1- Axaadiista Aaxaadka
2- Maan aragno Jasiirada uu ku xiranyahay
3- Oraah uu kasoo guuriyey Sheekhu Azhar, Maxamed Cabdow
oo qoraalka dib uga jirtay.
Waa maxay Xadiiska Aaxaadka ah ?
Qofkii akhriya musdhalax Al-Xadiith wuxuu ogaanayaa qaybaha
Axaadiista. Bal hada aan ukala qaybino Mutuwaatir iyo kuwo aan mutawaatir
ahayn. Xadiiska sanadkiisa ayaa la rabaa inuu ka koobnaado dhabaqaad. Hadii uu
mid yahay magac baa loo yaqaan haduu labo yahay magac iyo sidaa iyo si lamid
ah.
Sheekhu wuxuu xadiiska ku cileeyey Aaxaad ah.
Imaam Al-Bukhaari Kitaabkiisa Saxiixa ah wuxuu ku bilaabay
Xadiiskii mash-huurka ahaa ee “Inamal Acmaalu biniyaat”. Xadiiskan waxaa
soo saaray oo weriyey dadka axaadiista weriya oo caanka dhamaantood marka laga
reebo Imaam Al-Maalik.
Waxaa isku waafaqay Xadiiskan C/Raxmaan Binu Mahdi, Imaam
Ash-Shaafici sida uu Buwaydhii soo wariyey, Imaam Axmed Binu Xambal, Cali Binu
Madiinii, Abuu Daa’uud, Tirmiidi, Daaraa-Qudhni iyo rag kale inuu Xadiiskani
yahay Islaamka sedex meeloodoo meel (1/3). Culimo badan waxay qabtaa inuu
yahay Rubuc (1/4).
Laakiin Xadiiska Aaxaadnimadiisu Aaxaadnimo way dhaaftay
maxaa yelay saxaabiga Xadiiskan wariyey Waa Khaliifkii Raashidka ahaa ee Cumar
Binu Khidhaab (RC) waxaa ka weriyey Calqamah oo kaliya. Calqamah waxaa ka
wariyey Maxamed Binu Ibraahim oo kaliya. Maxamed Binu Ibraahim waxaa ka
weriyey oo kaliya Yaxyaa Binu Saciid.
Shiikh Maxamed iyo raga ku fikrad ah xadiiskan micno uma
sameeyo. Oo waa been abuur. Kawarn qofkii yiraahda Xadiiska Cumar kaliyaa
Nabiga ka wariyey oo ma qaadanayo?
Qodobka labaad oo uu yiri aduunka meel walba waa la tagey
ee maan aragno jaziirada uu ku xiranyahay? Waa hadal yaab badan. Hadii aynaan
wax arag ma beeninaynaa. Hadii ayna dayax gacmeedyada gaaladu wax sheegin ma
inkiraynaa. Waxaan Shiikha waydiinaynaa qisadii “Juuj Wa ma Juuj” Ma
khiyaali baa? Quraankaa qisada sheegay, Axadiisna waa sheegtee xagee joogaan?
Ilaa xadiiska hore waxaa ka mid ahaa waxaad ku diiday in aduunka meel kasta la
maray. Adiguse ma aragtay meeshii uu Dul-Qarnayn ku xiray?
Tan sedexaad Maxamed Cabdow hadalkiisii baad noo soo
qabatay bal fiiri anigu Imaamada aan kuu soo qabtay haday noqoto in hadal cid
la qabsado kee mudan in la qabsado.
Fikrada caynkaas ah uma haboona inuu ku doodo qof caqli leh.
Gaalada ayaa Nabiga diiday iyagoo ku cileeyey kaligaaa baad noo timid ee muu
Ilaahay Malak kula soo diro.
160
Macalimiin Soomaaliyeed ah oo
loo cusboonaysiiyay Heshiiskii Shaqada Dawladda Yemen iyo
kuraastii wax Barasho eey dowlada Yemen ugu deeqi jirtay arday
soomaaliyeed ee kasoo Baxa iskuuladeeda oo la kordhiyey: halkii ey ka
ahaayeen 10 kursi hada laga dhigay 20 kursi....
GUJI. 24/9 |
Nabi Muxamed (SCW) markuu Khadiija iyo Waraqa Binu Noofal
uu u yimid hadalkiisii waa rumaysteen iyagoon oran noo keen Malakul Jibriil
markhaati ha kuu furee maxaa yeelay waxay yaqaaneen inuusan been Sheegin
suurtagalna ma aha qof aan dadka been ka sheegin inuu Ilaahay been ka sheegayo.
Abuu Bakar (RC), Cusmaan Binu Cafaan, Cali Binu Abii Dhaalib, Sacad Binu
Waqaas (RC) iyo saxaabadii kaloo dhan ma waydiin cadayn kale oo dheeraada.
Hada waxaa muhiim ah in culumadu ay baaraan ruwaata
shuruudaha laga rabo. Mar haduu Noqdo Saxaabi ama Taabiciyiintii caanka ahaa
sida Siciid Binu Musayab, Saciid Binu Jubayr, Calqamah, Shacbi, Saalim Binu
Cumar oo ayna jirin cid kaloo la siman oo mucaarada waa in la qaato.
Wabilaahi Towfiiq
cabdulwaaxid Khaliif
| cabdulwaxid@hotmail.com
SOMALITALK.COM
| sept 24, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan