SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

» CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND
» God walaal ha qodin haddaad qodidna.....
[M.Koronto]
» “Kulli Fitnah Cinda Kursi”  [cabdulwaaxid Khaliif]
» kaligiis muslim waa jaajuus laga yaqaano Nairobi [Jaamac]
» SHIRKA SOOMAALIDA KENYA MA DHABAA MISE.. [pilot]
» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane [Gutale]
» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
» QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD [Canab]
» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali]


QAB-QALAYASHA DAGAALKA EE CAADAYSTAY KU FARAXALSHADA DHIIGGA SOMALIYEED, MAXAY TAHAY CIQAABTA LAGU ABAAL MARINKARAA??.

wq. Abdirashid Yusuf | USA

I  I  D  H  E  H

Su'aashaas jawaabteeda, waxa ay u taal ummada somaliyeed sida ay ka yeelayaan qab-qablayaasha dagaalka ee baday darxumada iyo dullinimada ay ku sugan yihiin maanta, ilaa uu noqday magacii Somaliya mid laga faano isla mar ahantaana tusaale loogu soo qaato inta xun , dadkoodana lagu matelo dugaag is cunaya oo aan is tahilin in ay nooladaan ama la taageero, balse anigu waxaan isku dayayaa in aan ka soo qaato in yar oo kamid ah dhibta ay geeysteen markaasna aan is weydiino ma inaka mudan yihiin in aynu ku ciqaabno falalkaas mise waxaynu abaal uga dhignaa in ay inna hogaamiyaan?

maxaa ka dhacay somaliaya rajimkii Siyad barre kaddib?

Qaranjabkii somalia ee bilawday horraantii 1991kii, waxaa ummadda somaliyeed soo fodsaaray dhibatooyin aad u daran oo lagu micneeyo musiibooyinka aadanahu geeysto ee dhacay qarnigan kuwii ugu xumaa ee dal iyo dad soo mara, iyada oo ay dalkii iyo dadkiiba markeliya wada degeen oo maanta aanay jirin meel ka fayoow oo la oran karo berri ayaa lagu baxsandoonaa.

Dadkii soomaliyeed kumanaal iyo kumanaal ayaa ciidda lagu rogay oo loo laayey qabiil iyo xukun jacayl, maalaayiin dad ah ayaa ku darxumaysan xeryaha qaxootiga ee dalalka deriska la ah somaliya intaas in kabadan ayaa ku silicsan gudaha dalka oo lagu tilamaamaa noloshoodu in ay tahay tan ugu liida caalamka, kumanaal kale ayaa iyaga oo naftooda la baxsanaya badahu laqeen oo maanta qaraabadoodii baafinayaan, taas waxa ka sii daran, dhaqan haboowga iyo diin la'aanta ku dhacday dhallaankii somaliyeed ee ku dhashay ama ku garaadsaday waddammada reer galbeedka oo lagu tilmaami karo maanta in ay noqdeen intooda badani dhaqan bax.

Hooyadii somaliyed ee mudnayd xurmada ahaydna unnugga qoyska iyo udub dhexaadka nolosha , waxay sidataa gorof cayreed waxayna ku darxumaysan tahay xeryaha dalalka Yamen, Ethiopia, Kenya, Ugandha, Sudan, Libiya iyaga oo macaluul darteedna arag doorsoomay, iskaba daa kuwa gudaha oo weheshada dilka, kufsiga, dhaca iyo naxdinta joogtada ah, tusaale ahaan waxaa jirtey sawir kusoo baxay Internetka oo ahaa gabadh ugub ah inta la kufsaday haddana la dilay.


EEG SAWIRKA OO WEYN
Waa gabar siddeed bilood jir ah oo Aabeheed, hooyadeed iyo walaaleheed ay ku dhawaacantay dagaalkii 
Carruurta soomilyeed waa kuwa ugu nasiibka daran maanta waayo ma haystaan mustaqbal iyo nolol la oran karo berri waxa ay noqon karaan kuwa buuxiya kaalimaha bannaan, waayo waxay seegeen wax barashadii oo maanta dariiqyada iyo gidaarada ayeey tuban yihin mustaqbal la'aan, taas oo lagu macnayn karo jiil dhan ama fac (generation) meesha ka baxay, mana helaan caafimaad, iyada oo la gu tilmaamo carrurta soamliyeed in 5tii caruuraba ay 2ka hanaqaado, waana sadaal naxdin le, bal eeg sawirka hoose waa gabar yar oo ka bad-baadday madfiacii xasuuqay dhammaan qoyskeedii, kaddib markii uu ku dhacay gurigoodii.

Dalkii somalia maanta magac ahaan ayuu u jira, balse waa hungo maran, oo haba yaraatee ma jirto meel u fayoow, waxaa khayraadkisii Dabiiciga ahaa ku soo qamaamay maafiyada caalamaka oo markii ay xaalufiyeen bad iyo berriba ugu abaalguday in ay sun ku aasan, webiyadii lama beerto oo maanta waa goofaf maran oo aan biyo lahayn, qodatadiina waxaa laayey xabad iyo gaajo, dooxooyinkii iyo dhulkii kaymaha ahaa waa lama degaan oo waxaa gubay oo dab qabadsiyeey kooxo nacab ah oo isu bahaystay bur-burinta dalka iyo dadka.

Yaa ka mas'uul ah dhibaatooyinka dhacday?.

Wax yeelooyinka iyo hagardaamooyinka aynu kor ku soo tilaamanay iyo in kale oo badan oo aynaan halka ku soo sheegin waxaa mas'uul ka ah qab-qablayaasha dagaalka somaliya oo isugu yeera hoggamiye kooxedyada, kuwaas oo ay waajibku yahay in aan lagu ciqaabo dembiyadaas ay ka galen dalka iyo dadka somaliyeed, iyada oo ay maanta nasiib wanaag tahay in laba jirka Soamliyeed uu yaqaan shaksiyaadka uu godobtiisa ku tirsanayo, kuwaas oo inta ugu dembiyada culusi magacyadoodu ay yihiin:-

1-Col.Abdulahi Yusuf Axmed, 2-Col. Axmed Omar Jees, 3- Gen. Aaden Abdullahi gabyow, 4-Gen. Mohamed Siciid Morgan, 5- Mohamed Abdi Hashi, 6- Gen. Mohamed Hashi Gaani, 7-Col. Omar Xashi Aden, 8-Col. Hassan Mohamed Nuur Shaatiguduud, 9-Ali Mahdi Mohamed, 10- Osman Ali Aato, 11- Muuse Suudi Yalahow, 13- Mohamed Qanyare Afrax,14- Mohamed Omar Habeeb ( M.Dheere), 15- Hussien Mohamed Farah(Aydiid) 16- Sheikh Aaden Nuur (Madoobe), 17- Mohamed Ibrahim Haabsade, 18- Mawlid Macaane, 19-Omar Finish, 20-Col. Xasan Abdi qalaad 21-Col. Abdi warsame Isaaq, 22- Gen. Omar Xaji Masale 23 Col. Barre Hiiraale 24-Yusuf Xaji Sicid 25-Col.Abdirizaq Isak Bixi sidoo kale waxaa jira Ganacsato ka dembi badan ama lamida kuwaas oo ka qay qatay bur-burka iyo dhibatada dalka iyo dadka somaliya haysata.

Ma'Ogtahay in Wararka Kuqoran Luqadda Ingiriiska ee khuseeya Soomaalida ay maalin kasta kusoo dhacaan linkiyada kuqoran meesha ugu saraysa bartamaha bogga hore ee SomaliTalk.com.  

Maxay ka mudan yihiin Ummadda Somaliyed in ay ku abaal marinso qab-qablayaashaas loo tirinayo dambiyadani?

Xeel dheerayaal somaliyeed ayaa ku tilmaama raggaan in ay og yihiin dembiyada ay ka galeen dalka iyo dadka somaliyed, sidaas darteedna ay ka shaqeeyaan markasta sidii fawdada iyo dhibaatada loogu jiri laha, taas oo u ah nolol iyo cimri dheeri, waayo sharciga iyo kaladamabyntu waxay ku noqonaysaa haggaamiyayaasha dagaalka somaliaya sil sila xirta, dhibaatada ay geysteenna ka sokoow waxa ay caqabad ku yihiin waqtigan xasilooni iyo nabad ka dhacda somaliaya, iyaga oo fashiliya isku day kasta oo la doonayo in dalka nidaam logu sameeyo.

Waxaana la gudboon ummadda Soamliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan kooxahaan cadawga ku ah jiritaanka dalka iyo dadka somaliya, iyaga oo ka codsanaya beesha caalamka sidii ay gacan uga sin lahaayeen, qabashada iyo curyaaminta qab-qablayaasha dhaqanka ka dhigtay wax yeelaynta dalkooda iyo dadkooda lana horkeeno caddaalda iyo sharciga si loogu abaal mariyo dhibatada ay ka geeysten Somalia.

Abdirashid Yusuf

USA

abdirashid001@hotmail.com 

 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Sept 21, 2002 | SOMALITALK 


» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane
[Gutale]
» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
» SOOMAALIYA - QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD[Canab]
» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali]

WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD