Dalka.. Dadka..Diinta... Dowladda & Dimoqoraadiyada sideen isugu soo
dabaalnaa ?
C/raxman Ceynte | Minneapolis, MN
| 22/9/2002
Mawduucan ma ahan mid lagu soo koobi karo hal maqaal, buugaag taaxne ah ayaa
aqoonyahanno waaweyni ka qoreen arrintan, wexeeyse igula muuqtay inaan bal dhowr
sadar ku dheeho wacyiga bulshadu u baahan tahay ee ku aadan shantaas qodob ee
muhiimka ah.
Guud ahaan shantan qodob waa udub-dhexaadka dhamaan dowladaha ka jira
caalamka, walow eeyan dowladuhu wada heysan ama kuwada dhaqmin qodobadan, ayaa
haddana waxaa dowlad walbaayi ka qaadatay inta ka anfacda. tusaale ahaan
mareykanka oo ah dowladda ugu dhaqaalaha/Milatariga adag dunida ayaa
xambaarsatay dhamaan qodobadan, marka laga reebo diinta. caalamka islaamka
intiisa badanna dimoqoraadiyad & diinba dhinac ayeey iska marsiiyeen,
haddaba niqaashkeygu waa sideen isugu keenaa dhamaan qodobadan, anagoo "
xeerana xaganeyna, ilakana badbaadineyna " ?
Dalka:
Dal marka la qeexayo waa : dhul xuduud madax banaan leh, la aqoonsan yahay,
kana kooban dad & dastuur.
haddaba somalia dal ma la oran karaa? haa ayeey jawaabteeda fududi tahay, waa
marka laga soo eegayo dhanka caalamka. ha yeeshee cajaa'ib waxaa ah inaan
somalia dal lagu magacaabi karin, marka laga soo eego dhanka Somalida ruuxeeda !
hadii aad dib u yara milicsatid qeexida Dal ayaad jawaabteeda ka soo heli kartaa
oo ah:
1- waa marka horee ismaba aqoonsanin annaga ruuxeena. waxba hala yaabin waa
dhabe.
2- marka labaad Dastuur ma jiro, oo dabcan dadka haga. inta badan
soomaaliyana waxaa loo kala baxay laba qeybood: koox awoodooda kula nool meesha
eey joogaan oo " duud libaax ku dangiiga" iyo koox loogu magac daray
" beelaha somalia dabeecadooda ku jooga" oo loola jeedo dadka laga
tirada badan yahay.
Dadka:
dadku waa kuwo ku dhex nool seendooyinka doowladaha. somali ahaan dad waa
jiraan,
laakiin dabcan wax walba oo kale ku dhawaad weey la'a yihiin dadku.
boobariino- dadkiina xabbad ayaa lala daba joogaa. marka meesha waxaa ka soo
baxday su'aashii aheyd : war Hitlarow hadii aad dadka oo dhan baabi'iso yaad
madax u noqon doontaa, waa adigan madaxtinimida jecele ??
Diinta :
Diinta ayaa ah mid soomaalida somalia ku nool eey caadi ahaan ku dhagan
yihiin marka magaceeda la sheego. ha yeeshee diintu ma ahan mid lagu sheekeystee
waa dastuur buuxa oo in ummadu lagu maareeyo loo soo dajiyey. waa su'aale
iyadiina ma heynaa ?? jawaabta fudud waa : Maya- Xaashaa-lilaah- halkaas marka
eey arrintu mareyso ayaan soo xusuustaa hadalkii Amiirkii muslimiinta,
islamarkaana ahaa soddogii suubaneheena SCW ee ahaa. Cumar Bin-khaddab. "
waxaan nahay qowm-ummado- sharaf ku leh diinteena. hadii aan sharafta ka
raadsanno meelo aan islaamka aheyn.. Alle waxaa ku ballan ah inuu na duleeyo
" sow taa waa na heysataa lama dhihi karo ? laakiin dulligan waxaa nala
qaba caalamka islaamka oo dhan, oo aan kala reeb laheyn - aniga aragtideyda - .
Dowladda:
Dabcan dowladi waa : nidaam kala danbeyn leh, isla markaana ka taliya
seendooyin dhul ah oo eey dowladaas ka seed-caleeyso. dad-na leh.
anigu shaqsiyan qeexidaasu meel eey ka jirto soomaliya oo dhan waxaan ka
hayaa : Somali-land. oo runtii ku dayasho mudan, iskaba illoow dacaayadeena -
hadii aan somalida koonfureed nahay - ee ah Somali-land weey naga goosatay.
hadii aan nalaka goosan maxaa nalaku soo raacaa horta oo meesha yaal? Aniguba
hadii aan guurtida soomali-land ku jiri lahaa, koonfur oo sidan ah kuma
riyoodeen in geeleenu isla daaqo.
Dimoqoraadiyadda:
waa halka eey sheekadu ugu kulushahay. dimoqoraadiyadba hadii la maqlo waxaad
moodaa in la yiri waa gaalnimo oo kale, maxaa yeelay maqaal aan ka qoray
billowgii sanadkan ayaan ku ogaaday markii boqolaal soomali ahi igu tuhmeen
" inaan gaalo raac ahay " ama " ley dhalan rogay" iyo ereyo
aanba munaasab aheyn. waxaan aaminsanahay in faham xumo jirto oo kaliya.
Si kastaba ha ahaatee bal markala ila eeg qeexida dimuqoraadiyada : waa
barnaamij hoorseeda in dadku si xor ah u soo doortaan hogaankooda, isla markaana
aad u dhima awooda madaxda, oo awood baahsan siiya dadka & kuwa matalaba.
hal weer laguma soo koobi karo, ha yeeshee waxaan isku dayey inaan soo
yareeyo boqolaalka macno oo eey khubarada siyaasadu ku fasiraan dimuqoraadiyada.
haddaba ugu horeynba dimoquraadiyadi wexeey timaadaa marka dowladu meesha
jirto. marka annaga hadii aan dhahno aan Dimuqoraadiyad raadinno wexeey la mid
tahay " waan socon weeynee aan orodno" oo kale.
Laakiin dimoqoraadiyadda iyo diinteena ma la isu keeni karaa ? Aniga aan ugu
hormaree, waxaan ku jawaabi lahaa: hadii dimoqoraadiyadda aan macneheeda ama
qeexideeda aan soo sheegay laga marin habaabin, weey la jaanqaadi kartaa diinta.
maxaa yeelay maba ahan sharci iyo dastuur toona, waa barnaamij siyaasadeed oo
lagu kala miisaamo qodobbo kooban sida : doorashooyin xor ah, sinaansho
siyaasadeed. taas oo guud ahaan diinteenu dhowr mar ka hadashay oo tiri :
arrimihiina ka tashada & aayado badan oo dhamaantood macnohoodu dheehayo in
muslimiintu ka tashadaan amuuraha dhex yaal.
Laakiin arrinta ka dhawaajinta mudani wexeey tahay inaanan anigu ugu horeyn
qof ka hadla mowduucan, culimo lagu sheego ineey yihiin kuwa ugu haboon ineey
arrimahan lafa-guraan ayaa kal hore doodo kulul ka sameeyey arrintan, waxeeyna
ku soo koobeen in inta macnaha dimoqoraadiyaddu ku kooban yahay qeexidiisii
asalka aheyd eeysan marnaba ka soo horjeedsaneyn diinta. balse waqtul-xaadirkan
macneheeda la buux dhaafiyey oo lagu soo daray arrimo Dastuurku hagi lahaa, oo
eey ka mid yihiin: xeerka qoyska & xorriyatul-qowlka.
waa biyo kama dhibcaan- aniga aragtideyda- in diinta islaamku asal ahaan
sharci u noqoto xeer kasta oo wadanka loo dajiyo.
Wararka
Af-Ingiriisiga ee Soomaalida
|
|
Qoraaga caanka ah ee Thomas L Freidman oo shalay ka hadlayey xarunta eey
yuhuudu ku leeyihiin magaalada St.Louis Park ee Gobolkan Minnesota ayaa yiri
" caalamka islaamka dhibaatada heysataa waxeey salka kula jirtaa ka
xarrimidda shucuubtaas laga xarrimay xorriyadda siyaasadeed, taas ayaana keentay
ineey 19 nin oo carab/muslin ah, qoysas hodan ahna ka dhashay eey diyaarado nagu
soo weeraraan Septemper-tii ina dhaaftay" wuxuuna raaciyey " dadkani
ma gaajeysna, namana necba guud ahaan, laakiin wexeey qaati bilaahi ka taagan
yihiin dowladaha kaligood taliyayaasha ah ee ka jira wadamadooda, ee aan annagu
siyaasad/millatari ahaanba taageerno, ee misana xuquuqdii dhalinyaradan ee
siyaasadeed/diineed ka soomiyey !" .
Mr Freidman wuxuu aad ugu celceliyey in la baaro qorshe siyaasadeed oo
caalamka islaamka dimoqoraadiyad looga aslaaxiyo " haba soo doorteen kuwa
mayalka adage" ayuu yiri. waa sidii ka dhacday Algeria 1992 & Turkiga
1997.
Isku soo duuboo " awood wada qeybsi cadaalad ah" waa barnaamijka
ugu wanaagsan ee lagu maamulo qaran dhigihiisa & udbihiisa wata, magaca aad
doonto ula baxe: Dimoqoraadiyad dheh ama Shuura dheh.
waa iga su'aale dalkii, dadkii, diintii, dowladii & dimoqoraadiyadi ma
isku dabbaali karnaa ..........?
Wabilaahi-Towfiiq.
C/raxman Ceynte
Minneapolis, MN
ceynteyare@hotmail.com
AFEEF: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kan atarjumi maayo aragtida SomaliTalk
Sept
22, 2002 | SOMALITALK
WARARKII
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|