SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
= XARUNTA STOCKHOLM=

 

I  I  D  H  E  H

UHGJH/Q-5/02 Stockholm, 20/09/2002

KU:- DHAMMAAN DADWEYNAHA GOBOLKA JUBBADA HOOSE EE KU KALA NOOL AFRIKA,YURUB,MARAYKANKA,ASIYA, CANADA IYO AUSTARAALIYA =FADHIYADOODA=
OG:- DHAMMAAN AQOONYAHANNADA, WAX GARADKA IYO URURADA SOOMAALIYEED EE KU HAWLAN NABADDA IYO MIDEYNTA UMMADDA SOOMALIYEED =FADHIYADOODA=
OG:- URUR-GOBOLEEDKA IGAD =FADHIGIISA=
OG:- DHAMMAAN HAY'ADAHA SAMAFALKA ADUUNKA=FADH=
OG:- QARAMADA MIDOOBAY QAYBTA U QAABILSAN ARIMAHA SOOMAALIYA =FADHIGOODA=

UJEEDDO:- GUDBIN MAGACYADA XUBNAHA GOLAHA FULINTA URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada xubnaha Golaha Fulinta Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ee (Kismayo) ee lagu soo doortay Shirweynaha 2aad ee Ururka oo lagu qabtay dalka Holland magaalada DAN HAAG taariikhdu markay ahayd 2 - 4 bishii Ogosto 2002 da. Kadib Shirwenaha markii uu dhegaystay warbixinnadii Gudoomiyihii Golihii Fulinta ee hore iyo tii ergooyinkii ka kala socday qaaradaha adduunka iyo talooyinkii ay soo jeediyeen ergooyinkii iyo marti sharaftii shirweynaha lagu casumay iyo weliba waayo aragtinimadii laga helay mudadii uu jiray Ururka Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay:-

Dadka matalaaya Golaha Fulinta Ururka in ay ka mid noqdaan xubnno wada matalaaya dhammaan dadweynaha wada dega deegaanka Gobolka Jubbada Hoose oo ka madax bannaan qabiil keliya iyo koox dan gaar ah leh. Golaha Fulinta in uu noqdo mid u shaqeeya gaar ahaan danaha dadweynaha Gobolka Jubbada ee dhibaataysan, iyo guud ahaanna dadweynaha Soomaaliyeed ee dulman.

MAGACYADA XUBNAHA GOLAHA FULINTA URURKA EE LA DOORTAY WAXAA KA MID AH:-

 

1. Maxamed Muuse Cabdi (jabros). - GUDOOMIYAHA URURKA- ( oo mar labaad loo doortay).
2. Maxamed Macalin Xuseen (Iidle) - Gudoomiye Ku xigeynka Ururka ee Nord Ameerika. 
3. Maxamed Maxamuud Alore - Gudoomiye Ku Xigeynka Ururka ee Yurub. 
4. Maxamed Abshir Cali - Af-hayeenka Ururka. 
5. Cabdirisaaq Khaliif Kaarshe -Xoghayaha Maamulka Dhaqaalaha Ururka ee Yurub. 
6. Col. Axmed Maxamed Dhalacad - Xoghayaha Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Reer-Waamo ee Ururka. 
7. Prof. Maxamed Hareed cali - Xoghayaha xiriirka caalamiga Ururka.
8. Prof. Cabdiqaadir Shiikh Cali - Xoghayaha Xuquuqul insaanka Ururka.
9. Maxamed Xasan Geelle - Xoghayaha Hawlaha Samafalka Ururka.
10. Khadro Bulxan Maxamed - Xoghayaha Xiriirka Siyaasadda Ururka.
11. Axmed Xaaji Cali Jimcaalle - Xoghayaha Xiriirinta dadka Waamo. 
12. Suleebaan Maxamed (Garaar) - Hanti Dhowrka Ururka ee Yurub.
13. Shamso Cabdullahi Maxamed - Xoghayaha Warbaahinta Ururka.
14. Cabdi Maxamuud Alore - Xoghayaha Maamulka Dhaqaalaha Ururka 
ee Nord Ameerika.
15. Dr. Cabdiqaadir Adan Jiraabey - Xoghayaha Arrimaha Shuruucda Ururka.
16. Maxamed Cabdi Baloolay - Xoghayaha Xiriirka dadka Reer-Waamo USA.
17. Khaliif Shire Muuse (Riko) - Xoghayaha Abaabulka Nord Ameerika. 
18. Maxamed Bakaari Maxamed - Xoghayaha Xiriirka Sport-iga Nord Amerika.
19. Dr. Maxamed cabdi Baydhabo - Xoghayaha Arrimaha Caafimaadka ururka.
20. Dr. Cabdullahi Shaacir - Xoghayaha Ilaalinta Deegaanka Waamo. 
21. Xaliimo Maxamuud Maxamed - Xoghayaha Arrimaha Abaabulka ururka U.K
22. Hodan Raage Cumar - Xoghayaha Xiriirinta Dhalinyarada Yurub. 
23. Muxubo Maxamed Cabdalla - Xoghayaha Xirirint Dhalinyarada N/Amerika.
24. Cumar Saalim Dahmis - Hanti Dhowrka Ururka ee Nord Amerika. 
25. Khadija Axmed (dhuubo) - Xoghayaha Abaabulka Haweenka N/Amerika 
26. Mursal Maxamed Saneey - Xoghayaha xiriirka Bulshada Ururka. 
27. Isaaq Ibrahim ( kuunow ) - Xoghayaha Isgaarsiinta ururka Canada.
28. Cabduqaadir Mahadi Dini - Xoghayaha xiriirka dadka waamo Canada.
29. Axmed Qodax - Xoghayaha Abaabulka Dhalinyarada Canada.  
30.
31.
32.

Inta dhiman dib ayaan u soo gudbindoonaa magacyadooda.

Golaha Fulinta ee Ururka wuxuu shaqaynaayaa muddo hal sanno ah. Waa inta u dhaxaysa Shirweynaha 2aad iyo kan 3aad. Shirweynuhu wuxuu ansaxiyay xeerka iyo barnaamijka uu ku dhaqmaayo ururka mudada sannadka ah. Shirweynuhu wuxuu magacaabay ergay matala ururka oo u ambabaxa dalka Kenya si uu wada hadal iyo wada tashi ula soo yeesho dadka Reer-Waamo ee deggan dalka Kenya iyo in uu wada hadalo la soo yeesho ururka IGAD sidii ay uga qayb geli lahaayeen ergada matalaysa dadweynaha dulman ee ku nool Gobolka Jubbada Hoose shirweynaha dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed ee ka dhacaaya dalka Kenya haddii uu Alle idmo.

Shirweynuhu, wuxuu ugu baaqayaa dhammaan aqoonyahannada, wax garadka, dhalinyarada, haweenka iyo odayaasha Gobolka Jubbada Hoose in ay ku soo biiraan Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose. Wixii fikrad ah, talo iyo tusaaleenba ah u soo gudbiyaan Ururka.Ururka Waxaa lagala soo xiriiraayaa E-mailka hoos ku qoran.

UHGJHOOSE@hotmail.com

( MAXAMED MUUSE CABDI)
= GUDOOMIYAHA URURKA =

 

SOMALITALK.COM | Sept 22, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk


WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada

Allah Is Great
I I D H E H 


Wararka Af-Ingiriisiga ee Soomaalida 
ARAGTIDA DADWEYNAHA
» CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND
» God walaal ha qodin haddaad qodidna.....[M.Koronto]
» “Kulli Fitnah Cinda Kursi”  [cabdulwaaxid Khaliif]
» kaligiis muslim waa jaajuus laga yaqaano Nairobi [Jaamac]
» SHIRKA SOOMAALIDA KENYA MA DHABAA MISE.. [pilot]
» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane [Gutale]
» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
» QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD [Canab]
» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali] 
» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah
[Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane [Gutale]

» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]


» SOOMAALIYA - QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD[Canab]

» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali]
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD