FADLIGA XUSIDDA ALLE SW
Osman
bilad
Columbus, OH, USA
Xusidda Alle iyo baryaddiisa
waxay ka mid tahay cibaadooyinka kuwa ugu fadli badan, balse waa camallada tan
ugu wanaagsan guud ahaan.
Allaah SW wuxuu na amray inaan
xusno, kuwa Isaga xusana wuu ammaanay, wuxuuna u yaboohay kheyr tiro badan iyo
ajar weyn.
Nebiguna SCW wuxuu ku muujiyey
ahmiyadda xusidda Alle qowl iyo ficilba, wuxuuna xusi jirey Rabbigi xusid badan
habeen iyo maalinba, safar iyo negiba, joog, fadhi, iyo jiifba. Wuxuuna xadiis
sugan ku yiri: "Baryadu waa dhuuxii cibaadada."
Wuxuuna ugu boorriyey ummadiisa
arrintaa meelo badan. Culimaduna Ilaahay ha ka ajar siiyo, waxay ku soo
ururiyeen kutub gaar ah wardiyadii iyo ducooyinkii ka sugnaaday Nebiga SCW,
waxaana ka mid ah culimada sida gaarka ah mowduucaas isaga xil saaray Al-Imaam
Ibn Taymiyyah isagoo isku dubbariday kitaab ka kooban wardiyadii iyo ducooyinkii
Nebiga SCW oo la yiraahdo Al-Kalimud Dayyib.
Nebiga SCW wuxuu sheegay in
Allaah uu amray Yaxya bin Zakariyyah Allaha ka nabad yeelee xumaan oo idil shan
arrimood inuu ku camal falo oo uu gaarsiiyo Ilmahii Israa'iil...(arrinka
shanaad wuxuu ahaa): "inaad xusto Allaah wax badan, waayo waxay taasi la
mid tahay ruux cadow eryoonayo oo helay kayntii uu uga gabban lahaa, sidaas oo
kale waxaa ah addoonka Alle oo dhibaatooyinka Sheydaanka iyo waswaas gelintiisa
kaga gabban karaa xusidda Alle Weyne, Kor ahaaye.
Rasuulkii Alle SCW wuxuu yiri:
"Ma waysan aheyn inaan idiin sheego camal aad fashaan kan Alle agti ugu
khayr badan oo ugu hufan oo derejooyinka u sarreeya aad ku gaari kartaan, oo
idiinka khayr badan dahab iyo lacag aad bixisaan iyo cadowgiinna oo aad la
jihaaddaan oo aad weecda iska dhigtaan? Asxaabtii waxay yiraahdeen: "Rasuul
Allow! Fadlan, noo sheeg!" Wuxuu SCW yiri: "Waa xusida Alle."
Rasuulkii Alle SCW wuxuu yiri:
"Mufaridiintii baa dadkii kale ka hor maray" Waxay asxaabtii Nebigu
SCW yiraahdeen: Waa kuwee mufaridiintu Nebi Allow? Wuxuu Rasuulka SCW yiri: Waa
kuwa in badan xusa Alle oo rag iyo haweenba leh."
Wararka
Af-Ingiriisiga ee Soomaalida
|
|
Cabdullaahi bin Busur A.K.R.
wuxuu yiri: Nin baa mar ku yiri Rasuulkii Alle SCW: Nebi Allow! Waxaa igu
adkaatay qaybidda waajibaadka diiniga ah ee dusheyda ah. Fadlan, igu hanuuni wax
aan qabsado. Wuxuu Rasuulka SCW yiri: "Mar waliba wardiga Alle afka ku
hay."
Waxaa la soo weriyey in
Rasuulkii Alle SCW yiri: "Qofka wardiya iyo qofka aan wardiyin waxay la
kala mid yihiin qof nool iyo qof dhintay." Bukhaari.
Waxaa la soo weriyey in
Rasuulkii Alle SCW yiri: Qofkii meel uu joogoba aan ku xusin Alle isaga ka
mas'uul ah gabood falkiisa. Qofkii meel jiifsadana oo aan ku xusin Alle, kor
ahaaye, isaguna wuxuu ka ahaan doonaa mas'uul oo waa loo qabsan doonaa Alle
horti gabood falkaa." Aakhirka, qofkaa oo kale waa ka shallaayi doonaa
gabood falkiisa.
Osmanbilad
| osmanbilad@hotmail.com
Columbus, OH, USA
Waxaan
Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo
Aakhiro
Sept
22, 2002 | SOMALITALK
WARARKII
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|