CIRAAQ: TALOOW MAXAA LOO CUSKADAY
QABSASHADII CIRAAQ
Tarjumadii: Ibaraahim Saalax | SomaliTalk
Denmark | Apr 22, 2003
Duullimaadkii ay ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska ay ku qaadeen Ciraaq
ayaad mooddaa inuu soo afjarmayo. Maamullada Washington iyo London waxay
halqabsi duulaankooda uga dhigteen dagaalka ka hor “waxaan ka hortagaynaa
hubka sida daran wax u gummaada ee uu haysto Saddaam” iyo “Saddaam wuxuu
halis ku yahay nabadda dunida”. Hadalladaasi maxaa iska beddelay, kadib markii
ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska ee ku soo duulay Ciraaq ay qabsadeen
dhammaan magaalooyinka Ciraaq.
Haddaba, iyadoo laga joogo wax ka badan bil iyo usbuuc muddadii ay
ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska ku qabsadeen Ciraaq ayaa dad badani is
weydiinayaan inay Mareekanka iyo Ingiriiska ay gacanta ku dhigeen hubkii
khatarta ahaa ee lagu eedaynayay maamulka Saddaam. Wargayska maalinlaha ah ee
Independent ee ka soo baxa dalka England ayaa cadadkiisii shaleey ka dalbaday
dowladda UK guddi ka socda baarlamaanka inuu dabagal ku sameeyo qodobbadii ay
dowladda Britain u cuskatay in dagaal lagu qaado Ciraaq.
Dhinaca kale, wuxuu wargaysku ku tilmaamay
caddeymihii ay dowladda Britain hadda kahor soo bandhigtay inay ahaayeen kuwo la
“fabrikeeyay” oo aan wadan wax daliil ah. Wargayska Independent oo su’aal
toos ah weydiinaya Ra’iisal wasaaraha Britain Tony Blair ayaa wuxuu yiri “aaway
hubka sida daran wax u gummaada ee ay sheegayeen Bush iyo Tony Blair inay
yaaliin Ciraaq si ay markaasi marmarsiiyo uga dhigtaan dagaalka Ciraaq?, Bil iyo
usbuuc ayaa laga joogaa duulimaadkii lagu qaaday Ciraaq, ilaa waqtigan hadda ah
kuma aynan guuleysan ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska tilmaan cad oo
sheegaysa inay Ciraaq haysato hubka sida daran wax u gummaada”.
Wargayska oo sii wata hadalkiisa ayaa markale
yiri “dunida ma illoobi doonto tilmaamaha la fabrikeeyay ee uu xooghayaha
arrimaha dibadda ee Mareekanka Collin Powel uu soo hor dhigay gollaha ammaanka
muddo hadda laga joogo labo billood, isagoo xujooyinkiisa u adeegsaday sawiro
laga soo duubay dayax gacmeedyo iyo codad laga duubay taleefoono, isagoo
arrintan daliil ugu raadinaya inay Ciraaq haysato hubka halista ah ee sida daran
wax u gummaada”. Wuxuu misna wargayska weydiiyay Powel su’aashan “hadda oo
ay ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska qabsadeen Ciraaq halkee mareen hubkii
lagu eedaynayay Ciraaq”.
Sidoo kale, waxaa isla shaleey arrintan oo kale
wax ka qoray Wargayska The Observer ee ka soo baxa England, wuxuuna wargayska
isagoo warbixintiisa ka soo xiganaya dowladda UK sheegay in arrinta hub baarista
Ciraaq loo xil saarayo dal saddexaad sida dalka Holland. Hase ahaatee, wargayska
The Observer ayaa intaasi raaciyay inay weli socdaan doodaha ku saabsan dalkii
dabagalka ku sameyn lahaa ka sal-gaarka inay Ciraaq haysatay hubka halista ah
iyo inkale. Wuxuu kaloo wargayska shaaca ka qaaday inay u badan tahay in la
fogeeyo dowrka Qaramada Midoobay ee ku saabsan hub baarista Ciraaq. Mar aan sii
fogeyn ayeey xukuumadda Washington sheegtay in wixii hadda ka danbeeya uusan
madaxa hub baarayaasha ee QM Hans Blix iyo shaqaalaha kale ee la shaqeeya aan
loo xilsaari doonin howlaha hub baarista ee Ciraaq.
Wargayska The Observer ayaa intaas raaciyay in
usbuucii la soo dhaafay la magacaabay ilaa 1000 hub baarayaal ah oo isugu jira
mareekan iyo ingiriis, kuwaasoo sida uu wargayska tibaaxay ka howlgali doona
ilaa 150 goobood oo ka mid ah Ciraaq.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah inay
jiraan damacyo badan oo maalinba maalinta ka danbeysa soo shaac baxaya, kuwaasoo
dhammaantood isugu soo biyo shubanaya ka faa’iidaysiga batroolka Ciraaq iyo
inay ciidamada duulaanka ay Ciraaq ka dhigtaan bar tilmaameedyo istiraatiijiyeed
arrimaha barriga dhexe.
Ka bixi mayno Ciraaq
Sida ay dad badan oo u kuurgala siyaasadda ay
saadilanayaan, aad ayeey u adag tahay inay si weyn uga lug baxaan ciidamada
Mareekanka dalka Ciraaq, waxaana tilmaan cad u ah hadallada ka soo yeeraya marba
marka ka danbeeya madaxda Mareekanka.
Senator-ka jamhuuriga ee Mareekanka Pat Roberts
ahna madaxa guddiga sirdoonka ee gollaha shuyuukhda mareekanka ayaa shaleey u
sheegay taleefishinka Fox News inay ciidamada Mareekanka ay weligood joogi
doonaan Ciraaq, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Mareekanka laga doonayo inay ku
fidaan guud ahaan gobolka barriga dhexe. “waxaan u nimid inaan joogno” ayuu
yiri mar uu ka hadlayay taleefishinka Fox News, wuxuuna intaasi raaciyay “waxaan
xasuustaa markii uu uu madaxweynaha Bill Clinton oranayay waxay ciidamada
mareekanka joogayaan waddamada lagu magacaabo “+Balkans”ka (yuguslaafiyadii
hore) muddo sannad ah, saas oo ay tahay ilaa hadda ciidamadeenam gaaraya 10-ka
kun way joogaan, waxaana muddadaas ka soo wareegatay muddo dhan 10 sanno” ayuu
yiri isagoo sheegay in sidaas si la mid ah iyo ka badanba ay joogi doonaan
ciidamada Mareekanka Ciraaq iyo guud ahaan gobolka barriga dhexe.
Sidaas si la mid ah hoggaamiyaha ku meel gaarka
ah ee Ciraaq Jay Garner ayaa shaleey Wargayska Washington Post u sheegay inayan
jirin muddo cayiman oo uu ku soo xirmayo maamulkiisa ku meel gaarka ah ee Ciraaq,
hase ahaatee wuxuu daboolka ka qaaday inay maamulka wareejinayaan markii ay u
diyaar garoobaan shacabka Ciraaq maamulka dalka. “waxaa lagama maarmaan ah in
la sameeyo nidaam dimuqraadi ah oo shacabka u suurto gelinaysa inay samaystaan
waxa shacabka raalli gelinaya” ayuu yiri Jay Garner oo 64 jir ah, aadna ay
cilaaqo fiican u leeyihiin wasiirka gaashaandhiga Mareekanka ee Donald Rumsfeld.
Jay Garner ayaa maanta soo gaaray caasimadda Ciraaq ee Baghdaad, isagoo booqday
goobo ay ka mid yihiin cusbitaalka iyo warshadda biyaha sifeesa iwm.
EEG
QORAALADII HORE EE IBRAAHIM SAALAX
ISHA WARKA:
http://argument.independent.co.uk/leading_articles/story.jsp?story=39883
http://www.observer.co.uk/international/story/0,6903,940029,00.html
http://www.foxnews.com/story/0,2933,84619,00.html
WORLD: AP
| AFP
| Ruters | interfax
| CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk | Time
| Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes
| WPost | Fox
| Toronto.Star | ISlamOnline.IOL
| Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror | Turkey.News |
IRAN.irna
MID EAST: IslamToday
| ArabNews | Asharq.al.awsat
| Aljazeera
| Al.khaleej | Al.ayam
| alwatan | Alrai
| Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| Middle.east.online
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Abu.Dhabi.News |
Albawaba | KUNA
| IRAQ/QUESTIONS
VIDEO: AP.TV |
ITV
| Reuters
TV | ABU-DHABI.TV
| CANADA.TV
| SaudiTV | BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII 14
| 13
| 12 | 11 |
10 | 9 |
8 | 7 |
6 | 5
| 4 | 3
| 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE |
LA
GUERRA IN IRAQ | Corriere
Della Sera | video
| Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE:
ABU-DHABI.TV
| AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
|