SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Qodobo ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee ku shiraya Mbagathi.
 

IQRA FM
95.1 IQRA F.M

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

ridwanhaji14@hotmail.com 


IQRA FM - Nairobi-Kenya


kooxaha soomaalida ayaa isku afgartay in soomaaliya ay yeelato dawlad federali ah. waxaana ay hogaamiyayaashu ku heshiiyeen dhowr qodob oo kala ah:

1- in wasaaradihii jiray lagusoo kordhiyo mida federalka.
2- in mudo 2sano iyo Bar lagu hirgaliyo federalka kadib marka dawladda kumeel gaarka ee la dhisi doono ay magacaawdo gudi mudo 90 maalmood gudeheeda.
3- in mudanayaasha baarlamaanku ay kalsooni u qaadaan dawladda hadii xiliga loo qabtay ay ku hirgali waayaan howsha fderalka oo dhinacyo badan lagu eegi doono.
4- in la dhiso xukuumad cimrigeedu yahay 5sano.
5- in baarlamanku uu doorto madaxwayne, madaxwaynuhuna doorto Raizul wasaare kadibna la doorto 3 Raizul wasaare ku xigeen inkastoo ku xigeenada cidda dooranaysa aanay cadayn wali.
6- in ku xigeenada loo qaybiyo wasaaradaha ka shaqaynaya dalka soomaaliya.
KAAH
waxaan wali aan lasoo gaba gabayn qaabka baarlamaanka uu noqonayo oo su'aalo dhowr ah lagaga hadli doono maalinta isniinta ee bari ah waxaana ay kala yihiin:

* Yaa dooranaya mudanaha baarlamanka. ma qabiilkiisa? mise oday dhaqameedyada iyo kuwa kale?

*Tira intee le'eg ayaa haweenku ay ku yeelanayaan golaha baarlamaanka?

* tirada baarlamaanka hadii wax laga badalayo horayna loogu heshiiyay in laga dhigo qaab qabiil oo ku salaysan tirada 4.5

(IQRA).

 WARARKII HORFE EE IQRA FM

27/4/2003

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD