
Somali Banadir
Human Rights Organization
23/9/2002 The Hegue 
Waxaa Dacwad sida tan u qoran ino soo gudbisay: Qamar Shariif Haashim (Luna )
sidan aad araktaan.waa war bixin dheer ka hadlaaya Xadgudubyo loo geestay
haweney wayeel ah oo lagu magacaawo Maana Aweys Dayax, iyo gabadh ay dhashay.
oo lagu magacawo: Karolina Ibraahim Cali oo Degan Degmadda Marka ee Shabeelaha
Hoose oo loola dhaqmay wax ka baxsan Ba'niaadanimadda ama Xuquuqda Aadamiga
lagula dhaqmo Beelaha aan Hubeysneyn,sida hawenka,wayeelka,IWM. Qamar Shariif
Haashim (LUNA) ayado so gudbineysa xogogaal ahan waxay ku bilawday sidaan
Hoose ku qoran.
Bal aan kaaga hadlo dhibaatada ku dhacday Hooyadey iyo Walaasheyda.
taariikhdu markay eheeyd 17/9/002, ayaa Askarta DKMG, ayaa aqal ku yaalo
magaalada MARKA, ayey ugu dheceen ayagoo u geystay jir-dil Maana Awes DAYAX
iyo Gabadheeda Karolina( Carolina) Ibrahim CALI, ayan ka dheceen inta lacag
aqalka u yaalay markay hooyo Maana Awes DAYAX, dacwo geeysatay ayaana ayadana
la xirayn isla maalintaas ayeyna xireen Odey reer MARKA, ah oo ka war doonay
Gabadha la xiray ayan mudo saacadood xireen lana sii daayey Odeygaa waa Aw-Maye
SUJAC, laguna yiri oo Askartii idiin badbaadin lahaa ayaad leedahay lacag ayey
aqalkeeyga ka xadeen, ka dibna ay kaxeeysteen Walaashey, loona kaxeeyey
xabsiga magaalada ayna tahay dad ay amar ka qaataan DKMG, Hooyadeyda markay
aaday ayey weydiisay Gabadheeda, waxa loo xiray ayey ku yiraaheen ninkaan ayaa
qaba waana in ay raacdaa xukuna wuuw dhici doonaa waayo Gabadhaan ayadoo nin
leh ayey guursatay nin Banaadiri yah,
Hooyadey, waxay ugu jawaabtay inuusan qabin ninka haatan leh waa xaaskeyga sababtoo ah seddex sano ka hor ayuu asagoo hubeesan xoog la galay guri
Gabadheeyda ayuuna kaxeeystay aana anigu, u dirsaday dad kale oo hubeysan
siddii Gabadheyda aan u badabaadin lahaa leyguna soo celin lahaa aqalkeyga,
marka ninkaan ma qabo Gabadhey,
Gabadhu, waxay ka dhalatay hooyadeed waa Bahweynta Banaadir, Aabaheed waa
.......,
[weydii qoraaga]
ayey ku tiri waxaad u xabsiga u geeyseen waa dad haatan magaalada
MARKA, ka muuqan iyo reer Banaadir, ay yihiin dadaan hubeeysneen oo Gabar,
kale miyaad la geli leheedeen.
waxaa khadka telafonka la hadlay gabadheeda ku nool dibada ayey hubsatay
arrintani siduu u socoto ayaana Maana Awes, ayaa jawaab ka bixisay in xaalku
isu rogay lacag iyo hanjab cad oo gabadheeda habeen walba loo hanjabo oo
odeyaal loogu gudbiyo xabsiga gudihiisa ahna niman ......, ah iyo .......,
[weydii qoraaga]
is wata ayna aniguba dhowr jeer igu soo laabtay inaan bixiyo madax fur ayna
Hooyo Maana, ugu jawaabtay lacag ma heeysti haddaan heyn lahaana ma bixin
leheen waayo sharci ayaa la timaadeen ee maxkamada ayaan wada sugi doonaa
inkastoo ay handadaada socda xaalkuna isu bedelay madax fur, gabadhuna ay
bukto aniguba, nafsadeyda waxaan ahay naag seddex xabad ku dhacay ayna haatan
jir-dilkii ley geystay madaxii leyga tolay ayaa haatan xanuunka iigu kordhay.
Gabadha, Walaasheedna, way ku raacday Hooyadeed, waayo wax madax fur la
yiraahdo inaysan bixineynin ayna raaci doonin ninka horena af-duubtay xoogna
ku kaxeeystay maadama wax cadeeyn uu keeni waayey maxkamada khaadigii mehray
iyo warqadii meherka laga waayey, inta kale waanu fahanay in loogu dan
leeyahay madax fur, taana kama baxni doonimeyno lacag in la bixiyo ma heyni
wax lacag la yiraahdo, Walaasheyda, ayaa xabsi la geeyey oo DKMG, shaqo kale
ayey waayeen miyaa oo may xiraan dembiilayaasha oo seddex sano ka hor
af-duuway Walaasheyda.
Waxay inoo raacisay Walaasheyda, xaq daro ayaa lagu xiray laguna heeystaa
Hooyadey waxay kale sii raaciday hadii Gabadheyda uu qabo seddex sano ka dib
ayuu leeyahay waa xaaskeyga taa ma'han wax suura gal ah Gabadheyda ayadoo nool
ayey ii deynayaan ama ayadoo meeyd ah lacag bixin ma hayoo nina raacin ma hayo.
Sidaasi awadeed Ha'yada Xuquuqda Aadamiga Banadir.Wuxuu ku talinaaya Kuwi
geestay Dambiga foosha Xun leh laga abaal marin doono Shircigana La horkeeni
Doono Goortay noqotaba Dalka gudahiisa ama Dibaddiisaba meelkastoo ay
joogaanba.
Hadaba wuxuu ugu Baaqaya Kuwa ka danbeeyay Fallalkaasi in ay ka waantowaan ku
xadgudubyada ka baxsan Ba'niaadanimadda kana so daayaan Xabsiyada Shirci
darada ah ku haystaan Haweneyda iyo wayeelkuba ..ayagoo dhowraya Ku dhaqanka
diinta Islaamka iyo ku dhaqan iyo dhorista Xuquuqda Aadamiga.
wabilaahi towfiiq
Gud'oomiyaha Somali Banadir Human Rights Organization
Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi (Muriidigolf)
E-mail:muriidigulf@hotmail.com
FAAFIN:
Sept 23, 2002 | SOMALITALK
Canbaareyn
Afduub loo geystay
Dhibanne Cabdixakiin Maxamed Xaaji (SHiikheey) waxaa magaaladda Xamar Xafadda X/Weyne
Lagu Afduubay wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ah Beelaha aan hubeysneyn.
GUJI
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee
Dhulka Banaadiriga Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
Falal
Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho,
caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo
tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI...
Agoosto 6
AFEEF:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
»
DKMG oo
awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
»
Ragga toodii
aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida
Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane [Gutale]
» QAAMUUSKA
MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
»
SOOMAALIYA -
QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD[Canab]
»
Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha
(3) [wq.SaciidCali]
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|