Wararkii Maanta ee shirka Nairobi.
Ridwan Xaaji Cabdiwali
ridwanhaji14@hotmail.com
Nairobi-Kenya(RID)
|
20/4/2003
iyadoo qaabka shirku usocda ay hoosayso ayaa haddana waxaa ergadda shirka ay
udiyaar garoobayaan wajiga sadexaad ee wada hadalada marka laga gudbo muranka
iyo ismarinwaaga ka taagan gudiga axdiga iyo qaabka dawladeed ee ay yeelan
doonto natiijada shirka kasoo baxda.
wajiga sadexaad waxaa hortaagan labo gudiga axdiga ee dastuurka soomaaliya
diyaarinaya oo ilaa iyo iminka aan soo gaba gabayn shaqdisii ,halka gudiyada
kale ee shanta ah ay dhamaystireen.
Gudoomiyaha Gudiga farsamada IGAD Bethwel Kiblagat ayaa dhowaan sheegay in uu
rajo wanaagsan ka qabo in laga gudbo murankaas si wajiga 3aad loo guda galo,
waxaana isla markaas uu ugu baaqay dhamaan hogaamiyayaasha maqan in ay kasoo
qaybgalaan shirka si ay doodooda ugu biiriyaan hogaamiyayaasha oo maalmahanba
aad uga doodaya arimaha dastuurka iyo iswaafajinta qoraaladda 6da ah oo ay ku
shaqayn doonto dawladda halkan ka dhalata.
gudiyada kale waxaa kamid ah hanti isu celinta iyo hub ka dhigista oo si
wanaagasn usoo khatimay warbixinadoodii soo jiitamayay tan iyo eldoret.
wakiilada
qaramada midoobay Tubman iyo midawga reer yurub waliid musa ayaa dhinaca kale
shir jaraaid ku sheegay in bisha jun lagu wado gunaanadka shirka, waxaa kaloo ay
sheegeen in beesha caalamka ay gacan siin doonto dawladda halkan kasoo baxda
iyagoo sheegay in dhibaatada shacabka soomaaliyeed ay aad usii badatay.
hadaba iyadoo arimahan ay jiraan ayaa waxaa soo baxaya is gaashaan buuraysi dhex
maraya qaar kamid ah xubnaha ergada oo horay ugu kala tagsanaa siyaasadda iyo
kuwo sii kala fur furmaya oo dhexdooda isku kacay.
SRRC ayaa todobaadkan afhayeen u hadlay waxaa uu sheegay in xiriir fiican ay la
samaysteen mas'uuliyiinta DKM ee kala ah Raisul wasaare Xasan abshir iyo
afhayeenka baarlamaanka cabdalla deeroow isaaq hase yeeshee faah faahin kama
bixin kulamo la sheegay in ay la yeesheen madaxwaynaha Puntland Col.Cabdulaahi
Yusuf.
dhinaca kalana xurguftii dhexmaratay madaxwayne cabdi qaasim salaad xasan iyo
wakiiladiisa halkan ujooga ayaa baryahan xubhana TNG ay ka fadhiisteen sidii loo
xalin lahaa.
Hogaamiya yaasha G8ka ayaa wali shirka iaygu quud daraynaya waxaana ay ku
andacoonayaan in dawladda itoobiya ay fara kulul ku hayso shirka soomaalida ,isla
markaana niyad wanaag ay u qabaan shirka kama muuqato.
Ridwaan Xaaji C/Wali
Mbagathi, Nairobi, Kenya
ridwanhaji14@hotmail.com
SOMALITALK.COM | April 20, 2003
Shaqadii
Gudiyada Shirka Soomaalida oo 5 kamid ah oo loosoo gudbiyay Kiplagat
Marka laga reebo gudiga axdiga ee arimaha dastuurka inta kale waa ay gudbiyeen
qoraaladoodii oo haatan loo xilsaaray gudiga Iswaafajinta. GUJI.
2/4/2003
KIPLAGAT
OO HOGAAMIYAYAASHA SOOMAALIYEED UGU BAAQAY SHIR DEGDEG AH OO LAQABANAYO 18ka
MAARSO
Shirkaas qododbada looga hadli doono waxaa kamid ah: Qaab
shismeedka dawladda Soomaaliyeed iyo sida loo fulinayoI.. GUJI.
15/3
MILICSI
KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal
waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
<><><>
Gen.
Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey
xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey
USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu
Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI...
8/3
DKG
oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto
kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI
7/3
WAR-BIXIN
KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI
Qaar ka mid ah ergada DKG ayaa si toos ah ugu soo xerooday madasha loogu talo
galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo... warbixintii Ibraahim
Maxameddeeq 6/3
WARARKA
SHIRKA MBAGATHI
»»SRRC
oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
»»Cismaan
Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
»»Shariif
Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
»»Cawad
Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman
Ka Akhri Halkan Feb 28
|