Bayaan Ka soo baxay Ururka Siyaasiga ee
Banaadiriga (SANU)
Alif kaa qaloocday Albaqra ma toosiso
War saxaafadeed u so saaray ururka SANU ee Banadiriga oo ka jabaab celinaayey
qolo iska magacowday maamul aan loo dhameeyn .BARTAMAHA
BARIGA SOOMALIYA oo loola amakaagay iyo yaabay.
Waxaan jecel nahay in aan idiin soo gudbino arigtida iyo hadafka aan ka qabno
arrimaha ismaamul goboleedka waxaan u rajeynaeynaa guul, haddii laysu
afgarta ?.in loo dhiso maamul ummadda u dhalatay iyo kuwa ku nool
Gobolka Banaadirland, iyagoo muddo dheer sugayay kuna hanweynaa in ay
u curatoDawlad maamul Goboleed oo ay u dhan yihiin dhamaan beelaha
dadweynaha Gobolka Banaadirland. Haseyeeshee, himilidaasi iyo rajadaasi
ilaa iyo hadda ma suuragalin. sababto ah waxaan maqalnay cid dano gaar ah ka leh
in ay wadaan maamulkaas la damacay in la hirgaliyo, kuna dhawaaqay maamul
la magac baxay BARTAMAHA BARIGA SOOMALIYA
magac bixintaas oo aan la garaneyn meeshu ka soo jeedo?
[GUJI...]
Yaase
loogu daneyna-yaa magacyadan mara saarka ah?
Ismaamul
goboleedka madaxa banaan maxa fashilikaro?.
Sida
la wada ogyahay Fashilaadda
jiritaanka Ismaamul goboleed waxay u hor-seedeen dhul goosi, oo looga
gol leeyahay ku gor gortanka awood qaybsiga iyo sid-bursi, loga heli lahaa
Shirka KENYA (Eldoret) iyada oo aan
loo aaba yeelin marna mas-laxada dadka deegaanka ku nool iyo suurtagelinta
nabad ku wada noo-laanshaha ummadda iyo wax wada qabsigooda. Dalka waxaa loo
kala jar jartay cad cad oo waxaa loola baxay magacyo aan xuseeynin magaca
Soomaaliyeed, ee waxaa loogu magac daray erayga
(medal est .). BARTAMAHA BARIGA dhulkaas oo
lo wada yaqaan Banadir waxaa la doonaaya in la marin habaabiyo
Taariikhda dhuleed..
hadaba si loo raali
geliyo
quwadaha shisheeye oo taageerada lagaga doonanaayay, kalsoonina looga
samee-sanaayay. Waxaa dhulka loo samaystay maamulo, qaab dhis-meedkooda lagu
salayay habka casriyadii dhul goosiga ee mar hore laga soo guuray, waxaana
degaannada kala xadeeya qabiilada,
had-ba sida uu is-gaashan buursiga
saamaxayo. Arintaasine waxay sii kordhisay xasilloni dar-radii jirtay iyo
is-aamin la’aantii, waxayna sii ololisay xiisadihii iyo cadaawaddii la
doonayay in maamuladaasi lagaga gudbo. Maantana waxaa, weli, sii socda xarig
jiidkii oo waxaa lagu mash-quulsan yahay dhul kala qabsi iyo geyi sheegasho.
Taasine waxay dhallisay in maamulada aysan no-qonin wax deggan oo lagu
kalsoonaan karo, lehna sharciyad (legi-timacy) ay cid ku mattalaan.
Dajaal
ma jiraa mise ma jiro: Jawaabtii cabdulwaaxid Khaliif ee Shiikh Maxamed
Shiikh Xuseen GUJI... |
Haddaba annagoo ka tusaala qaadanaayna dhibkii loo geystay Xamar oo ay
ka mid yihiin Burbur dhismooyin taariikhiga, xaalufin deegaan, boobka hanti
dadweynaha,barakicin ee dulsaaranaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka
Banaadirland, waxaa marak madoonto ah in muda ahba sugeyni goorta ay
hirgali doonto rajedeeni, riyadeyna in hadda iyo wixii ka
dambeeya in ummadda Somaaliyeed ay yeeshaan xukuumad Federal ah oo
awood buuxdo leh, si aan cidna loo dulmin xaqeeda ayna ugu daran tahay
caddaaladarrado,duudsiga xuxuuqeed iyo awood sheegashada aan geed looga soo
gambanin ee looga hortaagan yahay Banaadiriga iney ayagu kaalin
horyaalnimo ku yeeshaan dhismaha maamul goboleedka Banaadiriland ayakoo
cid kastaba ka mudan, ugana xaq leh.
cadaalad laysu
maamulo. In la iska qabto dulmii-lowayaasha iyo qas abuurayaasha; bulshada
weynta xaqa u leh ismaamul Goboleed Banaadirland ay hadda si aad ah
u muujinaayaan in ismaamul Goboleedka Banaadirland ay lagama maarmaan
tahay in uu yeesho maamul u gaar ah oo ka tarjumi kara danaha gaarka iyo
dabeecadaha u goonnida ah ay bulshada maamulkooda hoose imaandoona .
Runtii waa talaabo tixgelin mudan oo ka timid walaalaheeni Xamar daye, waana
wax lagu faani karo aragtida ay ka qabaan in lagu dhaqaaqo sii wada jir ahna wax
looga qabto, taas oo aan ula jeedo is afgarad iyo wada tashi madaamo aan nahay
cidii mudneeyd in arrimahaani lagala tashado.
ururka SANU ee Banadiriga intaas oo dhan isha ku haayna
xog-ogaalna u ah howshii aheyd ismaamul goboleedka Banaadirland kuna
mashquulsaneyn mudo dheer sanooynkii la soo dhaafay mar-xaladahii u soo
maray guud ahaan . dadyowgeyni, kana dheregsan waayo aragnimadii laga dhaxlay
dagaaladii sokeye iyo cawaaqib xumadii uu na dhaxalsiiyey, ayaan codsi buuxa u
soo jeedinaynaa dhammaan wax garadka Xamar iyo xamardaye in ay masuuliyad iska
saaraan taaba galinta talaabadan ismaamul goboleedka, loogana dhabeeyo sii wada
jir ah.sidaasi awadeed waxaan diyaar ula nahay in aan taaba galino hadii laysu
afgarto? labada dhinacaba.lana sameeyo Shirci kala haga labadda dhinacba( law an
order) ayado midkasta dhowraayo nidaamka lagu hashiindoono.
160
Macalimiin Soomaaliyeed ah
oo
loo cusboonaysiiyay Heshiiskii Shaqada Dawladda Yemen iyo
kuraastii wax Barasho eey dowlada Yemen ugu deeqi jirtay arday
soomaaliyeed ee kasoo Baxa iskuuladeeda oo la kordhiyey: halkii ey ka
ahaayeen 10 kursi hada laga dhigay 20 kursi....
GUJI.
24/9 |
Waxaa la soo gaaray xilli aan indhaha laga daboolan karin
dhibaatooyinka maalin la noolka ah ee dadkeena ku haysta degaannadooda, oo ay
ahayd in ay sharaf,cisad, nabadgalyo iyo qiimo ugu nooladaan dhulkooda.
Waxaa maanta la joogaa xilligii loo hawgali lahaa dhismaha Maamul
Goboleedka Banaadirland u gaarto himiladeeda iyo guul wax ku ool ah ayna
khayrkooda wax kula qaybsadaan,Soomaalidu waxay ku maahmaahootaa "':Nin
seexdo siciisaa dibi dhalaa "' Taas oo micnahiisu yahay cid aan ka sugnaa
ma jiraan badbaadinta dadyawgeynii si loo sugo xaqa iyo dareenka ummadda u
qabto in ay hooygooda ugu noolaadaan si la siman bulshooyinka uu qaranku kala
dhaxeeyo daris wanaag walaaltinimo iyo isu hiilin .
Haddaba, Ururka SANU ee Banaadiriga wuxuu talo ku soo jeedinaayaa in:
-
marka hore lagu hashiiyo habka lo dhisaayo maamul Goboleeydka Banadirlaand.
-
lagu shaqeeyo Siyaasad qeexan oo ku dhisan hab walaaltinimo
iyo deris wanaag dhamaan Beelaha Soomaaliyeed
-
mowqif mideysan laga istaago cidii ku soo xadgudubta ku dhaqanka
ismaamulka Banaadirland
-
Waxaa lagama maarmaan ah in xulo xubno firfircoon ee ka socda
dhinacyada ay arrimahaani quseeyaan oo noqda dad garasho siyaasadeed iyo
aqoonba leh, loona xilsaaro u hawlgalka dib u dhisida maamul
Goboleedka Banadirland iyo ka qaybgalka dhismaha dawlad federaali ah ee
mustaqbalka .
Waxaa shaki ku jirin in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka
Banaadirland u xaq u leeyahay sida bulshooyinka kale ee ku dhaqan gobollada kale
dalka in ay aayahooda iyagu maamulaan. Taas oo aan waxba u dhimmeyn xiriirka
walaaltinimo ee wada noolaanshaha bulshada oo ay dadka reer Benaadir wada
noolaanshahaas bulsheed uu noloshooda qayb weyn ka yahay. Waxay horseedi doontaa
in nabad iyo horumar loogu soo dabaalo aayaha gobolka iyo dadka ku dhaqan.
Maxamed
Qanyare
"Ma
qabo inuu yahay Shirka Nayroobi mid najxaya waayo waxbaa ku hoos qarsoon"
sidaas wuxuu kusheegay waraysi dheer oo
GUJI...
2/9 |
Magaalo waliba waxaa maamula dadka u dhashay iyadoo dadka kalana si xor ah
ugu nool yihiin.tusaale Switzerland, Netherland, Talyaaniga, Ingiriiska ,
France iyo kuwa kale oo badan madaxdeeda waxay ka soo jeedaan ismaamul
goboleedyada dalkooda ee dadka degaanka, sidaas waxaa la mid noqon kara
Shacbiga Banadirland ,oo ay tahay waajib kor yaal in ay sika dhax
xulaan haddaba dadka u dhashay Banadirland ee masuulka ugu noqon lahaa
maamulkoodana gacantana ugu qabsan lahaa si loo hagaajiyo caasimadda qaranka iyo
degaannad ku xeeran.
Waxaan qabnaa in mas'uuliyiinta beelaha kala duwan ee xaqqa u leh Gobolka
Banaadirland ay u howl galaan iskuna mashquuliyaan sida ay u xalin lahaayeen
qilaafadka u dhexeeya, iyagoo tixgelinaya, mudnaanta koobaadna siinaya
rabitaanka, himilada, wanaaga iyo nabadda Shacbiga u dhalatay ismaamul
Goboleedka Banaadirland oo runtii rajo beel ku dhow.
Waxaan qabnaa in aqoonyahanada, waxgaradka,dhallinyarada iyo haweenka ka soo
jeeda beelaha kala duwan ee xaqa u leh Gobolka Banaadirland ay muujiyaan
firfircooni, waxtar u leh qadiyadda iyo mas'uuliyada iyagoo si daacadnimo ah ugu
adeegaya abaabulka dhismo maamul Goboleedka Banaadirland, Waxaan qabnaa in
maanta lagu jiro xilli adag oo loo baahan yahay samir, dulqaad, adkeysi, iyo
waxqabad, si looga gudbo marxaladan.
Dacwo dhan ka ah Askarta
DKMG oo soo gaartey ururka Somali Banadir Human
Rights Organization GUJI...
23/9/02 |
Ugu dambeyn, waxaa soo jeedinaynaa in Beelaha kala duwan ee xaqa
u leh dhismaha dowlad Gobolka Banaadirland in ay iska ka kaashadaan waa hadii
lagu wada hashiiyo ? qorshahan Banadiriga aya horayba u soo jeediyay waliba ka
diyaarisay nidaam hab dastuuri ah oo an cidna aan dulmeyn dhamaan kuwa u
dhashay,kuwa kadhashay, kuwa kuwada noolba,in maamul goboleedka .sida ugu hoboon
ee caddaalad ku jirtana wax ugu qabtaan maamulkoodi, anagoo rajeyneyno in la
iska ilaaliyo sidbursigii Soomaaliya hore u kala geeyey, lagana faaideysto
marxalada taariikheed ee la soo maray, waxayna nala tahay in Soomaaliya ay ku
filan tahay natiijadii laga soo dhaxlay caddaalad darada iyo duudsi
xuquuqeed laga soo bilaabo 1950 ilaa maanta " Älif kuu hagaagaa al
Baqruu ku gaadhsiiyaa" murti soomaaliyeed aya oraneysa :"wixii laysku
og yahay layskuma eedo"
wabilaahi towfiiq
Gudoomiye ku xigeenk ururka Siyaasiga Banadiriga ee SANU
Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi (Muriidi Golf )
E-mail: muriidigulf@hotmail.com
FAAFIN:
Sept 24, 2002 | SOMALITALK
Canbaareyn
Afduub loo geystay
Dhibanne Cabdixakiin Maxamed Xaaji (SHiikheey) waxaa magaaladda Xamar Xafadda X/Weyne
Lagu Afduubay wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ah Beelaha aan hubeysneyn.
GUJI
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee
Dhulka Banaadiriga Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
Falal
Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho,
caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo
tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI...
Agoosto 6
AFEEF:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
»
DKMG oo
awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
»
Ragga toodii
aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida
Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane [Gutale]
» QAAMUUSKA
MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
»
SOOMAALIYA -
QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD[Canab]
»
Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha
(3) [wq.SaciidCali]
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|