SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Go’aankii Ergada DKMG uga Qeybgaleysa Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed

27 April 2003, Nairobi, Kenya

KAAH

Shir ay Ergada DKMG ah uga qeybgaleysa Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, maanta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2003 ku yeesheen hotel-ka 680, waxaa warbixin ka bixiyey Guddoomiyaha Golaha Shacbiga KMG ah, Mudane Cabdalla Deerow Isaaq, iyo Ra’iisul Wasaaraha DKMG ah, Mudane Xasan Abshir Faarax. Labada masuul waxay Ergada uga warrameen halka ay mareyso dooddii beryahaan u socotay Guddiga Hoggaamiyeyaasha ee Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, dooddaas oo u kala baxda qeyb lagu heshiiyey iyo qaar weli dooddoodu socoto. Arrimaha aan weli lagu heshiin waxaa ka mid ah:

  • b) Tirada guud ee baarlamaanka la dhisi doono.

  • t) Tirada haweenku ku yeelan doonaan baarlamaanka.

  • c) Qeybta ay DKMG ah ku yeelan doonto baarlamaanka.

Waxay gaar ahaan labada masuul Ergada la socodsiiyeen mowqifka xubnaha DKMG ah uga qeybgalayey kulanka Guddiga Hoggaamiyeyaasha ee ku saabsan arrimaha kor ku xusan kuwaasoo oo ah sida soo socota:

1) Tirada guud ee baarlamaanku inay noqoto sidii hore loogu heshiiyey oo ah 450 xubnood.

2) Tirada haweenku ku yeelan doonaan baarlamaanku inay noqoto boqolkiiba toban (10%).

3) Qeybta ay DKMG ah ku yeelaneyso baarlamaanku inay noqoto 245 oo ah tirada Golaha Shacbiga ee KMG.

sawir Sawir laga qaaday booqashadii C/Qaasim ku tegey Kuwait bishii March ee sanadkan 2003, xilligaas oo madaxweynaha DKM uu la kulmay jaalyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan Kuwait.

Dood dheer iyo falanqeyn kadib, Ergada DKMG ah waxay ayideen mowqifka xubnaha DKMG ah uga qeybgaleya kulanka Guddiga Hoggaamiyeyaasha sida kor ku cad.

Waxaa kale oo Ergada DKMG ah go’aamisay in Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Nairobi la keeno Hoggaamiye Dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ee asalka ah si ay u qeybiyaan xubnaha baarlamaanka.

Waxaa kale oo ay Ergadu isku raacday in qeybta DKMG ah ay baarlamaanka ku yeelan doonto (245) ay ka dhaxayso xubnaha labada gole.

Ugu dambeystii, waxay Ergadu isku raacday in dhaarta xubnaha lagu soo warramay in loo dhaariyey si ay uga mid noqdaan Golaha Shacbiga KMG ah ay tahay mid aan waafaqsaneyn Axdiga KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacbiga.

Sidaas darteed, waxay Ergadu u soo jeedineysaa madaxda iyo xubnaha Golaha Shacbiga KMG ah ee Xamar ku sugan inay dhawraan Axdiga KMG ah iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacbiga.

ISHA WARKA:
Axmed Ciise Cawad 
Madaxa Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha 
ai_awad@yahoo.com
 

Faafin: Apr 28, 2003

Wararkii Hore ee Axmed Cawad: PMO ... GUJI 

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI  

I  I  D  H  E  H

Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka 
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI... 8/3

DKG oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi 
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI 7/3
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD