SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARAYSIGII - COBOL
Waraysi SomaliStar la yeesheen wasiirku xigeenka warfaafinta iyo Boostada Puntland, mudane C/shakuur Mire Aadan

C/shakuur Mire Aadan (Cobol)
Wargeyska SomaliStar oo ah kan ugu caansan wargeys Soomaaliyeed oo kasoo baxa Minnesota ayaa waraysigan qaaday:

Waxaa wargayska Somalistar usuura gashay inuu waraysi la yeesho mid ka mida golaha wasiirada ee uu dhowaan magacaabay kornayl C/laahi Yuusuf Axmed.

Hadaba waxaan waraysi dheer la yeelanay wasiirku xigeenka warfaafinta iyo Boostada mudane C/shakuur Mire Aadan oo loo yaqaan Cobol. C/shakuur wuxuu ku dhashay Qandala oo ka tirsan gobolka Bari 1963. Wuxuuna waxbarashadda hoose ku dhameeyey magaaladda buulobarde. tan dhexe iyo sarena muqdisho. dugsigii sare ee badda .

Intaa ka dib wuxuu ka soo qalin jebiyey kulliyaddii macalimiinta farsamadda qaybtii badda sanadkii 1984-tii.C/shakuur wuxuu ka soo shaqeeyey wasaaraddii kaluumaysiga ee dawladdi Soomaaliyeed barigay jirtay.

Wuxuu ka mid noqday saraakiishii wasaaraddas, ilaa uu ka gaaray hogaamiye markab(captain).

dhinaca kale wuxuu si gaar ah u xiisayn jiray qoraalka. sanadkii 1982-dii ayuu markii ugu horeysay wuxuu maqaalo ku qori jiray wargayskii xiddigta oktoobar. wuxuuna qoray 4 buug iyo filim aan qoraalkooda wax ku lahaa soo saarana ka ahaa oo la oran jiray EEDAYSANE sanadkii 1988 bishii janaayo ayaa la soo bandhigay. 1991 -kii wuxuu tafatire ka ahaa wargays la oran jiray ILEYS oo ka soo bixi jiray kismaayo. wuxuuna maqaalo aad u badan ku qoray wargaysyadda ka soo baxa bosaaso, galkacayo. sida SAHAN, SOOYAAL, YOOL, YAMAYSKA, wargayskan Somalistar iyo weliba bogga internet-ka qaarkood. sanadkii 2001 bishii oktoobar kolkuu ka nastay badda ayuu noqday agaasimaha Idaacadda MIDNIMO ee ka hadasha Boosaaso. Ugu dambayn waa qoraaga sheekada taxanaha ee kuu soo baxada wargayska Somalistar ee la magac baxday Dhalanteed Jacayl.

Waraysigiina wuxuu udhacay sidatan:

I  I  D  H  E  H

Somalistar: Waxaa jirtay inaad ka mid ahayd dadkii iftiimin jiray daldaloolada maamulkii hore ee C/laahiYuusuf, haatan waxaad ka mid noqotay golaha wasiirada ee maamulka C/laahi Yuusuf maxaa iska bedelay mawqifkaagii hore? Maxaase saxmay ayaad isleedahay?.

C/shakuur: Way jirtaa inaan maqaalo badan ku dhaliili jiray maamulka pl. anigoo iftiiminayey goldaloolooyin jiray waqtigaas ha ugu horeyso sidii loo maamulay shirkaddii Hart Group. waa run iminka waxaan ka mid ahay golaha xukuumadda puntland wax isbedelay ayaa lagu macnayn karaa waayo aragnimo dhamaan dadka reer pl u korortay oo ah inay ogaadeen cidda cadow u ah iyo cidda gacal u ah waa marka laga hadlayo karaamadda shacabkayga reer puntland

Somalistar: Raadiyo Xoriyo ood agaasime ka ahayd dad badan baaaaminsan inaad heshiis hoose ku soowada gasheen sidii aad uga qayb qaadan lahayd sidii markale dib loo sooocelin lahaa maamulkii uu C/laahi Yuusuf madaxda ka ahaa adiga iyo C/laahi Yuusuf mar aad ku kulanteen magaalada Gaalkacyo markii uu ku sugnaa, wixi kadambeeyeyna idaacada xoriyo ay ahayd idaacad uxaglisadhanka kornayl C/laahi Yuusuf ma jirtaa xantaas iyo waliba soo dhawayntii Boosaaso ee C/laahi Yuusuf ood gacan libaax leh ka gaysatay?.

C/shakuur: Waan tegey magaaladda gaalkacayo 16 oktoobar sanadkii 2001-dii, waa aan la kulmay madax weynaha waxaana kulankaas goob joog ka ahaa Gen maxamed Jibriil Muuse. waxaana isla soo qaadnay xilligaas oo puntland qalalaaso ku jirtay sidii loo badbaadin lahaa. hase ahaate kulankaasi wuxuu ahaa mid aniga ii gaar ah oo aan khusayn idaacadda Midnimo.. tan kale in madaxweyne c/laahi la soo dhooweeyo wax dembi ah ma ahan. mana ahan arin la isweydiiyo. Boosaaso dadkii ku noolaa 85% ayaa soo dhoweeyey

Somalistar: Sannad ka hor waxaad ka mid ahayd dadkii aaminsanaain xiligii kornayl C/laahi uu dhamaaday loona baahanyahay isbadal dhanwalba leh iyo doorasho caadil ah oo lagu soo doorto madaxweyne cusub ee Puntland yeelato,maxaa iska bedelay figradaas aad sannad ka horaaminsanayd?.

C/shakuur: Ma aanan aaminsanayn. waxaan anigu shakhsi ahaan ka soo horjeeday nidaamka Carta ee uu hogaamiyo C/qaasim. waxaan aaminsanaa haddii wax la bedelayo in figradda dadka reer puntland ay ka timaado ee aan dad kale nagu shaqeysan. way muuqatay inaan doorasho la qaban karayn duruufo jira awgood. balse waqtiga arimahaasi socdeen wadanka waan ka maqnaa

Somalistar: Marakan oo khilaaf weyn oo siyaasadeed uu ka jiro Puntland ma umalaynaysaa inay hirgali karto dawladanuu magacaabay C/laahi Yuusuf iyadoo uu jiro dhan kale oo iyaguna sheeganaya inay yihiin maamulkii xaqa ahaa ee shacabku soo doortay C/laahina uu inqilaabay?.

C/shakuur: Ma jiro khilaaf weyn oo siyaasadeed. wax la isku diidan yahay ayaa ah aan xor noqon haddii aan nahay reer puntland iyo noqonmeysaan ee waxaan idiin dulaaleeynaa c/qaasim. marka sidaas in wax loo fahmo ayaa haboon. way hirgelaysaa dawladu waayo inta badan bulshadda puntland ayaa taageersan tan waxaa marag u ah sidii madaxweynaha looga soo dhoweeyey magaalooyinkii uu booqashadda ku tegey. waxaan u malaynayaa riwaayaddi Garoowe ee shirkii aan la isku raacsanayn inaad adigu u taqaan maamulka xaqa

Somalistar: Hadii dhan kale aad ka fiiriso ma la oran karaa C/laahi waxbaa iska bedelay siyaasadiisa waayo wuxuu dawladiisii ku soo daray rag hore mucaarad ugu ahaa ood adiguba ka mid tahay, maadaama aan hore loogu aqoonin cid mar ka hortimid uu soo dhaweeyo?.

C/shakuur: Waa jiraa isbedel. waayo waqtiga dhibaatadda ayaa dadka la kala bartaa

Somalistar: Maxaad filaysaa inay ka hirgalikaraan maadaama colaadihii ay dhalisay siyaasada lagu kala qaybsamayee reer Puntland ay wali taagan tahay colaadiina aysan wali dhamaan sidee lagu dhamayn karaa ayaad qabtaa colaadaas sokeeye ee ka aloosan Puntland?

C/shakuur: Puntland colaadi kama jirto. waqtigan la joogana waa nabad. colaadiina waa la soo afjaray. marka annagu bello ma ogin

Somalistar: Door intee le’eg ayaad ka ciyaari kartaa baad isleedahay inaad soo dabaasho dadka maamulkiina ka soo horjeeda maadaama aad tahay nin dhalinyar ah sumcadna ku leh gobolada Puntland?

C/shakuur: Marna lama oran karo mucaarad ma jiro. balse mucaaradka ayaa kala duwan. cidii aan ku xirayn Carta dabcan waa lala xaajoonayaa. dawladduna wasaarad dhan ayey ugu talagashay dib u heshiisiinta. intaas ka dib shaqsiyan doorkaygu waa mid muuqdda.waana jiraan dad badan oo aan ku soo dabaalay dhanka xukuumadda ha ugu mug weynaadoo heshiiskii Carmo oo dawladda iyo dadka degaankaasi aad isugu afgarteen. taas oo sababtay in meesha laga saaro humaagii ku kala dhexjiray dawladda iyo daka degaankaas degga. waxaan rajeeynayaa in badan oo asxaabtaydda gudaha iyo dibaddaba ay markan nagu soo biiri doonaan si loo dhidbo puntland ka fiyoow cuduro badan

Somalistar: Maamulka aad ka midka tahay ma qorshaynayaan dagaalla’aan inay shacabka aan taageersanayn C/laahi iyo garabka kale ee Jaamac Cali Jaamac ee kasoo horjeeda ay si nabad ah maamulka ugu yeereen oo kusoo daraan oo dawlad wadaaga dhisaan? mise amulkiinu waxaad aaminsan tihiin in xabad oo qura uu xalku kujiro guulna lagu gaari karo?.

C/shakuur: Xabadu xal ma ahan.haddii cid hadal wax ku qaadanayso waa lala hadlay kooxda aad ka hadlayso. lagase fursanmaayo in la dagaalamo haddii maslaxadda dantu ku jirto laga dhego-adeeygo,

Somalistar: Ugu dambayn ma rajeynaysaa in maamulkan hada uu magacaabay uu wax weyn ka bedeli doono aragtidiisiyaasadeed ee uu qabay ama lahaa maamulkii hore eeC/laahi Yuusuf khilaafkii kal hore kadib ama aragtida shacabka reer Puntland ee siyaasada ku qaybsan?.

C/shakuur: Horta ma jiro wax reer puntland ah oo kala qaybsan. wadar jeer ayaan taas kuu cadaynayaa. dabcan waxaan naawilaynaa inaan wax badan qabano oo muujino isbedel lagu farxo dhan walba. iyadoo dawladdu diiradda saaraysa in dadweynaha la wacyi geliyo is aanay markale u iman sinbiriiraxashadii hore oo kale.

Somalistar: Golihii wasiirada ee uu magacaabay C/laahi Yuusufwali waxay ku sugan yihiin Boosaaso, kana hawlgalayaan intii mudo ah Boosaaso. Waxaa taas dadka qaarki kumacneeyeen inaan wali laga wada taageersanayd magaalamadaxda Puntland ee Garoowe garabka C/laahi Yuusufayna wali ku xoogan yihiin taageerayaasha Jaamac CaliJaamac taas maxaa ka jira?.

C/shakuur: Waa lama huraan in si dhaqso ah loogu guuro Garoowe waayo iyadda ah caasimadda dawlad goboleedka puntland. ma garan karo suaalaha kale meesha aad ka keentay. waxaan hubaa in meesha ugu kalsoonidda baddan dawladda ay tahay Garoowe, dadka reer Garoowe-na maanta waa dad bisil. lagamana yaqaan taageerayaasha aad carabka ku dhifatay

Somalistar: Xagee ku danbeeyeen maxaabiixtii dagaalka lagu kalaqabsaday gaar ahaan kuwii maamulkiina aad gacanta kudhigteen?

C/shakuur: Waxay sugayaan maxkamadd waayo waa maxaabiis la soo qabqabtay iyagoo dagaalamay. waxay ku sugan yihiin xabsiga dhexe ee Bosaaso

Somalistar: Warar ayaa sheegaya in maxaabiista qaar laga yaabo inaad ugacan galisaan ama ku wareejisaan dawlada Itoobiya ma jirtaa warkaas?.

C/shakuur: Waa wax lagu qoslo weydiintani. cidna shisheeye gacanta loo gelinmaayo. puntland waa maamul goboleed is maamusha oo aan meele kale laga maamulin. balse hadaladda fadhi ku dirirka iyo xaqiiqadu way kala fog yihiin. dhaqankeena ma ahan inaynu cid kale isu gacan gelino.

Somalistar: Maxamed Xaaji Aadan oo xukuumadii hore ee C/laahiYuusuf wasiir ka ahaa ayaa dhawaan ku qabateen jiida dagaalka dad badan ayaa islahaa kornayl C/laahi waxaaba suurowda inuu ku soo daro golaha wasiiradiisa cusub xagee xaalkiisu ku dambeeyey hada?.

C/shakuur: Waxaa ogahay in dagaalkii lagu soo qabtay uuna ka mid yahay maxaabiista xabsiga bosaso ku jirta, c/laahi yusuf weydii haddu golaha dawladiisa ku soo darayo iyo haddii kale hawl aniga ii taal mahan

Somalistar: Ugu dambayn maxaad kula dardaarmi lahayd dadka akhrisandoona waraysigaagan ee ku nool waqooyiga Ameerika?.

C/shakuur: Waxaan kula dardaarmayaa in dadka soomaaliyeed isu soo noqon karaan marka la xisaabtamo, kii wax dilay, kii wax dhacay, kii wax kufsaday, kii guri ama beer dadleeyahay haysta uu marka hore ogaado dembiga uu galay. dadka dibadda ku nool waxaan u bidhaaminayaa inay wax badan hubsadaan wararka loo sheego.

Dhamaad.

SomaliStar waxaa lagala xiriirikaraa somalistar1@yahoo.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh SomaliStar, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk

FAAFIN: September 18, 2002

Magcaabidda Golaha Wasiirada Puntland
MDGP, Cabdullaahi Yuusuf, ayaa magcaabay golaha wasiirada, wasiir ku xigeenada, taliyaha ciidanka booliska iyo kuxigeenkiisa  GUJI.. 30/8

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

ARAGTIDA DADWEYNAHA

» CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND
» God walaal ha qodin haddaad qodidna.....[M.Koronto] 
»"Kulli Fitnah Cinda Kursi”  [cabdulwaaxid Khaliif]     

»
kaligiis muslim waa jaajuus laga yaqaano Nairobi [Jaamac]
  » SHIRKA SOOMAALIDA KENYA MA DHABAA MISE.. [pilot]
» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane [Gutale]
» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]  
 

»
QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD [Canab]
» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali]  
»» MAQAALAD
A SEPTEMBER 2002 
 
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD