C|Qaasim "Dowladda ku meel
gaarka ah shaqsi gaar ah (Xaabsade) lama gelin heshiis, waxayse wada hadal la
yeelatay hoggaanka RRA Shaarguduud maahee intiisii kale"
"Waxaan u maleynayaa
inaysan u oolin madax dal shisheeye ah inuu tilmaamo ama u sheego Soomaali
ciddii hoggaaminaysa oo ay tahay arrin Soomaali u taalla"
Waa wareysi gaar oo uu
madaxweynaha Dowladda KMG siiyay weriyeyaasha kala ah Fahad Yaasiin, Abdullaahi
Black iyo Maxamed Xaaji Ingiriis, waxaana inoo suuro geliyay qaabilaadan gaarka
ah Wasiirka Warfaafinta Prof. C\raxmaan X.Aadan Ibraahim "IBBI" waana
kan wareysigii:
S: Carta ka hor waxaad kamid
ahayd waxgaradkii Soomaaliyeed ee isku hawli jiray in dalka iyo dadka
Soomaaliyeedba ay helaan nabad iyo nidaam, xilligaasna wareysiyo aad Saxaafada
siisay waxaad mar walba ku celcelin jirtay in aad dalka hogaan iyo darajo midna
adan ka dooneyn, markiise Carta latagay waxaad umuuqatay musharrixiintii ugu
waaweynaa goorma ayaad go'aansatay in aad isu soo taagto madaxtinimada dalka
maxaase kugu dhaliyey?.
J: Inta aad tiri oo dhan waa
run inaan nabada ka shaqayneynay waana wax jira, umana aanan tagin Carta inaan
doorasho galo, markaad fiiriso goortii aan is sharaxay waxaad ka garan kartaa
inay ahayd goor dambe, waxaana igu khasbay ama aan iraahdee igu qanciyey in aan
tartamo qaar kamid ah dadkii Soomaliyeed ee aan isla wadnay howlihii dib u
heshiisiinta waxna ka waday sidii dalku u heli lahaa nidaam iyo dowladnimo, kana
mid ahaa Soomaalidii saldhigga u ahyad shirkii Carta, qaarkoodna ay halkan ka
tageen qaarna ay dibada ka yimaadeen.
S: Shirka hadda la qorsheynayo
inuu ka dhaco Nayroobi (Eldoret )
sideed
u aragtaan haddaad tihiin Dowlada .K.M.G?.
J: Shirka Nayroobi waa shir la
rajeynayo in ay isugu timaado Soomali, ayna isugu arkaan dowlada K.M.G.oo dhinac
ah iyo gobollada aan la socon dawlada sida W/Galbeed, W/Bari, Bay iyo Bakool,
iyo Hogaamiye Kooxeedyada. Rajada laga qabaana waa mid aad u sareysa, haddii ay
sidaas u dhacdo oo la isku afgarto beesha caalamkuna ay daacad ka tahay
Soomaliya in nabad laga helo waxaan u malaynayaa in la dhameystiri doono wixii
lagu soo dhisay Carta.
S: Garoonka Muqdisho oo ah il
muhiim ah waxaad mooddaa inaan illaa iyo hadda lagu guuleysan waayey furiddiisa,
marka waxaa jira garoon kale oo isna fursad u noqon lahaa dowladda ku meel
gaarka haddii ay gacanta ku dhigi lahayd kaas oo ah garoonka Ballidoogle, mala
oran karaa in shakhsi ahaan Mudane Madaxweyne lagu yiraahdo waxaad kamid tahay
odayaashooda aadna ka gaabisay furitaanka Garoonkas?.
J: Waan ka xumahay inaad oday
maleeshiyo igu tilmaanto, horeyna uma noqon markaan nabadda ka shaqeynayey
haddana ma ahi, maleeshiyana oday iyo sharaf midna ma taqaan, dagaal ooge ayay
ka amar qaataan, arrintuna ma'aha garoonka Ballidoogle ee waxaan dowladda u
dhisnay in la helo garoonka Xamar oo hadda noo jira shan daqiiqo inuu furmo,
isaguna wuxuu ka furmi la' yahay qabqableyaal dagaal oo magaalada jooga, haddii
la damco in la furo waxaa laga baqayaa inay dhibaato u geystaan shacabka, iyagoo
adeegsanaya hubka faraha ka batay ee magaalada ku jira ee u baahan awood ka
sarreysa midda dowladda ku meel gaarka ah oo ay beesha caalamku nagu taageerto
uruurintiisa, waa tii aan warsannay in hubka laga dhigo hogaamiye kooxeedyada
iyo dadka rayidka ah ee hubka haysta.
S: Mudane Madaxweyne mar walba
oo aad ka hadlaysid hoggaamiyeyaasha kooxaha waxaa hadalladaada ka mid ah
dhalleeceyn kulul oo aad nimankaas u soo jeediso marka ma u aragtaa halka aad ka
dhaleeceyn lahayd inaad nimankaas soo jiidato oo aad nabad ugu yeerto?
J: Waxaan u maleynayaa qofkii
magacaaga kuugu yeera inuusan ku dhaleeceyn, qabqable dagaal oo fidnada
hurinteeda ku nool oo subixii soo galaba u taagan inuu dadka ku gumaado hubka
kan ugu cul culus oo kii ugu dambeeyey Madiino dagaalkii ka dhacay ood ogeyd
reer dhan gabar sideed jirta inay ka soo hartay, u maleyn mayo in wax yar oo laga sheegaa ay
tahay dhaleeceyn ee waana sax in ficilka qofku ku kaco waxa uu yahay in la
sheego, waan sheegeynaa weliba in yar baanu sheegnay, adduunka waxaan warsannay
in laga qabto kuwaas dadka oo sida beesha caalamku wax uga qabatay dadkii la mid
ahaa dadkan, sida Seralyoon, Ruwaanda, Yagoslaafiyadii hore in la geeyo
maxkamadaha shaqadoodu tahay ku qaadista dambiyada aadanaha laga galo.
S: Mudane Madaxweyne su'aasha
kale ee aan ku weydiinayo waxay tahay muxuu yahay doorka aad ka qaadateen
sugidda nabadgelyada magaalada Muqdisho?
J: Magaalo kasta oo adduunka ku
taalla marka laga reebo dowlad dadaalkeeda waxay nabadda ku sugaan waa midda
horee rabitaanka ay iyagu rabaan nabadda, waa midda labaade hubka xitaa hadday
haystaan sida dadka Mareykanka ah aan waddada lala marin ee guryaha la dhigto si
ay isugu difaacaan, waa midda kale sharciga oo loo hoggaansamo, illaa iyo hadda
Xamar intaas midna kama hayno, sharci loo hoggaansami maayo, hubka la dhigi
maayo oo xitaa hubka la wato iyo kan dowladdu haysato waxaa badan kan
ganacsatada iyo hoggaamiye kooxeedyadu haystaan, xitaa haddaan lagu dagaallamayn
qatartiisa ayuu leeyahay hub magaalada maraya, sidaad la socotaan waxaa yimaada
isku dhacyo maleeshiyo ka amar qaadata qabqable ay kiciyaan ama siyaalo kale u
dhaca sida burcad ama tuugo, nabadgelyo xumida Xamar ka jirta waxaa sabab u ah
hubkaas tirade badan ee meel kasta yaalla ee gacanta ugu jira dadka rayidka ah,
haddii marka shacabku iskiis u garan waayo waxaa lagama maarmaan ah dowladda ku
meel gaarka inay gacan ka hesho beesha caalamka si hubka Soomaalida looga dhigo,
taasoo aan ku rajo weynahay in beesha caalamku ay aqbali doonto oo ciidamo la
shaqeeya ciidamada dowladda ku meel gaarka ay imaan doonaan dalkaan si hubka
looga dhigo Soomaalida, Xamar keliya ma'ahane Soomaaliya oo dhan.
S: Ma is leedahay nabadgelyo
la'aanta Xamar ka jirta waxaa lug ku leh wadamada deriska ah sida Itoobiya oo ay
dad badan hadal hayaan?
J: Shaki kuma jiro qof kasta oo
Soomaali ah meel uu joogaba waa ogyahay inayan suuragal ahayn madaafiicda lagu
ridayo maatida Muqdisho joogta ama Xamar iyo Boosaaso joogta ama Bay iyo Bakool
joogta meesha laga keeno qof walba waa garanayaa, rasaasta aan xadka lahayn
meesha laga keeno qof walba waa garanayaa, waxaas oo dhan waxaa loogu soo
dhiibay qabqablaha dagaalka inuu fidnada huriyo, maatada Soomaaliyeed laayo,
inaysan Soomaaliya nabad helin, dowlad dhexe oo hanata dalka iyo nabadgelyadana
aan la helin, inay Soomaaliya qaybsanaato oo loo qaybiyo gobollo magacyo loo
bixiyey oo kuligood laga xukumo meel aan Muqdisho ahayn.
S: Sida aad mar hore u sheegtay,
waxaa jira kulan adiga iyo Meles Zenawi idin dhex maray oo aad ku wada hadasheen
sidii nabad loo heli lahaa, maxaa ka sii socday wada hadalladaas?
J: Wasiirkeenna arrimaha
dibadda ayaan u dirnay Suudaan oo iyadu dhex dhexaadinta waday, madaxna ka ahayd
IGAD, waa suuroobi weyday wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya inuu yimaado oo
wuxuu ku maqnaa Mareykanka, haddana dib ayaa loo ballammay, waxaana arki doonaa
wixii ka soo baxa waqtiyada soo socda.
S: Baaqaagii caalamiga ahaa ee
ku wajahnaa in hubka laga qaado maleeshiyooyinka illaa iyo hadda wax dabacsanaan
ah ama jawaab ah ma ka heshay caalamka?
J: Waa jiraan, Jaamacadda Carabta go'aamadii ay soo saartay waxaa ka mid ahaa in Qaramada Midoobay iyo
Midowga Afrika la weydiiyo inay ka qayb qaataan hub ka dhigidda Soomaaliya,
Madaxweyne Thapo Mbeki oo aan arrintaas kala hadalnay waa soo dhoweeyey, waxaana
ka mid ah xeerarka Midowga Afrika in gacan la siiyo dowlad kasta oo Afrikaan ah
oo codsata arrimaha aan codsannay oo kale, Golaha Ammaanka waan geynay codsigaan,
waana rajeynaynaa in wax ka soo bixi doonaan oo go'aan laga gaari doono,
dowladaha Saaxil iyo Saxaraa oo 20 dowladood ah waanu geynay codsigaan, waana
aqbaleen iyaguna, meelo badan ayaa laga soo dhoweeyey, waana filaynaa tallaabo
wax ku ool ah waqtiyada soo socda inay soo baxo.
UN
DEBATE ON SOMALIA |
Wide Suport Expressed in Security council for proposal peace,
reconcilition conference on Somalia in Nairobi in April. However,
Council Cautioned to Be Realistic about Outcome Read
More. |
S: Waxaad ka warrantaa
heshiiskii dowladda ku meel gaarka la gashay Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid
ah raggii ay Col. Shaargaduud ku dagaallaameen Baydhabo, sideena u aragtaan ku
soo biiritaanka uu idinku soo biiray, gacan noocee ah ayuuna ka geysan karaa in
dowladdu door muuqda ku yeelato gobollada Bay iyo Bakool?
J: Dowladda ku meel gaarka ah
shaqsi gaar ah lama gelin heshiis, dowladda ku meel gaarka waxay wada hadal la
yeelatay hoggaanka RRA Shaarguduud maahee intiisii kale, waxayna isku afgarteen
laba qodob, waa midee in dowladda ku meel gaarka ay u taagan tahay mideynta
Soomaaliya, taasoo ahayd middii Carta iyagoo jooga lagu go'aansaday, waa midd
labaade in dib u heshiisiin loo helo arrinta Bay iyo Bakool, laguna dadaalo
Shaatiguduud laftiisa in dhabbahaas lagu soo dumo, dowladda ku meel gaarka
iyadoo fulinaysa dadaalka dib u heshiisiinta oo ah waajibkeeda ayay meel kasta
oo dhibaato ka jirto dib u heshiisiin ka raadinaysaa, waxaana rajeynaynaa haatan
tallaabooyinka muuqda ee socda inay ku wada hadlaan qaybihii RRA inay keento dib
u heshiisiin dhexdooda ah marka hore, dabadeedna dowladda ku meel gaarka iyo
iyagu ay is afgarad walaalnimo iyo dib u heshiisiin ay dhex marto.
S: Sida la sheegayo xitaa Meles
Zenawi uu ku sheegay jariiradda Al-Xayaat xubno fara badan oo dowladda ah ayay
diiddan yihiin iyagoo ku andacoonaya arrimo diineed uuna ugu horreeyo Madaxweyne
C/qaasim oo ay ku sheegayaan inuu xubin ka yahay ururka Al-Itixaad marka arrinta
noocaas ah ma is leedahay dhibaato weyn ayay ku tahay xiriirka Itoobiya iyo
Soomaaliya?.
J: Waxaan u maleynayaa inaysan
u oolin madax dal shisheeye ah inuu tilmaamo ama u sheego Soomaali ciddii
hoggaaminaysa oo ay tahay arrin Soomaali u taalla, Madaxweynaha dowladda ku meel
gaarka ummadda Soomaaliyeed ayaa dooratay, Soomaaliduna waa dad Muslim ah haddii
ujeeddadoodu tahay Islaamka ka baxa waan ku sii dhegenaanaynaa, waa sida keliya
ee adduunkana dad jira ku noqon karo, aakhirana Ilaahay rilihiisa ku heli karo,
haddii xiriirka wanaagsan ee labada dal laga hadlayana annagu lix safar ayaan
Addis Ababa ku tagnay waxayna naga ahayd laba waddan oo jaar ah inay nabad iyo
iskaashi ku wada noolaadaan, taasoo ah siyaasadda maanta Afrika ka socota oo ah
in Afrika oo dhan midowdo, waana tii ay Afrika Durban ku soo dhammeysatay, waxay
ila tahay in ciddii ku shaqeynaysa in Afrika meel ka mid ah la qayb qaybiyo
inaysan soconaynin, waana arrin taariikhda ka soo horjeeda, waxaana dhici karta
qorshahaasi inuu dib ugu soo noqdo cidda ka shaqeynaysa oo dalkooda dhibaato
inuu qorshahaasi u geysto, dowladda Itoobiya iyo shacabka waxaan u sheegeynaa
shacbiga Soomaaliyeed wanaag iyo walaaltinimo inuu ka rabo, gacantii iyo
xoolahii ummadda Soomaaliyeed ee lagu taageeray waa midda maanta madaxdoodu ka
taliso oo Prime Minister Meles Zenawi ka mid yahay iyadoo la qaddarinaayo in
gacan lagu siiyo shacabka Soomaaliyeed waa maree in shiddada laga daayo, waa
marka xigee in dib u heshiisiinta lagu taageero, ugu dambayn iskaashi labada
dhinac inuu dhex maro, taasoo ay ku jirto maslaxadda shacbiga Soomaaliya iyo
Itoobiya oo deris ku ah Geeska Afrika, kuna noolaan doona ilaa saacadda qiyaamo
ay ka dhacayso.
S: Dowladda ku meel gaarka waa
dowlad dib u heshiisiineed sidaan ognahay maamulkii hore ee Jaamac Cali Jaamac
xiriir baa idiin dhexeeyey, haddana is beddel baa ka dhacay, marka dadaalka ay
waddo dowladda ku meel gaarka si dib u heshiisiin iyo is afgarad looga helo
dhulkaas ma jiraa, inteese la'eg yahay dadaalkaas?
Sarkaal
katirsan booliska Columbus, Ohio oo tusaya sawiro Jaad. Waayadan dambena
Qaadku aad ayuu ugu soo badanayaa Ameerika sida ay dhowaanahanba qorayeen
warbaahinta Maraykanka. Qaadku waa ka mamnuuc Ameerica. Akhri usatoday
LATEST
NEWS IN ENGLISH
|
J: Horta gobollada nabaddu ka
jirto waxaan jecelnahay inay nabaddu u kororto hadday waqooyi galbeed yihiin,
hadday waqooyi bari yihiin, hadday meelo kale tahay, sida gobollada dhexe, marka
xigta waxaan aad iyo aad uga xunnahay in dagaal laga abaabulo meelo nabad ahaa
halkii kuwa nabad la'aantu ka jirto aan nabad ka soo dabaali lahayn, in meelo
nabdoon fidno laga abuuro aad bay noo dhibtaa, in Soomaali nabad isugu tagtaan
rabnaa, ma doonayno in fidno meel walba ka aloosanto, Jaamac Cali Jaamac oo
shacbiga gobolladaas waqooyi bari doorteen heshiis baanu la galnay isaga iyo
hoggaankiisa oo ah iskaashi walaaltinimo, Soomaaliyeed, dowladda ku meel gaarka
iyo gobollada inaysan kala maarmin ee ay mid yihiin, dowladduna u taagan tahay
dalka meelaha ay joogto iyo meelaha aysan joogin, inay Qaramada Midoobay ku
hayso sumcaddii iyo magacii ummadda Soomaaliyeed iyo in la iskaashado wixii la
helo oo horumarin ah in dalka oo dhan la wada gaarsiiyo, qodobadii aan isla
gaarnay hadda waxaa ayaan darro in gobolladaasi dagaallo culus ka dheceen, waana
uga tacsiyeynay, waxaana u rajeynaynaa in Ilaahay in iyaga iyo gobolladaas siiyo
nabad waarta, wixii aan ka qaban karno ama heshiisiin dadkaas ah inaanu ka qayb
qaadanno diyaar ayaan u nahay.
Waxaa wada wareystay
Fahad yaasiin Xaaji Daahir
Fahadsom@hotmail.com
Abdullaahi M. Xasan
"Black"
Abdulahiblack@yahoo.com
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
ingiriis@yahoo.com
September 10, 2002 | SOMALITALK.COM
Waraysigii
axamed Qanyare
"Ma qabo inuu yahay
Shirka Nayroobi mid najxaya waayo waxbaa ku hoos qarsoon" sidaas wuxuu
kusheegay waraysi dheer oo
GUJI...
2/9
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|