QAAMUUSKA
MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL
Iskudubaridaha: Ibraahim
Maxamedeeq
Imdeeq@hotmail.com
Nairbi, Kenya
Sept 12, 2002
Af kasta oo
dunida lagaga hadlaa wuxuu leeyahay murti iyo maahmaah miisaan xigmadeed oo lagu
jeclaysto tiraabta huwisa, afafkuna dhinaca maansada iyo xagga murtida iskaga
mid ma aha ee waxaa jira luuqado maansada iyo maahmaahdaba loo og yahay. Afka
soomaaliga ayaana ka mid ah luuqadaha murtida qiima galka ah loo aqoonsan yahay
laakiin in kastoo ay soomaalidu dhaqan wanaagsan iyo af murti hodan ku ah Eebbe
weyne hibo u siiyey haddana waxaa arimahaas hiddaha ah saameeyey dayac balaadhan
oo murti badan galaaftay waayo soomaalidu tixgelin sidaa u qoto dheer ma siiyaan
waxyaabaha hiddahooda ka turjumaya ee ay gaarka u leeyihiin, mararka qaarkoodna
waxaabad arkaysaa soomaalida oo waxa ay leeyihiin uga dadaal badan waxyaabo ay
dad kale hidde iyo dhaqan u leeyihiin, murtida iyo maahmaahyada soomaaliyeedna
waa kuwo si weyn u cajab geliyey qaar ka mid ah aqoonyahanada caalamka ee
cilmiga baadha ee sida hubsiinada leh murtida soomaalida u dhex galay.
Aqoonyahanada
sida geesinimadu ku dheehan tahay murtideena ugu dhabba galay, una baylah tiray
waxaa calanka u sida caalimka taariikhda soomaalida baalka dahabiga ah ka galay
Dr.Georgi Kapchats, badibana ay soomaalidu ku xasuusato barnaamijkii uu Raadiyo
Moosko ka soo jeedin jirey ee ahaa: “waxaan idinka sugayaa waraaqo”
Buuggiisa aan
maanta wax ka odhanayaana waa kan la magac baxay Qaamuuska maahmaahyada
soomaaliyeed oo uu ku ururuuriyey in ku dhow 6000 oo maahmaahood, Maahmaahdana
waxaa loo cuskadaa doodaha, khudbadaha iyo qoraalada, waxaa kaloo loo adeegsadaa
wada hadalka, waanada, wacdiyada diiniga ah, habaynta iyo hodanaynta guud ee
hadalka, waana tii ay soomaalidu ku maahmaahday: “hadal aan maahmaah lahayni
waa hilib aan mindi lahayn”, waxaa kaloo murtideena ku jirta maahmaah
odhanaysa; “war aan murti lahayn waa laga aamusaa”; inta badan maah-maahyadu
waxay ka baxaan gole ay guurti gayr-gayr ahi gorodda isku dareen oo ay xaal
adduun iyo xaajo taagan wax ka qabashadeeda ku falanqeeyeen.
Hadaba, iyadoo
ay maahmaahyada soomaaliyeed qiimahaas aan la soo koobi Karin ku fadhiyaan
haddana tiro aad u yar ayaa ka diiwaan gashanayd oo marka baaxadda
maahmaahyadeena la jeedaaliyo waxaa la odhan karaa waxba lagama qaban ka hor
Qaamuuska maahmaahyada soomaaliyeed ee uu 1998kii Dr. Kapcats oo ah aqoonyahan
soomaalida iyo suugaanteedaba jeceli ku faro yaraystay.
Qoraha buuggu
wuxuu ku takhasusay afka soomaaliga, in baddana wuxuu ku shaqaynayey Afka
soomaaliga , buuggan miidda iyo malabka aan la heli Karin inoo xambaarsanina ma
aha wax qabadkii ugu horeeyey ee saaxiibkeen Kapchats uu inoo meeleeyey ee wuxuu
horay suugaanta soomaalida uga qoray kutub ay ka mid yihiin: “Mahmaahyo
soomaaliyeed 1983, Waxaa la yidhi iyo sheekooyin hidde ah 1996, Sheekooyin
soomaaliyeed191997, kuligoodna waa madhax uu Kapchats ummadda soomaaliyeed u
kaydiyey.
Qaamuuska
maahmaahyada soomaaliyeed wuxuu noqday agabka ugu balaadhan ee maahmaahyo
soomaaliyeed si cilmi ku dhisan oo si weyn looga baaraan degey meel loogu
ururiyey…buuggu wuxuu u qaybsan yahay saddex qaybood oo kala ah:
1-
Maahmaahyo hal tix ah: “Aan wada hadalo waa aan heshiino”
2-
Maahmaahyo tix ka badan: “Xooroow qadhmuunidaa,sidaasaanba ku weeyso qabaa”.
3- Tirooley:
“Saddex baa rag u liita: ma tashade, ma tashiishe iyo ma toshe”.
Saddexda
qaybood waxaa ugu tiro badan tan ugu horaysa, waxaana xusid muddan qoraha oo
sidii maahmaahda loo soo gaadhsiiyey u diiwaan geliyey masalan hal maahmaah oo
ay shan qof soo kala weriyeen oo odhaah ahaan wax yar ku kala duwan laakiin isku
macno ah ayuu mid waliba siduu u yidhi u daabacay…taas oo u dhow inay ku
qotonto sida maahmaahda looga yaqaan qof waliba gobolkii uu ka soo jeedey,
taasina ay keenayso inuu qof waliba siduu maahmaahda u yiqiinay Qaamuuska uga
dhex arko, weliba arintani waxay qaamuuska u yeeshay qiimo wanaagsan oo aan
horay loo arag, wuxuu kaloo qoruhu ammaan ilaa iyo xad durugsan ku mudan yahay
miisaanka uu u isticmaalay markuu doonayey inuu ogaado maahmaahda asalka ah ee
ay maahmaahyadaas shanta siyood loo weriyey ka soo farcameen oo uu u maray inuu
aasaas ka dhigo sida ay dadka u soo weriyey u bateen.
Waxyaabaha
tirada badan ee qalbigayga soo jiitey isla markaana uu maankaygu u qushuucay
waxaa ka mid ah buugga oo u daabacan si tayo sare leh oo aad mooddo in loogu
talo galay inuu muddo dheer sidaas ku waaro, buugga waxaa ku urursan maahmaahyo
aan marnaba looga maarmi Karin nolosha caadiga ah ee bani’aadamka…Qaamuusku
wuxuu qof kasta oo wax qora ama jeclaysta inuu arin ka hadlo ka kaalmayn karraa
inuu si hawl yar u helo murti uu qormadiisa ama tiraabtiisa ku xoojiyo, maah
maahda oo had iyo goor hadalka lagu ladhaana waxaa lagu gaadhaa ujeedada la
doonayo in la meel mariyo, waayo waxay dhumuc iyo dhadhan sare u yeelaysaa
aftahamada qofka wax jeedinaya.
Marka aad
buuggan daalacato waxaad ku farxaysaa sida uu Kapchats isagoon soomaali u dhalan
fahanka maahmaahyada soomaaliyeed ugu fogaadey sida kuwa uu maahmaahyadeena ugu
jecel yahay oo ah qaybta maahmaahyadeena ugu qiimaha badan oo ah kuwa leh macno
ku dhex qarsoon sida: “Laf iyo Dhagax la isku waa’” oo macnaha ku qarsooni
uu yahay: “inaysan wax dhamaystirani aanay jirin”, waxaan kaloo aad u
jeclaystay gogoldhiga buugga oo uu qoruhu si weyn ugu lafa guray maahmaahyada
iyo qaabka buugga, wuxuu xiskaygu u qushuucay marka uu qoruhu is bar bar dhigayo
maahmaahyda soomaalida iyo kuwa Ruushka sida:
Shan beri
shiikh laguma noqdo (Soomaalida)
Mar qudha geed
laguma gooyo (Ruushka)
Waxaad arkaysaa
in waxa la adeegsanayaa kala duwan yahay laakiin uu macnuhu isku mid yahay,
dadka labada maahmaahood kala lihina ay dhaqan ahaan iyo deegaan ahaanba aad u
kala fog yihiin, taasina waa mid caddayn u ah xidhiidhka dhabta ah ee dareenka
bani’aadamka ka dhexeeya…waxaan jeclaan lahaa inuu walaalkay Kapchats is bar
bar dhig faro badan ku sameeyo xidhiidhka ka dhexeeya maahmaahyada ay ummadaha
kala duwani kala adeegsadaan sida uu gogol dhigaba tusaalayashan loo bogey ugu
soo qaatay.
Buuggan
murtidii hiddeheena xambaarsani wuxuu ku qoran yahay af soomaali badhax tiran oo
aan wax laaxin ah lagu ogayn sababtoo ah waxaa qoray af soomaaliyahan luuqdeena
hooyo fahankeeda iyo adeegsigeeda ku talax tegey, in kastoo aan codkiisa aqaanay
waxaannu si rasmi ah isagu baranay Magasiinka Gacal oo runtii ahaa gogol ay wax
garadku isku arkaan…kaddib waxaanu ilaa iyo hadda leenahay xiriir joogta ah…taas
oo aan si weyn ugu faraxsanahay.
Dr. Kapchats
waa nin dadka soomaalida aad u jecel oo la walaaloobey waxaanan marnaba iloobi
Karin ereyo xusuus mudan oo uu iigu soo qoray xaashidii ugu horaysey ee aan ka
helo waxaana ka mid ahaa ereyadan: “sidaan
ogahay Kenya waxaa jooga soomaali badan, ma isku duuban tihiin?, mise waad kala
daadsan tihiin?, kal hore waxaan booqday arlada Denmark la yidhaahdo, waxaan la
yaabay sida ay u badan yihiin ururada u kala gaarka ah soomaalida aan saas u
tirada badnayn ee Denmark ku nool, yaan la ilaawin murtida leh: Shan nin oo
marti qayb leh, shanshaa ka go’da, Shan nin oo aan marti qayb lahayna SHAN
shanshaa ka go’da”.
Taas waxaan
marag uga dhigayaa sida uu Kapchats soomaalida u jecel yahay xaaladahoodana uga
war hayo, una waaninayo.
Qaamuuskani waa
hoobaan uu Kapchats ka soo gurbiyey kaymaha midhaha murtida hodanka ku ah ee
carradeena hadheeyey, waa tixraac sal adag oo loo daliishan karo dhilidda iyo
turxaan bixinta xaajooyinka adkaada ee in la furdaamiyo u baahan, waa dhaxal uu
jiilba jiil u sii gudbin doono oo faro ciddi leh kaga fakaday inay qoraal la’aan
la dhumaan, waa koosaar aan marnaba laga dhergi Karin oo u diyaarsan in si
sahlan loo adeegsado, waa wax qabad ka turjumaya inay soomaalidu leedahay murti
uu qof kastaa isticmaali karo, shisheeyahana loogu faani karo, waa fal qiimo iyo
qaayo aan la soo qaydi Karin ku qotoma isla markaana qoraaga qorshaha qaamuuskan
dahabka ah soo qaabeeyey si qalbi-san qadarin aan la qiyaasi Karin loogu quudhi
karo…Kapchats waa walaalkeen, walaalna waa garab.
Ibraahim
Maxamedeeq
Nairobi
imdeeq@hotmail.com
September 12, 2002
QORAALKII
HORE EE Ibrahim Maxamedeeq
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|