160 MACALIMIIN SOOMAALIYEED AH OO LOO
CUBOONEEYSIIYAY HESHIIS KII SHAQADA DOWLADA YEMEN
kuraastii wax Barasho eey dowlada Yemen ugu deeqi jirtay arday
soomaaliyeed ee
kasoo Baxa iskuuladeeda oo
la kordhiyey: halkii ey ka ahaayeen 10 kursi hada
laga dhigay
20 kursi.
W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji
|
Sanca Yemen
I I D H E H
|
|
Wadanka yemen oo ah wadanka ey ku nool yihiin
soomaalida ugu badan Wadamada carabta ayaa waxaa ka shaqeysto dad badan oo
soomaali ah Kuwaasoo intooda badani ey macalimiin ka ahaayeen dugsiyada
wadankaan Gaar ahaan kuwa dowlada, waxaase sanadihii danbe soo food saaray arimo
Adag oo ey ugu weyneyd ayadoo shaqadii laga fariisiyay in badan oo kamid Ah
macalimiintii shaqeyneysay, hase ahaatee sanadakan oo la filaayay in Dowlada
Yemen ey dhinto 25% macalimiinta ajaanibta ah ee u shaqeyo Ayaan cidna laga
rukhseyn ama aan shaqada laga fariisin macalimiintii Soomaaliyeed ee sanadkii
hore shaqeyneyay oo tiradoodu dhameyd 160 Macalin.
Arintaan ayaa ku timid kadib markii safiirka
soomaaliyeed ee sanca Mudane: C/salaan Macalin Aadan uu ka codsaday
dowlada yemen in aan Macalimiinta soomaaliyeed cidna shaqada laga fariisin ee
lawada qaato, taasoo Ey ka aqbaleen masuuliyiinta Yemen, isla markaana waxaa hadda
uu safiirku Dadaal ugu jiraa in la shaqaaleeysiiyo macalimiin gaareyso 40
macalin oo aan Sanadkii hore shaqeyn.
Sidoo kala waxaa uu safiirku ku guuleeystay in
la kordhiyo kuraastii wax Barasho eey dowlada Yemen ugu deeqi jirtay arday
soomaaliyeed ee
kasoo Baxa iskuuladeeda oo halkii ey ka ahaayeen 10 kursi hada
laga dhigay
20 kursi,
taasoo eey ka faa iideeysteen arday
badan oo soomaaliyeed oo ka Qalin jabiyay iskuulada wadankaan yemen.
W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji
Sanca Yemen
abuukarsom@hotmail.com
Caruurta
Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
DHAWAAQA UBADKA SOOMAALIYEED |
»Maxamuud Wardheere oo
waraystay carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo
sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno
USA...
»Xukuumadda Bush oo bedeshay
istiraajiyada...
AKHRI
WARARKA WARDHEERE & TODOBAADKAN
OGEYSIIS
MINNESOTA: MSSU
ELECTION CONFERENCE [Sabti]
FAAFIN:
Sept 24, 2002 | SOMALITALK
Waftigii
Xasan Abshir oo Kadhoofay Yemen
Wafdiga Raisul wasaraha
DKG
ayaa saaka u sii kici timay xagaa iyo wadanka imaaraadka carabta GUJI.
12/9
»
DKMG oo
awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
»
Ragga toodii
aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida
Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane [Gutale]
» QAAMUUSKA
MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
»
SOOMAALIYA -
QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD[Canab]
»
Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha
(3) [wq.SaciidCali]
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|