Horumarka Dalkaaga Hooyo kuma Xirna Hay'ad Ee Waa
Wadaniyadda, Taar Air Port
WQ. Maxamed Cabdi F Botan (Shiike)
faaraxbotan@hotmail.com
Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Waxa maanta sharafti ah, in bulsho waynta soomaliyed ay garankarto in horumarka
wadanka uu ku xiran yahay shaqsiyaadka u nasab sheegta wadanka, qormadan waxan
kusoo qaadanaya wax qabadka muwaadinka .
Agaasimaha Shirkadda Illaalinta Xeebaha Dowlad Goboledka Puntland, Mudane, C/Wali
Cali Taar ayaa waxa uu dhagaxdhig Garoon diyaaradeed kasameeyay Magaalada
Garacad, oo katirsan Degmada Jariiban Gobolka Mudug ee Puntland Somaliya, Mudane
Taar waxa uu ku guulaystay mushruuciisii ahaa in Tuulada garacad ay yeelato
garoon Diyaaradeed , Garoonkaas oo labilaabay taarikhdu markii ay ahayd
16.02.2002 ayaa hadda waxa uu helay aqoonsiga Caalamiga ah ee (International Air
Port System), garoonkaan oo loogu magac daray (TAAR AIR PORT) waxa furitaankiisa
kasoo qayb galay dhammaan hay'adaha Caalamiga ah, ee UN'ka, sida wakiilka
WFP,UNICEF,MSF Belguim, Oxfam,UNDP,UN Security Agency,Govermental and non
Govermental NGO's,, iyo hay'adaha dowladda ee Maamul Goboledka Puntland.
Garoonkan oo uu furitaankiisa kadib hadal kajeediyay sargaal sare oo ka tirsanaa
hay'adda nabad galyada ee Qaramada midoobay, oo dhalashadiisu tahay Srilankan,
ayaa waxa ay fajaciso ku noqotay sida uu wadanka somaliya yahay qaybo kamid ah ,
isla markaana qaybihiisa kale ay higsanayan horumarka caalamiga ah, sargaalkaas
waxa uu mahad ballaaran usoo jeediyay dhammaan dadkii sida wadaniyadda lahayd ee
ka qayb qaatay abaabulka garoonkaas, isla markaas waxa uu hadalo qiiro leh usoo
jeediyay dadkii kasoo qayb galay xafladdaas.
Garoonka ayaa hadda waxa uu nasiib u yeeshay inuu helo Laysan, kaasoo micnihiisu
yahay , haddii diyaarad dulmaraysa deegankaas ay lakulanto cillad farsamo ay si
degdeg ahi ugu dagi karto TAAR AIR PORT.
si kastaba ha'ahaatee waxa garoonkan garab socda Waddadii waynayd ee lawada
sugayay looguna magac daray WADAAGSIN, Waddadan Wadaagsin waxa fikirkeeda wax ku
lahaa Agaasimaha Shirkadda Illaalinta Xeebaha Puntland ee SOMCOM, Mudane C/Wali
Cali taar oo ku guulaystay Dhismaha Garoonka TAAR AIRPORT.
waxa kale oo lataaban karaa oo uu mudanaha ka dhisay Gobolka Mudug Magaaladiisa
galkacyo ee Dowlad Goboledka Puntland, Hoteel aad u wayn , Hotelkaas waxa uu'u
jiraa Bartamaha magaalada galkacyo in kusiman 1KM iyo Bar ee dhinaca
waqooyiga,Hotelkaas oo hadda si toos ah oga howlgalay deegankaas, Hoteelkaas
waxa magaciisa layiraahdaa TALEEX HOTEL, marka aad hormarayso Hoteelka waxa kuu
muuqanaya Astaanka Calanka Somaliyeed oo ka dhexbabanaya Gudaha Hoteelka, isla
markaasna waxaa dhinacyada hoteelka oo dhan kaaga muuqanaya Calamada waddamada
USA, UK, KENYA, TANZANIA, GERMANY,ITALY,Franca, iyo Kuwa hay'adaha ka howlgala
dalka gudihiisa.
Ugu danbayntii waxa qofkasta oo somaliyeed xilkasaaran yahay dalka Somaliya
sidii uu oga qayb qadanlahaa horumarka dalka, kaga dayo horumarka dalkaaga hooyo
kuwa u xayt-xaytay dhismaha wadanka.
waxan dhawaan idin soogudbinaynaa sawiradii muuqalka TAAR AIR PORT, Waddada
Wadaagsin, Iyo Waliba Hoteel Taleex.
Mahadsanidin
Maxamed Cabdi F Botan (Shiike)
faaraxbotan@hotmail.com
SOMALITALK.COM | April 24, 2003
Cawed
Casharo: “Wasiiradaasi 3 qodob ayeey u aadayaan Maraykanka”
Waraysi dheer oo uu Ibraahim Maxameddeeq la
yeeshay Casharo ayuu ku sheegay in.... GUJI...
23/4
Shaqadii
Gudiyada Shirka Soomaalida oo 5 kamid ah oo loosoo gudbiyay Kiplagat
Marka laga reebo gudiga axdiga ee arimaha dastuurka inta kale waa ay gudbiyeen
qoraaladoodii oo haatan loo xilsaaray gudiga Iswaafajinta. GUJI.
2/4/2003
KIPLAGAT
OO HOGAAMIYAYAASHA SOOMAALIYEED UGU BAAQAY SHIR DEGDEG AH OO LAQABANAYO 18ka
MAARSO
Shirkaas qododbada looga hadli doono waxaa kamid ah: Qaab
shismeedka dawladda Soomaaliyeed iyo sida loo fulinayoI.. GUJI.
15/3
MILICSI
KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal
waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
Gen.
Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey
xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey
USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu
Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI...
8/3
DKG
oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto
kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI
7/3
|