Maamulada Maxlalka u ah Maqale:
WQ. WQ: Dr. Saciid Ciise
Atlanta, USA
Saciidciise258@aol.com
Marka nin uu rabo naag ay kala madaxbanaan yihiin inuu dib ugala noqdo
madaxbanaanideeda, waxaa xeel ah inuu xalaaleysiga naagtaas u maro nin maqaar
saara oo haweyneyda madaxeeda sii haya mudo gaaban. Ninkaas magac mooyaane wax
naagnimo ah kuma laha haweyneyda loo dhiibtey madaxeeda. Ninka naagtaas dib ula
soo noqonaya arrintaas waa u maslaxad uu ku gaarayo dib u hanashadeeda, laakiin
ninka sida ku meel gaarkaa loo adeegsaday raganimadiisa maqac u yaalkaa waa u
liidnimo aysan bidin wax duruufa oo qasabtay naftiisa.
Maqale oo ah magaalo madaxda Tigreyga ayaa dooneysa Muqdisho iney ka qaado
madaxbanaanideeda. Sidii ay ku milkin lahayd maamulkeeda waxey u martay maamulo
maqaar saara oo marxalado kala duwan loo marayo sidii ay ugu xalaleysan lahayd
hanashada xeebaha Soomaaliyeed. Sidoo kale waxey qorsheysatay si danaheeda ay u
gaarto iney dhabarka ka istaagto cudud xoog weyn oo magaceeda looga wareegto.
Maamulka Mareykanka: Magaca Mareykanka oo waagii
hore loo cuskan jirey si loo helo daryeelka xuquuqda dadka iyo horumarinta
dimuqaraadiyada dalalka ay dowladahooda soo doortaan dadkooda ayaa hadda isbedel
weyn ku yimid. Meeshii deeqda looga bartay hadda waxaa bedeley bambooyin weyn oo
dalalka lagu duminayo. Meeshii dimuqaraadiyada looga bartayna hadda waxaa
bedeley amar ku taakleyn. Siyaasadaas isbedeshey waxey dan weyn u noqotay
dalalka qaar oo u adeegsaday qiil ay ku gambadaan kuna daboolan
kelitalisnimadooda. Madaxda Carabta ee sida wanaagsan gacan saarka u la leh
Mareykanka waxey u badan yihiin boqortooyo ama madax kelitaliyeyaala. Dalalka
Afrika sida Masar iyo Ethiopia oo saaxiibo weyn la ah Mareykanka madaxdoodu waa
kelitaliyeyaal. Taasi miyeysan u muuqan in maamulka Mareykanku uusan dan ka
lahyn ku dhaqanka mabaadii'da dimuqaraadiyada, balse ay u muuqato cidii aan
adoon u ahayn amar ku taakleyntiisa. Ethiopia iyadoo tixraaceysa fariintaas
cusub ee ka soo dhalatay dhinaca Mareykanka ayey xeel ahaan door bidey
raacideeda si ay u qariso kelitalinimadeeda, fursadna ay ugu hesho sidii loo
maqli lahaa tilmaanta ay ka bixineyso xumaanta guud ee Soomaalida.
Maamulka Maqale: Tigreyda oo maamusha dalka
Ethiopia ayaa waxey ku guuleysatay in Soomaalida Galbeed aysan siin madaxbanaani
iyadoo u adeegsaneysa shaqsiyaad u dhashay dadkaas oo si ku meel gaara loo
siiyey jagooyin aysan ku lahayn awooda kama dambeystaa. Si aysan u raacin jidka
Eritrea ayey jabhada dadkaas u aqoonsatay wadaado diinta kirishtaanka la
dagaalamaya oo aan ahayn kuwo u dagaalamaya madaxbanaani. Sidaasna waxey
taageero reer galbeedka ugu heshay in jabhadaas loo aqoonsado argagixso, laakiin
arrintaas waxaa ku diidan Muqdisho oo keliya. Taasna waxey dhalisay weeraro
cagajugleyna oo loo geysto jamhuuriyada Soomaaliya iyadoo aduunkii u ku
fiirsanayo. Dabadeedna waxey dhalisay in Soomaaliya loo aqoonsado dal si xoog
leh argagixisada gabaad ugu noqon kara. Taas oo looga jeedo in lagu quusiyo
Soomaalida galbeed si ay isugu dhiibaan Tigreyda. Ujeedada maqale ugu weyn waa
iney hesho maamul u xalaaleeya Ogadeenya, dabadeedna ay xumeyso xiriika u
dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada Carabta si ay Soomaalidu u weyso suuqa
ganacsiga ay ku leedahay wadamada Carabta oo dhaqaale fara badan uu ka soo galo.
Waxaa arrintaas xiga iney dalka u qeybiso maamulo badan oo saboola danna ay u
noqoto iney Maqale u hoos yimadaan deeqda ay uga dalaaleyso reer galbeedka.
Maqale waxey damaceeda xeebaha Soomaalida ku milkineysaa marka maamuladaas ku
simeyaashaa ay mid mid uga saxiixato ka mid noqoshada maamulka federaalka
Ethiopia.
Maamulka Muqdisho: Maamulka Tigreyga waxey ku
dadaashey iney gacan saar la yeelato madaxda Muqdisho iyaga oo daneynaya in
jabhada Ogadeenya loo aqoonsado wadaado ujeedadoodu tahay asal raac oo keliya. Janaraal
Caydiid oo ay markaas taageerayeen waa ku gacanseyray arrintaas, waana taas
mida keentay in isaga iyo maamulka Tigreyga uu soo gaabto xiriirkoodu. Waxey ku
guuleysteen in Xuseen Caydiid ay lacag madaxfurasho ah uga bedeshaan
dagaalyahan ka soo jeeda Oromo. Dabadeed waxey taageeradeeda u wareejisay Muse
Suudi oo horay u ahaa nin ku jirey liiskeeda ay kula dagaalameyso wadaada
argagixisadaa. Xiriirkaas ma noqon mid maqaar saar ugu noqda Muqdisho. Muqdisho
waa laga diidey maamulka Maqale, iyaduna waxey mudatay iney gasho liiska sugaya
magaca argagixisada in lagu garaaco. Maqaale sidaas ugama harin Muqdisho, ee
waxey dayatay gacan ku dhiigyaal warmooga, waxaana liiskeeda hadda ku soo baxay Maxamed
Dheere oo la mida lax dhukan abaar moog.
Maamulka Majeertiinya: Korneyl C/laahi Yusuf oo
ogolaaday inuu ku duulo degaanka dadkiisa, dad badana ku laayo ayaa mutay
dhiigyacabnimada ugu sareysa oo loo adeegsan karo Soomaalida inteeda kale.
Kalsoonida uu ku helay bahalnimadaas iyo u rukuucida Tigreyga waxey kordhisey
hawada uu ku doonayo madaxweynenimada Soomaaliya. Wuxuu ku guuleystey inuu
xumeeyo xiriirkii u dhexeeyey Adis Sababa iyo Hargeysa. Wuxuu si joogtaa ugu
gudbiyaa Tigreyga liisaska dadka muslimkaa oo ka soo horjeeda maamulkiisa. Wuxuu
mashruuc ka dhigtay u gacan gelinta dadka midabkoodu furan yahay oo ka soo jeeda
Carabta, waxuuna shisheeye uga weydaarsadaa lacag qalaad oo uu ku dhaafsado
gacan gelintooda. Xeeladaas cusub oo magaca argagixisada shisheeyaha looga
gadanayo dadka midabkoodu cadaanka xigo ayaa u gudubtey Maxamed Dheere oo
dadkaas ku badan yahay degaanka ku dhow.
Maamulkii Maxamed I. Cigaal: Tigreyda waxey Cigaal
u soo jeediyeen inuu xiriirka Carabta iyo Soomaalida gooyo, si taas uu u
muujiyana waxey kula taliyeen inuu qoral ah xogbixin uu u gudbiyo Ra`iisul
wasaarihii Israel, Yizak Rabin. Qowlaysatanimadii uu gooni isagataagey
Soomaalida iyo heyb sheegashadii Yuhuuda waxey daboolka ka qaaday qorsho
xumadiisa siyaasadeed iyo wadaninima xumadiisa Soomaalinmo. Waxey kaloo odeygaas
mariin habaabay ay kula heshiisey inuu u soo gacangeliyo waxgaradka iyo
ganacsatada heybtoodu tahay Ogadeenya si aysan dibeda uga taageerin jabhadooda.
Maamulkaas marna ma noqon mid gooni u taagan, waxaa muuqatey oo keliya siyaasad
looga goosanayo Muqdisho, taladana lala hoos tegayo Maqale. Hargeysa kama aysan
waantoobin marna daba rucleynta iyo u adeegida Tigreyga ee waxey Maqale u suurto
gelisey iney sidii ay doonto uga adeegato dekedaheeda. Gaadiidka daldala
xamuulka ee ay leeyihiin Tigreyda ayaa canshuur la'aan alaabtooda uga soo gurta
dekedahaas, wax dhibaataana kalama kulmaan xuduudaha. Meesha gaadiidka
Soomaalida laga canshuuro xaduudka lagana dhaco hantidooda. Taasna waxey keentay
in ganacsiga Maqale uu cirka sare u kaco meesha kii Soomaalida uu noqday mid
hoos u dhacay oo ku dhisan dhumaleysi iyo laaluush.
Maamulka Maay: Baydhabo waxey u tahay
istaraatijiyad damaca tigreygu ka leeyahay Muqdisho iyo Kismaayo. RRAda oo aan
hubsan ujeedada Maqale ayey noqotay degaankeedu meesha ciidamada Tigreyga looga
qaado hilibka iyo dhuxusha, iyagoo xoolaha dadka loo daldalo dhankooda.
Taakuleynta sahayda noocaas oo kale ayaa waxaa ula diyaara Janaraal Morgan
oo qorsheynaya lo'da dadka jubada inuu ku bedesho gacan siinta Ciidamada
Tigreyga. Baydhabo waxey goor dambe ku baraarugtay amar ku taagleynta ciidamada
Tigreyga oo degaankooda meesha ay doonaan ka soo dega, waxey sameeyaana aan
waxba laga oran karin. Qeybinta Magale ay ku xukunto degaanka Maay waxey u soo
mareen dadkii sida ku meel gaarkaa ay maqaar saarka u adeegsanayeen oo uu u
horeeyo Korneylka loo yaqaan Shaati Ku Diigle ama Shaatiguduud.
Maamulka Ku Meel Gaarkaa: Maamulkii u sabab ahaa
inuu dalku dumo, jabhadaha hubeysana ku qasbay iney Maqale miciin bidaan, in
golayaasha hogaamiya dalka ay dib ugu soo noqdaan iyagoo sooca waa sababta
keentay kor u kicin la'aanta qaranka Soomaalida ka dumey iyo iska dabawareega
siyaasiyiintaas aan lahayn meel laga qabto madax iyo mijo midna. Wadaadadii
duubka cadaa oo dalka iney gacmo gooyaan maahee aan wax dadaala u gelin waqtigii
loo baahnaa dagaalka sokeeya inay la saftaan diinta, una hiiliyey qabiilka iney
maanta u xuubsiibtaan siyaasiyiin meel sare kaga jira golayaasha hogaamiya dalka
iyo siyaasad aysan dhaqankeeda lahayn waxey ka mid tahay dhibaatada ay la kici
waayeen ku meel gaarku, loona adeegsaday qiil ay ku fashilantay takuleyntii
dibada looga doonayey dowladnimo Soomaaliyeed. Waa arrin muuqata in nin walba uu
bedeshey muuqaalkiisii hore, waqtiga la joogana uu metelayo magaca qabiilkiisa.
Biyo cirka ku wasaqeysan dhulka nadiif kuma yimadaan, marka haddii xaal sidaas
yahay sow ma habooneyn in jabhadihii dumiyey dalka iyagana lagu gacan siiyo
maamulida magaalooyinka waaweyn, dekedaha iyo garoonada dayuuradaha, dkmgna ay
qaadato xilka amaanka iyo canshuur uruuurinta goobahaas. Ogolaanshaha axdiga ku
meel gaarku ku qaatay nidaamka federaalka waa mid qiyaamo ku ah Soomaaliya una
horseedeysa bilaabida qeybinta soomaalida, waxeyna arrintaas u tahay Maqale
aalad u keydsan oo ay Soomaalida dhabar jab ugu keeni karto waqti aan fogeyn.
Maamuladaas maqaar saarkaa waxey si toosa ama si dadban si ku meel gaara awooda
ugu sii simayaan dowlad ka dhisan dibeda oo dalalka daneeya Soomaaliya mid walba
uu ku leeyahay wakiil u adeega danahiisa. Dowladaas waxey si daboolan uga tala
qaadaneysaa siyaasada taliska maqale. Waxa keliya oo dowladaas maxmiyadaa
hortaagan waa Muqdisho, iyana waxey sugin maalinta uu shisheeye xoog ku muquunin
lahaa. Muqdisho waa mida keliya oo iska caabin karta qatarta cadowgaas haddii ay
muujiso maamul mideysan ee magaalo madaxnimo Soomaaliyeed iyo hubka xoogiisa oo
lagu wareejiyo ciidan mideysan. Si taas ay u meel marto, Dr Qaasim waxaa
la gudboon inuu aqbalo in xilka sharaf uu ugu dhiibo inta uusan dhamaan
wakhtigiisu qof kusima Soomaalida cidii ay dooran lahayd..
Akhri qoraalkii: Qosolka
Dhurwaaga ragba run u moodey
WQ: Dr. Saciid Ciise
Atlanta, USA
Saciidciise258@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk
SOMALITALK.COM | April 29, 2003
MILICSI
KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal
waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
Gen.
Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey
xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey
USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu
Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI...
8/3
DKG
oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto
kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI
7/3
WAR-BIXIN
KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI
Qaar ka mid ah ergada DKG ayaa si toos ah ugu soo xerooday madasha loogu talo
galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo... warbixintii Ibraahim
Maxameddeeq 6/3
|