SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

SHIRKA SOOMAALIDA KENYA MA DHABAA MISE WAA DHALANTEED. pilot


CALI DIIRIYE NUUR PILOT
SWEDEN 
pilote@journalist.com
 
SHacbiga soomaaliyeed waa kuwa jacel guusha aadna uu neceb guuldaradda. Hadaba dalkeenu wuxuu maanta ku sugan yahay xaalad murago leh,Waxuuna halaq mareen uu noqday cid kastaa oo horey ugu hanqal - taageysay hanashadiisa, Iyadoo cabsi weyn laga qabo inuu cadow gacanta uu galo dibna looga noqdo Waxii uu shacbigu ka dhiidhiyey qarni ku dhawaad ka hor.

Waxaa soo if baxay astaamo aan soomaalida intooda badan horay loogu aqoon ee ah shisheeye-kalkaalnimada iyo gumeysi-doonka, DHuuni raacnimo iyo calool-uu-shaqeystanimo, hayeeshaalenimo iyo habar wacasho shisheeye Waxaa muuqata in hogaamiyeyaasha kooxuhu aysan wax dan ah ka lahayn in ay dib uu soo laabato Qaranimo soomaliyeed, Iyadoo xaaladaha haatan jira ay muujiyeen in hogaamiyeyaasha qaarkood oo Hammigoodii ahaa in soomalia Madax uu noqdaan ay hoos uga soo dhaceen, Mid walibana uu dan mooday inuu dul yururo Qayb uu u arkay inuu danahiisa ku oofsan karo ha ahaato mid uu jeedo ama ha ahaato mid uu xoog ku haysto.

Waxaa hoos uu dhacdey rajadii uu shacbiga ka lahaa dib uu heshiinsiinta iyo ebyid nidaam dowladeed iyadoo shirarkii ugu danbeeyayna noqdeen kuwa lugu fashilmay, Hadalladii ugu danbeeyey ee hogaamiyeyaasha kooxaha ka soo yeeray cadeeyeen inaan haatan iyo waqti uu dhaw heshiis imaan karin. Hadaba la yaab ma leh in wargeysyadda dalka ka soo baxa qaarkood markii ay miisaan saareen dhibaatadda maanta dalka ka jirta ee ugu yaraan ay hal milyan dagaaladda sokeeyey ku geeriyoodeen, milyanne baro baxay(Qaxooti noqdey), Malaayiin diihaal gaajo ku sugan tahay la door bidi lahaa inaan jabbhadu dagaal ku qaadeen xukuumaddii hore.

I  I  D  H  E  H

Waxaa laga yaabaa inay jabbhadii dagaalka qaaday ay taasi ka careysiiso, Balse kuwii bilaabay lugu tilmaami karo aabihii dagallada sokeeye ee dalka waxaan weydiin lahayn haddii ay ogaan lahayeen xaalladan ma door bidi lahaayeen iney dalka dagaal sokeeye ka bilaabaan shisheeyane ku soo hogaamiyaan. Haddii jawaabtoodu noqota mid waaqaca ku saleysan waxaay ahaan lahayd maya oo dhibkii jirey baan uu adkeysan lahayn,Hadise ay noqota mid xaqiiqadda ka fog wey is giijin lahayeen,Taasina waxaay inoo muujin lahayd ineysan dan ka lahayn nolasha iyo geerida dadkooda.

Aqristoow madaama aan marayno xaalad aad uu adag oo runtii wax lugu tilmaami karo aysan jirin,Umadii soomaliyeedna haysato ayaan darro oo ay daadsan yahiin dacaladda dunidda, Ma kula tahay inaan ku dadaalno uu towbad keenida alle, Innagoo waydiisanayna dambi dhaaf,Kana baryayna inuu nagga qaado collaadaan aan dhamaadka lahayn. Aqristoow bal ka waran hadii uu dalkeenii uu halis uu yahay inuu cadow gaalo ah gacanta uu galo inagiina aan ka dhamaan la,nahay qolo hebel baa la jebiyay ama laga qabsadey meel hebel iyo waxii la mid ahba inagoo ku duuleyno cadifadda qabiilka uu ina barey anoo og halka uu maanta qabiilka ina dhigay. ugu danbeyntii haatan iyo dan laba arimoodbaa inale gudboon oo ah inaan kale doorano gobanimo oo aan ula jeedno inaan noqonno wadan xor ah oo ka taliya taqriirul-masiirkiisa iyo gunnimo oo ah inaan ku noqonno gumeysiga oo ay noo taliyaan gumeysi madoow iyo mid cadba, Waana arrin uu taalo guud ahaanba shacbiga soomaliyeed gudaha iyo dibaddaba, Wadadda lugu gaari karano waa in marka hore leyska qabto kuwa gumeysiga nagu soo hogqaaminaya.

Aqristow haatan is diyaarin ayaa jirta taasi oo loo diyaar garobaya sidii shirka keenya looga dhalali lahaa ka qeyb galkiisa.Waxaay su,aasha tahay ma guuleysan doonaa shirkaas mise loo qaadan karaa mid dhalanteed ah. Durbaba waxaa soo if baxay calacal ka soo yeeraya hogaamiyayaasha qaarkood oo leh shirkaasi ma ogolin taasi oo niyad jab ku abuuri doonta shacbiga somaliyeed dhamaantood oo maanta uu heelan iney helaan dowalad loo wada dhan yahay. balse arinta yeeyna noqonin sidii erayadda ah. Dooradda kun jeer iyo kow kurug-kurug ma deeyso taasi oo aan ugu dan leeyahay hogaamiyayaasha oo idil oo nin walbaa uu arimaha somaliya ku xeray in isaga uu madaxweyne noqda. Waaba yaabee soomaliya imissa madaxweyne ayay qaabili kartaa? Dhaamaad.

SUXUFIGGA SOOMAALIYEED
CALI DIIRIYE NUUR PILOT
SWEDEN 
pilote@journalist.com
 

 

 

 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Sept 16, 2002 | SOMALITALK

 


» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane
[Gutale]
» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
» SOOMAALIYA - QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD[Canab]
» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali]
Dhacdooyin Bileedka Ogaadeenya (Jul,Aug)
Warbixintan oo lagaga hadlayo Dhinacyada Siyaasada, Milatariga, Xuquuqul Insaanka iyo Xaaladaha kale ee ka Jira Ogaadeenya iyo Itoobiyada Gumeysataba GUJI
Maxaabiis Oromiya Laga Sii Daayay
xabsiyadda dalka Itoobiya gaar ahaan dhulka ugu wayn ee dalkaa "Oramiya" ayaa laga sii daayay maxaasiib aad u fara badan
GUJI 14/9
Gudoomiyaha UEFA oo la kulmay Somalida
Guddoomiyaha xiriirka Kubbada Cagta ee Yurub ayaa
GUJI.. 13/9
Eedaysane Argagixiso ah mise M
udane
Musharax ah: C/risaaq Aaden Cali oo ka mida sadexdii..  GUJI.. 13/9
Qoraaga Wargeyska Assiyaasi - Nairobi
oo sheegay in noloshiisu khatar kujirto  GUJI.. 13/9
Cadaadis Lasaarayo Itoobiya
waa cadaadis ku saabsan arimaha Soomaaliya, warkaan iyo Ganacsato Ingiriis ah oo yimid magaalada Muqdisho  XORIYO 13/9
"FARAGELINTA ETHIOPIA
 iyo Dagaal ooge Col. Abdullahi Yuusuf Axmed,"  sidaas waxaa kubilaabmay qoraal SomaliTalk kasoo gaarey GUJI 12/9
IGAD oo Shir Jaraa'id ku Qabatay Nairobi
shirkaas jaraa'id waxay IGAD ku sheegatay in shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed  uu yahay mid lagu IQRA. 12/9
Waftigii Xasan Abshir oo Kadhoofay Yemen

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD