SOMAALIYA WAXAA ISKU BAHAYSTAY LABA
MUSHKILADOOD OO AH QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD.
Ummadda soomaaliyeed nasiib uma yeelin ineey
iney ku naaloodaan kana gungaraan halgankii dheeraa oo ay usoo mareen xornimada
iyo madaxbanaanida dalka.
sida ay maanta ummaado badan oo aduunka ah
horumar dhinacwalba ah gaareen kuwaasoo xornimada somaliya mar laqaatay.balse
shacabka soomaaliyeed waxaa hortaagnaa haddana wali hortaagan laba caqabadood oo
ah qabiil iyo qabqable dagaal kuwaasoo dalka iyo dadkaba dib u dhigay in
badan,waxaa nasiib daro ah iyadoo uu maanta aduunku u tartamayo qaarad qaarad
iyo dal dal waxa ummada somaliyeed dib u dhigay kuna nabay qabyaalada,maalin
walba waxaa lasku laayaa qabyaalad waxa ku dhamaanayana ay yihiin maato iyo dad
aan waxba galabsan.halkaasna ay ku mustaqbal beelayaan kumanan iyo kumana caruur
ah oo ay ka luntay fursadii wabarasho. kuwaasoo bari dalka wax u tari lahaa
hadii lagu dadaalo mustaqbalkooda iyo barbaarintooda,balse maanta waxay soo hana
qaaayaan iyagoo figrad qabiil aaminsan iyo in nolushu tahay in lays dilo waayo
waxay ku soo barbaareen bulsho hadak haysa dagaal iyo qabyaalad.ma isku
diidanahay in ilmahadi yari uu la imanayo waxii ay waalidkiis la yimaadeen.
haddaba hadii aanay ummada somaaliyed iska
qaban labadaasi lagama yaabo iney gaaraan qaranimo iyo midnimo
soomaaliyeed.qabqablayaashu mar walba way qaadacaan shir walba oo looga hadlayo
maslaxada soomaaliya,waxayna ka amarqaataan dowlada ithopia oo ah cadawga
somaliya,tan kale maxaa u diiday beelaha soomaaliyeed iney iska qabtaan
hogaamiye kooxeedyada aan wadin dantooda iyo danta ummada midna ee doonaya iney
iyaga madaxa isku galiyaan maalinwalbana uu socdo dagaal aan la garaneyn
ujeedadiisa oo aan dhamaad lahayn.waxaa wax aad looga xumaado ah qofka damiirka
lehna aanu u dul qaadan karin waxa ku kalifaya shaqsi sheeganaya ma,uu liyad
waxa uu ummadiisa ugu tilmaamayo argagaxiso isagoo ku raadsanay taagero
caalami,una horseedaya ummadan dhinacwalba ka dhibaateysan in la sii burburiyo.
lagama yaabo iney shacabka soomaaliyeed
dhibaato ka baxaan inta ay garab taagan yihiin hogaamiye kooxeedkooda waxa uu
sheegana ay u raacayaan iyagoon ka fakareynin waxa ka dhalan kara iyo dhibaatada
u mar dambe u keeni karo.
dowwlada ithopina ay siineyso hub, ugu
dambayntii ummadda soomaaliyeed waxay la mid yihiin hal nin guran dhaamiyay
dhanna umma fayooba oo dhinac walba wey ka dhibaateysan yihhin.
qore canab maxamuud clle
canabmumtaz@hotmail.com
September 12, 2002
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|