BAYAAN DHAN KA AH SHIRKII HOTEL TOWFIIQ 12st EASTLEIGH NAIROBI
Baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa badan , aanan dooneyn inaad heshaaye daain abidkaaye
Xuseen Cilmi xuscalcilmi@yahoo.com
WAAMO PEOPLE'S PARTY
11/9/2002
Taageerayaasha Xisbiga Shacabka Waamo (Wamo people’s party) ayaa bayaan ka soo
saaray shirkii ay hotel Tawfiiq 12street Easleigh, Nairobi ay ku yeesheen 7/9/02
koox aqoonyahanno isku magacowday oo u shaqeysa hoggamiye kooxeedka beeleed
C/Qaasim Salaad Booy .
Taageerayaasha hogaamiye kooxeedka beesha C/qaasim salaad Booy ayaa labo
shir ku kala qabtay( Hotel 680) toddobaadkii tagay iyo Hotel Tawfiiq 12street
Eastleigh, Nairobi 7/9/02, ujeeddada shirkooda waxaa ugu muhiimsan waxay ahayd
qodobadatan:-
b) In loo ogolaado iney noqdaan la taliyayaal la shaqeeya guddiga farsamada
IGAD ee loo xilsaaray qabanqaabada shirka (dib u heshiisiinta Soomaalida) ee
Eldoret lagu qabanayo dhamaadka bisha 15 Oktoobar 2002.
t)dhulka la kala heysto inaan shirka dib u heshiisiinta looga hadlin ee loo
aqoonsado qolada haysata.
j) wixii Carta lagu soo dhisay inaan la baabi'in oo an hoos wax laga soo
billaabin.
codsiga qodobadan iyo wixii weheliyaba waxay u gudbiyeen wasiirrada arimaha
dibadda IGAD iyo guddiga qabanqaabadda shirka.
Annagoo ah taageerayaasha (Wamo People’s party) deegaankannaga Waamo cadow ayaa
haysta waxaynu ka jawaabaynaa shirka taageerayaasha cadowgayaga yeesheen iyo
codsigii ay u qorteen IGAD sidatan:
Dadka sheegta inay aqoonyahan yihiin waa saddex qaybood oo kala ah:-
1)koox ku taageerta beesha ay ku abtirsadaan dhulboobka , dhaca , iyo kufsiga
I.W.M
2) koox ku taageerta beesha ay ku abtirsadaan difaaca deegaannadooda iyo
dadkooda dulmi diidka ah.
3) Koox calooshood u shaqeystayaal ah oo aan kala jeclayn dal iyo dad wixii
dhib ah ee soo gaara, oo aqoontooda siista caloosha muggeeda & gelin ku noolow
, si ay uga caawiyaan daalimiinta dhul dad kale leeyihiin xoog ku haysta inaan
dhulkaasi laga qaadin.
Ma jiro aqoonyahan madax bannaan oo aan dhinac u janjeerin.
Kooxda shirarkaan abaabushay ee ku doodaya qodobada aynu kasoo sheekeynay wakiil
kama aha dadka leh deegaannada Cadowgu heysto : Shabeellada hoose, iyo Jubba
land, waxaana madax u ah:
Profeysarkii allifay halkudhigii lagu aasaasay Shirkii Carta (xal xaq ah
doonimeyno, ee waxaan dooneynaa xal baadil ah).
Sida ka muuqata hal kudhiggan iyo qodobbada ay hadda ku doodayaan waxaa ka
muuqata iney yihiin dad ka soo horjeeda in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya ,
ee waxey doonayaan iney Argagixisada & burcada C/qaasim madaxda u yahay ay
markasta gacanta sare yeeshaan, waayo habeenkii waxay xubin firfircoon ka yihiin
jabhadda hoggaamiye kooxeedka beesha (C/qaasim) dharaartiina waxay
sheegtaan iney yihiin aqoonyahanno madax bannaan.
Lacagaha dalalka Carabta C/qaasim lagu naasnuujiyo, qeyb ka mid ah lacagtaasi
ayaa waxaa habeenkii u qeybiya kooxdan aqoonyahannada sheeganeysa , Cali Salaad
Booy iyo Xuseen Dhimbil oo C/Qaasim wakiillo uh .
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ( Baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa badan ,
aanan dooneyn inaad heshaaye daa’in abidkaaye) .
1) Dhulka la kala heysto oo laga wada hadlo saldhigna looga dhigo dib u
heshiisiinta Soomaalida waxay aasaas u tahay xal u ehelidda mushkiladda
Soomaaliya , waayo sababta xal ay u keeni waayeen 12kii shir ee horey loo qabtay
waxay la fashilmeen dhulal la kala heysta oo aan laga wada hadlin aawadeed.
2) Carta wixii lagu soo dhisay ee shaqeyn waayey Ummadda Soomaaliyeed oo aan
raali ka ahayn aawadeed, haddii la yiraahdo yaan la baabi’in sida kooxdan ay
qabto maxaa shirka Eldoret loo qabanayaa?"
˜Waxaan talo ku soo jeedinaynaa :
1) inay IGAD aqbalin talada xun oo ay kooxda Barfasoor Gaandi iyo Max’ed
Abshir Walde ay wataan, si shirka fashil looga ilaaliyo.
2) Inaan Urururka Peace Line ee uu Barfasoor Gaandi madaxda ka yahay laga
mamnuuco deegaannada Somaliland, Puntland, SRRC & maamulka koonfur Galbeed ay ka
taliyaan.
3) Inaan Gaandi loo ogolaan inuu booqosho ku tago deegaannadaasi.
4) In lagu wacyi geliyo shacabka deegaannadaasi sidii ay isaga ilaalin
lahaayeen suntan uu la wareegayo Gaandi ee wanaag diidka ah .
5 ) Iney Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xalaasha ah meelkasta ay joogaanba ay ka
qeyb qaataan dagaalka loogu tartamayo sidii talo wax ku ool ah loo siin lahaa
guddiga Qabanqaabada Shirka Kenya si ay arintan idin ku sahlanaato waxey
Waamo Infor matio Center halkan idin soo gudbineysaa Emailada IGAD aad
talooyinkiina ugu soo gudbin kartaan oo kala ah: Webka IGAD oo aad kala socon kartaan sida Igad wax ku
waddo: http://WWW.igadregion.org
Laxiriir: Xuseen Cilmi xuscalcilmi@yahoo.com
AFEEF: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
September 12, 2002
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|