Shir Deg-Deg ah oo ey
yeesheen Odayaasha, Aqoon yahanada, iyo dhalinyarada Bahweynta Mudulood ee ku
sugan Waddanka Ingiriiska U.K. maanta oo taariikhdu tahay 05/09/02
Shir deg-deg ah oo ey isugu yimaadeen
odayaasha, aqoonyahanada iyo dhallinyarada bahweynta Beesha Mudulood ayaa
walaac ka muujiyey dagaaladdii soo cusboonaaday ee maalmihii la soo dhaafay
dhex maray dhalinyarada beesha ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxaa leysla gartay in marka hore loo diro
baaq xabbad joojin ah iyo in laga waantoobo dagaalada sokeeye ee soo noqnoqday
taasoo murugo fara badan ku kordhisay dhamaan wallaalaha beesha Mudulood meel
walba oo ey adduunka ka joogaan. Waxaana leysla gartay in xabbadda iyo gacan ka
hadalka labadaba ey dhaliyaan dhiig wallaal oo sii daata waxeyna ka codsadeen
in si shuruud la'aan ah la joojiyo dagaalka iyo iney isku raaceen iney
waafaqsan yihiin dadaalka odayaasha, culumaa'udiinka, siyaasiyiinta iyo
dhalinyaradaba ey ka waddaan waddanka gudihiisa waxaana laga codsaday in loo
hoggaansamo loona dhaga nuglaadotalada ey soo jeediyaan culumaa'udiinka,
odayaasha dhaqanka, duubabka iyo dhammaan shaqsiyaadka ku howlan siddii loo
heli lahaa xal waara.
Odayaasha waxey soo jeediyeen inaan marnaba
laga tegin caadada iyo dhaqan aan lahaan jirnay laguna talo galo iney jiraan
shaqsiyaad aan jecleyn in beesha horumar iyo nabad ku wada noolaato.
Waxaa leysla gartay in baaqyaddii odayaasha
kale soo jeediyaan in la ayido sida kii ka soo baxay Waqooyiga America iyo
Jarmalka iyo kii waddanka gudihiisabal
Dagaal wallaal laguma gaaro horumar iyo guul
midnaba, wuxuuse reebaa ceeb iyo ka shalayto ayey ku soo gabagabeeyeen
odayaasha shirkoodii ee ka dhacay Magaalada London-U.K.
Mahadsanidiin.
Laxiriir: Abdirahman Omar
Osman yarisow70@hotmail.com
FAAFIN: SOMALITALK.COM | sept 6 2002
MUQDISHO
& MAANTA - Jimce 6.9.2002
Dadweyne Aad U
Tiro Badan Oo Maanta Socod Ku Maray Goobihii Dagaaladu ka dhaceen iyo Darawal
waday gaari booyad ah oo lagu dilay Isgoyka Tawfiiq..
GUJI..
Wiilashii
Diley Kaiser oo Maxkamad lataagey
Maxkamad kutaal
dalka Ingiriiska ayaa la horkeenay wiilasha diley Kaiser Osman oo qaxooti
halkaas ku ahaa
GUJI..
5/9
Hamid
Karzai oo ka Badbaadey isku Day Dil
Madaxweynaha Afghanistan
ayaa maanta ka badbaadey isku day dil isagoo joogey Kandahar
GUJI..
5/9
Warbixintii
Dr. Ghanim ee
Soomaaliya
Warsaxaafadeed
kasoo baxay UNka Soomaaliya ayaa sheegay in Dr. Ghanim uu kulan la yeeshay
Cabdullaahi Yuuf iyo Daahir Riyaale taas oo...
GUJI..
5/9
Yvonne
Ridley oo Islaamtay
Suxufiyadii u
dhalatay Ingiriiska ee Talibaan xireen 2001kii ayaa ku tala jirta inay shaaca
ka qaaddo islaamidda ay soo islaamtay GUJI..
5/9
Warbixin:
Dagaalkii is-Goyska Fagax
Dagaalkan oo
kadhacay isgoyska fagax ee Muqdisho, Cusman Caato oo ka hadlay dembiilayaasha
dagaalka iyo wadahadallo u socda garab RRA ah iyo is-bahaysiga dooxada Jubba
GUJI..
4/9
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!
|