Waa bilow guul xambaarsan waa bilow u baahan dhamaystir wacan oo ay ku
dheehantahay siyaasad ku salaysan ixtiraamka ra'yiga kale iyo degdeg oo laga
fogaado ,waa arrin u baahan la tashiyo dhinac walbo leh si loo helo dad kala
ra'yi duwan oo haddana ka mideysan gaarida hadafka guud ee gobalkan,
hadafkooduna ku salaysan yahay ka mira dhalinta maamul mideeyo dadwenaha
Banaadiriga,Mudulood iyo dadyowga kale saamigooda inta uu la ekaadaba ee ku
nool gobalka bariga iyo bartamaha Soomaliya waa sida ay ugu magac daraan
odayaasha isu xilqaamay sameynta maamul mideeyo ummad ballaran ee mudda dheer
lagu bah dilay Soomali doon baan nahay.
Gujinta naaska neef caana diid ah waxaa ku wiil iyo walaal waayay,
dhulkoodina ku dayacay niman aan bah wadaag nahay , Akhyaareey arrintan aad ka
dhawaajiseen waxaan idinka ka codsanaynaa (annaga oo ah taageerayaasha
siyaasada ah gobal walbo oo Soomaaliyeed ha u dhaqaaqo sameynta maamul u gaar
ah iyada oo midnimada Soomaaliyeed tahay mid ka sareyso maamul walbo oo laga
dhawaajiyo) in aad si qun yar socoda ugu howl gashaan lana tashataan dhamaan
siyaasiyiinta dadyowga gobalkan horboodo ,culamaa'udiinka,oday dhaqmeedka,
indheergaratda, ganaacsatada iyo bushada qeybaheeda kala duwan mid idin
taageersan iyo mid idin diidanba .
Arrintan waxaay ummada gobalkan ku nool iyo dadweynaha Soomaaliyeed guud
ahaan u horseedaysaa in lasoo gabagabeeyo dayacnaanti iyo kala daadsanaanti
salka u ahayd deganaansha la'aanta wadaankeena ka jirto guud ahaan iyo Gobalka
Banaadir iyo deeganada ku xeeran gaar ahaan. Waxaa kale oo ay geed ku soo
xireyso in yar oo ummadda Soomaaliyeed ku marin habaabisay waxaay nahay
Soomaali doon haddana qorshahooda uunan dhaafsiisneyn hunguri gaaban oo ka
galay meel ciriiri ah imaan la'aan awgeed.
akhyareey, waa ragga ku dhawaaqay in ay ku guda jiraan howshan waxaan
idinku war gelineynaa in aynan howshan ahayn mid sahlan oo isku soo bood ah
waayo waxaay taabanaeysaa dhinacya badan oo diidan horumarkiina, in mudda ahna
ummada soomaliyeed ka hortaagnaa in ay gaaraan Dowlad loo dhan yahay
umamaddana ka soo saarto mugdigi ay ku jirtay 13sano dana gaar ah oo daahsan
awgood, sidaa darteed waxaan mar kale idinka codsnaynaa tilaabo walbo oo aad
qaadaan in ay ku tiirsanaato xisaab laga baaran degay xalkeeda halka uu ku
jiro iyo dheefteeda iyo dhibkeeda inta uu la eg yahay .
Waxaa jirto in maalin dhoweyd uu taabtay abwaan soomaaliyeed dhibatada
magaalada Muqdisho ka jirto in ay salka ku heyso xisaab la'aanta dadka
deegaanka degan sidaa darteed waa in aad ogaataan in ay idinka hor imaaneysa
horistaagya badan iyo debandaabyo la idiin dhigo,si looga badbaado
turunturooyinka la idiin maleegi doono waa in aad howshiina saldhig uga
dhigtaan dulqaad iyo la tashiyo badan .
Ugu danbeyn waxaan idiin rajeynanaa, ilaaheey idinkiis guul iyo maamulkan
aad ka dhawaajiseen oo dadweynaha gobalkan iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed u
horseedo helitaanka dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay saami wadaageeda.
Abdallah Moallim Mahamud
(Siyaasi)