Ciraaq: Taariikh kooban wixii ka
danbeeyey dawladii Cuthmaniyiinta
WQ. Xasan Nuur
srg14@jubiimail.dk
Faafin: April 20, 2003
Ciraaq ma ahayn oo keliya
saldhigii ilbaxnimada iyo horumarka aadanaha qarniyo badan, balse waxay ahayd oo
kale saldhigii diimaha samaawiga ah iyo cilmiga lagama maarmaanka u ah nolosha
aadanaha. Hadaba laga soo bilaabo [qarnigii] 17-18aad waxay Ciraaq qaybteeda ka qaadatay
isbedelada siyaasadeed iyo kuwa dhaqan-dhaqaale oo ay reer galbeedku ku qaadeen
dunida inteeda kale, hadaba waxaynu si kooban ugu dul maraynaa taariikhda
Ciraaqda cusub kadib burburkii dawldii Cutmaaniyiinta iyo samayntii khariidada
cusub ee Ciraaq.
1917 Qabsashadii
Ingiriiska ee Baqdaad
1920 25
April waxaa loo aqoonsaday inay qayb ka tahay mustacmaradii ingiriiska
1921 23
August Hussein Bin Ali ayaa loo caleemo saaray inuu u noqdo boqor dalka Ciraaq.
Hussein Bin Ali wuxuu ka soo jeeday qoys aad ula dagaalamay dawladii Islamiga
ahayd ee Cuthmaniyiinta.
1932 3
October waxay Ciraaq xoriyadeeda ka qaadatay gumaysigii ingiriiska
1958 14
July waxaa boqortooyadii afgembiyey ciidanka qalabka sida oo uu hogaaminayey
Abdalkarim Qasim
1963 8
February waxaa dawladii Abd-al-Karim Qasim afgembiyey xisbigii hantiwadaaga ahaa
(Arab Socialist Baath Party ASBP), xisbigaas oo uu hogaaminayo Abdalsalam
Muhammad Arif
1966 17
April waxaa dawladii qabsaday Maj-Gen. Abdirahman Muhammad Arif oo la dhashay
Abdalsalam kadib markii walaalkii ku dhintay shil helicopter
1968 17
July Waxaa dawladii Shuuciyiinta ee ASBP Afgenbiyey xisbiga loo yaqaan Bacath
waxaana madaxwayne loo doortay Gen Ahmad Hasan al-Bakar
1970 11
March Waxaa heshiis nabad gelyo wada saxeexday golihii kacaank RCC iyo Shaikh
Mustafa Barzani oo ahaa hogaankii Kurdistan Democratic Party (KDP)
1972 -
waxaa heshiis saaxiibtinimo oo 15 sano ah kala saxeexday dawladii Sovietka iyo
Ciraaq, heshiiskaas oo ku dhawaaday inuu gebi ahaanba Ciraaq iyo reer galbeedka
kala dhex dhigo moos adag
1972 waa
isla sanadkaase waxay Ciraaq qaramaysay saliideeda oo markii hore gacanta ugu
jirtay shirkado rer galbeed ah
1974
kurdiyiinta ayaa loo ogolaaday xukun hoosaad xadidan
1975 March
waxay Ciraaq ku wareejisay dalka Iran dhulkii (shatal Carab) u dhexeeyey labada
dal oo ahaa mid lagu muran yahay
Ciraaq iyo dhacdooyinkii ugu waayanaa ee
waqtigii Saddaam Xuseen
Saddaam wuxuu xukunka qabsaday 16 July
1979, markiisii horana wuxuu ka mid ahaa koox dhalin yaro ah oo lagu litmaami
karayey wadaniyiin doonaysey inay wax wayn qabtaan. Si kastaba ha ahaatee ama si
kasta ha u adeegsado Saddaam fursadihii siyaasadeed ee soo maray rubuc qarnigii
ugu danbeeyey, wuxuu ka ahaa Saddaam Bariga Dhexe farshanka siyaasadeed oo
dhacdooyinkii waawaynaa ee uu masuulka ka ahaa lagu xasuusan doono muddo badan
oo soo socota ha la arko marlabaad ama yaan la arkine.
1979 16
July waxaa sababo caafimaad isu casilay Ahmad Hasan al-Bakar, iyada oo uu
xukunka la wareegay Saddam Hussein oo ahaa ku xigeen
1980 18 March samayn
barlaman la soo doorto afartii sanaba hal mar
1980 1
April urur ay taageerto Iran ayaa lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey weeraro lagu
qaaday meelo ka mid ah gudaha Ciraaq kaas oo la odhan karo wuxuu ahaa bilwgii
dagaalka Iran iyo Ciraaq, kadib Ciraaq waxay samaysay ficilo ragaal celin ah
1980 4
September Iran waxay duqaysay magaalooyinka Ciraaq ee ku teedsanaa xuduuda, taas
oo noqotay bilowgii dagaal wayn oo dhexmara labada dal
1980 17
September Ciraaq waxay ku dhawaaqday inay ka noqotay heshiiskii 1975
1980
22 September waxaa rasmiya u qarxay dagaalkii Ciraaq iyo Iran, iyadoo Saddaam
balanqaad ka haysto CIA-du in Kuwayd uu qabsado haduu ku guulaysto dagaalka Iran
1980 22
September Ciraaq waxay duqayn cirka ah ku qaaday gegooyinka ciidanka Iran
1980 23
September Iran waxay duqayn la beegsatay ilaha dhaqaalaha iyo ciidanka Ciraaq
1981 7
Julay dayaaradaha Israa段il oo baabi段yey warshadii Nukliyerka oo markaa ay
dhaystirtay shirkad Faransis
1988 17-18
March waxaa ciidanka Ciraaq uu sun ku buufiyey tuulada Xalabja oo ay ku dhinteen
5 kun oo kurdiyiin ah, iyadoo waqtigaa dawlada Maraykanku sheegtay inaan shunta
loogu tala gelin kurdiyiinta, balse waxayba ku eedaysay inay ka danbayso dawlada
Iran
1988
20 August xabadjoojintii dagaalkii Ciraaq iyo Iran oo socday sideed dano ayna ku
nafwaayeen dad gaadhaya 1 million
1988
6 September cafis loo fidiyey dhamaan Kurdiyiinta ka soo hor jeeday dawlad
Ciraaq marka laga reebo Jalal Dalabani oo ah hogaamiyaha urur la magac baxay
Midowga Wadaniyiinta Kurdistaan
1989 16
February asaaskii golaha iskaashiga Carbeed oo ay ka mid ahaayeen Ciraaq, Yamen,
Masar iyo Urdun
1990
2 Augost amar uu bixiyey saddaam wuxuu ciidanka Ciraaq gacanta ku dhigay Kuwayd,
isla bishaa 6deedii wuxuu UNku ku soo rogay Ciraaq cuna qabatayn, 25kiina waxaa
la isku raacay in xoog looga saaro, waxay Ciraaq dib u aqoonsatay heshiiskii
1975 ay gashay Iran, iyado ciidanka Ciraaq uu ka soo baxay dhulkii lagu
muransanaa ee u dhexeeyey Iran iyo Ciraaq oo ay dagaalkii 8da sano kula soo
noqotay Ciraaq
1991
17 January dawlada Maraykanka oo hogaaminaysa dunida inteeda badan waxay weerar
ku qaaday Ciraaq, 27kii ayaa la xoreeyey Kuwayd, maalintii labaadna waxay Ciraaq
ogolaatay xabad joojin
1991 7
March waxaa dhacay kacdoonkii waqooyiga ee Kurdida iyo kacdoonkii koonfureed ee
shiicada, waxay dawlada Maraykanku u ogolaatay in ciidamadii Ciraaq ay
burburiyaan kacdoonadaa iyadoo ay ka welwelsanayd dawlada Maraykanku in kooxaha
seef la duulka ee gacan saarka la leh Iran in ay xukunka qabsadaan, kadibna
waxaa la sameeyey Zonaha diyaaradaha ka caagan ee waqooyiga, waxaa kale oo loo
gurmaday qaxootiigii Kurdida ee u soo cararay Turkiga kadib markii ay cagta
mariyeen ciidamada Ciraaq kacdoonad waqooyiga iyo koonfurta
1992 27
Augost waxaa la sameeyey Zonaha Koonfureed ee ka caagan diyaaradaha si loo
dhiiri geliyo shiicada isla markaana loo soo celiyo kalsoonidooda
1993
13-18 January waxay weerar ku qaadeen diyaaradaha xulafadu konfurta Ciraq iyo
warshado ku yaalay agagaarka Baqdaad
1993
27 Jun Maraykanka oo ka aar-gudanay isku daygii dilkii George Bush (madaxwaynihii
hore ee Maraykanka) waxaa 23 shaaruukh lagu riday xaruntii sirdoonka Ciraaq taas
oo dhulka lal simay
1993 26 November waxay
Ciraaq ogolaatay shuruud la誕an qaraarkii kormeerka hubka ee nambarkiisu ahaa
715
1994
October waxaa ciidamada Ciraaq la soo dhoobay xuduudka Kuwayd kadib markii la
isku af garan waayey calaamadinta xuduudka labada dal, iyadoo dhul ka mid ah
Ciraaq loo gooyey ama lagu daray Kywayd, taas oo ay dhibaato kala kulomeen
ciidamdii xulafada, kadibna waxaa loo diray ciidan xulafo ah oo ay ka mid yihiin
29 kun oo askari oo Maraykan ah
1994
10 November waxay Ciraaq aqoonsatay dawladnimada Kuwayd iyo xuduudkeeda
1995
14 April waxay Ciraaq diiday qaraarkii 986 oo ahaa in saliid ay ku bedelato
cunto si loo yareeyo dhibaatadii bini誕adan-nimo ee soo food saartay dadka
reer Ciraaq
1995 8-22
Augost waxaa urdun u baxsaday Xuseen kaamil oo uu sodog u yahay Saddaam, isla
markaana ahaa hogaankii samaynta hubka ee Ciraaq. Xuseen Kaamil wuxuu dalka dib
ugu soo laabtay kadib markii ay soo tuftay CIA-du, waxaana la dilay sadex casho
kadib soo noqoshadiisii 23 February 1996, waxaa la rumaysan yahay sirta uu
bixiyey Xuseen Kaamil inay saldhig u ahayd dhamaan khilaafyadii ka danbeeyey
waqtiga sida in cuna qabatayntu sii jirto, kormeerka hubka iyo xitaa duulaanka
lagu riday dawladii Saddaam.
1996
20 May waxaa Ciraaq iyo UNku isla ogolaadeen heshiis saliida lagu bedelanayo
cunto iyo wixii kale ee daruuri ah
1997 13.
November waxay Ciraaq dalkeeda ka saartay dhamaan khubaradii Marakanka ee u
shaqaynayey UNka, kadib markii uu fashilmay qorshe hoosaad CIA-du wadatay
1997
18-20kii November waxaa Ruushka iyo Ciraaq wada diyaariyeen qorshe lagu daminayo
xiisada soo food saartay qorshihii baabi段nta hubka halista ah ee Ciraaq, kaas
oo loogu ogolaanayey dhamaan inay dib u soo noqdaan khubaradii u shaqynaysay
UNka jinsiyad kasta ha ahaadeene
1988
16-19 December waxaa Ciraaq lagu qaaday hawl galkii Decert Fox kadib markii
dhibaatooyin kale ka hor yimaadeen qaybtii UNka u qaabilsanayd baabi段nta
hubka halista ah ee Ciraaq waxaa sadex maalmood oo duqayn ah Ciraaq lagu riday
in ka badan 500 oo saaruukh
1999
17 December wuxuu golaha amaanku soo saaray qaarka 1284 oo ahaa nadaam cusub oo
lagula soconayo hubka Ciraaqo kaas oo ciraaq diiday.
2001
22 May waxaa Maraykanka iyo Ingiriisku soo ban dhigeen hab cuna qabatayn cusub,
kaas oo loogu ogolaanayo Ciraaq dhamaan ganacsiga aan hubka iyo waxyaalaha la
xidhiidhaa ku jirin, mashruucan oo Rushku ugu caga jug leeyey Vito ciraaqana ay
diiday ma noqon mid sii socda
2002
15 October waxaa dib loo doortay madaxwayna-nimada Saddaam isaga oo ku
guulaystay 100% codayntii
2002
27 November waxaa dib u bilaabmay habkii baadhista iyo baabi段nta ee hubka
halista ah iyo sawaariikhda Ciraaq, kadib markii la isla ogolaaday qaraarka
tirsigiisu yahay 1441
2003
March wuxuu Han Blix shaaca ka qaaday in khubarada hubka ee UNku u baahan yihiin
waqti dheeraada inta aan talaabo kale la qaadin
2003
17 March wakiilka Ingiriiska ee UNka oo shaaca ka qaaday inuu soo xidhmay
dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee lagu joojin lahaa dagaal Ciraaq lagu qaado, Kofi
Anan ayaa amray in lagasoo samata bixiyo khubarada UNKa ee Ciraaq joogta, isla
markaana George W. Bush wuxuu u qabtay 48 saacadood saddaam iyo wiilashiisa inay
kaga baxaan dalka
2003
20 March waxaa Baqdaad gilgilay sawaariikhda Maraykanka, taas oo ahayd bilowgii
duulaankii lagu qaaday Ciraaq
2003
9 April waxaa ciidanka kooban oo Maraykan ah soo galeen badhtamaha Baqdaad,
iyadoo ay ku xigtay burburkii nadaamka Ciraaq iyo kala danbaynta oo faraha ka
baxay. Waxaa magaalooyinka Karkuuk iyo Mousil gacanta ku dhigay maleeshiyaadka
Kurdida iyo ciidamo Maraykan ah, xaalada oo faraha ka sii baxaysay waxaa dhac
iyo boob loo gaystay hantidii qaranka iyo tii gaarka ahayd ee dalka, waxaa
bilaabmay mudaharaadyo googoos ah iyo xabad aan loo miidaan dayin ciidanka
xulafadu ku furayaan shacabka.
WQ. Xasan Nuur
srg14@jubiimail.dk
Faafin: April 20, 2003
DAGAALKII CIRAAQ MAALINTII: 26
| 25 |
24 |
23
| 22
| 21
| 20 |
19
| 18
| 17
| 16
|
15
|
14
| 13 | 12
| 11 | 10
|
9 | 8 |
7 | 6
| 5 | 4
| 3 | 2
& 1
Qoraaladii
Hore ee Xasan Nuur... GUJI
DjiboutiII.1
| DjiboutiII.2
| DjiboutiII.3
| DjiboutiII.4 | Liishaanka
| Faallo | Sooyaalka
| Carr0-edeg | Publications
| Som.Basic.Rights | Shir.Aarhus
| Booqashowafti
| CGG | CGG.2
| CGG.3 |
Taladaan.laruugin.1
| Taladaan.laruugin.2
| Gabaygii.Timacade
|
Afeef: Aragtida
Qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|