SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK   - UK
 Kulankii Raabidada oo ka dhacay London (Separate waa furriin!)

Waxaa maalintii shalay ahayd ka dhacay magaalada London Shirweyne islaami ah oo ay soo qaban qaabisay Raabidada Soomaaliyeed UK. Shirka oo ay ka soo qayb galeen Rag iyo dumar ka kala yimid daafaha UK sida Birmigham, manchester, Bristol, Leeds, ..iwm, ayaa wuxuu ku billowday aayadaha quraanka ah oo uu ku furay M. Maxamud Qanyare ka dib waxaa la billaabay kalimaddii 1aad oo uu jeediyey Sh Maxamed Cismaan taas oo ku saabsanayd Iimaanka iyo raadkiisa nolosha oo uu sheekhu ku nuuxnuuxsaday qiimaha iimaanka iyo kaalinta uu ku leeyahay nolosha gaar ahaan rumaynta qadarta oo ruuxa muuminka ah ka dhigaysa mid qaanic ah.

Waxaa intaa ka dib xigsatay muxaadaro ku saabsanayd waajibaadka muslimka ku nool Galbeedka taas oo uu jeediyey sh. Cisman X. Yusuf isaga oo tilmaamay waajibka ka saaran ruuxa muslimka ah inuu ku toosnaado diintiisa kana fogaado wax walba oo ka fogaynaya ku toosnaantaas taaso ay ugu horraysa beenta la caadaystay ee Yurub lagu joogo Waxaa qasab noqonaysa inuu ruuxu isaga tago dhulkan hadduu arko in nusqaani ku socoto ku dhaqankiisa diinta ayna jirto meel u dhaanta halkaan. inagoo halkaan aan ku soo koobi karin ayaa waxay ahayd muxaadarada sheekha mid ay aad ula dheceen dadkii halkaa isugu yimid.

waxaa taa xigtay muxaadaro uu soo jeediyey sh. Bashir amaan oo uu ku faaqiday riyada iyo rabitaanka in dalkii lagu laabto iyo joogitaanka muuqda inaan inta badan dadku socon wuuna bixiyey tusaalooyin laga xanuunsado oo ay ka mid ahayd noqosho aan qorshe saxan ku dhisnayn taasoo ku dhamaatay ilmihii oo gacanta ka baxday waxbarashadoodii taasoo dhashay inay gacanta ka baxaan halkanna reera badan ku soo laabteen. waxaa kaloo si kulul u tilmaamay inay xaaraan tahay waxa loo yaqaano separatea iyo isa sheega la'aanta reerka taasoo uu sheegay inay ka dhigayso reerkii kuwa aan xalaal kuwada joogin sida ay qabto shareecadu culimo badanna fatwoodeen.

waxaa gabagabadii timid aqoon isweydaarsi ay ka qayb galeen Sh. Xuseen Jaamac, Sh. Rashiid Maxamed iyo Sh.C/qadir C/shakuur Taasoo looga hadlay Qoyska Soomaaliyeed iyo Barbaarinta carruurta. Wuxuu Sh rashiid si diirran oo dadweynihii soo jiidatay uga hadlay barbaarinta caruurta, fahamka gurracan ee diinta iyo sida ay khalad u tahay cunidda hilbaha culimada. waxuu tilmaamay sh. Rashiid inay khalad tahay in marka adduunyo joogtana aan qaddar la sheegin oo lacagta xusulduub lagu raadiyo laakiin markii aakhiro iyo diinta timaado lagu gabbado waa qoran tahay waxaan ku danbayn lahaa iyadoo riziqa qofkuba qoran yahay!!.

Waxay ugu danbayn u muuqatay mawduucyada shirka looga hadlay kuwa markii ugu horraysay si geesinnimo leh loo tilmaamay isdaba marinta faraha badan ee bulshada Somaaliyeed ee galbeedka ku baahday inay tahay wax khaldan, xaaraan ah, ay tahayna in bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah isaga fogaato waxyaalaha ay ka midka yihiin separate-ka iyo been ku risqi raadsiga ka fogaysay dadka waddadii qumanayd, dishana sumcadda islaamka oo ay ahayd in akhlaaqdooda qumani u horseeda dadyawga kale inay jeclaadaan islaamka amaba galaan.

WD Cabdulqadir Warsame

bayle19@hotmail.com 

Sept 8, 2002 | Faafin sept 9, 2002

 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

 


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
GARGAAR DEG-DEG AH

AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02  
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD