Kulankii Ardayda
Soomaaliyeed ee Dhigta Jaamacadaha Minnesota
Warbixin: Qaybtii 1aad
| 2aad
Wq.Maxamed Cali | webmsater@somalitalk.com
"150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta
Jaamacada Minnesota" Tiicey (SomaliTalk.com Sept
29, 2002)
Xalay ayey ahayd markii loo balansanaa
kulankii ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadaha kuyaalka gobolka Minnesota.
Ballantaas oo gaar ahaan ku saabsanayd doorashada gudiga ardayda jaamacada
Minnesota (MSSU). Kulankan waxa lagu qabanayey Jaamacada dhexdeeda, gaar ahaan
kuliyada "Carlson school of managment".
Yaasiin Garaad
"mas'uuliyadda aan dareeno"
|
Kulankii waxa uu bilaabmay qiyaastii 30 daqiiqo kaddib markii la qorsheeyey,
waxaana lagu furay wacdi uu soo jeediyey Yaasiin Garaad. Bilowgiiba waxa
uu Yaasiin xusay sida ay diinta islaamku u tahay Nasteexo. Waxaana uu halkaas
kasoo jeediyey qisooyin dhawr ah oo uu dadkii kulanka kasoo qaybgalay ku
xusuusinayey sidii ay u dareemi lahaayeen macnaha iyo miisaanka ay leedahay
mas'uuliyaddu. Waxana uu is barbardhigay bini-aadamka iyo mas'uuliyadda uu
qaaday iyo xayawaanka iyo mas'uuliyadda uu qaaday. taas oo uu yiri ma
xayawaanka ayaan ka liidanaa sida ay u garteen mas'uuliyada.
Yaasiin Garaad qisooyinka uu xusay waxaa kamid ah ahaa qisaadii Fircoon iyo
ilaahnimadiisii iyo dagaalkii uu la galay Nebi Muuse. Qisadii ninkii qaaday
masuuliyadda ahayd in uu dadka ugu yeero in ay Allah iyo nebiyada adeecaan kadibna
naftiisa ku waayey oo Allah ugu abaal gudey janada.
Waxa kale oo Yaasiin xusay qisadii Nebi Suleymaan iyo Quraanyada ee suuradda
Al-Namal, iyo qisaadii Hud-hudkii amar la'aanta nebi suleymaan kubaxay oo markii
uu maqlay in loo carooday balanqaaday mas'uuliyada ah in uu naftiisana badbaaadiyo
kana warkeeno qoom dhan (oo reer Yaman ah) kuwaas oo markii dambe nebi suleymaan raacay. Waxana uu
Yaasiin hadalkiisa kusoo gabagabeyey xusuusinta "kulu-kum mas'uulun can
raciyatihi...." oo uu yiri mas'uuliyadda aan dareeno.
Jamaal
Aadan "mas'uuliyadda aan dareeno"
|
Kaddib waxaa cod-tebiyaha
lagusoo dhoweeyey madaxweynihii hore ee ururka ardayda Soomaalida ee Jaamacadda
Minnesota, Jamaal Aadan, oo ka hadlay taariikh kooban ee ururka isagoo ku
bilaabay su'aal uu dadweynihii weydiiyey oo ahayd maxay u taaganyihiin
kelmedaha MSSU, taas oo qayb dadweynihii kamida gacanta u taageen in ay
garanayaan oo ay tahay "Minnesota Somali Student Union". Waxa markaas
kabacdi uu Jamaal xusay in fikrada ururka ay koox arday ah isla soo jeediyeen
sannadkii 1997kii, laakiin waxa uu yiri ururkani ma hirgelin
ilaa bishii May 25keedi, 2000 markaas oo ay shirweyne isugu
yimaadeen 50 arday Soomaaliyeed si ay salka ugu dhigaan ururkaan.
Jamaal waxa uu sheegay in
waqtigaas meel la isla dhigay magaca ururka, ujeedadiisa, dastuurkiisa iyo
yoolkiisa ama waxa uu higsanayo. Waxana markaas la magcaabay ayuu yiri shan
sarkaal oo uu yeeshay ururku.
Waxa uu sheegay in ururka
asaas looga dhigay saddexda qodob ee ah:
- Muslim-nimada oo uu salka ku
hayo
- Soomaali-nimo
- Aqoon ku tiirsanaan
Waxana uu sheegay in ururka
laga xaarantinimeeyey saddex arimood oo ah:
Waxa kale oo Jamaal uu sharaxay
qaab dhismeedka ururka ardayda Soomaaliyeed in aan lagu salayn habka loo yaqaan
saddex-dagalka balse lagu saleeyey habka siman [saddex-dagalka waxaa
looga jeeda in amarka oo dhan ay isugusoo biyo shubtaan hal qof, balse qaabka
siman mas'uuliyada in loo simanyahay, eeg sawirka midig]. Waxana Jamaal xusay
in doorasho xor ah sannad walba mar la qabto si loosoodoorto xubnaha
hoggaaminaya ururka - taas oo ahayd waxa uu kusaabsanaa kulankii caawa.
"Mahadsanid
Jamaalow, laakiin 10 daqiiqo oo aan meesha kujirin ayaad iga qaadatay"
qaybiyii xaflada ayaa yiri.
|
Intii aan xafladu bilaaban ayey iisuurta
gashay in aan daalacdo wargeys ay ardayda jaamacaddu soo saaraan oo lagu
magcaabo "Somali Student Journal". Waxaa markiiba indhahaygu qabteen
maqaal ku qoraa bogga ugu horreeya kaas cinwaankiisu ahaa "ISLAAM,
ISIRKA LIIBAANTA: QEEXIDDA ISLAAMKA". bilowga qoraalkaas waxaa ku xusan
suuradda Aal Cimraan aayadeeda 19 , iyo isla suuradaas aayadeeda 85.
Qaybaha dambe ee qoraalkana waxaa ku xusan suuradda Al-Xijri aayadeeda 9.
Akhristaha ayaan u dhaafay in uu derso macnaha aayadahaas. [Quraan].
Wargeyskii ayaan weli kujiraaye, marka la sii
dhexgalo waxaa ku qoraa laba maqaal oo si gaar ah u taabanaya Soomaalida
qurbaha, kuwaas oo kala ah:
- "Sidee loo ababiyaa Carruur wax ku ool
ah" oo ay qortay Safiya Yaasiin Faarax oo dhigata "Century College
of Minnesota"
- "Soomaalida Dibadaha kunool oo dayacday
isticmaalka Af-Soomaaliga" oo uu qoray Saciid Shekh Cabdi oo dhigta
Jaamacada Minnesota.
Intii aan qoraaladaas akhrinayey waxaa meel
agtayda ah fadhiyey arday Soomaaliyeed oo dhigta Jaamacadda oo ku
sheekaysanayey Luqada Afkasoomaaliga iyo Ingiriis iku dhafan. Waxaa iiga muuqatay hadalkooda marka ay isku
dayaan in ay Afsoomaali ku sheekaystaan in aysan isu gudbin karayn nuxurka waxa
ay ka hadlayaan, taas oo aad arkeysid in marwalba ay ku laabanayaan luqada
Ingiriiska.
Waxaa taas iiga yaab badnaa waxyar ka hor
intii aanan shirkan aadin ayey iisuurta gashay in aan daalacdo cajlad Video ah
oo kusaabsan culimo Soomaaliyeed oo ka hadlaayey dhibaatada qaadku u leeyahay
umada Soomaaliyeed, waxaa iga yaabiyey in qiyaastii boqolkiiba 30% hadalka
culimadaas uu ahaa luqada Ingiriiska oo kulaban AfSoomaliga, oo markasta oo ay isku dayaan in ay
xigmad ama oraah qiima leh jeedayaanba ku sheegayey luqda Ingiriiska, waxaa
taas ka yaab badnaa in meesha cajladaas lagu duubay ay ahayd shir ballaaran oo
lagu qabtay wadan Yurub kuyaal oo dadka joogaa aysanba ku hadlin ingiriiska.
Halkaas waxaa kaaga soo baxaya in aqoon
yahanadii cilmiga maadiga (waa ardada jaamacada'e) iyo aqoon yahanadii culuunta
Islaamka (waa culimaa'u diinka'e) aysan xigmada ku gudbin karayn Af-Soomaali
Barax La'.
Maxamed
Aadan (Tiicey) "Hadaydin hawshaan (ururka ardayda) qabankarayn hadaba ha
isu sharixina"
|
Aan kusoo laabanee shirkii caawa oo meeshii
kasii socda ayaa waxaa cod-tebiyaha lagusoo dhoweeyey Maxamed Aadan (Tiicey) oo
kamida madaxda ururka soowadey sanadkan, waxana uu ku bilaabay soo dhoweyn
martidii shirka iyo ardayda uu usoo gudbiyey asagoo ku hadlaayey magaca ururka
ardayda. Kaddib waxa uu Tiicey ka hadlay waxyaabihii ururka u qabsoomay iyo
waxyaabaha aan qabsoomin mudadii sannadka ahayd ee ay majaraha u hayeen
hogaanka ururka.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Tiicey sheegay in
ay qabteen waxaa kamid ahaa website ay u dhiseen ardayda si ay aaraa'dooda
isugu weydaarsadaan, xiriiro badan oo ay
sameeyeen kuwaas oo kusaabsana wacyi gelinta shacabka Soomaaliyeed maadaama waqtigaasi uu ku beegnaa September 11,
Hirgelinta ururo Soomaaliyeed oo kajira dhammaan jaamacadaha iyo mac-hadyada
gobolka Minnesota, iyo cilmi baarisyo socda oo kusaabsan "DHUXUSHA
SOOMAALIYA" oo dhowaan soo gabagaboobi doonta, ayuu yiri Tiicey.
Calanka Soomaaliya oo
goobta shirka lagu qaybinayey, qiime jaban.
|
Waxyaabaha uu sheegay Tiicey in aysan
qabsoomin waxaa ugu weynaa in aysan hirgelin barnaamijka ardayda loogu helilahaa
dad ka caawiya waxbarashada iyo Joornaalka ardayda oo aan soo bixin bil-kasta
sabatoo ah ayuu yiri qoraa joogto ah oo heegan u ah oo lawaayey iyo kharash
lagu socodsiiyo oo aan jirin.
Waxaa xusid mudan in markii uu Tiicey sheegay
in ururo Soomaaliyeed laga sameeyey dhammaan jaamacadaha iyo MacHadyada uu wiil
aad u da'yar (dhawr
sano jir ah) lasoo boodey kelmed aan u maleeyey "Bravo"
oo uu si qiiro leh u yiri, dadkiina ay aad ugu riyaaqeen wiilkaas yar.
Tiicey waxa uu ardayda u sharaxan gudiga la
dooranayo in ay siweyn uga taxadaraan in aysan doorashada isu taagin haddii
aysan hawshaan qabankarayn. Waxa kale oo uu ardayda kula taliyey in ay
waxbarashadooda ku dadaalaan.
Haashim Maxamed
"xil weyn oo iskaa wax u qabso ah ayaan isa saaray"
|
Waxaa kaddib hadalkii lagu wareejiyey madaxweynaha
ururka ardayda Soomaaliyeed ee (SSA UOM), Haashim Maxamed.
Waxana uu hadalkiisi ku bilaabay in ardayda hadda ee dhigata Jaamacada Minnesota
ay tiradoodu dhantahay 150 arday, tiradaas oo uu sheegay in ay kasoo siyaadey
intii sanadihii hore, taas oo weliba uu sheegay in la filayo in ay
sii kordhi doonto sanadaha soo socda.
Haashim waxa uu sheegay waxyaabaha ugu weyn ee
ay qabtaan in ay ka mid tahay in ay tagaan dugsiyada Sare ee magaalada si ay
ardayda Soomaaliyeed ugu dhiirigeliyaan sidii ay ugu dadaali lahaayeen
waxbarashadooda si markaas u soo galaan jaamacadaha.
C/Fataax
Cabdi "waa inaad lahaataan Yool"
|
Waxaa kaddib hadalkii lagu wareejiyey C/Fataax
Cabdi oo ah madaxa ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacada lagu magcaabo
"Metro State University". Waxana uu sheegay in sannadkii 1999kii
ay Jaamacadaas dhigan jireen 4 (AFAR) arday oo keliya, hadda oo 2002 ahna ay
dhigtaan 40 (AFARTAN) arday. Aad ayaa hadalkaas loogu riyaaqay. C/Fataax waxa
uu ardayda ku booriyey ama ku dhiirigeliyey sidii ay ugu dadaali lahaayeen wax
barashadooda, waxana uu yiri waa inaad lahaataan yool sugan oo aad
higsaneysaan. waa in anaga marka hore istaagnaa oo wax qabsanaa ayuu
hadalka kusoo xiray.
Maxamed
Ismaaciil "dadaalka dhiiri gelinta"
|
Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Maxamed Ismaaciil oo ah madaxa ardayda
Soomaaliyeed ee dhigta MCTC, waxana uu sheegay in ururkaas la asaasay sannadkii
2001, waxana uu xusay in asaaska ururkaas ay sabab u ahaayeen labada arday ee
Xayle Samatalis iyo Jamaal Aadan. Waxa kale oo Maxamed Ismaaciil sheegay in ay
ardayda ka caawiyaan sidii ay u haysan lahaayeen dhaqankooda, isla mar
ahaantaana u heli lahaayeen meel ay ku tukadaan salaadaha xiliga ay joogaan
Jaamacadda. Waxa kale oo aan tagnaa ayuu yiri dugsiyada sare si aan usoo dhiiri
gelino dhallinta yaryar si ay ugu soo biiraan waxbarashada sare ee Jaamacadaha.
C/Qaadir
Daahir "hadaan Koynaa urur inaan hogaamino waa rabnaa"
|
Kaddib waxaa cod-tebiyaha lagu soo dhoweeyey
C/Qaadir Daahir oo kasocdey ardayda St. Mary, waxana uu hadalkiisii ku bilaabay
hadal dadkii u muusoodeen oo ahaa "Dhallinyaro badan oo aan halkaan ku
arkay waxaan markii hore u malayn jirey in ay yihiin What's Up" -[Kelmedda
What's UP waxaa carigan galbeedka looga yaqaan wixii Soomaaliya looga
aqoon jirey "Ciyaal Ziyaha" ama "Ciyaal Macna Maleh"].
C/Qaadir waxa uu sheegay in aysan lahayn wax
urur ah oo ay leeyihiin ardayda Soomaaliyeed ee kuliyadaas dhigta, kuwaas oo
sida uu sheegay tiradoodu dhantahay 14 arday oo da'weyn. waxana uu yiri "Anaga
Haddaan Koynaa, inaan urur hogaamino ayaana rabnaa".
Waxaa kaddib hadalkii lagusoo dhoweeyey Hibo
Cilmi oo ah madaxa ardayda Jaamacada Mankato. Waxa ay sheegtay in Markii ay
Jaamacadaas bilaabaysay ay ahaayeen laba qof oo keliya, inkasta oo aysan xusin
tirada rasmiga ah ee hadda dhigta, hadana waxa ay sheegtay in ay ku guuleysteen
in ay dhisaan ururka ardayda Soomaaliyeed. Taas oo ay carrabka ku adkaysay in
dad badani ku yiraahdeen ururkaas waxba kama socondoonaan oo sidii Soomaaliya
ayuu u burburayaa, waxana ay tiri si aan taas u beeniyo ayaana u guntadey
dhisida ururkaan waana ku guulaystey ayay hadalka ku xoojisey. Hibo waxa ay
sheegtay in ay April 4 iyo 6 ay qaban doonaan "Work Shop"
iyo "Somali Night" waa siday hadalka u dhigtaye, taas
oo aan filayo in ay uga jeedey "kulan Dhaqameed" iyo "caweys".
Hadal qaybiyihii (anigoo ka cudur daaranayaa
in aanaan magaciisa soo qaban) ayaa markii ay Hibo hadalka dhamaysay yiri
"Hibo waa an other Xaawo Taako" (oo uu uga jeedey waa
xaawo Taako Kale), waayo ayuu yiri "waxa ay wax ka bilowday meel aan waxba
jirin".
Maxamed
Keynaan "Bogaadin ardayda Som."
|
Waxaa kuxigey oo hadalka qaatay Maxamed
Keynaan oo kasocdey ardayda Soomaaliyeed ee machadka "Century
Collage". Waxa uu sheegay in MacHadkaas ay dhigtaan arday Soomaaliyeed oo
tiradoodu dhantahay 50 arday. Waxana uu bogaadiyey ardayda Soomaaliyeed, taas
oo uu weliba xoojiyey hadalkii hore ee ahaa ha isu soo taagina sharaxaada
ururka ardayda haddii aydin awood u lahayn qabashada hawsha ururkaas oo aad u
baaxad weyn waxweyna laga filayo.
Ubax Nuur "Computerka
ayaan bartaa"
|
Markaas kaddib waxaa hadalkii lagusoo
dhoweeyey Ubax Nuur oo kasoctey ardayda Soomaaliyeed ee dhigta macHadka "St.Paul
Technical Collage", isla mar ahaantaana ah madaxa ururka ee ardada
machadkaas. Ubax waxa ay tiri "Computerka ayaan bartaa, wiilasha
Soomaaliyedna waxay i yiraahdaan maxaad Caafimaadka u baranweydey ilaa
Computerka madaxa ayaa kugu xanuunaya'e" taa oo in badan oo kulanka
fadhidey kaga qoslisey.
Sharmaarke
"buugaata ardadaan siinaa"
|
Kaddib waxaa cod-tebiyaha lagusoo dhoweeyey
Sharmaarke oo kasocdey "Normandle". Waxana uu Sharmaarke sheegay in
ragii asaasay ururkooda ay hadda ku jiraan ururo kale, taas oo ardayda halkaas
dhigta uu ku qiyaasay ilaa 250 arday. Waxana uu sheegay in ay ururiyaan buugaag
oo sida uu
sheegay aysan Soomaaliya u dirin ee ay siiyaan ardaayda dhexdeeda, taas oo uu
yiri buuga ardaygu ka gudbo waxaan siinaa ardayga kale oo sannadkaas geliya meeshii kii
hore ka gudbey.
Halkaas waxaa kusoo gabagaboobey qaybtii hore
ee shirka ardayda, taas oo qaybiyii warku uu sheegay in la qaadan dooro "biririf"
si loo soo tukado salaada maqrib. Waxa kale oo intii uusan hadalka xiririn uu
sheegay in marka la'isu soo laabto Afartan daqiiqo kaddib ay dhici doonto
doorashadii ururka cusub ee ardayda Soomaaiyeed, waxana uu codsaday in aan loo
dooran qofka la dooranayo iskuulka (dugsiga) uu kasocdo, ama color-ka
(midabka) uu yahay, tan danbe ee midabka oo in badan huuuuh ka dheheen.
Isku soo xoori oo, natiijada iyo waxqabadka
ururkaas xukunkiisa waa mid u taal sida ay u arkaan ardayda dhigata Jaamacadaas,
laakiin tii caawa ee qaybta hore ee kulanku
waxay ahayd mid yididiilo weyn gelineysa umadda Soomaaliyeed, marka laga eego
qaabka nidaamka ee shirku ku socdey, taas oo xataa dhegeysiga ardaydaas qaabka
ay usoo diyaarsadeen barnaamijkooda, sida ay u dhawrayaan waqtiga, sida ay isu
dhegeysanayaan iyo is tixgelinta ka muuqata ay tahay mid tusaale weyn u
noqonkata mujtamaceena, kuwaas oo aan u arko in hogaan cusub oo qaayo leh uu
halkaas ka soo bixikaro haddii la kobciyo.
Waqtiga oo aan ii saamaxayn awgeed, goob joog
kama ahayn qaybtii labaad ee kulanka iyo sida ay u dhacday doorashadii,
waxaanse nasiib wanaag gadaal idiinka soo gudbin doonaa warbixin aan ka sugeyna
qorayaal goob joog ka ahaa qaybtii labaad ee kulanka xalay.
Qoraalkaan
waxaa isku soo dubaridey: Maxamed Cali | webmaster@somalitalk.com
Warbixinta: Qaybtii 2aad - Ka Akhri Halkan
SomaliTalk | 29.9.2002 | Dib-u-eegid:
30.9.2002
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|