3 siyaabood oo magaca soomaaliya uga
qeyb qaatay dagaalka Ciraaq.
W.Q: C/raxman Ceynte
Minnesota | ceyntejournalist@attbi.com
Dagaalka Ciraaq ayaa lagu dhawaaqay inuu "
xoogiisii" maanta ku ekaa. dalkii ciraaq ee awooda lahaa muddo bil ka yar
baa "lagu xoreeyey". waxyaabo badan iyo magacyo badan ayaan dagaalkan
ka barannay. waxaa kamid ah: Basra, Umu-Qasr, Mosil, Tikrit. dhanka magacyadana
waxaan baranay : Gen. Tommy Franks, Gen.Vincet Brooks, Gen. Max'ed Siciid Al-Saxaaf
oo loo bixiyey "Comical Ali" iyadoo laga wado sida uu uga qoslin jiray
marka uu warbaahinta Baghdad kula hadli jiray. iyadii oo magaalada barkeed la
heysto ayuu dhihi jiray " Calooshood u shaqeystayaasha waan dhameeyney.
inta hartayna ha is dhiibeen" waxaan kale oo barannay Gen. Cali Al-majidi
oo loo yiqiin "Chemical Ali" oo loogu magac daray markii uu 5,000 oo
dadkiisa ah ku hubka chemical u isticmaal 1989-kii.
Laakiin Magaca soomaaliya ayaan intii dagaalka
socday seddex siyaabood oo kala duwan u maqlay. Waa marka horee
intaanuu dagaalka Ciraaq bilaaban ayeey warbaahinta mareykanku bilaabeen ineey
sii odorosaan in dagaalka Ciraaq uu noqon doono sidii kii "Somalia"
ama "Muqdisho" oo kale. markii askartii caalamka ugu tababarka
wanaagsaneyd ee Mariniska Mareykanka lagu jiid-jiiday wadooyinka boorka badan ee
Muqdisho. Odorsidani waxeey aheyd mid soo laba kacleyneysay. gaar ahaan markii
uu dagaalka Ciraaq dabada la galay Magaalada Baghdad. Saddam Xuseen oo
wadooyinka dadkiisa ku salaamayan TV-ga laga arkayey. Buuuq iyo walaac ayaa ka
dhex bilowday maamulka wadankan. Filimkii Black Hawk Down oo sawirka ugu dhow ee
Waagii Muqdisho bixinaya ayeey Pentagon-ku aad u fiirsadeen oo ka baaraandageen
sida xaalku noqonayo marka Saddam Xuseen ciidankiisu dagaal xaafadeed lagalaan
Mariniska Mareykanka. Sidaas xaalku ma noqone, Baghdad laba maalmood oo qura
ayeey isku dhiibtay. Muqdishana laba sanadood ayeey isku dhiibi weyday. iyadoo
galaafatay 18 askari oo mareykan ah. Baghdad 5 askari oo waliba duulaan
Isbiimeyn ah lagu dilay ayeey galaafatay. sidaas Muqdisho wexeey baghdad uga
hormartay 13 Askari. Laakiin Baghdad sida walaasheed Muqdisho maaneey is xajin.
walow aadba loogu lamaaniyey inta aanuu dagaalku qarxin.
Markii labaad ee aan Magaca soomaaliya ka dhex
maqlo intii uu dagaalku socday wexeey aheyd; 4 maalmood ka hor markii eey
ciidamada Mareykanku galeen Magaalada saliida hodanka ka ah ee Mosul oo ku taal
woqooyiga Ciraaq. sida eey Al-Jazeera Website-keeda ku qortay, wadaad kamid ah
wadaadada ugu waaweyn magaalada Mosul ayaa jimcihii isagoo ka khudbeeynaya
Masjid weyn oo Mosul ku yaal ayaa isagoo xanaaqsan dadkiisa ku yiri " War
ilaaheey ka baqa oo joojiya bililiqada iyo boobka aad ku heysaan hantida qaranka"
isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu raaciyey " Ma dooneyno inaan Somalia
labaad noqono" isagoo dabcan ula jeeda bililiqadii soomaalidu eey u
geysteen dhamaan hantidii qaranka. aad baa wadneheeygu u garaacay markii aan
sadaradaas aqrinayey. ha yeeshee ineey runtiis aheyd shaki iigama jirin.
waxaanse ka calool xumaaday sida uu wadaadku noogu cadaysanayo. isaga kaliya
ma'ahane, qofkasta oo doonaya maanta inuu qas iyo dhibaato sifeeyo meesha ugu
horeysa ee maskaxdiisa ku soo dheceysaa waa:Somalia.
Waxaa kale oo jirta in gabar soomaaliyeed eey
iyana wiil ku dhashay cisbitaal ku yaal magaalada Baghdad habeenadii uu weerarka
cirka ahi bilaabanayey. gabadhan oo iyadoo qaxooti ah soo gaadhay wadanka Jordan
ayeey warbaahinta caalamku wax ka qoreen.
Rageh Omaar
|
Marka sedexaad ee soomaaliya mageceeda la soo
hadal qaado intii uu dagaalku socday wexeey aheyd shalay. laakiin markani waa
mid sharaf iyo reeyreeyn uu dareemayo qof kasta oo soomaali ah. Waxeey aheyd
markii uu wariyaha BBC-da uga soo waramayey magaalada Baghdad intii uu dagaalku
socday oo idil uu ku guulestay bilaad sharaf uu ku muteystay wariyanimadiisa
nadiifka ah. ninkan dhalinyaradi ahi waa Raage Oomaar oo intii la
socotayba si toos ah wararka uga soo tabin jiray sakxadda sare ee Hotel
Palestine oo ah halka eey saxaafadi caalamiga ahi ka dagaanaayeen magaalada
Baghdad. Mr Oomaar wuxuu kamid ahaa dhowr wariyeyaal Ajnabi ah, gaar ahaan reer
galbeed ah oo joogay Baghdad kahore intaanuu bilaaban dagaalka Ciraaq. Rage
Oomaar wuxu ku dhashay magaalada Muqdisho 19-kii July 1967. Isagoo yar ayaa UK
la keenay. wuxuu wax ku bartay Cheltenham Boys College deedna Jaamacada caanka
ah ee Oxford. Mr Omaar wuxuu sadaro cusub u sameeyey dheelitirnaanta saxaafada.
isagoo eey korkiisa ka dhacayaan hubka ugu culculus ee dunida ka jira. Jariidada
Washinton Post ayaa inta ka yaabtay Rageh Omaar ugu yeertay "Soo majeestaha
Skud-ka" ! Warbaahinta waaweyn ee mareykankana wexeey bilaabeen ineey
xodxotaan Mr Omaar si uu ugu shaqeeyo. sida eey u xodxoteen wariyeyaal badan oo
BBC-da ah. CNN ayaa ugu cadcad kuwa sida ba'an u doonaya Mr Omaar. shalay ayuu
Lodon ku soo laabtay. isagoo ku faraxsan in funaanado eey magiciisa iyo
sawirkiisa ku sawiran yihiin Magaalada London aad looga xirto. Rageh Omaar waa
36 jir sey u ah Nina oo uu dhalay nin barlaamaanka ingiriiska tirsanaan
jiray. Wuxu deggan yahay South Africa, gaar ahaan "Jo'berg" oo aad
looga yaqaan. Laba caruur ah ayuu leeyahay. Rageh Cumar magac qaro weyn ayuu u
soo hooyey umada soomaaliyeed dhowrkii maalmood ee ina dhaaftay. isagoo na
halmaamsiiyey xanuunkii naga soo gaaray halheyskii eey ciidamada mareykanka iyo
wadaadkii Mosul-ba soomaaliya la beegsadeen. Bahda saxaafada soomaalidana wuxuu
ka mudan yahay ineey mahad gaar ah u tabiyaan.
W.Q: C/raxman Ceynte
Minnesota
ceyntejournalist@attbi.com
Faafin: April 16, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
<><><>
BBC-da
Afka Soomaaliga iyo Fikrada Dadweynaha..... GUJI.
MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga
ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
|