SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
GARABKA BIDIX OO KU GUULEYSTEY DOORASHADII WADANKA SWEDEN.

WQ. Guled, Abdulhakim Ahmed
Borlänge, Sweden 

Dhamaan saxaafada wadankaan ayaa waxay si toos ah u tabinaysay hadba halka ay mareyso tirinta codadkii maanta oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee la codeynayey. Waxaana dhamaan goobihii laga codbixinayey albaabada loo laabey 8:00-dii fiidnimo ee caawa.

I  I  D  H  E  H

Xisbiyada wadankaan ayaa mid walba sameystay good ay taageerayaashiisu isugu yimaadaan si ay ugala socdaan hadba halka ay mareyso tirinta codadka.

Haddaba anigu waxaan ka qeybgalay goob ay isugu yimaadeen taageerayaasha xisbiga talada wadankan hayey 4-tii sanno ee la soo dhaafey waa Xisbiga Shaqaalaha (Socialdemokrater) qeybtiisa Borlänge, waxaana halkaas si aad ah loogu qurxiyey calaamada xisbigaan iyo calamo cascas oo inta badan astaan u ah xisbiyada siyaasadoodu u janjeerto dhanka bidix.

Soomaalida Sweden iyo dhamaan ajaanibta ayaa waxay u codbixinyeen si aad uga duwan doorashooyinkii hore, mar aan wax ka weydiiyey Xaaji Axmed Maxamed Cabdi oo ka mid ah odayaasha magaalada Borlänge oo aan kula kulmey goobtii natiijada doorashada ay ku sugayeen isagoo sita koofiyad cas oo calaamada xisbiga shaqaalahana ay ku daabacantahay ayaan waxaa weydiiyey inuu cod bixiyey iyo in kale waxuuna iigu jawaabey haa waan codbixiyey waxaana ugu ridey xisbiga shaqaalaha, waa maxay sababta aad codkaaga u siisey xisbigaan ayaan weydiiyey, waxuuna iigu jawaabey xisbiga shaqaalahu ummadda ayuu u roon yahay gaar ahaana waxuu aad u illaaliyaa sinaanta dadka iyo isku-dhafnaanta qowmiyadaha kala duwan. Waxaan sidoo kale halkaa kula kulmey C/naasir Ismaaciil Kabare waxaana weydiiyey inuu codbixiyey iyo cida uu siiyey codka, waxuuna iigu jawaabey codkeygii waxaan siiyey xisbiga shaqaalaha maxaa yeelay waxay u roon yihiin ajaanibta, marka loo eego xisbiyada kale ee ay siyaasadoodu u janjeerto dhanka midig. Ma markii kuugu horeysay oo aad codkaaga dhiibataa hadeysa tahay maxaa kugu kalifey ayaan weydiiyey C/naasir, waxuuna yiri haa waa markii iigu horeysay waxaana igu kalifay waad aragtaa oo dhamaan Yurub waxaa ku soo xoogeystay xisbiyada neceb ajaanidta oo ay siyaasadoodu xag jirto waxaana tusaale fiican noqon kara wadankan aan deriska nahay ee Denmark marka waxay iigu muuqatey in codkeygu wax weyn tari karo, sabataas ayaana igu kaliftey iyo waliba hadaladii ay ku hadleen qeybo ka mid ah hogaanka xisbiga Moderat-ka oo muujinaayey muslim naceyb.

Dadweynaha wadankan ayaa filayey inay saxaafadu mudnaanta koowaad siiyaan su’aalaha la xiriira dembiyada, dugsiyada, daryeelka waayeelka IWM, halka ay saxaafadu xooga saartey arimaha ajaanibta iyo faquuqa, dhaqaalaha, caafimaadka.

Xisbiga shaqaalaha ayaa waxaa uu soo hoyiyey guul lama filaan ah ka dib makuu helay 40.1% halka uu xisbiga Moderat-ka oo ugu weyn mucaaradka ay soo gaartey guuldaradii ugu weynayd tan iyo 1973-dii oo ay heleen 14.3% waxii intaa ka dambeeyey waxay mar walba ka sareeyeen 20%. Hogaamiyaha xisbigan Bo Lundgren ayaa cadeeyey inuusan is casileen halka ay dalbanayaan hogaanka ururka dhalinyarada ee Moderat-ku in isbedel lagu sameeyo hogaanka sare ee xisbigaan.

79% ayaa codkooda dhiibtey doorashadaan waana tiradii ugu yareyd marka laga reebo sanadii 1958 oo ay codbixiyeen 77.6%. 1976 ayay codbixiyaashu ugu badnaayeen waxaana codbixiyey 91.8%, intii intaa ka dambeysayna waxay tiradu ku wareegaysay 90% sida aan ka soo xiganay Taleefishinka Sweden.

Kuraasta golaha shacabka ee wadankan ayaa waxaa loo kala helay sidan:

  • Xisbiga Shaqaalaha(S): 144 kursi
  • Xisbiga Bidixda(V): 30 kursi
  • Xisbiga Deegaanka(Mp): 17 kursi
  • Xisbiga Dhexe©: 23 kursi
  • Moderat (M) 54 kursi
  • Xisbiga Shacabka(Fp) 47 kursi
  • Xisbiga Kirishtaanka(Kd) 33 kursi

Tirinka codadka oo aan wali dhamaan aawadeed ayaan waxaan wali la sheegi karin tirada kama dambeysta ah ee uu xisbi walba helay gobal kasta iyo demo kasta.

Görran Person oo ahaa wasiirkii koowaad ee hore ahna hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ayaa mar uu la hadlaayey taleefishinka Sweden u sheegay isagoo aad u faraxsan inay sugeyso 4 sano oo aad u adag, dhanka kale xisbiga Deegaanka (Mp) ayaan ilaa iyo hadda cadeyn inuu ku soo biiro doona labada xisbi ee shaqaalaha(S) iyo bidixda(V), ka dib markii ay dalbadeen in golaha wasiirada ee la dhisi doono wax laga siiyo, taasoo xisbiga shaqaalahuna u ka dhaga adeygay inuu xisbina la wadaago.

Soomaalidii u sharaxnayd golaha baarlamaanka iyo golayaasha gobolada iyo degmooyinka ayaan ilaa iyo hadda cadeyn inay ku guuleysteen iyo in kale.

Soomaalida Sweden ayaa badankoodu xubna ka ah xisbiga shaqaalaha si weyna ugu codeeyey sanadkaan, balse la arki doonee sida ay u fuliyaan balamahoodii doorashooyinka ka hor ay balanqaadeen.

Guled, Abdulhakim Ahmed
Borlänge, Sweden  
guledhakim@yahoo.com
 

Isha: SVT-text.

 

Sept 16, 2002 | SOMALITALK

 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD