor-dhigaayey fikradda
federaalnimada; iyada oo aan marna loo oggolaan ergooyinku inay ka doodaan,
dabadeedna ay yeelaan ama ay diidaan. Meeshii lagu kulmiyoba, waxaa loo
muujinaayey inay tahay fikrad habboonideeda aan muran geli karin oo sidii daawo
in badan la soo tijaabiyey lagula tacaali karo giddi cudurrada siyaasadeed ee
soomaalidu ay la il-daran tahay!
* * *
Waxaan maqallay bil wax ka yar
mar laga joogo in qaar ka mid ah ergooyinka soomaalida ee Mbagathi (Keenya) ku
shirsan laga saxiixay qoraal rasmi ah oo ay ku caddahay federaalnimadu
inay noqon doonto dawladda soomaaliyeed ee mustaqbalku hannaanka ay ku socon
doonto. Shirkaas nin dhowaan ka soo noqday oo ii warramay ayaa wuxuu qiyaasay
95% qoraalkaas xubnaha saxiixay inay moog yihiin waxa uu habkaasi yahay,
Soomaaliya inay u baahan tahay iyo hirglintiisa inay awood u leedahay iyo in
kale. Kolkaas baan is-iri: “kii saxiixay ee hoggaamiyaha isu haystey haddii uu
macnaha federaalnimo ka diimoon yahay, maxaad mooddaa ummadda la rabo in
lagu dhaqo ee berri loo geyn doono!”.
Ayaandarrada kale waxay ahayd
kooxihii qoraalkaas saxiixay oo aan weli garanayn cidda ay federaalnimada
isugu keeni doonaan, haddiiba aanay jirin dawlado soohdimo kala leh, haatanna
maamullo u gaar ahi ay u dhisan yihiin. Malaha, qoraalka ay saxiixeen qoladii
soo diyaarisay ayaa sida wax u dhismi doonaan gadaal uga keeni doonta!
* * *
Haddii aad loo soo koobo,
federaalnimo (federaal system) waa hab dhisme-dawladeed oo 2 dawladood iyo tiro
ka badani ay ku bahoobaan, lehna xukuumad dhexe oo federaal ah. Xukuumaddaas
ayaa mar walba gobannimada amaba awoodda sare iska leh (sovereignty), kuwa
kalena waxay leeyihiin awoodo xagga sharci-dejinta iyo xagga maamulkaba isugu
jira, kuse eg dhulka ay, juqraafi ahaan, ku fadhido. Waxa uu ka dhashaa dawlado,
markaas ka horow, uu xiriir ‘konfederayshan’ ahi ka dhexeeyey, dabadeedna ku
heshiiyey intii hore inay isaga soo dhowaadaan; iyaga oo taas ka filaya cudud
ciidan iyo tu’ dhaqaale inuu hannaankaasi u keeno. Intii aysan isu iman, waa
dawlado ay tu’ waliba lahayd maamulkeeda u gaarka ah iyo soohdimo dhuleed oo
awelba qeexnaa, kuwa kalena ay la wadaagto. In kastoo aysan mar walba shardi
ahaynna, hannaanka federaalka waxaa, badanaa, ku midooba ummado, isir iyo
dhaqan ahaanba, kala duwan oo ka gaashaamanaya tu’ ka mid ahi intay si uun uga
saayid-caleyso inay, berri-ka-maalin, inta kale ku amar-ku-taaglayso.
Dawladda federaalka ahi waxay
yeelataa dastuurro xubnaha federaalka ku jiraa ay midiba gaar u leedahay iyo
mid ay wadaagaan oo xukuumadda federaalka ahi ay ilaaliso, kuna dhaqanto. Sidoo
kale, waxay dawladdaasu yeelataa xeerar tiro badan oo awoodda u qaybiya
xukuumadda federaalka ah iyo dawladaha federaalnimada isku bahaystay.
Baarlamaanno kala heer ah ayay haddana leedahay. Midka ay dawlad waliba
leedahay ka sokow, waxaa isna jira baarlamaan inta badan laba-aqalle ah
(bicameral parliament) oo ka kooban wakiillo dawladaha federaalka ahi ay soo
dirsadaan.
Federaalnimadu waa hab ka
dhaqan-galay qarammo ka mid ah dunida hor-martay, ha yeeshee lagu
guuldarraystay markii dalal Afrika ka tirsani ay isku dayeen inay hirgeliyaan.
Tusaale waxaa taas u noqon kara dalalka Camerun (1961), Congo (1960 & 1964),
Tanzania iyo Ethiopia oo iyada iyo Eritariya dawlad federaal ah la isugu geeyey
1952kii, ka dibna hooggii ka dhacay loo soo joogey!
Sida muuqata, federaalnimadu
ma aha wax fudud ama u habboon ummadaha dunida oo idil. Waa hannaan ay
bulshooyinka aqoonta lihi hirgelin karaan, una baahan garaad siyaasadeed oo
ilaalin kara soohdimaha qaanuuniga ah ee ku qeexan xeerarka dawladaha
federaalka xubnaha ka ahi ay ku heshiiyeen. Dhinaca kale, waxaa loo
baahan yahay inay noqdaan, dhaqaale ahaan, dawlado isu dhowdhow oo mid waliba
ay baahideeda dabooli karto, welibana xukuumadda federaalka ah wax ku biiran
karto.
* * *
Haddaba, su’aasha maanta
taagani waxay tahay: Soomaaliya dawlad federaal ah ma u baahan tahay? Mase ka
hirgeli kartaa? Su’aashaas jawaabteeda aan ka toyanno buunigii soomaaliyeed ee
xeeldheeraha ku ahaa qaanuunka dastuuriga ah (constitutional law),
allaha u naxariistee: Prof. Axmed Ashkir Bootaan oo 2001dii dalka Holland ku
iishay. Saddex sano ka hor intii aanu geeriyoon (1997) ayaa Bootaan waxa uu
qoray maqaal dheer oo uu ku magacaabay: Soomaaliya; dawlad federaal ah,
mase federeeshin qabiil? . Wuxuu ahaa maqaal uu si cilmiyaysan ugu
falanqeeyey wax walba oo ku saabsan fikradda federaalnimada oo, sida
maantaba jirta, beryahaasna soomaalida lala dhex-ordaayey, dagaal-oogeyaasha
qaarkoodna ay ku hadaaqayeen. Xag falsafadeed, xag qaanuun iyo xag
siyaasadeedba, wuxuu buunigu maqaalkiisa ku faahfaahiyey taariikhda
federaalnimada iyo sida aanay ugu habboonayn in Soomaaliya looga dhigo hab lagu
dhaqo. Aad ayuu ugu dheeraanayaa sababaha aanay soomaalidu nidaamkaas u qaadan
karin, uguna baahnayn. Ha yeeshee, sida muuqata, qoraalkiisa dardaaranka u eg
shalayto cidi dheg uma dhigin, sida aanan u filayn kaygan inay maanta cidi u
danayn doonto!
Si kastaba ha ahaatee, waxaa
ila habboonaatay inaan halkan ka soo jeediyo su’aalo aniga iyo adigaba
madaxayaga ku wareegaya, dabadeedna qoraalka buuniga aan jawaabaha ka soo saaro;
iyada oo su’aal waliba ay tay tahay, jawaabahana uu Bootaan leeyahay.
--Su’aasha 1d: maxaa diidaya
dawlad federaal ahi inay Soomaaliya ka dhisanto?
--Jawaab: “dhismaha iyo
hirgelinta nidaam federaal ahi wuxuu u baahan yahay...awood dhaqaale iyo
aqooneed oo ballaaran, garaad dawladnimo oo qoddo dheer, qab qarannimo iyo
waddaninnimo oo daacad ah, dareen caddaaladeed oo sugan; arrimahaas oo dhammaan
ah kuwo maanta Soomaaliya aan laga heli karin”. Nidaam federaal ahi soomaaliya
maanta kma dhismi karo, haddii lagu jujuubana, toos ama si dadban, ma noqon
doono mid hirgala oo miro dhala. Haddii arrinta loola jeedo xiriir qabaa’il ka
dhexeeya oo magac federeeshin la huwiyo, markaas ma noqonayso mid
federaalisimka ku abtirsata ee waa in magacyo kale loo baadi-goobaa, maxaa
yeelay federaalisimku ma aha fikrad antarabooloji (anthropological thought) oo
dhalasho iyo abtirsiinyo ku socda. Waa fikri qaanuuni ah oo degaan ku salaysan.
‘Federeeshin qabaa’il’ ma dhisi karo nidaam federaal ah oo caddaalad iyo
dimoqraaddiyad ku salaysan, waayo’aragnimada dunidana laguma hayo meel ‘federeeshin
qabaa’il ka hirgalay!”
--Su’aasha 2d: “arrinta federaalnimada
Soomaaliya waa maxay danaha uu shisheeyuhu ka leeyahay?
--Jawaab: “waxaa jira dano
siyaasadeed, dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya laga leeyahay;
danahaas oo sida la rabo aan loo fushan karin haddii ay jirto dawlad
soomaaliyeed oo midaysan, xoogna leh. Haddiise ay dawladdu tahay mid daciif ah
oo ka kooban qaybo ama gobollo hab qabiil ku dhisan oo midba midda kale lagu
xuuxin karo; danahaas si fudud ayaa loo fushan karaa”.
--Su’aal 3d: kooxda soomaalida
ah ee federaalnimada wadwaddaa waa tuma, maxayse uga jeeddaa?
--Jawaab: “kooxda soomaalida
ahi waxay u badan tahay rag siyaasiyiin ah iyo kuwo isku wada inay siyaasiyiin
yihiin oo federaalisimka iyo waxa uu yahay toona aan fikrad ka qabin, hase
yeeshee u arkaya inuu yahay nidaam abuuraya jagooyin badan ee maamul iyo
siyaasadeed; jagooyinkaas oo ay isku wadaan inay iyaga noqdaan kuwa buuxin
doona. Danta ka dambaysa oo laga leeyahay jago-raadiskuna waxay tahay oo keliya
in si degdeg ah oo hawl yar lagu maalaysto, si kastaba maalaysigaasi ha ku
yimaadee”.
--Su’aal 4d: waa maxay
hab-dhismeedka dawladeed ee Soomaaliya ay u baahan tahay?
--Jawaab: “Soomaaliya, dad iyo
degaan ahaanba, waa dal aad u yar; iyadoo dadka soomaaliyeedna yahay mid
wadaaga waxyaabo magguuraan ah oo siinaya midnimo asal ah;...midnimadaas asalka
ah oo keenaysa in, run ahaantii, ayan jirin baahi lagama-maarmaan ah oo loo
qabo dhisme nidaam dawlad federaal ah. Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay
dawlad midaysan (unitary state) oo ku dhisan hab doorasho oo dimoqraaddi ah,
lehna maamul baahsan ee gobollada iyo degmooyinka siinaya madaxbannaani
maamul (administrative autonomy)”. Sida uu Bootaan qabo waa inay taasi
noqotaa “madaxbannaani aan gaarsiisnayn dhinaca siyaasadda, maxaa wacay
madaxbannaani siyaasadeed oo waqtigan degaannada la siiyaa, xaaladda
qabyaaladdu heerka ay marayso awgeed, waxay noqonaysaa in qabiil kastaa u
macnaysto gobannimo uu helay, markaasna wixii uu doono uu sameeyo, halkaasna
mar kale ay dawladnimadii ku dunto. Dawladdu waa inay yeelataa xukuumad urursan
oo kooban, qabiil-raalli-gelin aan ku dhisnayn ee ku dhisan awoodda iyo baahida
dalka; dawlad karti u yeelan karta sugidda nabadgelyada guud iyo dib-u-dhisidda
dalka, bulshada soomaaliyeed ee kala firirtayna dib u soo ururin karta, dibna
isugu soo celin karta”.
D. Gebaggabo:
Jamhuuriyaddii burburtay ha ka
tirsanaato ama kuwa tooska loo gumeysto ha ku abtirsatee, soomaalidu, sinji
ahaan, halis bay ku sugan tahay. Sida ay hadda wax u socdaan haddii aan wax
iska beddalin, waxay qarka u saaran tahay goor aan dheerayn si buuxda inay u
weydo 1960kii gobannimadii iyo calankii uu qaarkeed helay, dabadeedna ay is-aragto
iyadoo cadawgeeda taariikhiga ahi uu dhulkeeda ku wada xukumayo. Waxaa laga
yaabaa akhristeyaasha qayb ka mid ah inuu hdalkaygu u cuntami waayo oo ay u
qaataan inaan ahay muraayado madow nin wax ku arkaya!
Laakiinse arrintu sidaas ma
aha. Si aad iigu garawdana, waxaad isku daydaa su’aalahan soo socda inaad kaga
jawaabto sida ay yihiin. Toos iyo gurracba, maantaba talada soomaalidu miyaysan
gacmaha shisheeyaha ku jirin?. Goormaa u dambaysey soohdimaha dalka oo la
ilaaliyo, ciidammada shisheeyuhuna ay ka caagganaadaan?. Dhawr-iyo-tobankii
sano ee la soo dhaafay, marna ma aragtay, mase maqashay, shir uu shisheeye u
qabto mooyee, mid intay isugu timaaddo ay keligeed soomaalidu arrimaheeda kaga
tashanayso? Goormaa u dambaysey hogaamiye beeshayda yiraahda mooyee, mid
‘Soomaaliya’ ka welwelaya oo faroggelinta shisheeyuhu ay la qalloocan tahay? Ma
dhacday, waaba dhacdaye, 3 janan oo mid waliba Wasaaraddii Gaashaandhigga ee
Soomaaliya uu wasiir ka soo noqday inay Itoobiya Addis Ababa isugu geysey, mar
dambena Ceel-berde ku shirsatay, iyagoo ka amar-qaadanaya saraakiil yaryar oo
nabadsugiddeeda ka tirsan? ‘Qab jabay’ iyo ‘qarannimo baduugantay’ sow halkaas
kaagama muuqdaan? Goormaa u dambaysey soomaali isu damqata iyo gobol ay midka
xiga dani ka hayso? 30ka nin ee Keenya ku sugan, isuna soo taagey doorashada
madaxtooyada Soomaaliya, miyaad ku maqashay mid qura oo ka dhiidhiyey arrrinta
dawladda federaalka oo ah tallaabbadii lagu ebyaayey qorshihii soo
taxnaa ee qaran-jabka ummaddeenna? Sow sababtu ma aha cabsida uu mid waliba ka
qabo shisheeyaha ay rabiddiisa u tartamayaan? Ujeeddada cadawgu shalay sow ma
ahayn, welina sow ma aha dhulka soomaalida inta uga harsan inuu taabo? Haddii
aan dad ka ceshadaa jirin, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ma wax u
diidayaa jira inuu xoog ku qabsado oo uu berritana sheegto; isaga oo weliba
saxiixa dagaal-oogeyaasha wata?
Haddii ay sidaas ku sii socoto,
haddii Mbagathi wixii dhowaan lagu saxiixay la marsiiyo, qorshaha cadawgu cid
hor-joogsata haddii uu waayo: Soomaaliya allaha u naxariisto! Aragtidayda, tan
iyo jabkii Axmed-gurey, maalin ay soomaalidu ka indho xun tahay ma soo marin.
Waxay u eg tahay, sida shacbiga Kurdiga, mid ummadaha deriska ah ku milmi
doonta oo dal la’aani ay u qoran tahay. Dawlad iyo ummad ahaanba, si ay u
bedbaadi kartaa, kolley aniga, waa iga madowdahay!
* * *
Bal u fiirso dhacdadan
dhiillada leh ee soomaali qofkii qab qarannimo leh oo idili uu ku baraarugi
karo. Aqoon-yahan Soomaali-Ameerikaan ah oo Itoobiya ka soo noqday ayaan
dhowaan London kula sheekaystay. Mar uu Jaamacadda Addis Ababa booqday ayaa
dadkii uu kula kulmay waxaa ka mid ahaa ku-xigeenka Guddoomiyaha Jaamacadda;
kaasoo arrimaha gobolka ay isla jeexjeexeen. Ku-xigeenkii ayaa ku yiri:
“Soomaaliya waxaa u dan ah inay Itoobiya la midowdo. Haddiise ay iyadu taas
garan weydo, iima muuqato sabab naga hor-joogta inaannu xoog ku qabsanno. Sow
iyada qofka xanuunsanba dawada lagu qasbo!”. Ku-xigeenka Jaamacadda oo haddana
faahfaahinaya sida fudud ee ay taasi dalkiisa ugu suuroobi karayso ayaa yiri:
“Itoobiya waxaa ku nool 80 malyan dad cagacagaynaya, soomaaliduna haddii ay ugu
badato waa 8 malyan. Weligayo badaha soomaalida waannu u baahnayn, waxaase naga
hor-taagnaa waddaniyaddii xoogga lahayd ee qaybtii dambe ee qarnigii 20d
ay soomaalidu ku midaysnayd! Maanta waddaniyaddaasi ma jirto, waana dal aan
dawladi ka jirin, annaguna ma dhawran karno deris olol aan baqtiyayni uu
dhexdiisa ku baxaayo!”.
Hadalkaas Ku-xigeenka
Jaamaccaddu wax dhiillo ah ma ku geliyey? Jawaabtu haddii ay ‘haa’ tahay, weli
waad dhaqan tahay, haddii kalese allaha kuu naxariisto!
Malahayga, waxa keliya ee
mustaqbalkaas naxdinta leh lagu baajin karaa waa iyadoo la helo dhallinyaro iyo
waayeel is-urursada, kuwaas oo hawshooda ka bilaaba qaaddacaadda dhammaan
shirarka cadawgeeda taariikhiga ahi uu maamulkooda wax ku leeyahay, midka
haatan Keenya ka socdaana uu ugu horreeyo. Waxay u baahan tahay hoggaamiye
Sayid Maxamad Cabdille Xasan la ujeeddo ah iyo dhallinyaro kuwii Leegada ku
fikrad ah; rag iyo dumar qabyaalad ka xoroobey oo arki kara qaran-jabka sinjiga
soomaalida loo qorsheeyey. Waxay u baahan tahay rag iyo dumar garan kara,
iyadana ka dhaadhicin kara inaan cadawgu kala jeclayn, dantiisuna ay tahay
sidii ay xeebaha soomaalidu ugu gacan-geli lahaayeen. Haddiise ragga iyo
dumarka tilmaamahaas lihi ay kol dhow ummadda u soo bixi waayaan, waxaad
filataa wax walba oo guuldarro qaran ah iyo Soomaaliya oo ka baxda maabka
dawladaha xorta ah ee dunida!
* * *
Nin-siyaasadeed dalka Mexico u
dhashay oo qarnigii 19d noolaa ayaa beri u fiirsaday derisnimada Ameerika
dhibaatada uu dalkiisu ku qabo, markaas buu ku tiraabay oraah halqabsi noqotay.
Wuxuu yiri: ‘Mexico ayaan daranaa: Allena ma sidan bay uga fog tahay,
Ameerikana (USA) ma caynkan bay ugu dhowdahay!’.
Annana malaha gef naguma aha
haddii aan niraahno: ‘Soomaaliya ayaan daranaa: waddaniyadna ma halkaas bay ka
taagan tahay, Itoobiyana ma sidan bay dhinaca ugu haysaa!’.
Birmingham, England
Luulyo 2003
Email: idaajaa21@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2003
C/Risaq Xaaji
Xuseen hadalkii uu ka yiri Federaalka Soomaaliya
Nidaamka Federalku Makashaqaynkaraa Soomaaliya!,?
Jawaabtii C/risaaq Ka
khri halkan.... 6/11/2002
Dhambaalkii C/Risaaq Xaaji Xuseen oo
Afsoomaali loorogey
Tarjumadii Axmed F. Cali idaajaa
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|