SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Masaajidka Muslimiinta Sweden Oo Gubtay.

Waxaa Isku soo duwaday:
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: ikraam@journalist.com 
KAAH

Masaajidka ugu weyn ee ay leeyihiin muslimiinta ku dhaqan dalalka waqooyiga Yurub ee Iskaandaneefiyanka islamarkaasina ku yaalay magaaladda Malmö caasimada sadexaad ee dalka Sweden ayaa lugu soo waramayaa in habeenimadii axada soo galeysay uu dab qaday.

Dabkan ka kacay meel u dhaxeysa maqaasiino uu masaajiska lahaa oo alaabada lugu xareeyo iyo xarunta maamulka guud ee masaajidka ayaa la sheegayaa iney sababtay inuu dhasho dab xoogan oo waxyeel geystay. "Waxaan umaleynayaa in uu dabkan dhacay uu sabab u ahaa maqaasiinka oo tilay mashiinka lugu jarro dhulka oo ku shaqeeya bansiinka" ayuu yiri Staffan Ödewall oo ka tirsan cidanka dabka demiya ee gobolka Malmö.

Dabeyl ba'an oo magaaladda Malmö ay caan ku tahay ayaa iyada sii xoojisay dabkii ka dhashay maqaasinka wax lugu keydin jiray,islamarkaasina uu dabku u gudbo qeybaha kale ee masaajidku ka kooban yahay sida dugsi caruurta wax lugu baro iyo meelo hoy u aheyd carruurta qaar.

Dadweyne badan oo iskugu jiray muslimiin iyo kuwo aan aheyn intaba ayaa isugu soo xoomay masaajidka hortiisa iyagoo ay qaarkood ka xumaa waxyeelada soo gaartay masaajidka muslimiinta.

"Waxa hada ii muuqada ma ahan wax indhuhu ku farxaan ama la eegan karro" ayuu yiri Ashraf Al-madiidi oo ka mid ahaa dadkii ahaa dadkii ugu danbeeya ee kasoo baxa masaajidka ka hor intii aan qabsan dabku. Inkastoo ay dab damisku ku da daaleen siddii dabkaasi xoogan ee qabsaday masaajidka loo damin lahaa hadana waxaa durba soo yeertay qeylo dhaan ku wajahan sida ay dab damisku ugu caga jiideen demista dabkaasi qabsaday masaajidka oo dad badani ku tilmaameen mid caqligu diido.

Ma jirto ilaa cid iyo hada dusha loo saaray ama sheegata iney ku lugu laheyd dabka ka dhacay masaajidka muslimiinta Iskaandaneefiyanka isagu gubutay habeenadii axada soo galeysay. 

axdi

Booliska gobolka iyo qubaro ku xeel dheer dabka ayaa haya baaritaan ku saabsan sababihii dhaliyey dabka.

"Ma ogi inaan ilaa iyo hada inaan riyoonayo iyo inkale,laakinse waxaan arkaa qaacii masaajidka oo cirka isku shareeray" ayuu yiri Bejzat Becirov oo ahaa ninkii aasaasay islamarkasina madaxa Islamic Center oo isagu naxdin qalali gaaray markii loo soo sheegay warkaasi naxdin lahaa.

"Wax fudud ma ahan shaqo afartan sannadood aan wadnay iney marqudha cirka iska shareerto amaba ay gubato,laakinse waxaan dib u dhisi doonaa dhamaan qeybaha ay dabku waxyeelada weyn u geysteen" ayuu sii raaciyey hadalkiisii.

Olalihii lugu dhisay masaajidkan iyo sahmintiisaba waxaa ay bilaabatay afartan sanno ka hor.

Dhagaxii ugu horeeyey waxaa dhidibada loo tagay sanadku markuu ahaa 1983-dii. Saladii qudbada jimcaha ee ugu horeeysayna waxaa lugu tukaday 20 april sanadkii 1984-tii.

Markaa wixii ka danbeeyey masaajidkaasi waxa uu ahaa masjidkii ugu weynaa ee ay yeeshaan muslimiinta ku dhaqan dalalka loo yaqaan Iskaandaneefiyanka ee waqooyiga Yurub islamarkaasina waxaa uu kamid ah halbowlaha dadka muslimiinta ah.

Dhismaha masaajidku waxaa uu ka kooban yahay qeyb lugu tukado salaada iyo qeyb ay ardadu wax ku bartaan. Masaajidka waxaa loo ogol yahay iney soo booqdaan cidkasta oo dooneysa iney islaamka wax ka ogaato.

Magaaladda Malmö oo ah magaalada uu kuyaalo masaajidkaasi waxaa kunool muslimiin tiradooda lugu qiyaasay 45,000 oo qof, guud ahaan dalkan Sweden oo dhana waxaa kunool muslimiin badan oo tiradoodu kor u dhaaftay 350 000.

Waxaa Isku soo duwaday:
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: ikraam@journalist.com 

SomaliTalk April 28, 2003

axdiMILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI  

I  I  D  H  E  H

Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka 
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI... 8/3

DKG oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi 
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI 7/3

WAR-BIXIN KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI
Qaar ka mid ah ergada DKG ayaa si toos ah ugu soo xerooday madasha loogu talo galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo... warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 6/3

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD