Waa su’aal aan is weeydiiyey iguna dhalatay kadib markaan arkay saxafiyiin
Soomaali ah oo aad mooddo iney run u qaateen saxaafaddu waa xor, saxaafaddu waa
dhexdhexaad, oo ah fikrad ay R/Galbeedku dadka ku dawakhiyaan, tiiyoo cilmi loo
rogay ayey nasiib darro wariyayaasheenna Soomaalida qaarkood qaayibeen, oo ayba
ku gula doodayaan in wariyuhu goor kasta dhexdhexaad noqdo.
Waxaan arkay rag saxaafada ku dhexjiray in ka badan rubuc qarni oo wali taagan
halkii ay joogtay saxaafadu waagii uu isagu ku soo biiray! Si kastaba ha’ahaatee
waxaa lagama-maarmaan ah in wariyuhu ogaado mabda’a iyo shaqadu marka ay is
qabtaan in lahormariyo madbada’, laakiin saxafiyiinteenna Soomaalida wey ku yar
tahay taas.
Sababta qoraalkan wuxuu ku dhashay xilligan oo uu socdo duulaanka lagu hayo
dalka Ciraaq ee ay ku wadaan dowladaha Cadowga ee kala ah Maraykan, Ingiriis,
iyo warmoogayaasha Ustaraaliyaanka, dagaalkan oo noqday bar ay ku kala baxaan
Muslimiinta iyo Gaalada, gaar ahaan Maraykanka ooba isagu hadda maraya heerkii
uu Fircoon waa ahaa.
Dhibaatada ku dhacday walaalaheenna Ciraaq oo ah mid laga tiiraanyoodo ayna
waajib nagu tahay inaan R/Ciraaq u fidinno gurmad kasta oo aan u awoodi karno,
haddey tahay inaan naf iyo maal u hurno, haddey tahay inaan qalin iyo qawlba ugu
hiillino, ayaa waxaad arkeysaa saxafiyiin Soomaali ah ooba aad mooddo iney la
socdaan ciidamaha Maraykanka oo ay col layihiin shacabka Ciraaq, dadka
saxaafadda aadka u bartay waxay qirayaan in erayada uu wariyuhu isticmaalayo ay
si weyn uga turjumayaan aragtida uu ka qabo waxa uu ka waramayo.
Haddii aan tusaale dhaw bixiyo, kanaalka Aljazeera ee dalka Qadar, waxa uu
waayadii uu bilaabmay duulaanka Ciraaq lagu hayo, waxa ay isticmaali jireen
goorta ay sheegayaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ( CIIDANKA
XULUFADA) laakiin kolkii ay xulufadaasi qabsadeen saacaddo tuulada Umu-Qasri ee
ay ka tageen calankii Maraykanka iyo kii Ingiriiska ayuu kanaalkii Aljazeera
badalay luqaddii ahayd (CIIDAMDA XULUFADA) oo waxay ku badaleen ( CIIDAMADA SOO
DUULAY), sidoo kale wariyayaasha CNN-ka qaarkooda jooga gudaha Ciraaq ee la
socda Ciimada Maraykanka goorta ay sheegayaan ciidamada Ciraaq waxay ku sheegaan
( CIIDANKA CADAWGA) iyagoo ku tilmaamaya cadow ciidamadii ay dalkooda ugu
yimaadeen.
Sow labadaa dhacdo marag uma ahan sida wariyayaashu aysan marnaba uga leexan
mabda’ooda iyo aragtidooda, waxaa la dhahaa saxaafadda ma’ahan muraayad wax laga
daawado ee waa goob ku shaqaysa hadba qofka gacanta ku haya nooca warbaahineed
ee uu maamulayo.
Aan usoo laabta saxafiyiinta Soomaalida waxaan la yaabay qiso uu iiga sheekeeyey
nin oday ah oo Idaacad Af-Soomaali ah dhagaystay, wuxuu yiri isagoo ka waramayey
wariyihii Soomaaliyeed xili ay leysay dowlada Ruushka qaar kamid ah
Mujaahidiinta Jejniya ayuu wariyihii Soomaaliyeed isagoo rabo inuu sheego in
dagaalkaa lagu laayey qaar kamid ah Mujaahidiinti Jejniya ayuu yiri sidatan (
waxaa goobtaas dhagta dhiigga loogu daray qaar kamid ah fallaagaddii Jejniya).
bal ila macnee labada eray ee kala ah “ dhagta dhiiga loogu daray” iyo “
Fallaagada jejniya” kadib goorta aad ila macneyso maxaa kaaga soo baxay? Waxaan
hubaa inaad hubto in wariyahaasu yahay afhayeen u hadlaya ciidanka Ruushka ee
xitaa uusan u ekeyn afhayeen dowladeed.
Waxaa dhici karta in wariyahaasu uusan wax go’aan ah sii wadan goortii uu
labadaas eray is daba dhigayey, ee ayba ka ahayd xulasho afsoomaali adag,
hadaanba taas u qaadanno sow ka turjumi meyso aqoonta yar ee hadana indha adayga
ku dhisan ee uu u leeyahay macnaha saxaafadda.
Dhibta ugu weyn waxay ka iman kartaa kolka wariyuhu u shaqeeyo hay’ad uusan la
caqiido ahayn taaso ku keeni karta inuu u shaqeeyo si isaga iyo mabda’iisaba
caksi ku ah, asii uusan ka war hayn, aniga marka aan arko wariye Soomaaliyeed oo
ka hawl gala Hay’ad aan marnaba ka shaqayneyn danta Muslimka waan dhibsadaa
wallow ay dhici karto inaan goorta aan khalad ku arko u cudurdaaro oon is dhaho
ma jiraan wax cadaynaya in wariyahni qabo fikrada uu baahinayo, laakiin waxaanan
cudurdaar u heleynin warbaahinta Soomaaliyeed ee xorta ah sida ka muuqata hadana
aad arkayso iyagoo la jaal ah cadowgii Muslimka, ma fahmi karitid sabab ku
khasbi karta inuu dhaho fallaagada Jejniyiinta, sheekadii ku saabsanayd arintaa
waxay ahyad Idaacaddii laga dhagaystay mid aysan gacanta ku hayn Hay’ado qalaad
ee waxay ahayd Idaacad ay maamulaan dad Muslimiin ah.
Waxaan xusuusinaya saxafiyiinta Soomaalida in ay kala hormariyaan mabda’ooda iyo
shaqadooda, marka aan saas ku talinayo ka codsan maayo wariyaayasha u shaqeeya
saxaafadaha qalaad iney shaqadooda ka tagaan, ee waxaan ka rabaa dubbo lagu
dhufanayo Muslimka inuusan isagu dhexda qaban ee uu feejignaado, qaarka iyaguna
ka hawl galaya warbaahinnada madaxa banana oo aan ka wado kuwa lagu kalsoon
yahay cidda gacanta ku haysa iney iyaguna ku dadaalaan sidii ay Muslimka u
baraarujin lahaayeen.
Warbaahinta waxaa la isla qiray iney ka xanuun badan tahay sawaarikhda ugu
awooda badan, ninbaa laga sheegay saxaafaddu haddey qof ahaan lahayd waan toogan
lahaa.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.