DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah:
Markii lugu dhawaaqay DKMG ayaa waxaa si aan kala har laheyn usoo dhaweeyay
dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba laakiin waxey noqotay
rajadii ay shacabku ka sugayeen dowladda hal bacaad lugu lisay kadib markii ay
waxba ka qaban waaysay nabad galyda bulshada xataa dhulalkii laga taageersanaa.
waxaa taas kasii daran iyadoo mar waliba awoodeeda u isticmaasha dhibka danyarta
oo kaliya iyadoo iska indha tireysa dambiilayaasha, tusaale ahaan qaxootigii
deganaa xaruntii hore ee xisbiga ayaa awood looga saaray, halkii ay dhaxanta iyo
kuleylka ka gali jireen iyadoo aaney dowladu dadkaas meelna dajin xilna iska
saarin kadibna waxaa xarun looga dhigay golayaasha xukuumada iyo baarlamaanka
iyadoo ay ku jiraan xarumihii rasmiga ee dowlada sida madaxtooyada iyo xaruntii
golaha shacabka hogaamiye kooxeedka xuseen Ceydiid oo aan marna dowlada laga
maqal halmarna iyadoo leh waa inuu ka baxaa hadii kale talaabo ayaa laga
qaadayaa.
taa waxaa kasii daran goobo ay dowladu ka talin jirtay oo ay kasoo
saareen hogaamiye kooxeed yada Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi in aaney isku
dayin inay dib ulasoo noqoto intaasi iyadoo ay jirto ayaan markale ka maqalnay
madaxweynaha DKMG Dr: C/qaasin qudbadii uu ka jeediyey munaasabadii furitaanka
dugsiga hoose/Dhexe ee madiino warsame isagoo leh waxaan u qabanay dadka
qaxootiga ah ee degan goobihii waxbarashada mudo 30 maalmood ah inay uga guuraan
intaa wixii ka dambeeya ciidamada waxaan amar ku siinay inay awood uga bixiyaan.
maxuma inlaga bixiyo waana sax laakiin miyaanan sharciga loo sineyn kan awooda
leh iyo kan awooda yar mise waxaa jirta maahmaahdii soomaaliyeed ee aheyd
miskiin ayaa leh miska la buurto.
hadaba waxaan idiin xasuusinayaa xadiiskii
nabiga (csw) oo ahaa {waxaa halaagay dadkii idinka horeeyay hadii uu dambi galo
qof awood leh waa iska dhaafayeen hadii uu dambi galo qof aanan awood laheyna
wey ciqaabi jireen}
hadaba waxaan leeyahay dowlada waxaad kusocotaan sunadaa
xun ee dadku sharciga ha u sinaado ama masaakiinta iska daaya.
w / qoray ibraahin macalin
ibraahiim4@yahoo.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
SOMALITALK Sept 13, 2002
»» MAQAALADA
TODDOBAADKAN -
DADWEYNAHA
»» Dhibaatooyinka
Soofoodsaara Soomaalida Qurbaha
C/WAAXID: Jawaab
Magcaabidii Wasiirada Puntland
FAALLO: HADAFKA
SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN
FAALLO: SOOMAALIDU
MA CARAB BAA...,?
IS-BARBARDHIG: SOOMAALIDA
SWEDEN IYO XISBIYADA..
JAWAAB: KU
WAJAHAN QORAALKII M/DEEQ - BORLÄNGE
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|