SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Musharax waxmagarad ah iyo Warbaahin Qeyru-masuul ah.

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

Ceynte@comcast.net 

Aug 1, 2003

 

KAAH

Bishii tobnaad ayaa u gashay wufuudda ka qeyb galaysa shirka Somalida uga socda tuulada Doofaareey (Mbaghati) ee duleedka magaalada Nairobi, Kenya. Illaa iyo haatanna wax natiijo ah oo aan ka aheyn tirada sii badaneysa ee musharixiinta Madaxweynanimada Somaliya, oo gogoshaas ka soo ifbaxayna haba sheegin.

Affartan iyo sagaal (49) nin baa illaa iyo imminka arjiyadooda soo gudbiyey. Raggani si is le'eg uma helin faallada warbaahinta awooda leh ee Soomaaliyeed. Waana tan igu khasabtay inaan Warbaahinta Somalida qaarkeed ku sifeeyo ineey qeyru-masuulnimo muujiyeen. Dabcan Warbaahintu waa dad isu tagay oo iyagoo sii maraya tiknoolajiya casri ah, gaarsiiya shacab mucayan ah warar iyo faallooyin eey dadkaasi fahmi karaan. Nasiib xumo, Warbaahinteenii Somalida waxeey maanta gaftay majaraheedii. Warbaahin kasta waxaa saaran masuuliyad rabaani ah iyo mid uu shacabku xaq ugu leeyahay. Khiyaamo ayeey tahay in qalab warbaahineed oo qaran ama hey'adi leedahay loo isticmaalo buun-buunin lagu sameeyo kuwa horeba shacabka u aafeeyey.

Tusaale ahaan, Idaacadda loogu dhageysiga badan yahay Somaliya kontonkii sano ee ina dhaaftay BBC-da ( oo hadda dhidibadda u aastay ineey si fasiix ah (FM) codkeeda ku gaarsiiyo malaayiin Somali ah ) ayaa waxeey maalin kastaa faallooyin aan anigu buun-buunin ku macneyn lahaa ka bixisaa Qab-Qablayaasha dagaalka ee Somalia. waxaad maqlaysaa iyagii oo wareysiyo la yeelanaya hogaamiye kooxeedyada, si eey "u sharaxaan qorshohooda siyaasadeed " hadii la doorto. Waa sida eey BBC-du jeceshay ineey u dhigta'e. BBC-yeey waxaan ku weydiiyey; Hadiiba aad dooneyso inaad ogaato "Qorshaha Siyaasadeed" ee hogaamiye kooxeedyada, maxaa kuu diiday inaad ogaato "Dhambaalka Siyaasadeed" ee musharixiinta aan hogaamiye kooxeedyada aheyn ? Dabcan hal iyo laba waa laga yaabaa inaad 30 ilbiriqsi ku sheegteen inuu isa soo sharaxay. Ha yeeshee, cadaalad kuma aadan falin inaad maalin kasto u sheegto malaayiin Somali ah oo adiga uun kaa war sugaya in hebel hebel-kii waalidkaa iyo caruurtaada soo laayey uu doonayo haddana inuu madaxweyne kuu noqdo ! Waxaan filayaa ineey taasi tahay Qeyru-masuulnimo marag madoonato ah.

Warbaahinta Somalida ee buun-buunisa qowleystadan kuma sinna BBC-da oo kaliya'e, waxaa sidoo kale taa kula bohoobay Qaar kamid ah Wargeysyada, bogagga Internet-yada iyo Idaacado kale. Dhowrkii todobaad ee ina dhaaftay waxaan isku howlay inaan ilo kala duwan oo warbaahineed dhageysto/Aqristo/daawado. Ku dhawaad dhamaantood wexeey ka sinnaayeen buun-buuninta rag aanba buun-buunis u baahneyn. Taa waxaa ka sii liidata, sariig la'aanta tobaneeyo Wargeys/website oo marka aad gashaba bogga hore uu ka laalaado sawirka hogaamiye kooxeedka u sharaxan jufada leh boggaas !! Ba'a iyo hoog taa ka daran wali kuma arag taariiqda aan garto ee Somaliyeed. Aaway dadkii damiirka lahaa ee u dhashay bogaggan la silciyey lagana been abuuray ?? Ma wexeey ku qanacsan yihiin in magacooda lagu maamuuso musharixiin wax magarato ah ?

Anigu ma taagni yaan la soo warin dhacdooyinka iyo isa-sharraxaada shaqsiyaadka is caleema saara. Laakiin waxaan u dig-iyo-damleeyahay in warbaahinta xorta ahi eeysan u carrab laalaadin dagaal oogayaasha. Tusaale ahaan, Waddamada hore u maray ee galbeedka, waxaad warbaahintooda ku arkeysaa ineeysan qarsan xurgufta eey u hayaan dad/dal mucayan ah. Kolka, marka eey rabaan ineey ka faalloodaan Fidel Castro tusaale ahaan, waxeey u hadlaan sidan " Madaxweynaha kaligii taliyaha ah ee xukunkana muquunsaday ee waddanka Cuba ayaa maanta cafis u fidiyey qoxooti laga soo celiyey xeebaha Florida ee wadanka Mareykana ....." Bal si fiican ugu fiirso sifeynta Mr.Castro. Hal erey oo been ah kuma jiro, haddana waxaad ka dhadhansaneysaa in hadalkan uu is-dul saaray qof siyaasad ahaan neceb Mr.Castro. Sidoo kale, Marka eey warbaahinta galbeedku qaadaa dhigayaan madaxweynaha Masaarida, wexeey u hadaaqaan sidan " Madaxweynaha dalka masar ayaa maanta xeebta Sharma! Al-sheekh ku qaabilay wafdi ka socda dalka Israa'iil, si eey uga wada hadlaan geedi socodka nabadda bariga dhexe, Mr. Mubarak intuu uu xukunka hayey wuxuu isku soo dhaweeyey carabta iyo Israa'iiliyiinta, wuxuuna taageero aan caadi aheyn siiyey dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah " ! Markale, weerahani waa kuwa xaqiiqda ku qotoma, laakiin eey ka soo dhadhameyso la dhacsanaanta galbeedka ee Mr. Mubarak. Xusuusnow, Mubarak sidoo kale, waa kaligii taliye ! laakiin waa saaxiibka Galbeedka. Sidaas awgeed, meelna laguma sheegayo kaligii taliyanimadiisa !

Muhimadda aan ka leeyahay tusaalayashani waa ineey warbaahinta Somalidu garwaaqsadaan sirta warbaahinta. Wexeeyna u hadli/qori karaan sidan " Mid kamid ah hogaamiye kooxeedyada ka qeyb galay dagaalkii sokeeye ee baabi'yey boqolaalka kun ee rayidka ah, isla markaana bara kiciyey malaayiinta kale ayaa maanta ku dhawaaqay inuu isu sharaxayo jagada ugu sareysa ee dalka. Hogaamiye kooxeedkani wuxuu ku biiray liiska eey horeyba uga buuxeen dagaal oogayaal badan oo Somaliyeed ! " Ma hal kalimad oo been-abuur ah ayaa ku dheehan weerahan ? Halka eey marka eey timaado ineey warbaahintu ka faallooto ganacsadayaal iyo mutacallimiin aan ka qeyb qaadan dagaalka, isuna soo sharaxay madaxweynanimada eey sidan u hadli/qori karaan " Mid kamid ah ganacsatada/aqoonyahannada Somaaliyeed ee aan ka qeyb qaadan dagaalkii sokeeye ee dalka, ganacsi balaaranna ku leh/Waxna ka dhiga jaamacadda hebel hebel ayaa maanta isu soo taagay in si dimoqoraadi ah loogu doorto jaga! da madaxweynanimo ee Somaliya " Markale, yaa beenin kara dhamaan ereyada ku soo arooray jumladdan ? Laakiin labada jumladood sow makala qurux badna ? Sowse macno kala duwan u sameyn meeyso qofka caadiga ah ee Somaliyeed ee nabadda iyo horumarka dalka uun doonaya ?

Ugu danbeyn, waxaan ku soo gunaanadi lahaa in warbaahinta dalku masuuliyaddan rabaaniga ah ee iyaga eebe u gartay eey sida eey tahay uga soo baxaan. Hadii eey xitaa taasi ku khasabto ineey tababaro u fidiyaan warfidiyeenadooda, waxaan dhihi lahaa ha ku dhaqaaqeen. Ceebna ma ahan inaad diintaada, dadkaaga iyo dalkaaga difaacdo, meelkasta oo aad joogto. Marka yeeysan la xumaan ineey sawir-xumeeyaan raggan dhiig-miirtay shacabka masaakiinta ah.

C/raxman Ceynte
Minnesota
Ceynte@comcast.net (new!)

<><><>LIFAAQ<><><>

HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA

  • 18kii Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da Afka Soomaaligu shaqadeeda bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer toddobaadkiiba oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura. Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi. [1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
  • Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in ay hadasho 15daqiiqo maalinkasta, waqtigan sida kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii Soomaaliya. [Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
  • 1dii Luulyo, 1961-kii, waa markii halsano kasoo wareegtey xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho 30-daqiiqo. [1 July 1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur]
  • 25kii Maarso 2000-kii, waa burburkii Soomaaliya kaddib'e, waxaa waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo 1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah. [August 26, 2000 waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
  • Sannadka 2002 waxaa lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado dheeraad ah eeg: BBC.11:00 | BBC.14:00 | BBC.16:00 | BBC.18:00.[Waxaa soo fool lahaa shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta Soomaalida, waxaa kale oo aad u siyaadey shaqala'aanta Soomaalida maadaama aysan jirin dawlad abuuri karta shaqooyin.]
    <><><><>

Somalia: Qaran aan Qaamuuskiisa wax Qeybsiba ku Qorneyn [Ceynte]

Dumarka Somaliyeed: Doorkoodii shalay iyo maanta
Gabdhaha Soomaaliyeed sidii ay ahaan jireen iyo sida hadda ay Guji...


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com |

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD