Dilkii Kaiser oo Maxkamadi Xukuntay inuu
Kama' ahaa
Mohamud Yusuf Garre
London, UK
Wiil 15 jir ah ayey maxkamad ku taala magaalada London ku xukuntay inuu si aan
ula kac aheyn u dilay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Kaiser Osman.
Wiil kale oo 11 jir ah oo falka dilka ah ku caawiyey dembiilaha ayey maxkamadu
xukuntay inuusan wax dembi ah laheyn.
Dilkan oo dhacay lix bilood kahor ayaa dembiilaha iyo ina adeerkii isugu tageen
Kaiser kadibna midi kuwa hilibka lagu jar jaro ah wadnaha dareen, halkaasoo uu
ku naf baxay wiilka Soomaaliyeed oo reerkoodu kasoo qaxeen colaadii Soomaaliya
sanadkii 1989.
Waalidka Kaiser aabe Abdul Osman iyo hooyo Maryan oo maxkamada fadhiyey
maalintaas ayey ka muuqatay murugo, waxeyna warbixin laga akhriyey maxmakada
horteeda ku sheegeen: "Waa arin murugo leh, waxaan kasoo cararnay colaad inagoo
soo raadsanay nabadgelyo balse nabad aan helno iska daaye wiilkeenii ayaa la
dilay".
Waalidka Kaiser oo leh afar kale oo caruur ah ayaa sheegay in dowlada iyo
ciidmada amaanka aaney xil weyn iska saarin badbaadinta dhalaanka.
Dembiilaha ayaa la sheegay inuu yahay maangaab, isagoo caqligiisa IQ-giisa
cabiray 52 keliya. Waxaa kaloo la sheegay inuu yahay silic ku kor ay tuureen
waalidkii, iyagoo kasoo diray wadanka ku yaala bartamaha America ee lagu
magacaabo Jamaica una soo diray magaaladan London si uu ula soolaado qaraabo
halkan u degen.
Xeer beegtidii dacwada la socotay ayey ku qaadatay labo maalmood iney go'aan
kaga gaaraan dacqada iyagoo xukumay in dilku ahaa mid aan ula kac aheyn.
Waalidka Kaiser ayaa muujiyey iney ku qanceen qaabka dacwada u dhacday.
Waxaan weli xabsi lagu xukumin dembiilaha waxaase la filayaa in dhowaan xaakimka
maxkamadu xukumi doono waqtigii uu dembiiluhu dhex fadhin lahaa xabsi.
Mohamud Yusuf Garre
yusuf22@lycos.com
United Kingdom
SOMALITALK | 29.9.2002
Wiilashii
Diley Kaiser oo Maxkamad lataagey
Maxkamad kutaal dalka Ingiriiska ayaa la horkeenay wiilasha diley Kaiser Osman
oo qaxooti halkaas ku ahaa GUJI..
5/9
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|