Jaamac
Cali Jaamac oo isu rogay afhayeen reer waqooyi.
WQ. Osman Ahmed Sheekh
isxaaq@yahoo.com
Waxaad moodaa in dadka reer Puntland ay haysato nasiib daro ah in qofkay
doortaanba uu siduu doono u'isticmaalo xilkii loo doortay.
Shalay markii C/laahi Yuusuf diiday inuu xilka wareejiyo waa tii dadka reer
Puntland ay ka dhiidhiyeen oo xukunka ka tuureen.
Markaas kadib waatii la qabtay shirkii Garoowe ee lagu doortay jaamac Cali
Jaamac,inkastoo muran uu ka taagtaa taas hadana waxaa dad badan oon ku jiro
aniguba qabaan in Jaamac ku soo baxay doorasho xaq ah oo si cadaaladi ku jirto
weliba u dhacday, inkastoo fikirkaan ay dadku qaarna qabaan inaan wax doorasho
la yiraahdaaba meesha kadhicin.
Waxaa nasiib daro noqotay in Jaamac uu dhinac
maray rabitaankii shacabka reer puntland kadib markuu si bareera xiriir ula
samaystay maamulkii Carta oo inta badan dadka reer Puntland ay ka soo
horjeedaan. Jaamac kuma ekaan xiriirkaase misana rafashadiisii markii uu
inqilaabay kornayl C/laahi Yuusuf wuxuu sii kordhiyey waa Jaamac Cali Jaamace
xiriiradii uu la samaysanayey cid allaale iyo cidii ka soo horjeeda jiritaanka
maamulka Puntland oo weliba uu isaguna uu lahaa waxaa u'ahay madaxweyne isagoo
xiriir kale la samaystay maamulka aanu jaarka nahay ee Hargaysa,taasoo
dadka reer Puntland ku noqotay wax la yaableh oo aysan filayn marna. Waa marka
loo fiirsho nooca xiriirkaasi uu ku salaysan yahay oo ah burburinta magaca
Puntland ama ku ekaynta maamulkaas degaanada bari, nugaal qaarkeed iyo mudug
qaarkeed oo qura uusana sheegan deganada Sool, Sanaag iy Hawd. Wuu sii waday
kooxayaysigii oo wuxuu Kenya xiriir la yiraahdo G8 kula samaystay kooxo
aan oran karo waaba cadowga koowaad ee shacabkeena ee ay hogaaminayaan ragii ka
dambeeyey burburkii iyo barakicii dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye, Cismaan
caato, qanyare, ina jees iyo dhamaan gacan ku dhiiglayaasha
caanka ah.
Markaan leeyahay cadowga ugama jeedo shakhsi
ama qabiil gaara ee waxaan uga jeedaa cid kasta oo dhibaataysa shacabka in ay
cadow utahay ummada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay joogaan,mana aha oo qura
codowgu kuwan aan magacyadooda xusaye waanan halkan lagu soo wada koobi karin
magacyadooda.
Waxaa wax lala yaabo noqotay nin sheeganaya
inuu yahay madaxweyne Puntland oo leh waxaan matalaa shacabka reer Puntland,inuu
misna yiraahdo waxaan utacsiyeynayaa dadka ku nafwaayey Dhahar oo waa lasoo
weeraray.
Waa wax fiican dhaqanka islaamka qofkii dhinta
in loo tacsiyeeyo,laakiin aan is weydiinee Jaamac ma ukuurgalay waxa ka dhacay Dhahar
yaa usababa horta?Maxaase keenay dagaalkaas markiisii horeba?.
Dad badan waxaa suurowda inay qoraalkaygan
uqaataan inaan ku difaacayo kornayl C/laahi Yuusuf,kuna weerarayo jaamac
Cali.Mase ahane xaqiiqdaa ah in khaladka kornayl Jaamac uu yahay mid ku
ilowsiinaya khaladka kornayl C/laahi. Waxaa dad badan awal is oran jiray kornayl
C/laahi wadani ma ahoo waakan ummada Soomaaliyeed cadow shisheeye ugu yeeraya si
loo gumaado oo diintooda iyo dhaqan koodaba loo badalo,kornayl jaamac ayaa ka
wadanisan oo had iyo goor difaaca shacabka oo yiraahda dalkeenu ma joogaan
argagixiso.
Waxaa maanta cad in hadba kan dhulka yaal ay
noqotay qaab siloon oo uu wax ku doono meelkasta ha ugalee. Jaamac Cali Jaamac
waxaa dad badani isweydiinayaa ma afhayeen reer waqooyi ayuu noqday oo
waa ka tanaasulay sheegashadiisii madaxweynenimada Puntland?.
Mise waxaa ku dhacay cudurkii kursi jacaylkoo sidii kornayl C/laahi waagii
cayrinta lagu geeyey Gaalkacyo ee afkiisa wax kale laga waayey aan ahayn
argagixisaa joogta Puntland iyo Soomalaiyaba ayuu Jaamacna hada bilaabay markuu
quusta soo istaagay oo xitaa shirkii kooxaha dibada looga saaray jileeciisa iyo
jahawareerka ku dhacay siyaasadiisa maalinba meel jirta oo reer Puntlandina ay
dhan ka noqdeen intooda wadaniga ahi een halbeegoodu uusan qabiil wax ku cabirid
ahayn.
Waxaan ahaa taageerayaasha ugu horeeya Jaamac
Cali Jaamac,weliba wakiiladiisa dibada kuwa ugu firfircoonaa aanba isfaanshee.
Waxaanse taageeradii kala noqonay aniga iyo
inbadan oo taageeri jirtayba ama xilalba uhaysay maamulkiisii,markuu jabshey
qaanuunkii Puntland dhinacna maray rabitaanka shacabka Puntland.
Waxaa dadka reer Puntlad tusaale fiican ugu
filan hada ka dib ka inay ka fiirsadaan cida ay madax udooranayaan inuu noqdo
qof ay ku weyn tahay muwaadinimada oo aan rabitaankiisa ka hormarinayn kan
shacabka. Waa in aan ka fogaanaa in aan taageero cid kasta oo xiriir la
samaysata cadowga Puntland iyo kan Soomaaliyaba guud ahaan.
Walaalahaya reer waqooyi iyo kuwa koonfureedba
waxaa naga dhaxaysa is xurmayn, daris wanaag iyo walaalnimo aan go'ayn
marna,hadiise ay ku soo xadgudbaan degaanada Puntland ama ay jabshaan
qawaaniinta degaanka, waxaan ubixinaynaa cadowga Puntland waana in laga
hortagaa,oo la tusaa in meesha maamul ka jiro oo aysan fowdo ahayn.
Cidii ku taageerta gardarada reer waqooyi ay
wadaan sida hada ka muuqata hadalada Jaamac Cali Jaamac ee uu leeyahay Dhahar
waxaa ku soo duulay C/laahi Yuusuf. Dhahar waa degaan ka tirsan maamulka
Puntland cidii ku soo xadgudubtana waxaan qabaa in talaabo ay ka qaadaan
ciidamada daraawiishta ee Puntland. Waxaan qabaa inaysan hawaysan ama laga hor
istaago inay wax ka noqoto Puntland hada iyo mustaqbalkaba cidaan wadaniyadu
aysan ku fogayn oo xukun jecely uun ay wado.
Ugu dambayn waxaan usoo bandhigayaa su'aal
akhristayaasha qoraalkaygan.
Yaa uroon dhulka iyo dadka reer Puntland
wadaniyad marka laga hadlayo labada kornayl ee midna leeyahay anaa madax ah iyo
anaa madax ah,waa C/laahi Yuusuf Axmed iyo Jaamac Cali Jaamac? dadweynahaan
udaayey jawaabta.
Akhristayaasha waxaan ka raali galinayaa wixii
khalada ee ay ku arkaan qoralkayga.
Waxaan kaloon usheegayaa in mawqifkaygii aan ka
taagnaa siyaasada Puntland uusan waxba iska badalin ee uu sidiisii yahay
ahaa,in xukun uu ku jiri karo uun rabitaanka shacabka oo qura.Maya xoog iyo qori
caaradii baan ku haysan ama ku qabsan dal iyo dadka deganba.
Wabillaahi Tawfiiq.
Osman Ahmed Sheekh
isxaaq@yahoo.com
Faafin: April 16, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
<><><>
MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga
ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
|