SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARARKA

 

DAWLAD G. PUNTLAND
EE SOMALIYA

PUNTLAND STATE
OF SOMALIA

Xafiiska La Taliyaha Madaxweynaha

Advisor of The President

WR-0014/2002 September 11, 2002

Ku: Isimada, Waxgaradka, Aqoonyahannada iyo Ururada Bulshada Fadhiyadooda

Ku: Jaaliyadaha DGPL ee Debedaha Deggan Fadhiyadooda

Ku: Ururada Caalamiga ah iyo kuwa Samafalka ah Fadhiyadooda

Ku: Dadweynaha Soomaaliyeed

Ujeedo: Faragalinta Ethiopia iyo Dagaal ooge Col. Abdullahi Yuusuf Axmed

Dawlada Ethiopia waxay waqti aad u fog ay colaad iyo dhibaato ba’an ku heysay shacabka ummadda Somaaliyeed, iyada oo wadooyin kale duwan u soo mareysey, gaar ahaan xilliyadii todabaatanaadkii. Waxaa xusid mudan tii 1977dii, kolkii lagu jirey halgankii xoriyad doonka Soomaali galbeed. Halgankaas oo ahaa mid ay Soomaali weyn ku dooneysey in ay xoriyad iyo nolol wanaagsan u raadiyaan walaalahooda ku nool degaanka Ogaadeenya. Halgankaas oo lagu fashilmey, ayna sabab u ahaayeen arrima aad u fara badan, balse waxaan jeclahay in aan idin xusuusiyo jabkii na soo gaarey mid ka mid ah oo aheyd in Saraakiishii wadanka ay qaarkood la shaqeynayeen dawlada Ethiopia, kuwaas oo aan ka xasuusano Col. Cabdullaahi Yuusuf. Col. C/llaahi Yuusuf waxa uu xogta iyo tabta dagaalka siin jirey si toos ah taliyihii aagii uu ka dagaalamyey, taliyihii ciidamada Ethiopia iyo madaxweynihii hore ee Ethiopia Mingistu Haila Mariama. Waa taariikh cad oo aan caad ku jirin in uu khayaana wadan uu u cararay berrigaa, ee aanu u bixin mucaarado dawladii Soomaaliyeed ee markaa talineysey. Ka dib waxa uu ku biirey jabhadii SSDF.

Arrimihii ugu yaabka badnaa ee laga xasuusto gumeynta Ethiopia iyo Madaxweyne Mingistu waxa uu ahaa xafladii sanadguurada xilligii uu la waregay talada wadanka Ethiopia. Taas oo uu amaan balaaran u jeediyey Col. C/llahi Yuusuf, iyada oo ay boqalaal kun daawanayeen isu soo baxaa, idaacaduhuna ay ka dhegaysanyeen malaayiin Ethiopian ah, taas oo fajaciso ku noqotey dawladihi reer galbeedka ahaa ee xilligaa safaaradaha Ethiopia ka shaqeynayey. Isla maalintaa Madaxweyne Mingistu goortuu soo gaarey meeshii uu salaan sharafta ka qaadanayey waxaa weheliyey wafdi aad u balaaran, wafdigaa waxaa ka mid ahaa Col. C/llaahi Yuusuf, dhulka ay marayeena waxaa ku goglanaa calankii buluugnaa ee Soomaaliya, taas oo maamulka Mingistu u tusayeen wafdigii ka soo qeyb galay xaflada in ay Soomaaliya gashay cagta hoose ee Ethiopia, sidoo kalana muujinayey in ay gaareen guul.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, dawlada Ethiopia waxay goor iyo ayaan ka faa’ideysataa kuwa badan oo magaca Soomaali nala wadaaga, oo hadafkooda ugu fog uu yahay xukun jaceyl iyo hub doon si ay bulshadooda u gumaadaan. Saadna la socotaan dhawaantan waxaa safar ku joogey Ethiopia dagaal ooge Col. C/llaahi, kaas oo u tegay arrima xog bixin iyo in uu hagitaan ka qaato maamulka Malesanaawi. Dagaal ooguhu waxa uu hawada mariyey in safarkiisu la xiriiro xaalad caafimaad, balse safarkiisa Ethiopia waxa uu ku qotamaa sidan, isaga oo ku andacoonaya:

  1. In uu la dagaalamay oo uu laayey Al-Qaida, Al-Itixaad, iyo Asal raac diimeed.
  2. In uu gacanta ku dhigey caasimada Puntland Garoowe iyo magaalooyinka ganacsiga Boosaaso iyo Gaalkacyo.
  3. In uu qabsadey dhulkii Puntland, balse uu hanan karin hadaan gargaar lala soo gaarin ciidan iyo hub ah.
  4. In uu doonayo in uu la soo wareego ciidamadii Bay joogey oo uu madaxda u ahaan jirey Gen. Moorgan, ayna ka wada hadleen.
  5. In uu xabsiga dhigey cid allaale cidii ka soo horjeedey
  6. In uu xirey dhamaan xarumihii warbaahinta iyo isgaarsiinta ee xorta ahaa

Dooda dhaadheer ka dib waxaa la soo hordhigey arrima ay ka mid yihiin:

  1. In uu qaato hub u yaala aaga Galaadi
  2. In uu isticmaalo maleeshiyada Baydhabo joogta oo uu madax ka ahaan jirey Gen. Moorgan, kaas oo iminka ku sugan Boosaaso, Puntland. Maleeshiyadaas oo laga soo saarey degaankoodii Kismaayo.
  3. In uu heshiis ka dhex abuuro degaanka Bay iyo Bakool, isaga oo ku shaqeynaya ahdaafta dawlada Ethiopia
  4. In uu ku dhawaaqo goosasha buuxda sida Somaliland oo kale.
  5. Haddii uu intaa fuliyo in uu heli doono gargaar dhaqaale iyo aqoonsiba.

Waxaa haddaba aan daraasad iyo baaritaan qota dheer ugu jirnaa maamulka Malesanaawi ee Ethiopia sida ay xasilooni dari uga wadaan guud ahaan Soomaaliya, iyaga oo ku soo daldalaya wadanka gudihiisa hub iyo maleeshiya maxeysata ah oo aan dad iyo duunya hambeyneyn. Waxaa cad in Ethiopia ay u soo dhar dhigatey in ay dagaal hor leh wadanka ka aloosaan, ifaafaalihii nabadana ay wiiqaan. Waa mid cad in shirka nabbada ee ka dhacaya Eldoret, carrigaa Kenya ay dib u hakineyso Ethiopia, iyaga oo abuuray dooda aan meesha oolin. Waana mid ay haboon tahay in dhammaan ummadda Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeestaan khiyaanooyinka cadowga.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqeyaa shacabka ku abtirsata degaanada BAY iyo Bakool in is hor istaagaan fargalinta iyo xasuuqa soo cusboonaadey oo ay madaxda ka yihiin maamulka Ethiopia iyo dagaal ooge Col. C/llaahi Yuusuf Axmed. Sidoo kale waxaan ka codsanayaa Ururka Qaramada Midoobey, hay’adaha madaxa banaan iyo dhammaan hey’adaha caalamiga ah in ay ka hor tagaan gumaadka iyo colaada fog ee Ethiopia u heyso shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo faragalin toos ah iyo mid dadbanba ku haya ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dihin ay ka wadaan Puntland

Israac iyo Midninmo lagu nagaado.

Mahadsanidin,

Osman Y. Mahamoud, La taliyaha

Madaxwenaha DGPL

 omahamoud@yahoo.com

 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk

 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QADO SHARAF LAGU SAMEEYEY QASRIGA MADAXTOOYADA PUNTLAND: 9 Agoosto 2002-Waxa booqday Boosaaso wafti reer  Jubaland oo uu hogaaminayo Gen. Morgan.

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa  u sameeyey Waftiga reer Jubaland qado sharaf Qasriga Madaxtooyada
Puntland.

Waxaa ka soo qayb galay Qado Sharafta Madax Sare ee Dawladda Puntland sida Madaxweyne ku Xigeenka, Wasiirro, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo marti sharaf kale.

ISHA: Xafiiska plpresidency@yahoo.com  


cigaal Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal xilligii uu safiirka ka ahaa india 1975-1976 oo salaamaya madaxweynahii india ee waqtigaas, Fakhrudin Ali Ahmed. Fakhruddin waxa uu madaxweyne ka ahaa India August 24, 1974-Feb. 11, 1977  GUJI

Kaqayb qaado dhismaha Masjidka Abubakar ee Seattle, Washington GUJI... 



prof. Samatar"Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa..." Prof. Samatar  
Sidaas waxaa yiri Prof Cabdi I. Samatar oo ka jawaabaya su'aal la weydiiyey oo ahayd sababta uusan uga hadlin jaamicada Boosaaso, GUJI.. 20/8 


QuraanGudoomiye Maxkamadeed oo Ogolaaday in Quraanka Lagadhigo Jaamacad Maraykan ah  
Qareen Maraykan ah ayaa xakumay in Jaamacada North Carolina lagu dhigi karo Quraanka, waxana uu yiri “quraan aqriska kama qaado qofka xornimada" .... GUJI... 19/8 

MACLUUMAADKA INTERNETKA


Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD