SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ARAGTI
..... DUMARKUNA U ROONAA !!!!

Shiikh Saahid maxamed yusuf
Toronto,Canada 
gacamay@hotmail.com
 

KAAH

Allaah makhluuqaadkiisa wuxuu ka abuuray labo nooc oo iska soo horjeeda ama isudheelitiran ama iscajabiyaba aan iraahdee, kuwaas oon ku koobneyn noolaha oo kaliyah, ee ay la wadaagaan ma nooluhu, ama waxa ilma aragtayda ah ama waxyaabaha lagu dareemi karo taabashada ama dhadhanka iwm.

Haddii waxyaabahaas aan qaar ka mid ah xuso waa Rag & Dumar, Rati & Hal , Dibi & sac, wan & lax, geedaha ( oo Ubaxooda hore uu lab & dhedig ) ka sameysan yahay sida ay noo sheegeen Saynisyahanadu, Habeen & maalin, Qorax & dayax, Qaraar & macaan, kuleyl & Qaboow, Electaroon & Barotaron, ... & waxyaabo kale oo farabadan IWM.

Taasi waa nolosha adduunyadu waxa ay ku dhisan tahay waa lammaanayaal sida habeen iyo maalin,macaan iyo qaraar,kulayl iyo Qabow,caddan iyo madow,nolol iyo dhimasho,gabow iyo dhallinyaronimo,Rag iyo dumar,sida uu Rabi Quraankiisa noogu sheegay:

( Wax kasta waxaan ka abuurnay lammaanayaal si aad ugu waana qaadataan ) 51:49

Lammaanayaashaas waxaa ugu fadli & sharaf badan Bani,aadamka oo ka kooban RAG & HAWEEN, oo aad iskugu dhaw xataa uu allaah ka cabiray hal naf in ay yihiin:

( Dadow Rabigiina ka cabsada, kii idinka abuuray naf kaliyah ...) 4:1

Sida aan nolosha adduunka ku aragno Raggu Haween ayey ka hadlayaan ,Haweenkuna rag ayey ka hadlayaan,Arrintaasuna waa arrin dabiici ah, maxaayeelay haddii aysan Raggu haween ka hadlin maxay ka hadli lahaayeen ,sidoo kale haddii aysan Haweenku Rag ka hadlin maxay ka hadli lahaayeen. Xirriirka ka dhaxeeya Ragga & haweenka waa mid wallaalnimo,bani, aadannimo, iskaalmeyn, isjaceyl, wada tashi ,is-ixtiraam, wada shaqeyn iyo istaakuleyn.

Warkii oo dhan Rag la,aantii haween ma jireen ,Haween la,aantoodna rag ma jireen !!!
Raggu naaga jecelaa....... Dumarkuna u roonbaa !!!
Waxa ceynba ceyn looga dhigay ha is cajabiyeene !!!
Taas waxaa ka xigmad & xeel dheer Qowlka Allaah uu ku tilmaamay in Ragga & haweenku ay dhar isku yihiin:
( Ayaggu waa dharkiinii ,adinkuna dharkoodii baad tihiin ) taas oo macnaheedu yahay ruux dharkiisa ka maarmaa ma jiraa, jawaabtu waa maya !!!! marka ma kala maarantaan !!!!.
Ayadoon wax iskaga kaaya dhaw aysan dunida ku nooleyn, oo aanan kala maarmin ayaa haddana marmar la isku dhacayaa oo uu khilaaf imanayaa !!! sida loo yiraahdo ( Carab & laba daan baa iskugu dhaw ayaguna waa is qaniinaan !!! ).

Taasina ayaduna waa shey labaad oo dabiici ah in la is khilaafo ama la is diriro, sidaas darteed ayuu Abwaankii aan cinwaanka ka soo qishay u yiri:
Raggu naaga jecelaa .... Dumarkuna u roonaa
Haddana colaad raagtiyo....
Arrinkaasina waa caadi maxaa yeelay labo ruux oo meel kala gadisan ku soo koray oo mid basasha jecel yahay, kan kalena neceb yahay, midna barbarooniga jecel yahay, kan kalena neceb yahay.
Haddii ay Boqolkiiba ay 95% isku waafaqaan waa khasab in ay 5% isku khilaafaan !!! haddii aan si kale u iraahdo haddii bishii 29 beri ay nabad yihiin hal maalin oo colaad ah ama ay wax isku si u arki waayaan waa caadi !!!.
Taas waxaan uga dan leeyahay akhristaha ninka ahow in aan halkan kuugu soo ban dhigo arrin afkeenu u batay intaan qurbaha joognay oo ah ( in ay Haweenkii Soomaaliyeed Qurbaha ku kibreen ama isku badaleen) !!!!
Maxaayeelay waxay la qabsadeen dhaqankii qurbaha oo ah in haweenka lagala shaqeeyo guriga ama laga caawiyo xannaaneynta carruurta, ama debeddaba lagala soo adeego ( shopping) !!!
Taas oo ah dhaqan aysan Ragga Soomaaliyeed horay u aqoonin, ayna ceeb aheyd in uu ninku jiko galo( Qorqode) ama carruurta uu ka bedelo ( Diaper) amaba uu ka nadiifiyo waskhda,ama uu Digsiga cunto ka soo gurto naagtiisii oo joogta, iwm.
Dhaqankaas oo ahaa runtii mid xun marka ay ceeb noqoto in aad kaalmeyso xaaskaaga oo waliba uur(1) leh amaba umushashay !!! waa sida uu ii qirtay Nin saaxiibkey ah oo ii sheegay in ay haweeneydiisa oo umul ah ay cuno u karisay kadibna markuu shaqada ka yimid ay ku tiri ayadoo mujuqii dhabta ku heysa: ( Maxamadoow digsiga ka soo rido qadada waan kariyaye) markaas ayaan xanaaqay ayuu yiri : ( Naa maanaad i leedahay digsi cunto ka soo rido)!!!
markaas ayey cunugii intey dhigtay luuday ayuu igu yiri saaxiibkey asagoo ka xun waxa uu sameeyey intii uu Soomaaliya joogay !!!
Akhristaha ninka ahow anigoo been ka sheegeynin sheekadaas sida rabi igu ogyahay waa khalad waxaad Haweenka Soomaaliyeed u tiraahdo wey is badaleen !!! .
Maxaayeelay ma Qorrax kulul ayey hoos ku doorsanayaan, mise dhib aan lala wadaageynin ayey howl la isla qabanaayo ku doorsanayaan !!! Runtii aniga ahaan haddii dhaqankeenii mararka qaarkood arxan la,aanta ahaa ee aan Diinta ku saleysneyn ay maanta ka doortaan midkaan howsha la isla qabanaayo waxaan oran lahaa ( Haweenka soomaaliyeed wey waalan yihiin ama waa doqomo) ileen qorrax & hoos ma sinaane,habeen & maalinna warkeedaba daa, ma sinaan saliid gaasta & subagga xoolaha,e ( xaq & baadilna warkoodaba daa ) !!!!
Haddaan si kale u iraahdo dhaqankeenii howsha haweenka lagu koobi jiray & midkaan lala qeybsanaayo waxaa fiican midkaan lala qeybsanaayo,kaas ayaanna u dhaw Diinta Islaamka sida ay Caa,isha Allaah ha ka raali noqdee ay Nabigeenii suubanaa ku sifeysay: ( maradiisa ayuu tolan jiray, kabtiisa ayuu karan jiray, Ri,diisa ayuu lisan jiray,howsha guriga ayuu nala qaban jiray oo wixii ii soo dhiib la yiraahdo ayuu soo dhiibi jiray ....) sifooyin sidaas oo kale ah ayey suubanaha ku sifeysay marwadiisii sharafta laheyd Caa,isha Binti abuubakar AL-sadiiq !!!!
Haddaba Raggu naaga jecelaa ...... Dumarkuna u roonaa !!!!

La soco qeybta labaad ..... ( shaqada guriga haweenka waajib ma ku tahay?!!!!).

(1)qeyb doqonima ka tirsan ayaa la dhahaa ( Xilihuu uureeyey xoog moode )!!!!

Mahadsanidiin

Shiikh Saahid maxamed yusuf
Toronto,Canada 
gacamay@hotmail.com
 

 Qoraaladii Saahid

  April 29, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkani waa mid u gaar ah qoraaga.

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI  

I  I  D  H  E  H

Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka 
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI... 8/3

DKG oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi 
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI 7/3
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD